torsdag, april 25, 2024

Denmark oo rabta in qoxootiga iska soo dhiibo lagu xareeyo xero kutaal Rwanda.

Dowladaha dalalka Denmark iyo Rwanda ayaa is afgarad ka gaaray heshiis ku saabsan in Rwanda ay marti galiso xero qoxooti oo ay Denmark rabto in lagu xareeyo qoxootiga iska soo dhiiba dalkeeda ee magangalyada weydiista.

Dhanka dowlada Denmark waxaa heshiiskan saxiixay wasiirka isdhexgalka ee Kaare Dybvad Bek iyo wasiirka deeqaha Flemming Møller Mortensen oo ku sugan dalka Rwanda. Waxaana heshiiska ay la galeen nuqul kamid ah heshay wakaaladda wararka dalka Denmark ee Ritzau.

Labadda wasiir ee Denmark is afgaradkan u saxiixay ayaa ka tirsan xisbiga Social-demokrati oo tan iyo sanadkii 2018 rabay in xero qoxooti ah laga furo Rwanda, si loogu xareeyo qoxootiga Denmark iska soo dhiiba. Ujeedka arrintan ayay ku sheegeen inay rabeen in lagu yareeyo tirada dadka qoxootiga ah ee Denmark magangalyada soo weydiisanayo.

Qorshaha ay hada isku dayeyso Denmark waxaa horey u sameeyay UK oo wali ku dhiban in la fuliyo qodobada heshiiskaas, maadaama ay maxkamadda Yurub ee xuquuqul insaanka ay joojisay tarxiilka dadkii koowaad ee UK ay rabtay inay u dirto Rwanda.

Xigasho/kilde: Fælles erklæring mellem Danmark og Rwanda skal sende asylbehandlingen til Afrika.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x