Soomaalidu maxay ka aaminsantahay barnevernka, wada shaqeyn iyo xiriir noocee ahse ayaa ka dhaxeeyo?
Ayan Handulle, doktorgradsstipendiat ved universitetet i Stavange Foto: petter neegaard
Dhibaatooyinka kala haysta jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey iyo hay-ada xanaanada caruurta ee Barnevernka waa kuwo soo jiray waqti aad u dheer. Kulan walbe oo ay soomaalidu isugu timaadana, waxyaalaha ugu horeeyo ee laga hadlo waxaa kamid ah, caruurta ay barnevernku ka qaataan qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan. Waxaa la sameeyay ururo badan oo arintaan xal u raadiyo, doodo iyo shirar badan waa la qabtay, ilaa hadana wax muuqdo oo xal ah oo arintaas laga gaaray ma ay muuqato. Jaaliyadaha ajaaniibta ah oo dhan, gaar ahaan kuwa ka yimid wadamada kuyaalo Africa, Aasiya iyo yurubta- bari ayaa nala qabo dhibaatooyinka ku saabsan qaadashada caruurta, laakiin tiro ahaan soomaalidu waxay kujirtaa qowmiyadaha ugu badan ee caruurta ay barnevernku kala wareegaan xanaanadooda.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo kordhayay dhalinyarada soomaalida ah ee jaamacadaha wadankan Norwey ka barta aqoonta ku saabsan xeerarka barneverka iyo sida ay u shaqeeyaan. Dhalinyaradaas waxaa kamid ah Ayaan Xandulle oo ah cilmibaare-bulsho, kana holgasha jaamacada magaalada Stavanger. Sanadkii 2013 ayay Ayaan Xandule master degree ka diyaariyay dhibaatooyinka ka dhex taagan barnevernka iyo qoysaska ajaaniibta ah . Waxayna sheegtay in waraysi ay la yeelatay qoysaska ajaaniibta ah iyo xog uruurin kadib ay ogaatay, in barneverku aysan tixgalin siin dhaqan kala duwanaanshaha norwiijiga iyo dadka soo galootiga ah ee wadanka ku cusub. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in barnevernku ay kor u qaadaan aqoonta ay u leeyihiin dhaqamada kala duwan oo dadka ajaaniibta ah ay haystaan. Ayaan ayaa sheegtay in dadyowga soo galootiga ah ee wadanka ku cusub qaarkood, ay ka yimaadeen dalal aan laga aqoon barnevern, isla markaana ay qaarkood aaminsanyihiin in barneverku ay rabaan oo kaliya inay caruurta dadka ka aruursadaan. Wargayska Aftenpostenka oo warbixinta ka diyaariyay 2013 ayaan ayaa sheegay in ajaaniibtu aysan ku kalsooneyn, aadna uga cabsadaan barneverkna, taasina ay keenayso in wada shaqaynta iyo kalsoonida ka dhaxayso waalidka iyo hay-adani ay meesha ka baxdo.
–Halkan akhri warbixinta ay aftenpostenku ka qortay ayaan 2013: Innvandrere frykter barnevernet
Ayaan handulle oo xiriir lasoo sameysay warbaahinta NorSom News ayaa sheegtay in hada ay PHD(Diktooraad) ka diyaarinayso arimahan ku saabsan dhibaatooyinka ka dhex taagan hay-ada barnevernka iyo qoysaska ajaaniibta ah, gaar ahaan soomaalida. Waxay sheegtay in qoysas badan ay ka dacwoodaan in barnevernku aysan tixgalin siin dhaqanka waalidiinta dhalay ilmaha, halka mararka qaarkoodna ay barnevernku ay gacanta lasoo galaan qoysaska qaarkood, iyaga oo aan haysan sabab la sheegi karo oo keeni karto arintaas. Waxayna intaas ku dartay inay doonayso in cilmibaaris ku samayso fikirka ay soomaalidu ka aaminsanyihiin barneverka iyo hab-dhaqankeeda, si loogu soo bandhigo hay-adaha kale ee dowliga ah ee ka shaqeeyo arimahan. Ayaan ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto cilmibaaristan ay kusoo bandhigto waxyaabaha laga maarmaanka ah ee looga baahanyahay in dadka ka shaqeeyo barnevernku ay sameeyaan, marka ay xiriir la yeelanayaan qoys soomaali ah.
