mandag, mars 17, 2025
Home Blog Page 40

Booliska Norway oo kuwa Soomaaliya ka caawinaya baaritaanka kiis dhimasho ah.

0

Laanta booliska Norway u qaabilsan danbiyada agaasiman ee Kripos ayaa sheegtay in iyada oo sii mareyso hey’ adda booliska aduunka ee Interpol ay gacan ka geysaneyso baaritaanka kiiska dhimashada Kamac Duale oo aheyd gabar Soomaali Norwegian ah oo isbuucii hore ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Mari Lerdal oo ah la taliyaha xiriirka ee laanta booliska Kripos ayaa sheegay in booliska Soomaaliya iyo kuwa Norway ay ka wada shaqeynayaan qeybsiga, uruurinta xogta iyo macluumaadka kiiskan oo ah mid dhaliyay su aalo badan. Waxeyna sheegtay in booliska Norway ay iyaga oo sii marayo Interpol ay xiriir wada-shaqeyn ah sameeyeen.

Booliska Soomaaliya, ayaa jimcihii hore xaqiijiyay inay baarayaan kiiska dhimashada Kamac, iyada oo sidoo kalena ay booliska Oslo ay sheegeen in iyaguna dhankooda ay fureen baaritaan la xiriira kiiskan.

Xigasho/kilde: Kripos bistår etter at norsk kvinne ble funnet død Somalia.

Kaarka Aqoonsiga ayaa dib u dhac hor leh wajahaya

Waqtiga sugitaanka dalbashada iyo qaadashada baasaboorka Norway ayaa tan iyo bilowgii sanadkana heyd mid aad dheer. Taas badalkeed, filashad dadweynaha ayaa ahayd in deg-deg loo helo kaarka aqoonsiga oo xaaladdaha qaarkood qofka u noqon karo cadeyn aqoonsi shaqsiyadeed.

Sida la ogaaday shirkadda Thales oo soo saarta baasboorada iyo Kararka aqoonsiga ahna shirkadda Norway u xilsaartay shaqadaan, ayaa sameesay qaladaad farsamo intii ay ku gudo jirtay soo saarista kaararka aqoonsiga. Sidaas awgeed waxaa mar kale sii dheeraan karo waqtiga uu qofku heli karo kaarka aqoonsiga Norway.

«Waa wax laga xumaado in qaladkani dhacay. Arrintaas waanu ka raaligelinaynaa muwaadiniinta reer Norway», ayuu yidhi Bjørn Vandvik oo ka tirsan hoggaanka booliska Norway.

Codsiyada kaararka aqoonsiga laga bilaabo 26 August wixii ka dambeeya, dadku waxay sugi doonaan lix(6) ilaa todoba(7) isbuuc. Faafida corona ayaa markii ugu horreysay sababey dhibaatooyin xagga sugitaanka baasaboorka. Xiligaas waxaa shirkada sameysa baasaboorada ee Thales la darsey dhibaatooyin quseeeya qalabka iyo agabka basbooradda lagu soo saaro. Dhibaatooyinkaan ayee shirkaddu wali la tacaalaysa. Kaadhadhka aqoonsiga ayaa ahaa xal ku meel gaar u ah dadka haysan ama sugaya baasaboorkooda.

Maamulka ayaa aminsan arinkani inuu yahay mid aad ugu baahan wax ka qabasho degdeg ah, . Agaasinka Booliska ayaa sheegay inuu sii dhow u daba geli doonaa arinkaan.

«Waxa aanu ku howlanahay in dadka baahiyaha degdega ah qaba, si degdeg loo siiyo kaarka aqoonsiga ama baasaboor ku meel gaar ah» ayuu yidhi Vandvik.

Khaladka kaararka aqoonsiga soo saarkoooda carqaladeeyey ayaa ah mid quseeya xaga tignoolajiyada. kaararka qaar ayaa Chip-kooda noqdey mid aan la akhrin karin. Vandvik wuxuu sidoo kale sheegay in Thales xiligan ku mashquulsanatahay hubin guud oo quseysa dhamaan kaararka Norway ay uso diri lahayd»

Vandvik oo ku hadlaya afka Hoggaanka bilayska Norway ayaa dad waynaha u sheegaya in ay muhiimad qaas ah u leedahay in dadku ay helaan dukumeenti cilad aan lahayn, cadeenayana cidda ay yihiin.

Xigasho/kilde: Produksjonsfeil på nasjonale ID-kort – leveringstiden øker.

Booliska Oslo oo furay kiis-baaritaan ku aadan dhimashada Kamac Ducaale.

0

Booliska magaalada Oslo ayaa furay kiis baaritaan ah oo la xiriira geerida Allah ha u naxariistee Kamac Ducaale oo aheyd gabar soomaali Norwiiji ah oo dhawaan la xaqiijiyay inay ku geerirootay Soomaaliya. Waxaana arrintaas wargeyska VG u xaqiijisay Unni Grøndal oo ah madaxa warfaafinta booliska Oslo.

Kamac Ducaale oo aheyd gabar dhalinyaro ah soomaali ah oo Norway ku kortay ayaa geerideedu noqotay mid gilgishay baraha bulshada Soomaalida, waxaana jiro su aalo badan oo aan ilaa hada jawaab rasmi ah loo helin, kuwaas oo ay dadku iska weydiinayaan sababta geerida Kamac oo aheyd gabar da’ ahaan dhalinyaro ah. Halkan kasii akhri.

Unni ayaa VG u sheegtay in booliska Oslo ay wadahadal kula jiraan wasaaradda arrimaha dibadda Norway, si ay u helaan xogta iyo macluumaadka ku aadan kiiskan.

Jimcihii ayay aheyd markii Booliska Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay baaritaan ku hayaan kiiska dhimashada Kamac Ducaale, waxaana sidaas xaqiijiya General Zakia Hussein Ahmed oo ah taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway, ayaa dhankeeda xaqiijisay inay heleen xogta ku saabsan geerida gabadha dhalinyaradda soomaalida ah, balse ay wadaan helitaanka xogta dhameystiran ee arrintan. Arrintaas oo afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibaddu uu sheegay inay qaadan karto waqti.

