fredag, april 19, 2024

Wararka ugu danbeeyay ee doorashada Sweden.

Waxaa wali socoto tirinta codadka doorashada dalka Sweden, taas oo natiijootinka ilaa hada la tiriyay ay muujinayaan in aad xisbiyadu isugu dhow yihiin.

Caawa fiidkii markii ay tirintu bilaabatay waxaa hogaanka si hor dhac ah u qabtay garabka xisbiyada bidixda ee siyaasadda dalka Sweden ee ay hogaamineyso reysulwasaaraha hada xilka haya ee Sweden. Waxaase hada muuqato in hogaanka ay la wareegeen xisbiyada midigta.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ilaa hada codadka la tiriyay ku jira kaalinta 1aad, waxana uu marayaa 30,3 halka SD oo ah xisbiga xagjirka midigta fog uu soo galay kaalinta labaad, uuna codad gaarayo 20,7 natiijadda codadka la tiriyay.

Xisbiga Moderatka ayaa ku jira kaalinta Saddexaad waxana uu marayaa 19,0, halka Xisbiyada V iyo Centerka ayaa ku kula jira 4.aad iyo tan shanaad.

Ilaa hada codadka la tiriyay waxaa labadda garab siyaasadeed ee siyaasadda dalka Sweden u dhaxeeyo hal xildhibaan, maadaama xisbiyadu midigta ay heleen 175 kursi oo katirsan xildhibaanadda Sweden, halka kuwo bidixdu ay heystaan 174 kursi.

Natiijaddan ayaa ah mid hordhac, waxaa wali dhiman codad tiro badan oo aan wali la tirin, kuwaas oo dhinac u ridi kara doorashadda. Ilaa hada waxaa la tiriyay 88% goobaha codbixinta laga dhiibta.

Dhinac kasta oo doorashadan ay u dhacdaba, waxaa xaqiiqo ah in xisbiga xagjirka ee SD uu yahay xisbiga guusha ugu weyn kasoo hoyin doono doorashadan.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x