Ayaan Xandulle ayaa waalidiinta soomaalida ah ee degan Norwey ka codsatay, in cilmibaaristan muhiimka ah ay gacan ku siiyaan. Si loo helo macluumaad iyo warbixino dheeri ah oo ku saabsan arintan, isla markaana banaanka la keeno. Waxay sheegtay in ay rabto in waraysi iyo xog ururin ay la yeelatay waalidiinta soomaalida ee wadankan degenaa wax badan labo sano.
Hadii aad tahay qof waalid ah oo raba in aad gabadhan ka caawiso cilmibaaristan iyo xog uruurintan, kala xiriir:
Tell: 51831262 ama 92213637
E-post: Ayan.handulle@uis.no
UDI-da oo soo rogtay sharci cusub oo qofka raba inuu u dacwoodo xaas cusub, ku qasbaya inuu afar sano uu shaqeeyo ama waxbarto
Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga wadankan Norwey ee UDI-da, ayaa bogeeda ay kusoo daabacdo sharciyada cusub, jimcihii aan soo dhaafnay kusoo bandhigtay sharci cusub oo khuseeyo qofka raba inuu u dacwoodo xaas uu kusoo guursaday meel wadanka ka baxsan, marka uu Norwey soo galay kadib. Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkaas looga baahanyahay inuu keeno cadeynta afar sano oo uu si buuxdo u shaqaynayay ama uu wax baranayay.
Sharcigan cusub ayaan qaban doono dadka haysto sharciga : magangaylada kumeel gaarka ah, dagenaanshaha rasmiga ee wadanka, qofkii laga soo qaaday xero qoxooti, qofkii sharciga lagu siiyay arimo bini-aadanimo darteed iyo waliba qofkii lagu keenay qaab famili ahaan ah. Dadka haysta dhalashada wadankan Norwey ama dhalashada mid kamid ah wadamada NORDICA, ma uu khuseeyo sharcigan. Sida aan kasoo xiganayso boga rasmiga ah ee UDI-da, sharcigan cusub sidoo kale ma uu qaban doono qofkii raba inuu la midoobo xaas uu guursaday ama ay ilmo wada dhaleen inta uusan qofkaas Norwey soo galin kahor.
Shardigan cusub ayaa dhigaya in qofku uu sii buuxdo(100% stilling) u shaqeeyo ama uu wax u barto mudo afar sano ah, Qasabna ma ahan in afartaas sano ay noqdaan kuwo xiriir ah, laakiin waa inay isugeyn ay buuxiyaan afar sano. Sidoo kale shardigan ayaa lagu buuxan karaa waxbarasho iyo shaqo wadajir ah oo isku dar buuxin kara mudo afar sano ah. UDI-da ayaa sheegayso in Introduksjonsprogramka iyo norskopplæring qofka loo xisaabin karo shaqo ahaan. Sidoo kale afarta sano ayuu lago buuxin karaaa qofkii soo dhigtay grunnskole(dugsiga hoose dhexe) iyo videregående skole(Dugsiga sare).
Halkan ka akhriso sharcigan cusub oo faah-faahsan.: Fireårskrav for familieetablering etter utlendingsloven §§ 40, 41, 48, jf. utlendingsforskriften §§ 9-1,9-2, 10-23
F.G: Hadii aad rabto inaad faah-faahin dheeri ah ka ogaato sharcigan iyo saameyntiisa, fadlan la xiriir sharci yaqaan ama qof kale oo aqoon dheeri ah u leh xeerarka qoxootiga wadankan. NorSom News kama jawaabi karto su aal walbe oo ku saabsan saameynta uu sharcigan kugu yeelan karo adiga.
Liibaan Vs Abdisalaan: Markii ugu horeysay taariikhda oo labo ciyaaryahan oo soomaali ah ay isaga hor imaadaan horyaalka koowaad ee kubada cagta Norwey
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 16-07-2016, waxaa garoonka Haugesund stadion ee magaalada Haugesund, ka dhacday ciyaar si weyn loo wada sugayay oo u dhaxaysay kooxda Viking oo ka dhisan magaalada Stavanger iyo kooxda Haugesund. Waxayna ciyaartan kusoo idlaatay 4-1, oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Haugesund. Ciyaartan ayaa noqonaysa mid taariikhda u gali doonta jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, maadaama ay ahayd markii ugu horeysay ee taariikhda labo wiil oo soomaali ah oo u kala safan laba kooxood oo Norwiiji ah ay isaga hor yimaadeen horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta wadankan Norwey. Cabdisalaam Ibrahim Cadaay oo ah halbowlaha khadka dhexe ee kooxda Viking iyo liibaan Abdi oo weerarka uga ciyaara kooxda Haugesund.