Xigasho/kilde: Norsk kvinne funnet død i Somalia: Oslo-politiet har opprettet undersøkelsessak.

FBI-da oo ka hadashay sababtii ay u baareen guriga D. Trump.

0

Baaritaankii yaabka lahaa ee FBI-da ku sameysay guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee gobalka Florida, ayaa dhaliyay hadal heyn aad u badan iyo su aalo badan oo ay dadku iska weydiinayaan.

FBI-da ayaa hada sheegtay in sababta keentay baaritaankaas ay aheyd mid ka dhalatay dib-u-eegis lagu sameeyay sanaadiiq 15 gaaraya oo ay ku jiraan dukumentiyo xasaasi ah.

Waxaa ku jira macluumaad iyo xog sir ah oo ay kamid yihiin shaqsiyaad ilaha sirdoonka katirsan.

FBI-da, oo adeegsaneysa waraaqaha sharciga ee loogu qiil dayey baaritaankii 8-dii Ogosto ee Mar-a-Lago oo ah halkii uu Donald Trump ka dhigtay madaxtooyadiisa muddadii uu xukunka hayay, ayaa sheegtay inay baaris ku sameynayso sababta loo qaaday iyo habraacii loo maray keydinta aan habboonayn ee macluumaadka sirta ah iyo ‘qarinta sharci-darrada ah ee diiwaannada dawladda.’ Redact

Dokumentiyasa FBI-da oo si weyn loo soo koobay ayaa Jimcihii lasii daayay kadib amar uu bixiyey garsoore ku sugan gobolka Florida.

Donald Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana ka fakaraya inuu tartan kale u galo Aqalka Cad sannadka 2024-ka, ayaa Waaxda Cadaaladda oo hoos tagta Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inay sameysay ‘ugaarsi indha-sarcaad ah.’ Wuxuuna yiri; “xaakinku waxay ahayd inuusan weligiis oggolaan in gurigayga lasoo galo.”

Sida ku cad dokumentiga, FBI-da waxay furtay baaritaanka kadib markii Maamulka Kaydka iyo Diiwaanka Qaranka (NARA) uu ogaaday bishii Janayao 2022 15 sanduuq oo diiwaanno ah oo si khaldan looga saaray Aqalka Cad loona qaaday Mar-a-Lago.

FBI-da waxay sheegtay in xogta difaaca qaranka ee xasaasiga ah ay kamid tahay diiwaanka la helay oo ay ku jiraan 67 dukuminti oo lagu calaamadeeyay qarsoodi; waxaa kale oo lifaaqu caddaynaya 92 dukumenti oo sir ah iyo 25 kale oo ah sir culculus.

Dukumentiyada waxaa kamid ahaa xog sirdoon oo laga helay shaqsiyaad qarsoodi ah, oo ay ka mid yihiin basaasiin ama ‘ilbaadayaal’ iyo xog-bixiyayaal. Xogahan ayaa kamid sirta dowladda ee sida adag loo ilaaliyo.

“Diiwaanada aadka sirta u ahaa waa la fura, waxaa lagu dhex daray diiwaanno kale oo si aan habbooneyn loo meeleeyey,” sida lagu sheegay warqadda FBI-da. Dukumentiyada qaar ayaa sidoo kale ku jiray kuwo laga dheehan karay qoraallada farta Donald Trump.”

Bishii Juun, sida ku cad qoraalka FBI-da, Waaxda Caddaaladdu waxay ku wargelisay qareenka Donald Trump inaan loo idmin inuu Mar-a-Lago ku kaydiyo xogo gaar ah.

Markii ay weerareen dhismaha Trump ee Palm Beach laba bilood kadib, wakiillada FBI-du waxay qabteen dukumentiyo kale oo lagu calaamadiyay xarfaha – ‘sirta sare,’ sir iyo mid lagu kalsoonaan karo.

Warqad uu 25-ka bishii March, 2022 u diray Waaxda Caddaaladda oo ay weheliso dhaar, qareenka Trump ayaa sheegay in xogaha gaarka ay yihiin kuwo si ogaal la’aantooda ah loogu daray sanduuqyada.

Qareennada dowladda ayaa kasoo horjeestay sii deynta warqadda FBI-da, hayeeshe garsooraha ayaa amar ku bixiyay in la shaaciyo. Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo baaritaanka socda ee ku lugta leh amniga qaranka inaan warqadda la baahin.

Soo koobista dokumentiga 38-ka bog ka kooban waxaa kamid ahaa, tusaale ahaan, meesha laga saaray magacyada wax ay Waaxda Caddaaladdu ku sheegtay inay ahaayeen ‘tiro muhiim ah oo markhaatiyo rayid ah’.

“Haddii aqoonsiga markhaatiga lasoo bandhigo, waxaa loo geysan karaa waxyeello ay kamid yihiin aargoosi, caga-jugleyn, ama handadaad, iyo xataa khataro loo geysto badbaadadooda jireed,” ayay tiri Waaxda Cadaaladda.

Amarka baaritaanka, oo uu si shaqsi ah u ansixiyay Xeer Ilaaliyaha Guud, Merrick Garland, ayaa u fasaxday FBI-da inay baarto “xafiiska 45” – oo tixraac u ah xafiiskii u gaarka ahaa Madaxweynihii 45-aad ee ku yiilay Mar-a-Lago – iyo qolalkiisa kaydka.

Waxay sheegtay in baaritaanku uu la xiriiro ‘si bareer ah u haynta macluumaadka difaaca qaranka,’ oo ah dembi marka loo eego sharciga basaasnimada, iyo suurtagalnimada is-hortaag ka dhan baaritaan federaal.

Marka laga soo tago baaritaannada New York ee ku saabsan hab-dhaqankiisa ganacsi, Trump waxa uu wajahayaa baaritaan sharci oo ku saabsan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii November 2020, iyo weerarkii Janaayo 6, 2021 ay taageerayaashiisu ku qaadeen Aqalka Capitol ee Congress-ka Mareykanka.

