fredag, april 19, 2024

Qoyska wiil dilay wiil soomaali ah, xabsigana isku dilay oo magdhow codsaday

Qoyska wiil 20 jir ahaa oo sanadkii hore isku dhex dilay xabsiga, ayaa magdhow ka codsaday dowlada Norway. Wiilkan ayaa sanadkii 2016 magaalada Kristiansand ku dilay labo qof oo midkood uu ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah.

Maxkamadda ayaa sanadkii 2017 wiilkan oo xiligaas 16 sano jir ahaa ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, iyo in marka uu mudadda xabsiga dhameysto mar kale dib loo qiimeyn doono in bulshada lagu sii deyn karo iyo in kale ( Forvaring).

Mudadii 11-ka sano aheyd ee lagu xukumay waxa uu ka dhameystay 4 sano ah, kahor inta uusan sanadkii hore isku dhex dilin xabsiga, sida ay uu wariyay wargeyska VG.

Qoyska wiilkan isdilay ayaa hada raba inay maxkamad la fuulaan, ayna dalbadaan magdhow. Waxeyna sheegeen inay rabaan in cidi ay qaado masuuliyada inuu xabsiga isku dilay, ayna dareensanyihiin in meelo badan oo shaqadoodii gabeen, dayacna uu la kulmay,

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay inay xanuun badantahay xaaladda uu wiilkooda kula kulmay xabsiga, iyo qaabka ay noloshiisu kusoo gaba-gabowday. Arrintaas oo ay sheegeen inay tahay mid xanuun badan oo ay adagtahay in laga gudbo dareenkeeda.

Xigasho/kilde: Fami­lien til dobbelt­draps­dømt (20) saksøker staten.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x