Liibaan Cabdi oo 27 sano jir ah ayaa afar maalin kahor(12-juli-2016) kusoo biiray kooxda Haugesund, waxa uuna kulankan ahaa kii ugu horeeyay ee uu u saftay kooxdan. Liibaan oo ciyaarta kusoo galay badal daqiiqadii 57-aad ayaa 29 daqiiqo kadib dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisan cusub (Goolasha ciyaarta hoos ka fiirso). Haugesund ayaa isbuucii hore iska dirtay macalinkeedii hore ee Mark Dempseys, waxaana kursiga macalinimo ee kooxda si kumeel gaar ah u hayo Andrea Loberto oo ahaa tababare ku xigeenkii hore ee Dempseys. Loberto oo asalkiisu talyaani yahay ayaa go aansaday inuu ciyaarta soo galiyo Liibaan Cabdi oo afar maalin uun kahor kusoo biiray kooxda. Waxa ayna u muuqataa in Loberto uu ku liibaanay go-aankaas, maadaama uu Liibaan soo bandhigay ciyaar heer sarayso iyo hamuun uu qabo inuu dhaliyo goolal badan.
Horyaalada wadamada Ingiriiska, Portugiiska, Hungary iyo Turkiga ayuu liibaan horey uga soo ciyaaray. Waxayna warbaahinta Norwey liibaan uga yeeri jireen laacibka norwiijiga ah ee la xaqiray, maadaama isaga oo ka ciyaaro horyaalo waaweyn oo heer caalami ah, aan waligiis looga yeerin xulka qaranka Norwey. Macalinkii hore ee xulka Norwey Egil Olsen Drillo ayaa wax badan warbaahintu ku eedeyn jireen inuu si ula kac ah indhaha uga qarsan jiray qaab ciyaareedka Liibaan Cabdi oo wax badan ka ciyaar fiicnaa laacibiin badan oo xulka qaranka Norwey ugu ciyaar jirtay, qaab 4.5 ahaan ah. Liibaan oo caraysnaa in aan waligiis looga yeerin xulka qaranka, ayaa kadib markii uu dhaliyay goolka afaraad lasoo baxay funaanad ay ku qorantahay (ukjent) oo ka dhigan lama yaqaan. Warbaahinta Norwey qaarkeed ayaa qoraysay inuu liibaan rabo inuu hada isbaro jamaahiirta kubada cagta ee Norwey, maadaama markii hore laga xaqiray in boos laga siiyo xulka qaranka wadankan. Warbaahinta NorSom News ayaa isku day-day inaan xiriir la sameeno liibaan, laakiin noorma suurtagalin,
Halkan ka daawo ciyaarta: Viking Vs Haugesund. Abdisalaam Vs Liibaan
Marita Johnsen oo noo soo dirtay warqad qoraal ah oo ay uga jawaabayso su aalo badan oo dad soomaali ah ay soo waydiiyeen
Magacaygu waa Marita Johnsen, waxaana ahay gabar norwiiji muslim ah. Waxaana ahay qofka qora bloggan www.Lykkeligsommamma.blogg.no. Waxaa laga yaabaa inaad akhrisateen qoraaladeyda maalmihii ugu danbeeyay, kuwaas oo ku saabsanaa qaabka ay gabadheedu ku dhalatay guur la aanta.
Marka koowaad, ma umalaynayo in qoyska gabadheyda yar ay yihiin dad xun, balse waxaan qabaa inay yihiin dad awood ahaan jilicsan, aana awood u laheyn inay aqbalaan oo qaataan runta, isla markaana u istaagaan inay wixii fiicnaa oo saxda ahaa ay u qabtaan gabadhan yar oo danbi la aanta ah. Anigu laftirkeyga ma ihi qof fiican, oo waxaan sameeyay xaaraan zino ah, ilaahayna waxaan waydiisanayaa danbi dhaaf iyo cafis. Waxaan ogahay inaysan fiicneen in waxaas oo kale banaanka looga hadlo, laakiin waad arki kartaan wax kasta oo xal oo aan isku dayay ama aan sameeyay.
