fredag, april 26, 2024

Midowga Yurub oo raba xanibaada booqashada ruushiyiinta ee Yurub.

Dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Yurub ayaa isku raacay in la hakiyo heshiis ay hore ula galeen dalka Ruushka oo ku aaddanaa in muwaadiniinta u dhalatay dalka Ruushka in loo fududeeyo helista dal-ku-galka (VISA) dalalka Midawga Yurub, taasoo u fududaynaysay dalxiisayaasha Ruushku inay si sahlan ugu safraan dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Yurub.

Josep Borrell oo ah diplomaasiga ugu sarreeya ee ururka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha debedda ayaa sheegay in 27-ka dal ee uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub ay isku raaceen in la hakiyo heshiiskii ay hore ula galeen dalka Ruushka iyaga oo ku sababeeyey duulaanka dalka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

Ururka Midawga Yurub iyo dalka Ruushka ayaa sannadkii 2007 waxay gaadheen heshiis, kaas oo dalalka Midawga Yurub ay ku ogolaadeen in dal ku galka loo fududeeyo muwaadiniinta Ruushka, hase ahaatee heshiiskaas ayaa qayb ahaan la hakiyey bishii February ee sannadkan, markii uu bilaabmay duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday xubnaha aadka ugu dhow dhow madaxweyne Putin iyo saraakiisha dawladda ee ku safraya baasaboorka diblomaasiga ah.

Xigasho/kilde: VOE SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x