lørdag, april 20, 2024

Shukulaato ay cuntay, ayaa shaqadii looga ceyriyay: Kiis maxkamadeed.

HaweeNadiifiye ka shaqeysa goob shaqo oo kutaa Tromsø ayaa laga ceyriyay goobteedii shaqada, kadib markii ay cuntey shukulaato loo diyaariyay macaamiisha oo taalay goobteeda shaqada. Madaxa goobta shaqada hawaneeydan ay ka shaqeyneysay, ayaa aaminsan in falka ay haweeneydan sameysay uu yahay mid jebinayo waajibaadka iyo hab dhaqanka shaqaalaha, isago oo isla markaas dhacdadaan sabab uga dhigaya shaqo ka-cayrinta haweenaydaan.

Macmiilkeyga waxa uu qaadey shukulaato qiimaheedu yahay 19NOK taas oo tiil goob lawada isticmaalo, waxaa lagu soo oogey eedeyn tuugnimo ah. Arrintaas awgeedna shaqada looga eryay, ayuu yidhi qareen LO Eirik Pleym-Johansen. Haweeneyda ayaa ah 49 sano jir, waxaana ay ka shaqeyneysay shirkadda nadaafadda muddo sagaal sano ah ka hor inta laga ceyrin 31-kii Janaayo.

«Waxay u malaysay in shukulaatada qof walba meesha loo dhigey, mana ay ogayn in aanay qaadan karin», ayuu yidhi qareenkeedu.

Dhacdadan ayaa waxaa duubtay kaamiro ku xiran goobta shaqada. Kiiska dhageysiga maxkameed ee dacwada arintan ayaa waxay socon doonta saddex maalmood, waxeyna dhinacyadu ay ku kulmi doonaan talaadada Nord-Troms iyo maxkamadda degmada Senja.

«Waanu ka doodnay shaqo ka ceyrinta, waanana ka dacwooney shirkadda, sababtoo ah waxaanu rumaysanahay in shaqo ka qaadista lagu sameeyay haweeneydan ay tahay cadaalad darro, oo ay tahay inay dib u hesho shaqadeed» ayuu yiri qareenku.

Qareenka ayaa raba in maxkamadu ay xukunto in haweeneydan dib loogu soo celiyo shaqadeedii, sidoo kale la siiyo magdhow la xiriira dhibaatadda ay u geysatay shaqo ka ceyrintan aan sharciga waafaqsaneyn iyo saameynteeda.

Dhanka kale qareenka shirkada oo qoraal u gudbiyay maxkamada degmada sheegayna in kiiskaan uu yahay mid misaankiisa leh, xaqiiqna ku salaysan. Wuxuuna sheegtay in markii la weydiiyay haweeneydan sababta ay arrintaas u sameysay ay bixisay sharaxaad kala duwan.

Goobta shaqada ee haweeneydan ayaa dhankeeda aaminsan in falka haweenaydu ku kacdey uu diri doono «signal aan loo baahnayn» shaqaalaha kale, haddii loo ogolaado shaqaaluhu inay si wadato shaqadeeda» ayuu qoray Nordlys.

Xigasho/kilde: Forsynte seg med sjokolade – fikk sparken.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x