onsdag, mai 1, 2024

70 sano kadib booliska UK oo raali-gelin ka bixiyay Soomaali xaq darro loo dal-dalay.

Qoyska Aabbe Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dil ayaa booliisku raalli-gelin ka bixiyay 70 sano kaddib markii lagu deldelay xabsi ku yaalla Britain.

Booliiska South Wales ayaa raaligelin ka bixiyay waxayna qirteen in dacwad oogista ay “khaldanayd”.

“Waa kiis waqtigiisu aad u dheeraa – cunsuriyad, iyo eexna ku jirtay waxa uuna uur ku taallo ku sii ahaan lahaa bulshada oo dhan, iyo xitaa nidaamka cadaaladda dembiyada,” ayuu yiri, Jeremy Vaughan oo ah madaxa booliska.

“Shaki kuma jiro in Mxamuud Mataan uu ahaa dhibane wajahay cadaalad darro ah ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa.”

Xaaskii Maxamuud Mataan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen oo la kala yirahdo Daud, Cumar iyo Mervyn, oo sidoo kale loo yaqaanay Eddie, ayaa 46 sano waxay u ololeynayeen in la caddeeyo in uusan dambi galin.

Hadda dhammaantood waa ay dhinteen laakin, mid ka mid ah lix carruur ah oo uu awoowe u yahay ayaa raalli gelinta booliska ku tilmaamay “mid aan daacad ahayn.”

“Aad bay u soo daahday sabatoo ah dadkii ay dilkiisa aadka u saameysay hadda nalama joogaan, weli ma maqalno erayada sida waan ka xunahay,” ayay tiri Tanya Mataan oo uu awoowe u yahay.

Sheekada Maxamuud Mataan:

Bishii September 1952, qofkii ugu dambeeyay ee lagu daldalay Cardif, Britain, ayaa meeshii lagu dilayay la saaray.

Maxamuud Mataan ayaa si khalad ah loogu helay dembi ahaa in uu dilay qof dukaan iibinayay oo lagu magacaabay Lily Volpert, oo ku sugnayd Tiger Bay ee Cardiff.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff.Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay”.

Nadifa Maxamed oo buug ka qortay sheekada ninkan waxay sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The Fortune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan.

Balse, Nadifa Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

“Dadka yaqaana waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa in uu difaaco xuquuqdiida iyo xaqa dadka ku hareereysan”, ayey tiri Nadiifo.

“Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bartilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca.”

Balse, sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff.

Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii.

Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta.Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska.

Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn.

Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat.

Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass.

Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira.

Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo.

Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”.

Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil, Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii.

Kumuu ahaa Maxamuud Mataan?

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab.

Sannadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen.

Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay.

Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen.

Isha: BBC

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x