mandag, mars 17, 2025
Home Blog Page 38

Sweden oo mar kale u dabacday dalabkii Turkiga ee madaxweyne Urdugan.

0

Wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ayaa sheegtay Jimcihii shalay inay laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan dalbaday xubinimada NATO kadib markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine, balse waxa ay la kulmeen xaalad adag, maadaama codsigoodu uu u baahnaa inay ansixiyaan 30 ka xubnood ee hadda jooga, iyadoo Turkiga uu arrintaas ka soo horjeestay.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu hor istaagi doono dalabkooda ku aaddan eedeymaha Ankara ee ah inay taageerto YPG ee waqooyiga Suuriya, taasoo uu u arko inay tahay kordhinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan koox argagixiso.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 ka dib markii dagaal ka dhan Kurdiyiintaa Suuriya ee YPG ay gudaha u galeen Suuriya.

Saddexda dal ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shirkii NATO ee bishii June ka dhacay magaalada Madrid, halkaasoo Sweden iyo Finland ay ku heshiiyeen dhowr tallaabo oo la qaadayo si wax looga qabto walaaca Turkiga ee musharaxiinta.

ISP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billowday bixinta oggolaanshaha dhoofinta inta lagu guda jiro rubuci saddexaad laakiin ma aysan shaacin shirkadaha ama badeecadaha la siiyay fasaxa, iyagoo tixraacaya sirta.

Xigasho/kilde: VOA+Reuters.

Tiro ka badan 200 nin oo Ruush ah oo soo galay xuduuda Norway.

0

Kadib markii uu sii xumaaday dagaalka u dhaxeeyo Ukraine oo taageero nooc walba ka heleyso reer Galbeedka, iyo Ruusha, waxaa sii badanayo cadaadiska ay dowladu Ruushku ku heyso shacabkeeda. Cadaadiskaas oo la xiriiro in dad badan, gaar ahaan ragga loo diro goobaha dagaalka, si ay qeyb uga noqdaan duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalka Ruushka ka socday dibad-baxdo waaweyn oo dadweynaha Ruushku uga soo horjeedaan awaamiirta ku saabsan in dowladu ay si qasab ah dadka gaashaan-qaadka ah ugu direyso goobaha dagaalka, si garab loo siiyo ciidanka Ruushka oo maalmihii ugu danbeeyay la kulmay guul-darooyin xoogan. Dadka ugu badan ee dowladu ay rabto inay raafto ayaa ah ragga, gaar ahaan kuwo heysta tababarka milatari ama amni ee kale.

Dhanka kale waxaa aad u batay tirada dadka Ruushka ah ee ka baxsanayo dalkooda, iyaga oo u qaxaya dalalka kale ee Yurub. Waxaana maalmihii ugu danbeeyay la arkayay kumanaan dad oo Ruush ah, kuwaas oo wada dalbada dal ku galka dalalka Yurub ee EU-da iyo Turkiga.

Dalkan Norway oo xuduud la leh Ruushka, waxaa maalmihii lasoo dhaafay la diiwaangaliyay inay xuduudka kasoo gudbeen dad ka badan dadkii horey usoo gudbi jiray xuduudka Norway.

Isniintii lasoo dhaafay oo kali ah, waxaa xuduudka Norway kasoo gudbay 402 qof, waxaana kamid ahaa ugu yaraan 200 nin oo Ruush ah, kuwaas oo wata Viisooyin Shengen ah.

Xigasho/kilde: Flere russiske menn har krysset grensen til Norge.

Ruushka oo dhalasho siiyay jaajuus Mareykan ah.

0

Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyey Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha amniga ee dalka Maraykanka.

Snowden ayaa ka mid noqday 75 qof oo ajaanib ah oo la siiyey jinsiyadda dalka Ruushka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dawladda Ruushka.

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruushka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka, ka dib markii uu faafiyey xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka.

