torsdag, mai 9, 2024

Si ay Nav lacag uga hesho, ayay sheegataya inay sadex mataano ah uurkoda leedahay: Uur ma aysan laheyn.

Xeer ilaalinta magaalada Sandnes ee dalkan Norway ayaa kiis dacwadeed kusoo oogtay haweenay 31 sano jir ah, taas oo ku eedeysan ina NAV ka khiyaantay 249.420 kr, kadib markii ay sheegatay inay uurkooda leedahay sadex ilmood oo mataano ah ( Iyada oo aan markaas wax uur ah laheyn,s ida ay xeer ilaalintu sheegtay.

Haweeneydan ayaa bishii August ee sanadkii 2019 hey´adda NAV ka codsatay kaalmadda lacageed ee la siiyo haweenka uurka leh ee shinkoodu uu dhawaaday. Waxa ayna codsiga raacisay warqad cadeyneyso uurka ay leedahay, taas oo ka timid isbitaalka magaalada Stavanger, cadeyneysana in haweeneydan ay uurka ku wado sadex ilmood oo la sugayo inay dhashaan dhamaadka bisha November ee sanadkaas.

NAV oo rumeysatay macluumaadka ay haweeneydan soo gudbisay ayaa haweeneyday siisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 249.420 kr. Balse waxaa gadaal laga ogaaday in haweeneydan aysan war uur ah laheyn, warqadaha cadeynta uurka ee codsiga ay raacisayna, ay ahaayeen kuwo faaliso ah oo la been-guuriyay.

Mar kale ayay hadana bishii September soo gudbisay waraaqo kale oo faaliso ah kuwaas oo sheegayo in uurkii sadexda mataanaha ahaa ee ay waday uu ka dilmay, kadib markii ay sumowday( sun uurkeeda saameysay).

Mar kale iyo uur kale:

Intaas hore kuma aysan ekaan e, haweeneydan ayaa bilo kadib, hadana bishii April ee sanadkii 2020 soo gubdisay codsi kale oo ay u dirtay NAV. Kaas oo ay ku codsaneyso in la siiyo lacagta uurka, maadaama ay markan wado uurka labo ilmood oo mataano ah. Waxeyna codsiga soo raacisay waraaqda cadeynta uurka oo ka socoto isbitaalka Stavanger, iyo waraaqda caafimaadka oo ka timid mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada. Mar kale ayay xeer ilaalintu sheegtay inay faaliso gareysay waraaqda cadeynta uurka ee isbitaalka iyo waliba mida caafimaadka.

Balse NAV oo markan tuhun galay ayaa diiday inay aqbasho codsiga cusub ee haweeneydan ay ku dalbaneyso in la siiyo lacagta uurka.

Hadana waxaa dacwad kusoo oogay xafiiska xeer ilaalinta degmadda Sandnes, waxa ay mudan kartaa ciqaab xabsiyeed ama ganaax lacageed.

Xigasho/kilde: Hevdet at hun var gravid med trillinger – skal ha svindlet Nav for 249.420 kroner.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x