mandag, mars 17, 2025
Home Blog Page 39

Soomaalida Skien oo kulan xus ah u sameysay Maxamed I.W Hadraawi.

0

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Skien ayaa maalintii shaley aheyd qabatay kulan balaaran oo xus loogu sameynayo Abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, kaas oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa sida ay xuseen qaban-qaabiyeyaasha, waxa uu ujeedka loo abaabulay ahaa in la xuso taariikhda suugaaneed, dhaqameed ama cilmiyeed ee uu ka tagay Abwaan Hadraawi. Sidoo kale in bulshada Soomaaliyeed ay is xusuusiso qiimaha iyo muhiimadda uu afka Soomaaligu iyo suugaantiisuba u leeyahay jiritaanka bulshada iyo xiriirkooda umadeed, keydinta aqoonteeda xadaaradeed iyo mida dhaqan-cilmiyeedba.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Skien, waxaa lagu soo bandhigay taariikhda, suugaanta iyo sheekooyinka Abwaan Hadraawi, sidoo kalena buugaagtii laga qoray. Waxaana laga xusay inay jiraan suugaan, qoraalo iyo taariikho uu abwaanku leeyahay, kuwaas oo loo turjumay luuqada ay kamid yihiin af Norwiijigu.

Xuska Hadraawi oo ah kan ugu horeeyay ee soomaalida Norway ay u sameyso abwaanka ayaa waxaa hogaaminayay Abwaan/Fanaan/Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, Waxaana ka hadlay Macalin Cusman Aden, Gudoomiyaha Golaha ajaaniibta Telemerk, Saxardiid M. Salad iyo Cabdinasir Xassan oo ah gudoomiyaha xarunta BBT. Sidoo kale waxaa iyagana hadalo muhiim ah ka jeediyay indheer garadka jaaliyada soomaaliyeed ee Skien, ayna kamid ahaayen Macalin Handulle, Maxamad Qorshe oo ah Gudoomiyaha Masaajika Al- Ansar, Cabdullahi Skien ( Feeryahan soomaaliyeed) iyo marti sharaf kale oo badan.

Qeybo kamid ah sawiradii laga qaaday kulanka xuska ah.

Mid kamid ah tujaarta ugu weyn Norway oo dalka ka guuray: Sababtan awgeed.

0

Kjell Inge Røkke waa mid kamid ah dadka ugu hantida iyo lacagta badan dalkan Norway, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa 45 bilyan oo lacagta Norway ah. Waxa uu leeyahay shirkado waaweyn oo ganacsiyo ku leh suuqyada soo saarista, dhoofinta iyo sifeynta shidaalka, kaluunka iyo waliba dhismayaasha. Sidoo kalena waxaa mulkiilaha kooxda Molde ee ka dhisan magaalada Molde ee dalkan Norway.

Saaka subixii ayaa lagu waabariistay warqad uu Kjell u qoray saamileyda shirkadihiisa, taas oo uu ku wargalinayay inuu go´aansaday inuu ka guuro Norway oo hantidiisa inta ugu badan ku sameeyay, una guuro dalka Switzerland.

63 sano jirkan hantiilaha ah ayaa waraaqda uu ku shaaciyay ka guuritaankiisa Norway, ku sheegay in ganacsiyadiisu ay sidii caadiga aheyd uga shaqeyn doonaa dalka Norway, balse isagu shaqsi ahaan uu go´aansaday inuu u guuro magaalada  Lugano ee dalkan Switzerland. Go´aanka guuritaanka ayuu ku tilmaamay mid aad u adkaa, balse xaqiiqada uu kaga marmaami waayay.

Inkasta oo uusan Kjell Inge røkke si cad u sheegin sababta rasmiga ah ee u guuray, hadana wuxuu ku biirayaa liiska hantiilayaal Norwiiji ah, kuwaas oo horey uga guuray dalka Norway, una guuray dalalka Sweden iyo Switzerland, iyaga oo ka cararayo canshuurta dheeriga ah ee dowlada Norway ay ka qaado hantiileyda.

Norway ayaa kamid ah meelaha ay canshuurta ugu badan bixiyaan dadka hantiileyda ah, gaar ahaan kuwa heysta hanti keyd oo muuqato. Qiimeyn uu sameeyay wargeyska ka warama arrimaha dhaqaalaha ee Finansavisen ayaa lagu sheegay in Kjell Inge Røkke uu ka guuritaanka Norway ugu baaqaneyso lacag gaareyso 360 milyan oo canshuur ahaan uu u bixin lahaa.

Ka guuritaanka Kjell ee Norway ayaa abuurtay doodo xoogan, waxaana jiro dad badan oo dowlada ku eedeynayo in ganacsadayaasha waaweyn iyo Hantiileyda Norwiijiga ah lagu qasbayo inay dalka ka guuraan, iyaga oo ka cararayo canshuuraha dheeriga ah ee dowlada saarto. Halka dadka qaarkood ay ganacsadayaasha guuray ku eedeynayaan inay yihiin dad aan tixgalin Norway, rabana inaysan ka qeybqaadan canshuuraha dowlada ee Norway ka dhigay wadan loo simanyahay fursaddaha nolosha iyo adeegyada dowliga ah.

Xigasho/kilde: Kjell Inge Røkke gjør som Bjørn Dæhlie og flytter til Sveits. Flyttingen gjør at Røkke sparer rundt 360 millioner kroner i årlig formuesskatt..