Trump ayaa mar labaad oo taariikhi ah waxaa xilka ka xayuubin ku sameeyay Aqalka Congress-ka kadib rabshadihii Capitol. Waxaana lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon — balse aqalka senate-ka ayaa wax dambi ah ku waayay.

Xigasho/kilde: C.O

Dilaagii Breivik oo mar kale dowlada Norway ku dacweeyay arrintan.

0

Anders Behring Breivik oo ah ninkii ka danbeeyay, loona xukumay dilka 77 qof, ayaa maxkamad la fuulay dowlada Norway, isaga oo ka cabanayo in la jabiyay xuquuqdiisa bini-aadantinimo.

Ninkan oo ah qofkii ka danbeeyay qaraxii aqalka dowlada Norway iyo xasuuqii Jaziiradda Utøya ee dalkan Norway, ee dhacay 22 Luulyo sanadkii 2011 ayay markan noqoneysaa markii labaad oo uu maxkamad la fuulayo dowlada Norway.

Breivik oo lagu xukumay xabsi daa’ in abadi ah( Madaxaa haku furto ah), ayaa waxaa lagu ilaaliyaa dhisme gooni oo katirsan xabsiga weyn uu kujiro. Dhismahaas oo amnigiisa aad loo adkeeyay ayaa waxaa xiran kaligiis, isaga oo aan wax xiriir ah ama macaamil ah la laheyn maxaabiista kale ee qeybaha kale ee xabsiga kujira.

Dacwada cusub ee uu rabo inuu ka gudbiyo dowlada Norway, ayuu Breivik ku sheegay in in kaligiis gooni loo xabiso, lagana dheereeyo maxaabiista kale ee xabsiga kula jirto, loona diido xiriir bini-aadantinimo, ay tahay mid ka baxsan xuquuqdiisa bini-aadantinimo, hareerna marsan xeer xuquuqul insaanka Yurub.

Bilowgii sanadkan ayuu Breivik codsaday in xabsiga laga sii daayo, maadaama uu 10 sano xabsiga ku jiray, balse maxkamadda Oslo ayaa diiday codsigaas.

Xigasho/kilde: Anders Behring Breivik varsler nytt søksmål mot staten – vil tvinge frem slutt på isolasjonen

Labo(2) siyaasi oo diidan in ay dib u celiyaan lacag qalad ugu soo dhacay.

Labo siyaasi oo ka tirsan gobolka Viken ayaa si qalad ah u qaatay mushaar dhan 200.000 NOK midkiiba. Labaduba waxa ay hada diidanyihiin inay dib u celiyaan mushaarkaas dheeriga ah ee qaladka ugu soo dhacay..

Wargayska Drammens Tidende ayaa markii hore sheegay in labadan(2) siyaasi uu midkiiba qaatay lacag gaareyso 100,000 NOK. Balse Khamiistii ayuu maamulka gobolka Viken xogtaas mid ka duwan sheegay. Maamulka ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in lacagta ay siyaasi qaateen ay labo(2) jibaar ka badantahay intii horey loo sheegay, uuna midkiiba qaatat 200.000 kr.

Labadda masuul ayaa diidey inay dib u bixiyaan lacagta, kadib markii lala socod siiyey in maamulka gobolku lacagtaan si khaldan u bixiyey sababo lala xariiranayo isbeddelo boosas shaqo awgeed.

War-saxaafadeedka maamulka gobolka ayaa qoray in duqa gobolka iyo maamulkuba ay wadahadal joogto ah la yeesheen labada masuul ee arinkaan khuseeyo iyo qareenka u doodaya, si heshiis looga gaaro dib u bixinta lacagta.

Qareenka labada siyaasi, Curt A. Lier, ayaa u sheegay Drammens Tidende, in uu rumaysan yahay in aanay sax ahayn, in maamulku sheego iney xiriir joogto ah ay leeyihiin.

Kiiska oo hada murugsan ayaa maxkamad gaari karto, hadii gobolku iyo labadda(2) siyaasi ee arrintu khuseyso aysan xal helin.

Xigasho/kilde: To fylkespolitikere skal ha fått til sammen 400.000 kroner for mye i lønn.

Geerida gabar reer Norway aheyd oo su aalo badan la iska weydiinayo.

0

Waxaa Allah ha u naxariistee sida ay xaqiijiyeen laamaha booliska Soomaaliya, bilowgii isbuucan magaalada Muqdisho ku geeriyootay Kamac Ducaale oo aheyd gabar dhalinyaro soomaali ah oo ku kortay Norway, caana ka aheyd baraha bulshada Soomaalida.

Kamac oo sida la xaqiijiyey sanadihii ugu danbeeyay ku nooleyd meelo kala duwan oo Soomaaliya ah, ayaa geerideedu noqotay mid gilgishay baraha bulshada, waxeyna dhalisay hadal heyn badan oo wadato su aalo aan wali jawaab loo helin oo ku saabsan sababta ay u geeriyootay Kamac oo da¨ahaan aheyd labaatameeyo jir.

Sida ay sheegeen shaqsiyaad sheegtay inay ahaayeen saaxiibada ugu dhawaa ee Kamac oo ah gabadha geeriyootay, Kamac oo aad aktiv uga aheyd baraha bulshada, ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay laga waayay kasoo muuqashada baraha ay ku leedahay aaladaha bulshada iskula xiriirto. Waxaana sida ay iyagu sheegeen ay shaki ka qabeen sababta maqnaanshaha Kamac oo warkeeda la waayay mudooyinkii ugu danbeeyay, kahor inta aan geerideeda lasoo sheegin.

Marka laga tago hadalheynta baraha bulshada, ilaa hada ma jirto wax war rasmi ah oo la xaqiijiyya oo kasoo baxay il rasmi ah, kuna saabsan geerida Kamac Ducaale. Laamaha amaanka Soomaaliya, Safaararadda Norway ee Kenya oo qaabilsan Soomaaliya iyo Qoyska gabadha ayaan ilaa hada inta la ogyahay ka hadlin sababta geerida Kamac oo naxdin galisay soomaali badan.

