torsdag, april 25, 2024

Dowlada oo rabta xoojinta xuquuqda dadka adeegsada lacagta kaashka ah.

Dalkan Norway waxaa sii yaraanayo tirada dadka sida maalinlaha u adeegsada lacagaha cadaanka ama kaashka ah. Waxaana dadku intiisa badan u badanayaan adeegsiga kaararka bankiyada ama aaladaha lacagta-mobilka ah, sida Vipss oo kale tusaale ahaan.

Saas oo ay taheyna waxaa wali jiro dad adeegsada lacagaha kaashka ah, gaar ahaan dadka waayeelka ama dadka aan ku fiicneyn adeegsiga internetka iyo adeegyada lacag isku dirista ee Mobilka.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway, ayaa lagu sheegay in dowlada ay rabto ilaalinta iyo adkeynta dadka wali adeegsadda lacagaha kaashka ah, dadkuna ay marka ay rabaan u awoodi karaan inay si kaash ah u bixiyaan lacagta adeegyada ay iibsadaan.

Hadalka dowlada ayaa kusoo aaday xili ay soo badanayaan dukaamadda iyo goobaha ganacsiga ee diida in kaash ah wax looga iibsado, iyaga oo shardi ka dhiga in qofku uu kaar ku bixiyo adeegada ama badeecadda uu iibsaday.

Wasiiradda cadaaladda Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay hindise-sharciyeed u dirtay baarlamaanka, si looga niqaasho sharciga maaliyadda Norway oo qodobadiisa qaarkood uu yahay kuwa aysan cadeyn.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in qof walba uu marka uu rabo adeeg ama badeeco u iibsan karo si kaash ah. Si taas loo helena ay dowladu dib ugu noqon doonto sharciga maaliyada, si isbadal ama xoojin loogu sameeyo.

Xigasho/kilde: Vil styrke forbrukernes rett til å betale med kontanter.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x