torsdag, april 25, 2024

Nin lagu maxkamadeynayo inuu xaaskiisii cudur halis ah qaadsiiyay.

Nin afartameeyo(40) jir ah ayaa lasoo taagi doonaa maxkamadda Haugaland og Sunnhordland, isaga oo ku eedeysan inuu xaaskiisa qaadsiiyay cudurka HIV-Aids, kadib markii uu been ka sheegay xaaladda caafimaadkiisa.

Ninkan ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2013 dhowr mar galmo «difaac la aan» ah la sameeyay xaaskiisii xiligaas, isaga oo aan ku wargalin in laga helay xanuunka hIV.

Dhowr bilood kadib, mar la joogo sanadkii 2014 ayuu ku wargaliyay inuu xanuunkaas qabo. Balse hadana mar kale ayuu xaaskiisii u sheegay in xanunkaas uu ka caafimaaday, aysana u baahneyn inay taxadar sameeyaan marka ay isku galmoonayaan.

Ninkan ayaa hada ku eedeysan inuu jabiyay qodobka 237a ee xeerka ciqaabta Norway, kaas oo ku saabsan is qaadsiinta xanuunadda la is qaadsiiyo, sida ula kacda ah. Waxaana eeda ninkan ka dhanka ah xeer ilaalintu ay sheegtay in falka uu geystay uu yahay mid daran, maadaama uu ogaa in xanuunka uu qabo uu yahay mid galmadda si fudud la isugu gudbiyo.

Ninkan ayaa hadii danbiga lagu helo, waxa uu muteysan karaa 6 sano oo ciqaab xabsiyeed ah. Waxaana dhageysiga dacwadda ka dhanka ah oo la furi doono bisha Desember ee sanadkan, ay socon doontaa mudo sadex(3) maalmood ah.

Xigasho/kilde: Mann tiltalt for å ha smittet kona med hiv. V

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x