Wararka ugu danbeeyay ee doorashada Sweden.

0

Waxaa wali socoto tirinta codadka doorashada dalka Sweden, taas oo natiijootinka ilaa hada la tiriyay ay muujinayaan in aad xisbiyadu isugu dhow yihiin.

Caawa fiidkii markii ay tirintu bilaabatay waxaa hogaanka si hor dhac ah u qabtay garabka xisbiyada bidixda ee siyaasadda dalka Sweden ee ay hogaamineyso reysulwasaaraha hada xilka haya ee Sweden. Waxaase hada muuqato in hogaanka ay la wareegeen xisbiyada midigta.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ilaa hada codadka la tiriyay ku jira kaalinta 1aad, waxana uu marayaa 30,3 halka SD oo ah xisbiga xagjirka midigta fog uu soo galay kaalinta labaad, uuna codad gaarayo 20,7 natiijadda codadka la tiriyay.

Xisbiga Moderatka ayaa ku jira kaalinta Saddexaad waxana uu marayaa 19,0, halka Xisbiyada V iyo Centerka ayaa ku kula jira 4.aad iyo tan shanaad.

Ilaa hada codadka la tiriyay waxaa labadda garab siyaasadeed ee siyaasadda dalka Sweden u dhaxeeyo hal xildhibaan, maadaama xisbiyadu midigta ay heleen 175 kursi oo katirsan xildhibaanadda Sweden, halka kuwo bidixdu ay heystaan 174 kursi.

Natiijaddan ayaa ah mid hordhac, waxaa wali dhiman codad tiro badan oo aan wali la tirin, kuwaas oo dhinac u ridi kara doorashadda. Ilaa hada waxaa la tiriyay 88% goobaha codbixinta laga dhiibta.

Dhinac kasta oo doorashadan ay u dhacdaba, waxaa xaqiiqo ah in xisbiga xagjirka ee SD uu yahay xisbiga guusha ugu weyn kasoo hoyin doono doorashadan.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Si ay Nav lacag uga hesho, ayay sheegataya inay sadex mataano ah uurkoda leedahay: Uur ma aysan laheyn.

0

Xeer ilaalinta magaalada Sandnes ee dalkan Norway ayaa kiis dacwadeed kusoo oogtay haweenay 31 sano jir ah, taas oo ku eedeysan ina NAV ka khiyaantay 249.420 kr, kadib markii ay sheegatay inay uurkooda leedahay sadex ilmood oo mataano ah ( Iyada oo aan markaas wax uur ah laheyn,s ida ay xeer ilaalintu sheegtay.

Haweeneydan ayaa bishii August ee sanadkii 2019 hey´adda NAV ka codsatay kaalmadda lacageed ee la siiyo haweenka uurka leh ee shinkoodu uu dhawaaday. Waxa ayna codsiga raacisay warqad cadeyneyso uurka ay leedahay, taas oo ka timid isbitaalka magaalada Stavanger, cadeyneysana in haweeneydan ay uurka ku wado sadex ilmood oo la sugayo inay dhashaan dhamaadka bisha November ee sanadkaas.

NAV oo rumeysatay macluumaadka ay haweeneydan soo gudbisay ayaa haweeneyday siisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 249.420 kr. Balse waxaa gadaal laga ogaaday in haweeneydan aysan war uur ah laheyn, warqadaha cadeynta uurka ee codsiga ay raacisayna, ay ahaayeen kuwo faaliso ah oo la been-guuriyay.

Mar kale ayay hadana bishii September soo gudbisay waraaqo kale oo faaliso ah kuwaas oo sheegayo in uurkii sadexda mataanaha ahaa ee ay waday uu ka dilmay, kadib markii ay sumowday( sun uurkeeda saameysay).

Mar kale iyo uur kale:

Intaas hore kuma aysan ekaan e, haweeneydan ayaa bilo kadib, hadana bishii April ee sanadkii 2020 soo gubdisay codsi kale oo ay u dirtay NAV. Kaas oo ay ku codsaneyso in la siiyo lacagta uurka, maadaama ay markan wado uurka labo ilmood oo mataano ah. Waxeyna codsiga soo raacisay waraaqda cadeynta uurka oo ka socoto isbitaalka Stavanger, iyo waraaqda caafimaadka oo ka timid mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada. Mar kale ayay xeer ilaalintu sheegtay inay faaliso gareysay waraaqda cadeynta uurka ee isbitaalka iyo waliba mida caafimaadka.

Balse NAV oo markan tuhun galay ayaa diiday inay aqbasho codsiga cusub ee haweeneydan ay ku dalbaneyso in la siiyo lacagta uurka.

Hadana waxaa dacwad kusoo oogay xafiiska xeer ilaalinta degmadda Sandnes, waxa ay mudan kartaa ciqaab xabsiyeed ama ganaax lacageed.

Xigasho/kilde: Hevdet at hun var gravid med trillinger – skal ha svindlet Nav for 249.420 kroner.

Gabar modell ah soomaali ah oo lagu heysto hadal ay ka tiri geerida boqoradii UK.

1

Waxaa dhintay gumeystihii dhabta ahaa, waxaan rajeyn inaad cadaabta ku gubuto, danbiga aad sameysay ama kuwii awoowayaashaa ay sameeyeen awgeed.