Zakia Hussein: Yaan been la faafin, baaritaan ayaan wadnaa.

General Zakia Hussuin: Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay ay ku sheegeen inay gacanta ku hayaan kiiska baaritaanka geerida Kamac Ducaale, waxeyna dadweynaha iyo shaqsiyaadka adeegsado baraha bulshada ka codsadeen inay joojiyaan wararka aan la hubin ee ay qorayaan, kaas oo ay boolisku sheegeen inay saameyn taban ku yeelan karaan kiiska baaritaanka.

Generaal Zakia Hussein oo ah taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya, ayaa war qoraal ah oo ay bogeeda kusoo qortay ku sheegtay:

Baarista kiiska marxuumad Kama Ducaale waxuu ku jiraa gacanta boliiska. Fadlan joojiya postiyada kala duwan oo kiiska ku saabsan madaamo saameyn lid ah ku yeelan karo baarista sidoo kalena lumin kara maclumaadka saxda ah ee kiiska.
Dhammanteen waxaan dooneynaa Kama inay cadaalad hesho madaamo ahayd gabar Soomaliyeed, lkn dhiigeeda haka dhiganina wax “like/share/followers” lagu raadsado.
Hadii aad heysid maclumaad sax ah fadlan igala soo xiriira dhanka messenger-ka.
Mahad badan,

Marka laga tago hadalada baraha bulshada iyo warar aan il rasmi ah laheyn oo ay qoreen ama tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida, ilaa hada halka arrin ee xaqiijiyay ayaa ah in Kamac ay bilowgii isbuucan ku geeriyootay Muqdisho. Balse ma jiro wax intaas dhaafsiisan oo laga xaqiijiyay dhacdada iyo kiiska geerida marxuumadan oo taageerayaal kumanaan kun ah ku laheyd baraha bulshada.

Imaam horey Yuhuud-naceyb lagu eedeeyay oo danbi lagu waayay.

Imaam ka shaqeyn jiray masaajid kuyaal magaalada Drammen ayaa sanadkii hore waxaa laga gudbiyay dacwad ka dhan Yuhuud naceyb, kadib markii uu qoraalo ku qoray Facebooga. Imaamkan ayaa waxaa kiis dacwadeed ka gudbiyay qof caadi ah iyo xarunta Ka-hortagga cunsuriyada, waxeyna ayagga oo sheegaya inuu qoraal yuhuud naceyb ku salaysan uu soo dhigay Facebook. Kiiskan ayaa hadda la laalay.

Booliska a ayaa kiiskan laalay bishii May, sida uu Dagsavisen u xaqiijiyay Dag Lyngås oo katirsan Boolisk. Booliska ayaa sheegay in qoraalka imaamku uusan gaarsiisneyn heer danbi lagu soo oogi karo, sidaas darteed ay garwaaqsadeen inay laalaan kiiskaas.

Imaamka ayaa ka cudur daartay falka uu ku kacey, isago isla markaas ka tanaasuley jagadda imaaminmo ee masjidka uuu ka hayey.

Xigasho/kilde: Saken mot Drammens-imam henlagt.

Casuumaad: Mashruuca soo saarista biyaha gunta hoose ee Soomaaliya & doorka qurbo-joogta.

0

Dhamaan soomaalida ku dhaqan Oslo iyo naxaawigeeda, iyo guud ahaanba Norway, waxaa lagu wargalinayaa kulan lagu soo bandhigayo mashruuc ceelal biyood gunta hoose ah looga qodayo Soomaaliya.

Waxaana qaban-qaabiyeyaasha kulanka oo kala ah Somali Norwegian Strategic Partners(SNSP) iyo Ruden AS soomaalida Norway ku casuumayaan kulankan oo ujeedkiisu yahay helitaanka xogta dhameystiran ee mashruucan, suurtogalnimadiisa, qaabka loo fulinayo, ujeedadda iyo hey’ addaha ka shaqeynayo, meelaha laga fulinayo ee Soomaaliya gudaheeda ah, iyo sidoo kale doorka aad ka ciyaari karo ka muwaadin soomaali ah oo qurbojoog ah ahaan.

Dhulalka ay bulshada Soomaaliyeed degto waxaa sanadihii ugu danbeeyay kusoo noq-noqonayay abaaro xoogan oo mar walba si ba’an u saameeyo nolosha dadka iyo duunyada kunool Soomaaliya. Biyo yaraan xoogan iyo da’ itaanka roobka oo aan lagu xisaabtimi karin awgiis, waxey Soomaaliya noqotay mid daris la ah hubinti la’ aanta biyaha oo ah isha furaha nolosha dadka iyo duunyadaba.

Dhanka kale baaritaano dhulka ah oo la sameeyay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay leedahay biyo ku filan oo ku jira gunta hoose ee dhulka Soomaaliya, kuwaas oo hadii lasoo saaro, lagana faa’ iideysto wax weyn ka tari kara baahida biyood ee dadka iyo duunyada Soomaaliyeed. Biyaha ku jira gunta hoose ee dhulka Soomaalida ayaa ah biyo kasoo rogmado dhulalka sarre togan ee Soomaaliya ka xiga Galbeedka, waxeyna isku soo biyo-shubtaan gunta hoose ee dhulka Soomaaliya, gaar ahaan goboladda qaarkood.

Shirkada Ruden AS oo ah shirkad farsamo oo laga leeyahay dalkan Norway, ayaa sanadkii 2007 ku guuleysatay mashruuc biyo-qodis gunta hoose ee dhulka ah, kaas oo laga hirgaliyay dalka Tanzania, laguna qoday ceelal biyoodyo waaweyn oo qaarkood dhulka hoostiisa la qoday wax gaaraya haaf-kiiloo-mitir. Mashruuc biyeedkaas laga fuliyay Tanzania ayaa awood u leh in looga faa’ iideyo ilaa 2 milyan oo qof oo kunool deegaanadda laga fuliyay.