Sannadkii 2020 ayaa Snowden la siiyey deganaansho rasmi ah, isagoo xilligaas sheegay inuu qorshaynayo inuu codsado dhalashada dalka Ruushka, isaga oo aan ka tanaasulin dhalashadiisa Maraykanka.

2 nin oo midi soomaali yahay oo loo qabtay weerarkii dadka lagu dilay ee Oslo.

0

Booliska Oslo ayaa ayaa maanta sheegay inay qabteen labo qof oo lala xiriirinayo weerarkii  25-kii bishii juun ee sanadkan lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaal senterka magaalada Oslo. Weerarkaas oo ku dhinteen labo(2) qof, ayna ku dhaawacmeen 21 qof oo kale.

Daqiiqado kadib, marka uu falkan dhacay waxay boolisku qabteen Zaniar Matapour  oo ah 42 sano jir Kurdi-iiraani ah, heystana dhalashada Norway, kaas ay boolisku sheegeen inuu ahaa qofki falkaas ka danbeeay. Booliska ayaana ilaa hada ninkan xabsiga ku hayo, iyaga oo diyaarinayo kiiska dacwadda isaga ka dhanka ah.

Booliska Oslo ayaa maanta aroortii hore sheegay inay soo qabteen labo(2) qof oo kale oo lala xiriirinayo falka weerarka ah ee lagu qaaday goobta ay ku caweeyaan( Club) dadka loo yaqaan LGBTQ-ga ama dadka isku jinsiga ah ee isku hawoodo.

Sida ay qorayaan warbaahintu, mid kamid ah labadda nin ee la qabtay ayaa ah nin afartameeyo jir soomaali ah, halka kan kalena uu yahay Pakistaani sodomeeyo(30) jir ah oo heysta dhalashada Norway.

Booliska ayaa sheegay in labadda(2) ninba ay yihiin dad ay horey aqoon ugu lahaayeen.

Booliska ayaa isbuucan sheegay inay sidoo kale falkan ku eedeynayaan Arfan Bhatti oo ah Norwegi-iiraan caan ka ah gudaha Norway. Horeyna loogu eedeeyay falal-danbiyeedyo kala duwan.

Isku dar waxaa falkan ku eedeysan inay qeyb ka ahaayeen afar qof oo kala duwan.

Xigasho/kilde: To nye personer pågrepet og siktet etter Oslo-skytingen.

Panelsamtale om kulturrehabilitering: hvorfor foreldre sender eller etterlater sine barn i utlandet.

0

I februar 2019 utnevnte norske regjeringen ekspertgruppen om unge som etterlates i utlandet mot sin vilje, altså kultur-rehabilitering eller dhaqan celis på somali. Gruppen leverte en rapport til regjeringen i 2020. Formålet med gruppen var å bidra til at flere slike opphold blir forhindret, og at unge får bedre hjelp når de er i utlandet og når de kommer hjem.


I denne panel-samtalen om kultur-rehabilitering har vi fått med oss to medlemmer fra ekspertgruppen, og den norske ambassaden i Nairobi som forsøker å hjelpe barn og unge som er blitt etterlatt i Øst-Afrika mot deres vilje. I tillegg til somaliske fageksperter, politiker, rollemodeller og rådgivere som kjenner målgruppen godt (både foreldre og unge).


Gjennom denne panelsamtalen prøver vi å finne ut hvorfor foreldre sender eller etterlater sine barn i utlandet. Og vi ser på hva det gjør med barna og hvilke konsekvenser det kan få for dem når de senere vender tilbake til det norske samfunnet.

Wasiirka A. dibadda Soomaaliya oo la kulmay wasiiradda deeqaha Norway.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaaladda New-York kula kulmay wasiiradda deeqaha Norway Anne Beathe K. Tvinnereim. Waxaana labadda wasiir kulankooda sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimaha waaxda geeska iyo galbeedka Africa ee Wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga ka socday Norway ay si qotto dheer uga wada hadleen sii wadista iskaashiga labada dal iyo hawlaha dawladda Norwey ka caawiso dawladda federaalka Soomaaliyeed.