Waa qeyb kamid ah kommenti hadal-heyn badan dhaliyay oo ay Rawdah Mohamed oo ah gabar dhalinyaro modell soomaali ah ka tiri geerida boqoradii dalka Ingiriiska. Kaas oo dhaliyay hadalheyn tiro badan oo warbaahinta Norway iyo baraha bulshadda ah.

Rawdah Mohamed waa gabar modell soomaali ah oo caan ka ah dalkan Norway. Rawdah ayaa markii ay soo shaac-baxday geeridda boqoradda dalka UK, bogeeda instgram-ka kusoo qortay hadalo ay ku taagsaneyso, cadaab iyo naarna ay ugu rajeyneyso Elizabeth II oo aheyd boqoraddii 96 jirka aheyd ee 80-ka sano maamuleysay boqortooyadda Ingiriiska.

31-jirtan asal ahaan soomaalida ah, balse heysata dhalashada Norway oo horey tifaftire uga noqotay jariiradda xayeysiinta dharka ee Vogue ayaa boqorodda geeriyootay ku tilmaamntay gumeystihii dhabta ahaa, waxeyna ku eedeysay dhibaatooyinkii ay boqortooyadda ay madaxda u aheyd u geysatay shucuubta dalalka Afrikaanka ah iyo kuwa Latin America kuyaal ee horey uu Ingiriisku u gumeystay.

Gabadhan modellka soomaalida ah ayaa qof kasta oo madow ah oo ka tacsiyeeyo geerida Boqoradda Geeriyootay ku tilmaantay doqon.

Rawda ayaan intaas ku ekaan e, waxa ay u jawaabtay dadkii soo eedeeyay, iyada oo mar walba xusuusineysay waxa ay gumeystihii Ingiriisku ku sameeyeen shucuubta dalalkii ay gumeysteen. Waxeyna qof kasta oo aan xamili karin warkeeda ka codsatay inuu Followga kala noqdo instgaramka.

Hadaladda ay qortay oo aad looga hadalhayo baraha bulshadda ayaa waxaa kamid ah:

Adoonsiga wax fiican makuula muuqdaa?..Bal fikir inaad African tahay, kadibna ereyadaas dheh. Qumiyadii wey dhimatay, balse maskaxda ayaa wali lagaa gumeystaan…

Hadalka Rawda ayaa kusoo aadayo xili dalka Norway iyo dhamaan dalalka kale ee Yurub aad looga dareemayo geerida Elizabeth II..

Xigasho/kilde: Halkan ka fiiri: Qoraaladda Rawda ee Instgramka.

Denmark oo rabta in qoxootiga iska soo dhiibo lagu xareeyo xero kutaal Rwanda.

0

Dowladaha dalalka Denmark iyo Rwanda ayaa is afgarad ka gaaray heshiis ku saabsan in Rwanda ay marti galiso xero qoxooti oo ay Denmark rabto in lagu xareeyo qoxootiga iska soo dhiiba dalkeeda ee magangalyada weydiista.

Dhanka dowlada Denmark waxaa heshiiskan saxiixay wasiirka isdhexgalka ee Kaare Dybvad Bek iyo wasiirka deeqaha Flemming Møller Mortensen oo ku sugan dalka Rwanda. Waxaana heshiiska ay la galeen nuqul kamid ah heshay wakaaladda wararka dalka Denmark ee Ritzau.

Labadda wasiir ee Denmark is afgaradkan u saxiixay ayaa ka tirsan xisbiga Social-demokrati oo tan iyo sanadkii 2018 rabay in xero qoxooti ah laga furo Rwanda, si loogu xareeyo qoxootiga Denmark iska soo dhiiba. Ujeedka arrintan ayay ku sheegeen inay rabeen in lagu yareeyo tirada dadka qoxootiga ah ee Denmark magangalyada soo weydiisanayo.

Qorshaha ay hada isku dayeyso Denmark waxaa horey u sameeyay UK oo wali ku dhiban in la fuliyo qodobada heshiiskaas, maadaama ay maxkamadda Yurub ee xuquuqul insaanka ay joojisay tarxiilka dadkii koowaad ee UK ay rabtay inay u dirto Rwanda.

Xigasho/kilde: Fælles erklæring mellem Danmark og Rwanda skal sende asylbehandlingen til Afrika.

Norway oo lagu eedeeyay inay noqotay «Tujaarul-xarbi»: Waa ceeb!

0

Jariiradda caanka ee The Economist ee kawaranta arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa bogga koowaad ee cadadkeeda maanta kusoo qaadatay warbixin wadata sawirka reysulwasaaraha Norway oo madaxa gacanta ku hayo, cinwaana looga dhiigay: In Norway ay faa´iido xad dhaaf ah ka sameyso dagaalka ka socdo Yurub, waa ceeb».

Nuxurka warbixinta eeda xambaarsan ayaa ah in dowlada Norway oo kamid ah dowladaha ugu wax soo saarka badan dhanka shidaalka iyo saliida qeyriin ay balaayiin dollar oo faa´iido ah ka dhalisay sicirka shidaalka qaaliyoobay ee Yurub, kadib markii uu Ruushku weerarka ku qaaday Ukraine.

Norway ayaa sanadkan la filayaa inay iibka shidaalka iyo korontadda ay u dhoofiso dalalka kale ee Yurub, ay ka hesho faa¨iido gaareyso 200 bilyan oo dollar. Taas oo qiyaastii 150 bilyan ka badan( sadex jibaar ka badan) faa´iidada ay Norway ka heli jirtay iibka shidaalka sanadihii hore.