Isla Shirkada Ruden AS ayaa iyada laga faa’ iideysanayo aqoonta farsamo, baaritaanadda la sameeyay iyo khibradda laga dhexlay qoditaanka biyaha gunta hoose ee dhulka, hada wado wajiga koowaad ee baaritaanka mashruuc lagu ogaanayo suurtogalnimada qoditaanka iyo soo saaritaanka biyaha gunta hoose ee Soomaaliya. Waxaaana qorshuhu yahay in la qodo dhowr ceelal biyood ay laga sameeyo deegaanadda kala duwan ee Soomaaliya, kaas oo hadii lagu guuleysto ay ka faa’ iideysan karaan boqolaal kun oo soomaali ah oo baahi weyn u qabo helitaanka biyo nadiif ah oo la cabi karo.

Mashruucan waxaa maalgaliyay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ( DU), waxaana shirkadda Norway Ruden AS kala shaqeynayo dowlada Soomaaliya iyo hey’ adda FOA ee qaramadda midoobay.

Macluumaadka kulanka:

Taariikhda: 25-08-2022

Saacada: 17:30-19:00.

Goobta uu ka dhacayo: Interkulturelt Museum( Matxafka Grønland ee kasoo horjeedo maqaaxida Grønland Max Burger).

Wixii faah-faahin ama su aal ah kala xiriir: 46809007

SNSP: Mudane iyo Marwo, waxaan kugu casuumeynaa kulanka bandhiga mashruucan oo hada marayo wajiga koowaad, waxaadna kulankan kusoo bandhigeynaa xogta mashruucan balaaran, doorka iyo fursaddaha uga banaan qurbo-joogta. Sidoo kale qeybaha danbe ee mashruucan oo hada ka gudbi raba wareegaa koowaad ee sahminta.

Oslo: Taksiile haweenay baabuur jiirsiiyay oo dacwad lagu soo oogay.

0

Nin taksiile ka ah magaalada Oslo ayaa lagu soo eedeeyay dacwad, kadib markii baabuurkisu bartamaha magaalada Oslo ku jiiray(maray) qof haweenay ah. Falkan ayaa dhacay habeenkii Axadda.

Madaxa danbiyada booliska Oslo, ayaa sidaas u xaqiijiyya warbaahinta NRK. Haweeneyda uu baabuurka ayaa ah dhaawac halis ah, sida ay boolisku sheegeen.

Darawalka ayaa ku eedeysan jabinta qodobka 3.aad ee xeerka wado-marista gaadiidka Norway, kaas oo dhigayo in qof walba uu wada ku maro qaab taxadar, la shaqeyn leh, hadana la jaanqaadweyso xaaladda markaas taagan ee wadadda uu qofku marayo.

Booliska ayaa leysinka ka qaaday taxi-wadaha, waxaana sidoo kale laga qaaday baaritaan dhiig.

Xigasho/kilde: Kvinne kritisk skadd etter påkjørsel – taxisjåfør siktet.

Labo(2) qof oo Norwiiji ah oo lagu dilay weerarkii Hotel Hayat ee Muqdisho.

0

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa maalintii shaley aheyd sheegtay in dad heysta dhalashada dalkan Norway, balse asal ahaan soomaali ah ay ku waxyeeloobeen weerarkii maalintii jimcaha aheyd ka dhacay hoteelka Xayat ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradu ma aysan sheegin xaqiijinta tirada iyo magacyada marxuumiinta geeriyooday, waxeyna sheegeen inay ku daba-jiraan xaqiijinta warkan, ayna wali heyn xogta dhameystiran ee arrintan.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dhanka bulshada oo ay adeegsadaan laga dareemayay tacsida geeriyda Allah Ha u naxariistee labo(2) muwaadin oo kamid ah dadkii sida weyn looga yaqaanay magaalada. Waxaana muuqatay in geerida labaddann qof, ay si weyn u gilgilashay soomaalida Noway.

Warka VG oo soo xiganayo maamulka masaajida soomaalida ee Towfiiq, ayaa maanta qoray in labo(2) qof oo katirsanaa xubnaha masaajidka ay ku geeriyoodeen weerarka Hotelka Xayaat ee Muqdisho.

Sida maamulka Tawfiiq u xaqiijiyey wargayska VG labada muwaadin oo ahaaa da’ada 50 meeyada ayaa labaduba ka tirsanaa xubnaha masjidka Tawfiiq. waxa ayna deganaayeen oo adresskoodu ahaa magaalada Oslo.

Masjidka Tawfiiq oo ah masjidka ugu wayn ee muslimiintu ku leeyihiin dalkan Norway, ayaa yaala xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Grønland. Maamulka masjidku ayaa tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen labada muwaadin ee reer Oslo ahaa ee lagu dilay weerarka hotell Hayaat.

Sida maamulka Masjid Tawfiiq sheegay waxay ahayd arin argagax leh aadna ay uga naxeen marka uu soo gaadhay warka ah dhimashada xubnaha reer Tawfiiq oo xili hore oo sabtidiiya soo gaadhay Waxa ayna sheegeen in wali lala murugsanyahay dhimashada saaxibada reeer Tawfiiq laguna jiro sidii tacsi loogu samayn lahaa.

Wasaarada arrimaha dibada ayaa sidoo kale muwaadiniinta reer Norway xiligan uga digtay inay u safraan dalka Soomaaliya sababo amni dartood.

Xigasho/kilde: Moské til VG: To nordmenn drept i hotellangrep i Somalia.

Norway: Somalia yaan loo safrin: Amni ma ahan.

0

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway, ayaa muwaadiniinta Norwiijiga ah looga digay inay u safraan qeybo kamid goboladda Soomaaliya, halka kuwa hada ku suganna loogu baaqay inay isaga baxaan.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xaaladda amni ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyo qeybaha kale ee Soomaaliya ay xiligan tahay mid adag oo aad halis u ah. Waxeyna wasaaraddu sheegtay in ay xadidantahay fursaddaha caawineed-dowliga ee dowlada Norway ay ka fidin karto (muwaadiniinta Norwiijiga ah) ay tahay mid aad u xadidan.