Labadda wasiir ayaa ka wada qeybgalay kalfadhiga guud ee ururweynaha qaramadda Midoobay.

Tahriibiayaal Soomaali u badan oo ka baxay Turkiga oo lagu la’yahay xeebaha Giriigga

0

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

Dadka la badbaadiyay oo u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, ayaa saraakiisha u sheegay in 55 qof ay la socdeen doonta. War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in la billaabay howlgal samatabixin ah.

Waxay hawlgal labaad ka bilaabeen Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan. Dadka la badbaadiyay ayaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow.

Safarka halista ah ee kasoo gudbaya badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga ayaa galaaftay nolosha tobannaan muhaajiriin ah sanadihii la soo dhaafay.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Norway: 3.800 qof oo laga daaweynayo dhaawacyo oo uu covid ku reebay.

Sida uu qoray NRK, ilaa hada 3800 qof oo Norway kunool ayaa loo diray isbitaalo, si looga daaweeyo dhaawacyo caafimaad oo dheeri ah oo uu ku yeeshay Covid-19.

Dadkan ayaa ah dad uu ku dhacay feyruska corona, kana caafimaaday. Balse uu kaga tagay saameyn caafimaad oo wali ay la dhibaateysanyihiin. Dadka ugu badan ee coronuhu uu saameyn kaga tagay, ayaa ah dadkii horeyba u qabay xanuuno kale oo Coronaha uga horeeyay, sida neefta, macaanka iwm.

Waxyaabaha ay dadka ugu badan ka cabanayaan ayaa ah, neefta ay ku dhibaatoodaan ama ku qabatinta, daal, lafo xanuun iyo madax xanuun.

Dadkan ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka LHL ee kutaal agagaarka garoonka diyaaradaha ee Gardermoen. Waxaana qofka halkaas la geeyo xaaladiisa lala socdaa mudo afar isbucaan.

Odd-Magne Fjellstad oo ah madaxa guud ee isbitaalka LHL ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ka bogsadaan ama ka fiicnaadaan dhaawacyadda caafimaad ee uu kaga tagay Corona.

Xigasho/kilde: 3.800 til rehabilitering for covid-senskader.

Xildh. Leila oo difaacatay booska xildhibaanimo ee Baarlamaanka Sweden

0

Waxaa subaxnimadii axaddii shalay la soo bandhigay natiijadii kama dambeeysta ahayd ee doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalka Sweden, kadib markii la tiriyay codadka dadweynaha ee doorashada ka qeybgalay.

Xildhibaan Leyla Elmi oo ah xildhibaanad soomaali ah oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsaneyd baarlamaanka dalka Sweden, ayaa mar kale ka mid noqotay xubnaha cusub ee baarlamaanka dalka Sweden.

Leila oo laga soo doorto magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sweden Göteborg, ayaa barteeda Facebooga ku xaqiijisay inay mar kale kamid noqotay baarlamaanka dalka Sweden u talin doono afarta sano ee soo socoto:

Waxaa marka ugu horeysa mahad iska leh ilaahay, marka xiga dadki sida hagar’la’aanta ila shaqeyay. Waa markale iyo afar sano xildhibaanimo aah.

Leila Elmi ayaa sanadkan waday olole doorasho xoogan oo ay mar kale ku dooneysay ku guuleysiga iyo difaacista kursiga xildhibaanimo iyo iibinta siyaasadda xisbigeeda Miljöpartiet. Waxeyna qoraalo gar-naqsi ah kusoo qoreysay bogageeda baraha bulshada, iyada oo kusoo bandhigeyso waxa u qabsoomay afartii sano ee lasoo dhaafay, iyo guulaha siyaasadeed ee xisbigeedu uu gaaray, faa´iidadana u leh bulshada soo dooratay.

