fredag, april 19, 2024

Soomaalida Skien oo kulan xus ah u sameysay Maxamed I.W Hadraawi.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Skien ayaa maalintii shaley aheyd qabatay kulan balaaran oo xus loogu sameynayo Abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, kaas oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa sida ay xuseen qaban-qaabiyeyaasha, waxa uu ujeedka loo abaabulay ahaa in la xuso taariikhda suugaaneed, dhaqameed ama cilmiyeed ee uu ka tagay Abwaan Hadraawi. Sidoo kale in bulshada Soomaaliyeed ay is xusuusiso qiimaha iyo muhiimadda uu afka Soomaaligu iyo suugaantiisuba u leeyahay jiritaanka bulshada iyo xiriirkooda umadeed, keydinta aqoonteeda xadaaradeed iyo mida dhaqan-cilmiyeedba.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Skien, waxaa lagu soo bandhigay taariikhda, suugaanta iyo sheekooyinka Abwaan Hadraawi, sidoo kalena buugaagtii laga qoray. Waxaana laga xusay inay jiraan suugaan, qoraalo iyo taariikho uu abwaanku leeyahay, kuwaas oo loo turjumay luuqada ay kamid yihiin af Norwiijigu.

Xuska Hadraawi oo ah kan ugu horeeyay ee soomaalida Norway ay u sameyso abwaanka ayaa waxaa hogaaminayay Abwaan/Fanaan/Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, Waxaana ka hadlay Macalin Cusman Aden, Gudoomiyaha Golaha ajaaniibta Telemerk, Saxardiid M. Salad iyo Cabdinasir Xassan oo ah gudoomiyaha xarunta BBT. Sidoo kale waxaa iyagana hadalo muhiim ah ka jeediyay indheer garadka jaaliyada soomaaliyeed ee Skien, ayna kamid ahaayen Macalin Handulle, Maxamad Qorshe oo ah Gudoomiyaha Masaajika Al- Ansar, Cabdullahi Skien ( Feeryahan soomaaliyeed) iyo marti sharaf kale oo badan.

Qeybo kamid ah sawiradii laga qaaday kulanka xuska ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x