Goboladan yaan loo safrin:

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa muwaadininta heysto dhalashada Norway uga digeyso inay u safraan ama ku sugnaadaan goboladda Koonfurta, bartammaha iyo Woqooyi bari Soomaaliya. Waxaana dadka hada ku sugan halkaas loogu baaqay inay isaga baxaan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale dadka kala talineyso inaysan u safrin ama ku sugnaan Somaliland, ilaa ay jiraan sabab aad lagama maarmaan u ah ma ahaane.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Norway, ayaa kusoo aaday xili maalin kahor ay magaaladda Muqdisho ka dhaceen weeraro ay geysteen ururka xagjirka ee Al shabaab, kuwaas oo lagu qaaday hotellka Hayaat ee kuyaal meel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaraddaha magaaladda Muqdisho, oo ah aag aad loo ilaaliyo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegayo in weerarka lagu qaaday hotellka Hayaat ay ku dhinteen labo(2) qof oo asal ahaan Soomaali ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway.

Xigasho/Kilde: Somalia – reiseinformasjon

Dagaal dad badan ka qayb qaateen oo kadhacay Lørenskog.

Inta la ogyahay ila hada afar qof ayaa dhakhtarka loo diray dhaawac soo gaadhay, kadib markii dagaal qadhaadh oo gacan ka hadal ah uu ka dhacay xaafada Lørenskog.

Xiliga qadada kadib maanta oo axad ah ayaa dagaal dad badan ka qayb qaateen ka dhacay xaafada lørenskog.

sida boolisku magaalada Oslo xaqiijieyey 17.29 ayuu soo gaadhay warka ah dagaalka gacan kahadalka ah ee kadhacay Lørenskog.

Booliska ayaa sheegay in sida telephonada degdega ah ee soo gaadhay usheegeen in dagaalka ay ka qaybqaateeen dad kabadan toboneeyo (10) qofood agagaarka senterka xaafada lørenskog ee Triaden.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dadka dagaalka kaqayb qaatay ay ka koobnaayeen rag iyo dumar udhaxeeya da´da 20 jir ilaa 40 jir.

Terje Skaftnes oo ah taliyihii hawlgalka booliska u qaabilsana aya sheegay in dadka dagaalka ka qayb galay ay siteen mindiyo iyo faashash markii boolisku goobta soo gaadhay.

Terje Skaftnes ayaa sidoo sidoo kale sheegay inay ogyihiin isku dhac horey ujiray oo kooxdan ka dhaxeeyey, balse ilaa hada masheegin boolisku waxa isku dhacu ka bilawday.

Booliska ayaa dad waynaha ka codsaday inay lasoo wadaagaan waxii xog iyo fiidyawyo ah ee kusaabsan dhacdadaan hadii ay hayaan.

Xigasho/Kilde: Slåsskamp med mange involverte i Lørenskog

Wasaarada arimaha dibada Norway. Norwegian ayay wax ku gaadheen weerarkii Hotel Hayat Muqdisho.

War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Norway ayaa lagu sheegay in dad Norwegian ah ay wax ku noqdeen weerarkii ka kadhacay Hotel Hayat ee magaalada Muqdisho habeenkii jimcadu soo gelaysay.

Sida uu sheegay wargeyska VG wasiirka caafimaadka dalka Somalia Ali Haji Adan ayaa xaqiijiyey maalintii axada ahayd in ugu yaraan 21 qof ay ku dhinteen weerarka Hotel Hayat halka 117 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, khasaaruhuna uu intaas kasii kordhayo marba marka kadambaysa.

Dhanka kalana kooxda argagixisada ah ee weerarka geystay ayaa sheegtay in tirada guud ee ay wax yeeleeyeen gaadhayso 170 qof.

Weerarkan oo bilawday habeenkii jimcada ayaa waxa uu booliska soomalia kuqaatay ugu yaraan 30 saacadood oo dagaal ah inay soo afjaraan kooxihii weerarka geystay sida laga soo xigtay warbiihinta Reuters.

Ragnhild Håland Simenstad oo ah lataliyaha xiriirka bulshada ee wasaarada arimaha dibada Norway ayaa wargeyska Vg u xaqiijisay in ay jiraan sida ay xogta kuhelayaan qof ama kabadan oo Norwegian ah oo ku wax yeeloobay weerarkii ka dhacay Muqidisho.

Wasaarada arimaha dibada ayaa sheegtay inay hada ku hawlanyihiin xaqiijinta arintaas.

Waxa kale oo wasaaradu sheegtay inay ka argagaxeen weerarada arxandarada ah ee kadhacay caasimada dalka Somalia ee muqdisho uuna kujiro kan Hotel Hayat, waxa ayna tacsi udireen dhamaan dadkii kuwaayey eheladooda iyo asxaabtii ay jeclaayeen.

Xigasho/Kilde:Nordmenn kan være rammet av terror i Mogadishu

Waalidku ha ogaadeen- Sidan ayay iila dhaqmeen, meeshii waalidkey igu aamineen!!

0

Waxaa soo badanayo tirada caruurta iyo dhalinyarada soomaalida ah ee warbaahinta soo hortisgaayo, iyaga oo ka sheekeynayo waxyaabihii ay kala kulmeen goobo ay waalidkood ku aamineen si loogu dhaqan-celiyo.

Nawal oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah oo kunool dalka UK ayaa wareysi aad u dheer oo waxyaabo badan oo xanuun ah oo ay soo martay siisay wariye Abdihakiin Maxamuud Jaamac oo katirsan warbaahita British Media. Waxa ayna Nawal si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadashay mid kamid xarumaha dadka lagu dhaqan-celiyo, iyada oo ka sheekeysay wixii aad halkaas kula kulantay, iyada oo u digeysa waalidiinta soomaaliyeed ee ku fakaraya inay ilmahooda u diraan xarumaha lagu dhaqan-celiyo.

Muuqaalkan iyo wareysigan ayaa aad muhiim ugu ah waalid walba oo ilmo ku heysto qurbaha.