Dalalka Yurub waxaa sanadkan aad qaali u noqday qiimaha shidaalka iyo korontadda taas oo saameyn ba an ku yeelatay nolosha dadka iyo dhaqaalaha dalalka Yurub. Saas oo ay jirto ayay Norway la carciireysaa faa´iidada kasoo gasho shidaalka Yurub kale qaaliga ku noqday ee la dhoofiyo.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in dowlada Norway u baahantahay inay is ceebsato, ayna lacagta faa´iidada ah ee laga helay sabab la xiriirto dagaalka Yurub, ay la qeybsato dalalka kale ee Yurub ee dhibaateysan, gaar ahaan UK.

Xigasho/kilde: Norway is profiting embarrassingly from war in Europe.

Nin lagu maxkamadeynayo inuu xaaskiisii cudur halis ah qaadsiiyay.

0

Nin afartameeyo(40) jir ah ayaa lasoo taagi doonaa maxkamadda Haugaland og Sunnhordland, isaga oo ku eedeysan inuu xaaskiisa qaadsiiyay cudurka HIV-Aids, kadib markii uu been ka sheegay xaaladda caafimaadkiisa.

Ninkan ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2013 dhowr mar galmo «difaac la aan» ah la sameeyay xaaskiisii xiligaas, isaga oo aan ku wargalin in laga helay xanuunka hIV.

Dhowr bilood kadib, mar la joogo sanadkii 2014 ayuu ku wargaliyay inuu xanuunkaas qabo. Balse hadana mar kale ayuu xaaskiisii u sheegay in xanunkaas uu ka caafimaaday, aysana u baahneyn inay taxadar sameeyaan marka ay isku galmoonayaan.

Ninkan ayaa hada ku eedeysan inuu jabiyay qodobka 237a ee xeerka ciqaabta Norway, kaas oo ku saabsan is qaadsiinta xanuunadda la is qaadsiiyo, sida ula kacda ah. Waxaana eeda ninkan ka dhanka ah xeer ilaalintu ay sheegtay in falka uu geystay uu yahay mid daran, maadaama uu ogaa in xanuunka uu qabo uu yahay mid galmadda si fudud la isugu gudbiyo.

Ninkan ayaa hadii danbiga lagu helo, waxa uu muteysan karaa 6 sano oo ciqaab xabsiyeed ah. Waxaana dhageysiga dacwadda ka dhanka ah oo la furi doono bisha Desember ee sanadkan, ay socon doontaa mudo sadex(3) maalmood ah.

Xigasho/kilde: Mann tiltalt for å ha smittet kona med hiv. V

Boqoradii dhulweynaha Ingiriiska oo geeriyootay.

0

Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa maanta geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhowaaqsay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

Xigasho/kilde: CO

Qoyska wiil dilay wiil soomaali ah, xabsigana isku dilay oo magdhow codsaday

0

Qoyska wiil 20 jir ahaa oo sanadkii hore isku dhex dilay xabsiga, ayaa magdhow ka codsaday dowlada Norway. Wiilkan ayaa sanadkii 2016 magaalada Kristiansand ku dilay labo qof oo midkood uu ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah.

Maxkamadda ayaa sanadkii 2017 wiilkan oo xiligaas 16 sano jir ahaa ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, iyo in marka uu mudadda xabsiga dhameysto mar kale dib loo qiimeyn doono in bulshada lagu sii deyn karo iyo in kale ( Forvaring).

Mudadii 11-ka sano aheyd ee lagu xukumay waxa uu ka dhameystay 4 sano ah, kahor inta uusan sanadkii hore isku dhex dilin xabsiga, sida ay uu wariyay wargeyska VG.

Qoyska wiilkan isdilay ayaa hada raba inay maxkamad la fuulaan, ayna dalbadaan magdhow. Waxeyna sheegeen inay rabaan in cidi ay qaado masuuliyada inuu xabsiga isku dilay, ayna dareensanyihiin in meelo badan oo shaqadoodii gabeen, dayacna uu la kulmay,

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay inay xanuun badantahay xaaladda uu wiilkooda kula kulmay xabsiga, iyo qaabka ay noloshiisu kusoo gaba-gabowday. Arrintaas oo ay sheegeen inay tahay mid xanuun badan oo ay adagtahay in laga gudbo dareenkeeda.

Xigasho/kilde: Fami­lien til dobbelt­draps­dømt (20) saksøker staten.

Falalka amni darada mindida loo adeegsanayo oo Oslo kusoo batay.

0

Isbuucan waxaa magaalada Oslo lagu dhaawacay dhowr qof oo dhaawacooda loo adeegsaday mindi. Falkii ugu danbeeyay ayaa xalay fiidkii ka dhacay xaafada Grønland ee Oslo, kaas oo boolisku ay sheegeen in qof loogu geystay dhaawac xoogan oo halis ah.

Booliska ayaa sheegay in falka Grønland ka dhacay ay usoo qabteen qof, kaas oo lagu eedeeyay inuu geystay fal danbiyeed dhaawac ah, ayna xabsiga dhigeen qofkaas.

Falka Grønland ka dhacay ayaa ku biirayo liis falal amni daro ah oo maalmahan kusoo badanayo magaalada Oslo. Waxaa kasii horeeyay falal noocan oo kale ah oo isla isbuucan ka dhacay xaafaddaha Furuset iyo Tveita.

Isbuucii hore waxaa sidoo kale xaafada Torshov lagu xabadeeyay, laguna dhaawacay qof dhalinyaro ah.

