tirsdag, april 23, 2024

Mid kamid ah tujaarta ugu weyn Norway oo dalka ka guuray: Sababtan awgeed.

Kjell Inge Røkke waa mid kamid ah dadka ugu hantida iyo lacagta badan dalkan Norway, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa 45 bilyan oo lacagta Norway ah. Waxa uu leeyahay shirkado waaweyn oo ganacsiyo ku leh suuqyada soo saarista, dhoofinta iyo sifeynta shidaalka, kaluunka iyo waliba dhismayaasha. Sidoo kalena waxaa mulkiilaha kooxda Molde ee ka dhisan magaalada Molde ee dalkan Norway.

Saaka subixii ayaa lagu waabariistay warqad uu Kjell u qoray saamileyda shirkadihiisa, taas oo uu ku wargalinayay inuu go´aansaday inuu ka guuro Norway oo hantidiisa inta ugu badan ku sameeyay, una guuro dalka Switzerland.

63 sano jirkan hantiilaha ah ayaa waraaqda uu ku shaaciyay ka guuritaankiisa Norway, ku sheegay in ganacsiyadiisu ay sidii caadiga aheyd uga shaqeyn doonaa dalka Norway, balse isagu shaqsi ahaan uu go´aansaday inuu u guuro magaalada  Lugano ee dalkan Switzerland. Go´aanka guuritaanka ayuu ku tilmaamay mid aad u adkaa, balse xaqiiqada uu kaga marmaami waayay.

Inkasta oo uusan Kjell Inge røkke si cad u sheegin sababta rasmiga ah ee u guuray, hadana wuxuu ku biirayaa liiska hantiilayaal Norwiiji ah, kuwaas oo horey uga guuray dalka Norway, una guuray dalalka Sweden iyo Switzerland, iyaga oo ka cararayo canshuurta dheeriga ah ee dowlada Norway ay ka qaado hantiileyda.

Norway ayaa kamid ah meelaha ay canshuurta ugu badan bixiyaan dadka hantiileyda ah, gaar ahaan kuwa heysta hanti keyd oo muuqato. Qiimeyn uu sameeyay wargeyska ka warama arrimaha dhaqaalaha ee Finansavisen ayaa lagu sheegay in Kjell Inge Røkke uu ka guuritaanka Norway ugu baaqaneyso lacag gaareyso 360 milyan oo canshuur ahaan uu u bixin lahaa.

Ka guuritaanka Kjell ee Norway ayaa abuurtay doodo xoogan, waxaana jiro dad badan oo dowlada ku eedeynayo in ganacsadayaasha waaweyn iyo Hantiileyda Norwiijiga ah lagu qasbayo inay dalka ka guuraan, iyaga oo ka cararayo canshuuraha dheeriga ah ee dowlada saarto. Halka dadka qaarkood ay ganacsadayaasha guuray ku eedeynayaan inay yihiin dad aan tixgalin Norway, rabana inaysan ka qeybqaadan canshuuraha dowlada ee Norway ka dhigay wadan loo simanyahay fursaddaha nolosha iyo adeegyada dowliga ah.

Xigasho/kilde: Kjell Inge Røkke gjør som Bjørn Dæhlie og flytter til Sveits. Flyttingen gjør at Røkke sparer rundt 360 millioner kroner i årlig formuesskatt..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x