Waxaan isoo gaaray labadii maalmood ee ugu danbeeyay su aalo faro badan oo ku saabsan dhanka qoyskeyga, ninka gabadha dhalay iyo qoyskiisaba. Su aalahaas oo ku saabsan maxaa dhacay, sidee wax u dhaceen markii hore, waqti intee le eg ayaad wada joonay aniga iyo aabaha dhalay gabadha, miyaad qaadeen dhiiga cadeynta ah ee DNA, sidee ku kulanteen markii hore iyo su aalo kale oo badan. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay su aalahaas nooma fiicna anaga, waxayna u muuqanaysaa in arintan ay tahay aargudasho aan ka aargudanayo qoyska dhalay gabadha. Taas micnaheeda ma ahan in aan diidney arintan, laakiin dhaqanka ayaa diidayo oo waxaas wax banaanka looga hadlo ma ahan. Aniga iyo aabaha dhalayba waxaan sameenay xaaraan iyo qalad weyn, ilaahayna hana cafiyo. Anigu hada ma ihi dhibane, isaguna sidoo kale ma ahan dhibane, waxaa xiligan dhibtu haysataa waa ilmahan yar ee dhashay ee danbi la aanta ah……………………..
Dadku mar walba waxay rabaan inay ogaadaan runta inteeda xun, iyo macluumaadka ku saabsan sababta aan isku guursan waynay iyo sababta aan u dhalnay ilmo inaga aan is guursan. Xaqiiqadu waxay tahay inaad hadii su aalo noocan oo kale ah aad is waydiinayso inaadan adiguba aadan iyaga ka fiicneen……..
Waxaa la iisoo bandhigay inaan waraysi aan ka bixiyo sidee ay wax u dhaceen, balse maxay soo kordhin kartaa hadii aan sidaas sameeyo- Waan ka jawaabi karaa su aalo walbe oo la i waydiiyo, balse maxay faa iido ah oo ay ii leedahay?- Anigu si ayaan wax u arkaa, iyagana si kale ayay wax u arkaan. Waan kala duwanahay dabcan. Su aalo walbe oo aniga la i waydiiyo ama iyaga la waydiiyo ama si walbe oo wax loo baar-baaro, maxay soo kordhinaysaa hadii xaalka gabadhayda yar uusan noqon karin mid ka fiican sidii hore.
Halkan ka akhriso warqada oo dhamaystiran oo ay Marita dooratay inay Ingiriis ku qorto, si ay dadka soomaaliyeed ee afka norwiijiga fahmeen ay warkeeda si toos ah ugu akhrisan karaan.
My name is Marita Johnsen, I am a Norwegian muslim, and i run the blog www.Lykkeligsommamma.blogg.no. You Have might been reading about me the last day, and how i got my last child outside marraige, maybe you have read my blog, or maybe you have read it here. Here is view on everything.
First of all, I dont think the family of my youngest daugther is mean people, i think they are weak, weak for not standing up for whats right, and for not doing whats best for a inosint girl. We have had fights, I have don things, said things and they have. I am not better then them, and they are not better then me. I dont like being the victem, im not. I did a big sin, may allah forgive me. And i know its not good talking about it out loud, but i do it so we can all see a bigger issue.
I have the last days gotten a lot of questen due to the family, what happend and how.. How long were we togheter me and the father, is there takin any dna test, how did we meet, and all that. But the truth is, its not important. Its fact, that has no good for noone, it will turn into gossip, and we are muslims, and we should not be like that.
This is not about THEM, its about the culture, its about how people in this world put name, and honer before whats right, not only in the muslim world, but its most known for muslims efortenlly. To blame them, and hate on them its not right. I dont hate them and either should u, im just tryin to put the light on the issue we today, and everyday are facing in this world.
You can’t get a girl pragnant, let her go throug all the hard times, and then deny your baby to keep ur name clean. Thats not right. We both did Zina, may Allah forgive us. We both did wrong may allah forgive us. I am not a victum, he is not a victum, but the child is and she, the clean baby did nothing wrong.