Gudoomiyaha maamulka Oslo oo maanta hadlay ayaa sheegay in degmadu ay ka fakareyso soo rogista talaabooyin falalka amni darada ah looga hortagayo.

Xigasho/Kilde:AO

Dowlada oo raali-galin siisay waalidiin barnevern-ka lagu dacweeyay.

0

Waalidiin badan ayaa heysta caruurta aan ku fiicneyn iskuulka ama iskuulka ka maqnaada, waxaana arrintaas sabab u noqon karo waxyaabo kala duwan. Waxyaaba ka dhalan kara in ilmuhu ay iskuulka ka maqnaadaan, ayaa waxaa kamid ah in hey’ adda xanaanadda caruurta ee Barnevern-ka loo diro dacwad la xiriirto arrintaas.

Wargeyska Dagavisen ayaa baaritaan iyo dabagal ku sameeyay sababaha keena in waalidiin badan iskuuladda ay ka gudbiyaan dacwad loo diro barnevern-ka. Waxaana lagu ogaaday in iskuulo badan ay fariin wel-wel ah barnevern-ka u diraan, iyaga oo aan waalidiinta la hadliin kahor inta aysan dirin fariinta. Waxaana sidoo kale baaritaankan lagu ogaaday in fariintaas ay iskuuladda diraan, iyaga oo aan marka hore buuxin shuruudaha fariin dirista barnevern-ka ama aan hubin arrimaha jira.

Waalidiin badan oo warbaahinta in fariinta laga gudbiyay, iyada oo aan lala tashan ama la wargalin ay ku noqotay culeys.

Hooyo kamid ah waalidiinta dacwadda laga gudbiyay ayaa sheegtay in wiilkeedu uu iskuulka aad ugu dhibnaa, ayna dalbadeen in la caawiyo, balse aan dheg jalaq loo siin. Taas badalkeedna dacwad looga gudbiyay barnevern-ka, arrintaas oo ay hooyadan dhibanaha ah ku sheegtay in laga xishoodo oo sharaf dhac ah.

Kjersti Toppe oo wasiiradda qoyska iyo caruurta ayaa sheegtay in arrintan ay tahay mid murugo leh, laga xumaado, saameyna ku yeelatay iyada. Waxeyna raacisay in dowlada ay dhamaan waalidiinta dareemay arrintan siineyso raaligalin.

Sida lagu sheegay xog uruurin ay sameysay SSB, Mudadii u dhaxeysay 2013 ilaa 20220, waxey barnevern-ku laaleen( aysan ka shaqeyn) 20.000 kiisas xambaarsan fariin wel-wel ah oo iskuuladda uga yimid. Halka 5000 kiis ay laaleen, kadib markii ay waalidku soo codsadeen.

Wasiiradda dhalaan ayaa sheegtay in arrinta ay waalidiintan la kulmeen ay tahay mid qalad ah, ayna iyadu fahmeyso culeyska ay yeelan karto. Iyada oo raacisay in iskuuladda ay ku wargalisay in arrintan oo kale aysan dhicin.

Xigasho/kilde: Beklager til foreldre som er meldt til barnevernet uten grunn: – Det de har blitt utsatt for, har vært en stor feil.

70 sano kadib booliska UK oo raali-gelin ka bixiyay Soomaali xaq darro loo dal-dalay.

0

Qoyska Aabbe Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dil ayaa booliisku raalli-gelin ka bixiyay 70 sano kaddib markii lagu deldelay xabsi ku yaalla Britain.

Booliiska South Wales ayaa raaligelin ka bixiyay waxayna qirteen in dacwad oogista ay “khaldanayd”.

“Waa kiis waqtigiisu aad u dheeraa – cunsuriyad, iyo eexna ku jirtay waxa uuna uur ku taallo ku sii ahaan lahaa bulshada oo dhan, iyo xitaa nidaamka cadaaladda dembiyada,” ayuu yiri, Jeremy Vaughan oo ah madaxa booliska.

“Shaki kuma jiro in Mxamuud Mataan uu ahaa dhibane wajahay cadaalad darro ah ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa.”

Xaaskii Maxamuud Mataan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen oo la kala yirahdo Daud, Cumar iyo Mervyn, oo sidoo kale loo yaqaanay Eddie, ayaa 46 sano waxay u ololeynayeen in la caddeeyo in uusan dambi galin.

Hadda dhammaantood waa ay dhinteen laakin, mid ka mid ah lix carruur ah oo uu awoowe u yahay ayaa raalli gelinta booliska ku tilmaamay “mid aan daacad ahayn.”

“Aad bay u soo daahday sabatoo ah dadkii ay dilkiisa aadka u saameysay hadda nalama joogaan, weli ma maqalno erayada sida waan ka xunahay,” ayay tiri Tanya Mataan oo uu awoowe u yahay.

Sheekada Maxamuud Mataan:

Bishii September 1952, qofkii ugu dambeeyay ee lagu daldalay Cardif, Britain, ayaa meeshii lagu dilayay la saaray.

Maxamuud Mataan ayaa si khalad ah loogu helay dembi ahaa in uu dilay qof dukaan iibinayay oo lagu magacaabay Lily Volpert, oo ku sugnayd Tiger Bay ee Cardiff.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff.Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay”.

Nadifa Maxamed oo buug ka qortay sheekada ninkan waxay sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The Fortune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan.

