torsdag, april 25, 2024

Dowlada oo raali-galin siisay waalidiin barnevern-ka lagu dacweeyay.

Waalidiin badan ayaa heysta caruurta aan ku fiicneyn iskuulka ama iskuulka ka maqnaada, waxaana arrintaas sabab u noqon karo waxyaabo kala duwan. Waxyaaba ka dhalan kara in ilmuhu ay iskuulka ka maqnaadaan, ayaa waxaa kamid ah in hey’ adda xanaanadda caruurta ee Barnevern-ka loo diro dacwad la xiriirto arrintaas.

Wargeyska Dagavisen ayaa baaritaan iyo dabagal ku sameeyay sababaha keena in waalidiin badan iskuuladda ay ka gudbiyaan dacwad loo diro barnevern-ka. Waxaana lagu ogaaday in iskuulo badan ay fariin wel-wel ah barnevern-ka u diraan, iyaga oo aan waalidiinta la hadliin kahor inta aysan dirin fariinta. Waxaana sidoo kale baaritaankan lagu ogaaday in fariintaas ay iskuuladda diraan, iyaga oo aan marka hore buuxin shuruudaha fariin dirista barnevern-ka ama aan hubin arrimaha jira.

Waalidiin badan oo warbaahinta in fariinta laga gudbiyay, iyada oo aan lala tashan ama la wargalin ay ku noqotay culeys.

Hooyo kamid ah waalidiinta dacwadda laga gudbiyay ayaa sheegtay in wiilkeedu uu iskuulka aad ugu dhibnaa, ayna dalbadeen in la caawiyo, balse aan dheg jalaq loo siin. Taas badalkeedna dacwad looga gudbiyay barnevern-ka, arrintaas oo ay hooyadan dhibanaha ah ku sheegtay in laga xishoodo oo sharaf dhac ah.

Kjersti Toppe oo wasiiradda qoyska iyo caruurta ayaa sheegtay in arrintan ay tahay mid murugo leh, laga xumaado, saameyna ku yeelatay iyada. Waxeyna raacisay in dowlada ay dhamaan waalidiinta dareemay arrintan siineyso raaligalin.

Sida lagu sheegay xog uruurin ay sameysay SSB, Mudadii u dhaxeysay 2013 ilaa 20220, waxey barnevern-ku laaleen( aysan ka shaqeyn) 20.000 kiisas xambaarsan fariin wel-wel ah oo iskuuladda uga yimid. Halka 5000 kiis ay laaleen, kadib markii ay waalidku soo codsadeen.

Wasiiradda dhalaan ayaa sheegtay in arrinta ay waalidiintan la kulmeen ay tahay mid qalad ah, ayna iyadu fahmeyso culeyska ay yeelan karto. Iyada oo raacisay in iskuuladda ay ku wargalisay in arrintan oo kale aysan dhicin.

Xigasho/kilde: Beklager til foreldre som er meldt til barnevernet uten grunn: – Det de har blitt utsatt for, har vært en stor feil.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x