FHI: Dad badan ayaa laga yaabaa inuu ku dhaco korona dayrtaan


Machadka caafimaadka bulshada ee Norway ayaa aaminsan in xagaagan mowjadda koronadu ay sare u kici karayso. Waxaa Machadku saadaalinayaa in noocyo cusub oo fayraska ah soo ifbixi karaan xilliga dayrta.

«Xagaagan (sommer) waxaa kor u kacay faafintaanka korona. Dayrtan (høst), waxa soo ifbixi kara noocoyo cusub kuwaas oo ka qayb qadan kara faafintaan iyo mowjad hor leh». Ayuu leeyahay machadka caafimaadka dadweynaha ee Norway (FHI).

«Xaaladda wali lama saadaalin karo. Waxaan filaynaa in cudurku uu mar kale sameyo kor u kac. Sadalinta waqtigaan ayaa waxa ay ku qotontaa faham dabiici ah oo ku beegamaya marka dadku ay ku soo laabtaan nolol maalmeedkooda ka dib xagaga» ayay FHI ku qortay warbixinteeda toddobaadlaha ah ee toddobaadyada 31 iyo 32.

FHI ayaan baaq guud u dirtay Xarumaha caafimaadku ayadda oo ku bogaadinaysa inay u diyaar garoobaan qaabilaada sadaalintaan.

Degmooyinka qaarkood ayaa waxay bixiyaanayaan talaal lagu kabayo/xoojinayo kuwii ka horeeyey. Dadka deggan guryaha waayeelka iyo qof kasta oo da’diisu tahay 65 ama ka weyn ayaa talaalkaan xoojinta ah loogu deeqi doona.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxa hoos u dhac ku yimid bukaanada liita ee ka fursan waayey inee isbitaaladda seexdaan. Toddobaadkii 32-aad, waxaa galay 192 bukaan, Todobaadkii 31-aad waxa galay 174, Todobaadkii 30-aad waxa galay 227.

Xigasho/kilde: Flere kan bli smittet av korona til høsten.

30 askari oo kamid ah ilaaladda boqorka oo la ruqseeyey, daroogo awgeed.

30 askari oo katirsan ilaaladda boqorka Norway, ayaa shaqadooda laga ruqseeyey kadib markii ay qirteen inay maandooriye ku isticmaaleen xaflad dhacdey xagaagan.

Dhawr askari oo ka tirsan Ilaalada hoyga Boqorka ayaa la sheegay inay isticmaaleen daroogo. Xogta warbaahinta lala wadaagey ayaa shegaysa in shan ka mid ah ay qirteen dhacdadaan. Wargeyska VG iyo kanalka NRK ayaa ahaa warbaahinaha ugu horeeyey oo shaaciyey kiiskaan.

«Falku waxa uu ka dhacey xaflad gaar ah. Waxay ahayd fasax shaqo horaantii xagaagan» ayuu afhayeenka ciidanka, Brage Steinson Wiik-Hansen u sheegay NRK.

Brage ayaa sheegay in ciidamada qalabka ay heleen warbixin ku saabsan isticmaalka daroogada. Kadib baaritaan la sameeyey ayaa waxa uu kusoo afmeermay in shan askari ay qirtaan danbiga lagu tuhmayey. Intaa ka dib, 25 kale ayaa sheegay inay sidoo kale isticmaaleen daroogo sharci darro ah. 30-kaan askari ee tababarka loo soo xiray ayaa hadda laga fasaxayaa shaqadooda.

«Xitaa haddii falkaan gurucan uu dhacey wakhtigoodii firaaqada, ma aqbalayno isticmaal maandooriye» ayuu yidhi Wiik-Hansen. Asago hadalkiisa sii wata ayuu cadeyey in uu san garanayn goorta xagaagan xafladdu ahayd. Ama noocee daroogooyinka ay askartu isticmaaleen.

«Dhammaan shaqaalaha ciidamada qalabka sida waa in ay naso war galiyaan haddii hayaan maclumaad ku saabsan isticmaal daroogo» ayuu yidhi Wiik-Hansen.

Xigasho/kilde: Garden sparker 30 soldater etter narkotikabruk.

Ku dhawaad ​​kala bar dadka corona ku dhacey ayaa la tacaalaya saameyntiisa.


Arinkan ayaa soo shaac baxey kadib sahan-cilimiyeed ay sameeyeen Jaamacadda Bergen iyo Isbitaalka Jaamacadda Haukeland.

«Ilaa 46 boqolkiiba bukaannada cudurka Covid-19 uu ku dhacey ayaa xogta darasadeedka laga aruuriyey ku sheegay in xanuunku ku reebay saamayn haraadi ah muddo dheer kadib marki uu jirkooda ka baxey. Tiradaan boqolayda ah ayaa ah mid aad u sareysa» ayaa waxa TV2 usheegtay borofisarad iyo khabiirad ku takhsuustay cudurrada faafa, Nina Langeland oo ka tirsan jaamacadda Bergen.

Daraasadda ayaa la hirgeliyay bilawgii caabuqa, waxa ka qaybgaley 233 xubin ka hor inta aysan helin ka hortagga tallaalka, caabuquna ku dhicin. boqolkiiba 39 Xubnaha daraasadda ka qayb qaatey ayaa sheegay in ay la tacalayaan boogo uu ku reebay covid.

Boqolkiiba 22 ayaa sheegay in ay ku adagtahay in ay ahmiyad siiyaan howlahooda gaareed. , 21 boqolkiiba waxa ay sheegeen in ay dhibaato ka haysato xusuusta. Kuwa la tacaalya Ahmiyad siin la’aanta iyo xusuusta ayaa sidoo kale sheegaya in ay samayntu sii labo kaclaysey sannad iyo bar ka dib.

Ka qaybgalayaasha ayaa ah muwaadiniin noorwiiji ah oo caafimaadkoodu caadi yahay, jinsigoodo iyo heer da’dooduna isku dhafantahay.

Xigasho/kilde: Nesten halvparten av coronasyke sliter med ettervirkninger.

Mareykanka oo soo furtay caruur ku xareysan xarun dhaqan-celin.