Balse, Nadifa Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

“Dadka yaqaana waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa in uu difaaco xuquuqdiida iyo xaqa dadka ku hareereysan”, ayey tiri Nadiifo.

“Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bartilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca.”

Balse, sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff.

Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii.

Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta.Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska.

Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn.

Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat.

Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass.

Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira.

Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo.

Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”.

Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil, Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii.

Kumuu ahaa Maxamuud Mataan?

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab.

Sannadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen.

Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay.

Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen.

Isha: BBC

Dowlada oo rabta xoojinta xuquuqda dadka adeegsada lacagta kaashka ah.

0

Dalkan Norway waxaa sii yaraanayo tirada dadka sida maalinlaha u adeegsada lacagaha cadaanka ama kaashka ah. Waxaana dadku intiisa badan u badanayaan adeegsiga kaararka bankiyada ama aaladaha lacagta-mobilka ah, sida Vipss oo kale tusaale ahaan.

Saas oo ay taheyna waxaa wali jiro dad adeegsada lacagaha kaashka ah, gaar ahaan dadka waayeelka ama dadka aan ku fiicneyn adeegsiga internetka iyo adeegyada lacag isku dirista ee Mobilka.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway, ayaa lagu sheegay in dowlada ay rabto ilaalinta iyo adkeynta dadka wali adeegsadda lacagaha kaashka ah, dadkuna ay marka ay rabaan u awoodi karaan inay si kaash ah u bixiyaan lacagta adeegyada ay iibsadaan.

Hadalka dowlada ayaa kusoo aaday xili ay soo badanayaan dukaamadda iyo goobaha ganacsiga ee diida in kaash ah wax looga iibsado, iyaga oo shardi ka dhiga in qofku uu kaar ku bixiyo adeegada ama badeecadda uu iibsaday.

Wasiiradda cadaaladda Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay hindise-sharciyeed u dirtay baarlamaanka, si looga niqaasho sharciga maaliyadda Norway oo qodobadiisa qaarkood uu yahay kuwa aysan cadeyn.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in qof walba uu marka uu rabo adeeg ama badeeco u iibsan karo si kaash ah. Si taas loo helena ay dowladu dib ugu noqon doonto sharciga maaliyada, si isbadal ama xoojin loogu sameeyo.

Xigasho/kilde: Vil styrke forbrukernes rett til å betale med kontanter.

Midowga Yurub oo raba xanibaada booqashada ruushiyiinta ee Yurub.

0

Dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Yurub ayaa isku raacay in la hakiyo heshiis ay hore ula galeen dalka Ruushka oo ku aaddanaa in muwaadiniinta u dhalatay dalka Ruushka in loo fududeeyo helista dal-ku-galka (VISA) dalalka Midawga Yurub, taasoo u fududaynaysay dalxiisayaasha Ruushku inay si sahlan ugu safraan dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Yurub.

Josep Borrell oo ah diplomaasiga ugu sarreeya ee ururka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha debedda ayaa sheegay in 27-ka dal ee uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub ay isku raaceen in la hakiyo heshiiskii ay hore ula galeen dalka Ruushka iyaga oo ku sababeeyey duulaanka dalka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

Ururka Midawga Yurub iyo dalka Ruushka ayaa sannadkii 2007 waxay gaadheen heshiis, kaas oo dalalka Midawga Yurub ay ku ogolaadeen in dal ku galka loo fududeeyo muwaadiniinta Ruushka, hase ahaatee heshiiskaas ayaa qayb ahaan la hakiyey bishii February ee sannadkan, markii uu bilaabmay duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday xubnaha aadka ugu dhow dhow madaxweyne Putin iyo saraakiisha dawladda ee ku safraya baasaboorka diblomaasiga ah.

Xigasho/kilde: VOE SOMALI

Shukulaato ay cuntay, ayaa shaqadii looga ceyriyay: Kiis maxkamadeed.

HaweeNadiifiye ka shaqeysa goob shaqo oo kutaa Tromsø ayaa laga ceyriyay goobteedii shaqada, kadib markii ay cuntey shukulaato loo diyaariyay macaamiisha oo taalay goobteeda shaqada. Madaxa goobta shaqada hawaneeydan ay ka shaqeyneysay, ayaa aaminsan in falka ay haweeneydan sameysay uu yahay mid jebinayo waajibaadka iyo hab dhaqanka shaqaalaha, isago oo isla markaas dhacdadaan sabab uga dhigaya shaqo ka-cayrinta haweenaydaan.

Macmiilkeyga waxa uu qaadey shukulaato qiimaheedu yahay 19NOK taas oo tiil goob lawada isticmaalo, waxaa lagu soo oogey eedeyn tuugnimo ah. Arrintaas awgeedna shaqada looga eryay, ayuu yidhi qareen LO Eirik Pleym-Johansen. Haweeneyda ayaa ah 49 sano jir, waxaana ay ka shaqeyneysay shirkadda nadaafadda muddo sagaal sano ah ka hor inta laga ceyrin 31-kii Janaayo.

«Waxay u malaysay in shukulaatada qof walba meesha loo dhigey, mana ay ogayn in aanay qaadan karin», ayuu yidhi qareenkeedu.

Dhacdadan ayaa waxaa duubtay kaamiro ku xiran goobta shaqada. Kiiska dhageysiga maxkameed ee dacwada arintan ayaa waxay socon doonta saddex maalmood, waxeyna dhinacyadu ay ku kulmi doonaan talaadada Nord-Troms iyo maxkamadda degmada Senja.