Dhanka kale waxaa mar kale cadaaday in xisbiga midigtu ay markan si toos ah ugu guuleysteen. Waxaana la filayaa inay dhawaan soo bandhigaan manifesto iyo heshiis siyaasadeed oo gun-dhig u noqon karo xukuumad wadaag ah oo ay soo dhisaan.

Ruter: 4 ilmood ayuu qofka weyni tigidka gaadiidka dadweynaha ku saari karaa.

0

Laga bilaabo maalinta beri ah( Isniinta), 19.9.2022 shirkadda gaadiidka dadweynaha ee Ruter ayaa sheegtay in qofka weyn ee tigidka iibsada, loo ogolaan doono inay tigidkaas(voksen-billett) ay gaadiidka dadweynaha kula raaci karaan afar caruur ah.

Ogolaanshahan oo horey ugu ekaa maalmahana fasaxyadda iyo dhamaadka isbuuca( Sabti iyo axad) ayaa hada lagu kordhiyay wixii ka danbeeyo lixda Galabnimo( 6 pm) ama saacadda 18:00, sida Norway looga yaqaano. Wuxuuna qofka weyni afarta ilmaha ah tigidkaas kula raaci karaan bussaska ka shaqeeyo Oslo iyo Viken.

Fursadaan cusub waa tijaabo, waxayna socon doontaa illaa 2023, ka dib markii Oslo ay Viken ku raacday arrintan.

Xigasho/kilde: Fra neste uke kan barn reise gratis med voksne

Raymond Johansen: Reer Oslo-w Isku diyaariya xili adag oo dhibaato.

0

Maamulka Oslo ayaa isbuuca soo socdo soo bandhigi doono miisaaniyadda lagu maamuli doono degmadda sanadka soo socdo. Gudoomiyaha maamulka Oslo Raymond Johansen ayaa dadka kunool magaalada ka codsaday inay isku diyaariyaan xili adag oo dhibaato, wuxuuna miisaaniaydda ay soo bandhigi doonaan ku qeexay miisaaniyad sanad dhibaato.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay wargeyska Aftenposten ayaa sheegay in bilaha iyo sanadka soo socdo la filayo xaalado adag oo ka dhasha sicir barar, lacagta korontada oo qaaliyowdo, qiimaha cuntada oo kor u kaco iyo qiimaha canshuuraha baabuurta dowlada oo kor loo qaadi doono.

Raymond Johansen ayaa arrinta ugu daran ku tilmaamay qiimaha korontada oo uu sheegay inay lacag badan uga baxeyso degmadda. Sicirka korontada ayuu ku tilmaamay in dad badan ku keeni karto inuu hoos u dhaco awoodooda dhaqaale. Waxa uuna raaciyay in degmadu ay sameyn doonto wax walba oo ay awoodo si arrintaas hoos loogu dhigo, isaga oo tusaale usoo qaatay in la damiyay nalka xafiiskiisa xiliga wareysiga laga qaadayay, si uu u dhaqaaleeyo lacagta korontada degmadda uga baxdo.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in wax walba ay si dhaqso ah isku badaleen, iyada oo dad badan oo siyaasiyiin aysan wali fahmin xaaladdaha adag ee lagu jiro. Waxa uuna dhanka kale dowlada dhexe ka codsaday inay maamulladda degmooyinka u kordhiyaan lacagaha kabka ah ee lagu taageero.

Johansen ayaa ka digay inay dhici karto in degmadu ay go’ aamiso in la yareeyo heer-kulka guryaha iyo xarumaha dowladda, si loo dhaqaaleeyo lacagta degmada uga baxdo korontada.

Xigasho/kilde: Ber Oslo-folk være forberedt på krisetid. Det vil merkes i budsjettet.

Sirdoonka Norway oo gacan dheeri ah ka rabo hey´addaha caafimaadka.

0

Hey´adda sirdoonka dalkan Norway ee loo yaqaan PST-da, ayaa jimcihii shaley aheyd soo bandhigtay warbixin ku saabsan xiriirka ka dhaxeeyo dadka xagjirka ah ee geysan kara weeraradda argagaxiso iyo xanuunadda dhimirka. Waxeyna ka hadleen wada-shaqeynta ka dhaxeyso hey´adda sirdoonka iyo hey´adda caafimaadka.

