fredag, april 26, 2024

Daawo: Shir looga hadlayo soo saarista biyaha Soomaaliya oo Oslo ka dhacay.

Maalintii khamiista aheyd waxaa magaalada Oslo ka dhacay shir ay soo qabanqaabisay madasha @Somali Norwegian Strategic Parters, kaas oo ay lagu soo bandhigay mashruuc baaritaan ah oo ay sameysay shirkada RUDEN AS oo ah shirkad laga leeyahay dalkan Norway. Waxaana kasoo qeybgalay madaxa xafiiska safaaradda Norway ee Muqdisho, Haakon Svane.

Shirkada oo wada-shaqeyn la leh dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ku howlaneyd sahmin iyo baarista biyaha gunto hoose ee Soomaaliya, iyada oo shirkadu ay adeegsaneyso xog ay ka heshay dowlada Soomaaliya. Waxeyna sidoo kale qiimeeyeen qaabka ugu fudud ee looga faa’ iideysan karo biyahaas, si loola tacaalo abaaraha kusoo noq-noqda Soomaaliya.

Ruden AS oo soo gaba-gabeysay wajigii koowaad ee mashruucan oo ahaa sahminta ayaa sheegtay in baaritaankooda ay ku ogaadeen in Soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu fursaddaha badan caalamka, marka la fiiriyo biyaha gunta hoose ee dhulka, fursadaas oo ay sheegeen in aan wali laga faa’ iideysan.

Shirkadan oo horey mashruuc noocaas oo kale ah uga fulisay dalka Tanzania, ayaa sheegtay in hadii loo helo maalgalin sax ah, looga faa’ iideysto qaabka ugu haboon, ay fulin karaan howshan, iyaga oo qurbjo-joogta reer Norway ka dalbaday inay taageeraan, lana shaqeeyaan.

Mashruucan ayaa wajigiisa koowaad maalgaliyay wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Halkan ka daawo warbixin uu TV-ga shabeele ka diyaariyay shirka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x