«Waanu ka doodnay shaqo ka ceyrinta, waanana ka dacwooney shirkadda, sababtoo ah waxaanu rumaysanahay in shaqo ka qaadista lagu sameeyay haweeneydan ay tahay cadaalad darro, oo ay tahay inay dib u hesho shaqadeed» ayuu yiri qareenku.

Qareenka ayaa raba in maxkamadu ay xukunto in haweeneydan dib loogu soo celiyo shaqadeedii, sidoo kale la siiyo magdhow la xiriira dhibaatadda ay u geysatay shaqo ka ceyrintan aan sharciga waafaqsaneyn iyo saameynteeda.

Dhanka kale qareenka shirkada oo qoraal u gudbiyay maxkamada degmada sheegayna in kiiskaan uu yahay mid misaankiisa leh, xaqiiqna ku salaysan. Wuxuuna sheegtay in markii la weydiiyay haweeneydan sababta ay arrintaas u sameysay ay bixisay sharaxaad kala duwan.

Goobta shaqada ee haweeneydan ayaa dhankeeda aaminsan in falka haweenaydu ku kacdey uu diri doono «signal aan loo baahnayn» shaqaalaha kale, haddii loo ogolaado shaqaaluhu inay si wadato shaqadeeda» ayuu qoray Nordlys.

Xigasho/kilde: Forsynte seg med sjokolade – fikk sparken.

Daawo: Shir looga hadlayo soo saarista biyaha Soomaaliya oo Oslo ka dhacay.

0

Maalintii khamiista aheyd waxaa magaalada Oslo ka dhacay shir ay soo qabanqaabisay madasha @Somali Norwegian Strategic Parters, kaas oo ay lagu soo bandhigay mashruuc baaritaan ah oo ay sameysay shirkada RUDEN AS oo ah shirkad laga leeyahay dalkan Norway. Waxaana kasoo qeybgalay madaxa xafiiska safaaradda Norway ee Muqdisho, Haakon Svane.

Shirkada oo wada-shaqeyn la leh dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ku howlaneyd sahmin iyo baarista biyaha gunto hoose ee Soomaaliya, iyada oo shirkadu ay adeegsaneyso xog ay ka heshay dowlada Soomaaliya. Waxeyna sidoo kale qiimeeyeen qaabka ugu fudud ee looga faa’ iideysan karo biyahaas, si loola tacaalo abaaraha kusoo noq-noqda Soomaaliya.

Ruden AS oo soo gaba-gabeysay wajigii koowaad ee mashruucan oo ahaa sahminta ayaa sheegtay in baaritaankooda ay ku ogaadeen in Soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu fursaddaha badan caalamka, marka la fiiriyo biyaha gunta hoose ee dhulka, fursadaas oo ay sheegeen in aan wali laga faa’ iideysan.

Shirkadan oo horey mashruuc noocaas oo kale ah uga fulisay dalka Tanzania, ayaa sheegtay in hadii loo helo maalgalin sax ah, looga faa’ iideysto qaabka ugu haboon, ay fulin karaan howshan, iyaga oo qurbjo-joogta reer Norway ka dalbaday inay taageeraan, lana shaqeeyaan.

Mashruucan ayaa wajigiisa koowaad maalgaliyay wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Halkan ka daawo warbixin uu TV-ga shabeele ka diyaariyay shirka.

Naqshad Leysin-baabuur cusub oo soo baxay.

0

Wixii ka bilowda kowda(1) bisha September, dhamaan dad dalbada leysinka baabuurta ayaa heli naqshad cusub oo leysinka baabuur wadista loo sameeyay, kaas oo dhawaan soo baxay.

Dadka heysta naqshadii hore ee leysinka baabuurka, ayaan u baahnaan doonin inay badalaan kii hore, ayna qaataan kan cusub.

Hey’ adda wadooyinka ayaa ujeedka loo saaray leysinka cusub ku sheegtay inuu yahay mid ay fududahay in la hubiyo(la kontoroolo), ayna adagtahay in la koobi gareeyo. Waxaana naqshada cusub ee leysinka ku jiro aalad cusub iyo number sireed la iskaan gareyn karo. Sidaasna lagu xaqiijin karo saxnimadiisa.

Xigasho/kilde: Nå kommer de nye førerkortene.

Hadii caawin u baahato, Waxaad la xiriiri kartaa minoritetsrådgivere: Iskuuladdan ayay joogaan.

0

Ardey iyo waalidiin badan oo ajaaniib ah, ayaa laga yaabaa in mararka qaarkood waxaa soo wajaha caqabado la xiriira dhanka waxbarashada, qoyska, dhaqaalaha, dhaqanka ama fahanka ardeyda iyo macalimiinta.

Caqabaddahah ugu badan ee lasoo gudboonaado ardeyda ayaa waxaa kamid ah dhanka waxbarashada, gaar ahaan marka uu ardeygu gaaro dugsiga sarre ee uu ku dhawaado da’ da qaangaarnimadda. Xiligaas oo sida caadiga ah ilmaha ay lasoo darsaan waxyaabo badan oo wax ka badala dabeecadiisa, hab-dhaqankiisa iyo hab fikirkiisaba. Xiligaas ayaa waxaa kordha isfahandaradda waalidka iyo ilmaha, maadaama markaas ay ilmuhu jirkiisa ku dhacaan isbadalo badan oo hormoon ah, uuna bilowdo inuu u fakaro qaab ka duwan qaabkii uu u fakari jiray sanado kahor. Sidoo kale wuxuu ilmuhu lasoo baxaa dabciyo ka duwan kuwa ay waalidku rabeen.