Hey´addaha caafimaadka ayaa heysta waajibka sir-qarinta ee qofka bukaanka ah ama caawinaada caafimaadka kasoo doonto. Halka boolisku iyo sirdoonku ay rabaan inay ogaaadaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta caafimaadka ee qofka iyaga bar-tilmaameedka u ah. Waxeyna badanaa diidmo kala kulmaan hey´addaha caafimaadka oo ilaalinayo sirta qofka.

PST-da ayaa warbixintooda ku sheegay inay muhiim tahay in dib loo qeexo ilaa inta ay le ekaan karto xogta ay hey´addaha caafimaadka la qeybsan karaan booliska iyo sirdoonka, taas oo ah muhiim u noqon karto ka hor tagista weeraro ama khatar kale oo bulshada kusoo wajahnaan karto.

Warbixinta ay soo saareen sirdoonku ayay ku sheegeen in xanuunanadu dhimirka ay saameyn aan toos aheyn ku yeelan karaan in qofku uu xagjir noqdo, uuna geysto weerar argagaxisnimo.

Shirka lagu soo bandhigay warbixinta sirdoonka ee ku saabsan xanuunadda dhimirka iyo dadka geysta weerara argagaxiso, waxaa goob-joog ka ahaa wasiiradda cadaaladda iyo amniga Norway,Emilie Enger Mehl, iyo wasiiradda caafimaadka Ingvild Kjerkol.

Wasiiradda cadaaladda ayaa sheegtay in dowladu ay soo bandhigi doonto istiraatiijiyad cusub oo looga hortagayo weerarada argagaxisnimo.

Xigasho/kilde: PST: Ønsker å lette på helsetjenestens taushetsplikt.

Gabar ay xaaskiisu dhashay ayuu musqusha filim uga duubay: Xukun xabsi

0

Maxkamadda racfaanka ee kutaal magaalada Bergen ee dalkan Norway ayaa lix(6) bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin kontomeeyo(50) jir ah, kaas oo lagu helay danbi ah inuu si qarsoodi ah muuqaalo uga duubay gabar ay xaaskiisu dhashay, xili ay musqusha ku jirtay.

Falkan ayaa bilowga sanadkii 2020 ka dhacay guriga ay ku wada noolaayeen ninkan iyo gabadha uu adeerka u yahay. Waxeyna xeer ilaalintu sheegtay in ninkan uu kamiro qarkoodi ah ku xiray saqafka musqusha, isaga oo kaamirada ka hagayay saacadiisa, halkaasna uu ka daawanayay gabadha uu adeerka u yahay oo musqusha ku jirto.

Ninkan ayaa qirtay falka lagu eedeeyay, balse waxa uu diiday inuu sameeyay wax danbi ah.

Maxkamadda hoose ayaa markii hore ninkan ku xukuntay sadex(4) bilood oo xabsi ah, balse maxkamadda racfaanka ayaa xukunka hadda uga dhigtay lix(6) bilood.

Qareenka u doodayay gabadha dhibanaha ah ayaa xukunka maxkamadda racfaanka ku tilmaamay mid cadaalad ah.

Xigasho/kilde: Mann dømt for å ha filmet stedatteren i dusjen.

Guryaha dowlada ee Bergen oo korontada laga yareyn doono.

Guud ahaan dalalka Yurub, waxaa qaboobahan soo socdo ee bilaaban doono bisha October la isku diyaarinayaa in sicirka korontadu uu noqon doono mid aad qaali u ah. Waxeyna dowladuhu iyo degmooyinka hoose ee dalalka Yurub qaadeen talaabooyin kala duwan oo lagu xakameynayo kororka sicirka korontada.