0

Waxa ugu weyn oo ay ka cabsadaan dhallinyarada Soomaali Mareykanka ah ee lagu xabisay Xarunta Dhaqancelinta Irshaad, waa qolalka lagu karantiilo oo ay keli keli ugu jiraan.

Markii ay isku dayaan inay ka dhiidhiyaan xeerka u degsan xarunta ama ay gebi ahaan diidaan, waxaa loo dhaadhiciyaa qolalkaas ku yaalla dhulka hoostiisa oo leh gidaarro la dulmariyay fiilooyin leh danab koronto oo nool iyo siligyo.

Cabdirizaaq Aaden Axmed, oo ah da’yar Soomaali Ameerikaan ah oo ka yimid magaalada Mechanicsburg ee gobolka Pennsylvania, wuxuu sheegay in waqtigiisa ugu bada, siiba habeenkii lagu go’doominayey qolalkaas qol kamid ah, muddadii sideedda bilood ahayd oo uu go’aan aan kiisa ahayn ugu jiray xarunta Irshaad oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xarunta Irshaad iyo xarumo kale oo lamid ah oo ku yaalla Soomaliya iyo Kenya waxay il ganacsi ka arkeen – inay dhaqanceliyaal aqoon leh isaga dhigaan – waalidiinta Soomaaliyeed ee qadyaanka ka jooga barbaarinta iyo tarbiyada ilmahooda qaar oo ay daroogadu dilootay, maskax ahaan jiran, caaqyaal ah kana tagay dhaqankii Soomaaliga.

Cabdirizaaq hooyadiis oo inankeedu qabtimay isticmaalka xashiishka Marijuana waxay sheegtay inay bil walba ku bixiso lacag dhan $600 wax ay xaruntu kula balantay oo ah in wiilkeedu kaga caafimaadi doono cabidda iyo qabtinka maandooriyaha. 

Cabdirizaaq wuxuu sheegay in gudaha qolalkaas gudcurka ah uu dharbaaxi jiray nin uu ku sheegay Cherad Abubakar oo kormeere guud ka ah xarunta kuna daadiyay kaadi iyo biyo qabow si uu u dhadhamiyo ciqaab uga timid sababtii uu aayado qur’anka kamid ah u xifdin waayay.

Cabdirizaaq oo 18 jir ah, waxaa looga tagay qolka isaga oo qaawan – qarqaryoonaya – wax gogol ahna aan loo dhigin.

“Waa i jirdilayeen,” ayuu yiri.

Bishii April, booliska Kenya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xarunta Irshad kusoo badbaadiyay Cabdirizaaq iyo shan kale oo Soomaali Mareykan ah iyo kuwa kale oo UK, Canada iyo Holland kasoo jeeda.

Safaaradaha Holland iyo Maraykanka ee Nairobi ayaa dib ugu celiyay muwaadiniintooda dalalkii laga keenay.

Xaruntu waxay kamid tahay dhowr xarumod oo safaaradda Maraykanka ay kasoo furatay muwaadiniin da’yar ah kuwaas oo ka furan gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ay ku warramayaan dad horay ugu jiray xarunta, shaqaale hore oo usoo shaqeeyey, diblomaasiyiinta Maraykan ah, geyfanayaal xuquuqda aadanaha u dooda iyo booliska Kenya, Irshaad iyo xarumo kale oo dhaqancelin ah wax yar ayay ka fiican yihiin xabsiyada caadiga ah, waxaana lagu jirdilaa looga xayuubiyaa xurriyadda gaarka ah da’yar badan oo kusoo barbaaray Maraykanka iyo Yurub.

“Xarumahani ujeedkoodu waa inay lacag helaan,” ayuu yiri Robyn Luffman oo ka howlgala safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Safaaraddu waxay sheegtay inay jiraan 4 xarumood oo sharciyaysan kuwaas oo ka howlgala Kenya oo labo kamid ah ay boolisku holwgal ka sameeyeen sannadkii 2017-ka.

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Ololaha Ka-dhanka ah Maandooriyaha ee Kenya oo si dhow ula socota xarumaha dhaqancelinta ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo eedeymaha loo jeediyay Irshad.

Xarumo badan oo dhaqancelin ah ayaa ka furan Soomaaliya – iyaga oo aan wax badan aysan kala soconin dowladda dhexe, marka lo eego diblomaasiyiinta iyo geyfanaal xuquuqda aadanaha u dooda.

“Boqollaal ayaa ku jira xarumahaas – mana sheegi karno tirada saxda ah,” ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha oo Soomaali ah.

Burburkii dalka ayaa la yimid in Soomaali badan ay u dhoofaan Yurub iyo Maraykanka, carrur badan ayaana ku dhashay dhulkaas oo dhaqankii wacnaa iyo barashada diinta aan si fiican uga haqabeelin. Mana ka baxaan ilmuhu talada waalidkooda ilaa ay ka guursadaan oo ay ka noqdaan qoys gaar u degan. In badanna, waxaa duufsada nolosha ka-dhacda ah ee ka jirta jidadka qaar – iyaga oo la saaxiiba tuugada hubeysan – qabatimana isticmaalka daroogada.

Tani waxay ku kaliftaa waalidiin badan inay ilmahooda ula soo baxsadaan Afrika. Bartilmaameedka ugu weynna waa Kenya iyo Soomaaliya.

Qaar badan ayaa geeya deegaannadooda si ay afka iyo dhaqanka usoo baraan; in kale-na, waxay usoo wadaan xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo u sameeya balamo aan dhab u hirgelin inta badan.

“Waxaan aragnay kiisas badan oo waalidka dhibanayaasha aysan fikrad ka haysan xaaladaha ayna naxaan marka ay maqlaan xadgudubyada jir, maskax iyo galmo ee lagula kaco caruurtooda,” waxaa sidaas yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay diginin ah in xarumaha noocaas ah “ayan haysan shatiyo ay ku howlgalaan ama aysan jirin korjoogteyn lagu sameeyo.”

Xigasho/kilde: Hundreds of Somali-American Youths Held Captive in Rehab Centers; ‘They Were Torturing Me.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.