Hey’ adda isdhexgalka bulshada iyo dib u dejinta ee IMDI ayaa qeybo kamid ah iskuuladda Norway ka shaqaaleysiisay la taliyeyaal khibrado durugsan u leh caqaddahaba lasoo gudboonaado ardeyda ajaaniibta ah, shaqadooduna ay tahay inay talo siiyaan, ayna hagaan dhalinyarada ajaaniibta ah.

Waxaa xusid mudan in waalidiintu ay sidoo kale

Hadaba liiska hoose waxaa ku qoran iskuuladda ay ka shaqeeyaan talo bixiyeyaashaas oo waalidku, iyo ardeydu ay la xiriiri karaan, si ay talo uga helaan arrimaha markaas khuseeya ee lasoo gudboonaada ardeyga ama ilmaha.

Aust-Lofoten videregående skoleVåganNordland(+47) 45 73 97 39
Bergen KatedralskoleBergenVestland(+47) 41 37 52 03
Bjerke videregående skoleOslo, BjerkeOslo(+47) 41 35 89 23
Bjørnholt videregående skoleOslo, Søndre NordstrandOslo(+47) 41 20 59 78
(+47) 48 99 38 01
Bleiker videregående skoleAskerViken(+47) 48 99 77 68
Bodø videregående skoleBodøNordland(+47) 48 99 53 91
Charlottenlund videregående skoleTrondheimTrøndelag(+47) 47 79 08 07
Drammen videregående skole
Åssiden videregående skole
DrammenViken(+47) 99 32 37 13
Etterstad videregående skoleOslo, Gamle OsloOslo(+47) 47 97 40 90
(+47) 46 62 34 47
Fredrik II videregående skoleFredrikstadViken(+47) 45 87 67 42
Fyllingsdalen videregående skoleBergenVestland(+47) 95 45 96 79
Fyrstikkalleen videregående skoleOslo, Gamle OsloOslo(+47) 46 62 34 47 
Færder videregående skoleTønsbergVestfold og Telemark(+47) 40 21 72 66
Galterud ungdomsskoleDrammenViken(+47) 40 80 60 24
Godalen videregående skoleStavangerRogaland(+47) 41 34 79 67
Greåker videregående skoleSarpsborgViken(+47) 48 50 81 90
Hamar KatedralskoleHamarInnlandet(+47) 41 34 48 31
Hauketo skoleOslo, Søndre NordstrandOslo(+47) 45 72 71 45
Hellerud videregående skoleOslo, GrorudOSlo(+47) 45 48 61 37
Hersleb videregående skoleOslo, Gamle OsloOslo(+47) 45 73 91 28
(+47) 41 37 98 23
Holtet videregående skoleOslo, NordstrandOslo(+47) 45 72 91 15
Hønefoss videregående skoleHønefossViken(+47) 45 72 47 75
Jordal skoleOslo, Gamle OsloOslo(+47) 94 01 02 42
Ishavsbyen videregående skoleTromsøTroms og Finnmark(+47) 95 23 25 65
Karmsund videregående skoleHaugesundRogaland(+47) 40 43 29 23
Kristiansund videregående skoleKristiansundMøre og Romsdal(+47) 40 16 75 97
Kuben videregående skole
Oslo, Nordre Aker
Oslo
(+47) 95 47 26 95
(+47) 45 73 92 91
Kvadraturen videregående skoleKristiansandAgder(+47) 95 72 25 01
Linderud skoleOslo, BjerkeOslo(+47) 45 73 55 45
Lofsrud skoleOslo, Søndre NordstrandOslo(+47) 45 72 48 41
Marienlyst skoleDrammenViken(+47) 45 72 47 91
Malakoff videregående skoleMossViken(+47) 45 97 93 69
Mysen og Askim videregående skolerMysenViken(+47) 94 01 37 61
Notodden videregående skoleNotoddenVestfold og Telemark(+47) 47 95 25 25
Oslo HandelsgymnasiumOslo, FrognerOslo(+47) 47 69 05 77
Rud videregående skoleBærumViken(+47) 41 21 79 90
Rælingen videregående skoleRælingenViken(+47) 45 72 71 08
Sam Eyde videregående skoleArendalAgder(+47) 41 20 49 80
Sandefjord videregående skoleSandefjordVestfold og Telemark(+47) 48 99 41 14
Skogsmo videregående skoleSkienVestfold og Telemark(+47) 91 55 26 38
Steinkjer videregående skoleSteinkjerTrøndelag(+47) 40 43 52 38
Stovner videregående skoleOslo, StovnerOslo(+47) 46 74 81 40
(+47) 48 95 96 59
Strømmen videregående skoleLillestrømViken(+47) 94 01 02 43
Tiller videregående skoleTrondheimTrøndelag(+47) 90 77 90 47
Ulsrud videregående skoleOslo, ØstensjøOslo(+47) 45 73 60 47
(+47) 45 72 69 59
Voksenopplæringa i TromsøTromsøTroms og Finnmark(+47) 97 56 17 38
Voksenopplæringssenteret i BærumBærumViken(+47) 95 47 58 15
Årstad videregående skoleBergenVestland(+47) 41 20 55 78
Xigasho/kilde: IMDI.NO
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.