Golaha deegaanka Degmadda Bergen oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Norway ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo lagu dhaqaaleynayo lacagta degmadda uga baxdo korontada. Waxeyna degmadu sheegtay in hoos loo dhigi doono heer-kulka(kuleylinta) guryaha iyo xarumaha dowlada, heer-kulkoodana xiliga qaboobaha laga dhigi doono 20 C.

Lacag gaareyso ilaa 40 milyan ayaa degmadda uga baaqan doonto hoos u dhigista heer kulka guryaha dowlada. Waxaa sidaas lagu sheegay war kasoo baxay maamulka degmadda.

Sidoo kale jaamacadda Bergen ayaa iyaduna sheegtay inay qaadi doonto talaabo hoos loogu dhigi doono heer kulka dhismayaasha jaamacadda, waxaana talaabaddan ugu baaqan karto ilaa 8 milyan oo kr.

Guud ahaan degmooyinka kala duwan ee Norway ayaa laga fili karaa inay qaadaan talaabooyin kala duwan oo lagu dhaqaaleynayo lacagta ku baxdo korontada oo sicirkeedu la fili doono inuu noqon karo mid aad u qaali ah bilaha soo socdo.

Xigasho/kilde: Byrådet besluttet torsdag å senke temperaturen i alle kommunale bygg..

Haweenay loo xukumay isku deyga dilka saaxiibteed oo barnevern ku dacwaysay.

0

Maxkamadda Søndre Østfold ayaa haweenay labaatameeyo(20) jir ah ku xukuntay lix(6) bilood oo xabsi ah, iyo inay bixiso magdhow gaaraya  175.000 kr, kadib markii lagu helay danbi ah isku deyga dilka saaxiibteed oo dacwad uga gudbisay heyádda barnevernka.

Dhacdadan ayaa bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay magaalada Halden ee gobolka Viken.

Haweeneyda la xukumay ayaa ah hooyadda hal ilmo ah oo ay kali ku tahay masuuliyada xanaanadiisa. Waxaana sida kasoo baxday dhageysiga maxkamadda dacwada ku saabsan arrintan la ogaaday, in haweeneyda dhibanaha ah ee saaxiibka la aheyd haweeneyda la xukumay, ay dacwad u gudbisay hey, adda barnevernka. Taas oo ay afar mar oo kala duwan uga warbixisay inay wel-wel ka qabto xanaanadda wiilka ay saaxiibteed dhashay, sababo la xiriiro adeegsiga maandooriye.

Haweeneyda dacwada laga gudbiyay ayaa iyada oo dhalo gacanta ku wadato aaday guriga ay saaxiibteed dacwada ka gudbisay ku nooleyd, waxeyna dhowr mar ku goysay mindi. Balse waxaa sida ay xeer ilaalintu sheegtay ka qabtay oo ka gaaray nin guriga ku sugnaa xiliga uu falkaas dhacayay.

Haweeneyda dacwada laga gudbiyay ayaa laga sheegay inay tiri: Waxbo kuma gaarin hada, marka lala barbardhigo sida aad u ekaan doonto aan kaa dhameysto.

Inkasta oo uusan dhaawac weyn soo gaarin, hadana maxkamadda ayaa aamintay dacwada xeer ilaalinta ee aheyd in falkan uu ahaa mid isku dey dil ah.

Haweeneyda eedeysanaha ah ayaa dhankeeda qiratay inay saaxiibteed mindi galisay, balse waxey diiday eedeynta ah isku deyga dilka. Waxeyna saaxiibteed ku eedeysay inay dacwad uga gudbisay barnevern-ka , iyo inay dib u ugu soo bandhigtay adeegsiga daroogadda.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn haweeneydan eedeysanaha ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah iyo inay magdhow lacageed oo 175.000 gaarayo siiso saaxiibteed.

Xigasho/kilde: Kvinne dømt for drapsforsøk på venninne som meldte henne til barnevernet.

Doorashadii Sweden oo lagu kala baxay: Xisbiga midigta ayaa guuleystay.

