torsdag, april 25, 2024

Norway oo lagu eedeeyay inay noqotay «Tujaarul-xarbi»: Waa ceeb!

Jariiradda caanka ee The Economist ee kawaranta arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa bogga koowaad ee cadadkeeda maanta kusoo qaadatay warbixin wadata sawirka reysulwasaaraha Norway oo madaxa gacanta ku hayo, cinwaana looga dhiigay: In Norway ay faa´iido xad dhaaf ah ka sameyso dagaalka ka socdo Yurub, waa ceeb».

Nuxurka warbixinta eeda xambaarsan ayaa ah in dowlada Norway oo kamid ah dowladaha ugu wax soo saarka badan dhanka shidaalka iyo saliida qeyriin ay balaayiin dollar oo faa´iido ah ka dhalisay sicirka shidaalka qaaliyoobay ee Yurub, kadib markii uu Ruushku weerarka ku qaaday Ukraine.

Norway ayaa sanadkan la filayaa inay iibka shidaalka iyo korontadda ay u dhoofiso dalalka kale ee Yurub, ay ka hesho faa¨iido gaareyso 200 bilyan oo dollar. Taas oo qiyaastii 150 bilyan ka badan( sadex jibaar ka badan) faa´iidada ay Norway ka heli jirtay iibka shidaalka sanadihii hore.

Dalalka Yurub waxaa sanadkan aad qaali u noqday qiimaha shidaalka iyo korontadda taas oo saameyn ba an ku yeelatay nolosha dadka iyo dhaqaalaha dalalka Yurub. Saas oo ay jirto ayay Norway la carciireysaa faa´iidada kasoo gasho shidaalka Yurub kale qaaliga ku noqday ee la dhoofiyo.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in dowlada Norway u baahantahay inay is ceebsato, ayna lacagta faa´iidada ah ee laga helay sabab la xiriirto dagaalka Yurub, ay la qeybsato dalalka kale ee Yurub ee dhibaateysan, gaar ahaan UK.

Xigasho/kilde: Norway is profiting embarrassingly from war in Europe.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x