0

Magdalena Andersson oo ah reysulwasaaraha xilka sii heysa ee dalka Sweden, aheyd musharaxa reysulwasaare ee doorashadan u tartamayay xisbiyada garabka bidixda ee siyaasadda Sweden, ayaa saacad kahor qirtay in doorashadii Sweden lagu kala adkaaday. Waxeyna u hambalyeysay garabka xisbiyada midigta oo sida muuqato guur aan cago badan ku taagneyn ka gaaray doorashadii Sweden.

Reysulwasaare Magdalena Andersson ayaa u hambalyeysay Ulf Kristersson oo ah gudoomiyaha xisbiga Moderaterna, loona badinayo inuu noqon doono reysulwasaaraha cusub ee Sweden.

Sida muuqato waxaa doorashada Sweden lagu kala baxay hal kursi xildhibaan kaas oo ah farqiga u dhaxeeyo labadda garab e siyaasadda Sweden. Xisbiyada bidixda oo ay hogaamiso reysulwasaaraha hada xilka hayo ee Andersson ayaa helay 173/174 kursi oo kamid ah kuraasta aqalka baarlamaanka Sweden. Halka xisbiyada midigta ee uu hogaaminayo Kristersson ay heleen 175/176 kursi. Taas oo xisbiyada midigta siineyso guul dirqi ah.

Si kastaba waxaa wali aan la ogeyn qaabka ay noqon doonto xukuumadda ay soo dhisi doonaan xisbiyada midigta, iyo inay dowlada soo galin doonaan xisbiga xagjirka midigta fog ee SD iyo inkale. SD oo ah xisbiga guusha ugu badan gaaray doorashadan, ayaa noqday xisbiga labaad ee ugu weyn dalka Sweden. Waxeyna heystaan awood ay ku gorgortami karaan, dowladana ay uga mid noqon karaan.

Guusha dirqiga ah ee xisbiyada midigta ayaa siyaasadda Sweden wali ka dhigeyso mid aan ka bixin seeg-seegii ay kujirtay sanadihii ugu danbeeyay, maadaama uusan jirin xisbi ama xisbiyo isku tagay oo isku darka heystay aqlabiyad ay dalka ku maamuli karaan ama siyaasad mideysan ku fulin karaan. Labadii sano ee ugu danbeeyay oo kali ah reysulwasaaraha Sweden ayaa is casilay ama xilka waayay sadex mar oo kala duwan.

Inta laga soo dhisayo xukuumad cusub waxaa xilka sii heyn doonto reysulwasaare Magdalene Andersson oo ah haweeneydii ugu horeysay ee abid reysulwasaare ka noqoto Sweden.

Xigasho/kilde: Høyresiden erklærer valgseier i Sverige.

Abdi: Sababtan ayaan uga baxay siyaasadda Oslo, kadib markii aan 4 sano ku jiray.

0

Abdi Said Diiriye oo ah mid kamid ah afar siyaasi oo soomaali ah oo xiligan katirsan golaha deegaanka magaalada Oslo, ayaa dhawaan sheegay inuu isaga baxay siyaasadda Oslo, sababo isaga u gaar ah awgiis.

Wareysi uu siiyay wargeyska Avisa Oslo ayuu ku sheegay inuu duqa magaalada Oslo, Mariane Borgen oo ah madaxa xulista xisbiga SV ee xubnaha sanadka danbe iska soo sharixi doono magaalada Oslo, u gudbiyay doonistiina ah inuusan isku sharixi doonin kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo ee doorashada sanadka danbe 2023.

Abdi ayaa wareysi uu siiyay NorSom TV noogu sharaxay sabbata uu u go’ aansaday in uu siyaasadda isaga baxo, iyo waxyaabaha ku kalifay arrintaas. Isaga oo sidoo kale faah-faahiyay qaabka ay u shaqeeyaan siyaasiyiinta goleyaasha deegaanka Norway oo ah mid aad uga duwan, sida ay soomaali badan sawiran karaan.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.