After I got pragnant I lost my muslim friends, it was my fault too. I wasnt in a good place, and did not know how to handle the situation very well, it I hurt anyone with my hormonal mood i am sorry, i was confused at that time. People started talking, and rumor was said, and I lost many muslim friends at that time. I started loosing islam, I stopped wearing hijab, I stopped praying, and I stopped goin to the mosque, even at the mosque people talked, but I never lost faith Allhamdullilah. This was long before I started blogging, and people alredy knuw. When I started blogging, I wanted to make a different, I wantet to show the real things. And I got and upertunety to tell my side of the story, I dont like to say the truth, for the truth for me can be a lie for someone else, it all depends how u see it. But the truth for me, my feelings and how I saw the situation, and not only in my case, but around the world. I am not the only one goin throug this.
And let me say this. To keep a baby from Zina, to know what people will put you throgh and still keep it from Allah, that is sthengt not weakness. So for peopple to backbitt not just me but in general girls that keeps a baby oout of zina, u backbit a girls who is trying to do right, you destroy a girl who is tryin to take resposibility, insted of helping you wreck her.
I had a muslim girl comming to me when I told my story, or many actully. A few of them were pragnant outsiden marriage, one of the girl took abortion. Do you know why? Cuz she knew what would happend, the talking, the judging. May Allah help this girl.
THIS IS NOT RIGHT When a person do something wrong, and is in a weak place, we need to help and push the person closer to Allah, not leave the person alone. And when the person is trying to do the right thing, help! I felt left alone, i felt lost and felt lonly. Not as a person, cuz I had family and friends, but as a muslim, with my problem.
I didnt have any muslim family in my town, and almost no friends. The family of my older dautgher helped me alot, I stayed with them in another town for almost one month. Even though people stared talking, they supported me, and they were there. but i couldnt be there forever, I am a typical norwegian girl I cant handle many people at once, I grow up only my brother ad my mom so i am used to different way of living, and eventully I had to face the real problem in my town and go back home. I want to ask u all to remember that family in ur dua, we have had ups and downs and I have been far from perfect but they never gave me up, and they have been by my side since day one and never left me alone.
I WAS very weak, i still am islamicly, but we all are in different way. I dont have much knowledge and i have done a lot of things wrong in islam. I dont say i am perfect, i am far from it. But i do my thing, and I try to be a good person for me and Allah, and what people say about me, sometimes it hurts ofc, but in the end, I know the truth and I know.
But back to the family name and culture. Like I said the artical was not just about the family, it was about the problem we today have in muslimsk culture, were culture, family name and honer are so strong w forget about whats right and wrong. To fight this issue we have to find the main issue.
I was asked to do an interview on what really happend, but dose it matter? I will in the end of this answer the questens I got. But does my side really matter? I have my side of the story, and they have their side. They are different, ofc. They have one way to see the story, cuz they were in another place then me, and I have my way. But who said what, and who did what does not really matter, as long as the questing is not, whats best for the baby gril.
I have seen I have gotten alot of support, but ask urself, what if it was u in that situation? What if ur brother got a “white girl” pragnant, cuz lets be honest, In the eyes of muslims, and many, I am “A white woman”. We can hate it and say no, but the world is like that now. Someone think I became muslim for attantion, someome think a became it to get more boys, and someone think I am a muslim with now knowlige. So see urself, if ur son or brother got a baby outside marrige with a white muslim girl, and he told u, “its not mine, she is crazy”. Would u belive the girl, u didnt know that well? or would u belive him? She is to you, a MUSLIM girl who did zina, and thats not very muslim. Would you think “She is raised christian, its harder for her?” Or would you think “omg, whore ill support my brother”, be honest with urself.
At first u would belive him, i would too. And when the baby come, and you saw, “Oh she didnt lie”. She, like I did too would probebly have tried to contact u, talk to u and u would alredy have talked to people about how she was lying and all that. The situation was alredy messed up. But what you do from here, its what define u as a person. Would u just take the easy way, and still kept lying, or would you idimit you were wrong, and loose ur honer and ur name?
To be honst, what I’ve seen in the culture, some would take the hard and some would take the easy way. And thats what happend in this situation. But they are not bad people, just weak.
And they dont need people hating them, they need people sayin “Its ok, you did wrong now make it right”. But people dont say that, people talk at them, and look at them like they are evil. And here is the main issue, that everyone that talks, are a part of my daugther not having a family, cuz if nobody talked bad, there would never be a problem.
We would maybe have some small issuse between us, but they would keep their name, and their hones if people didnt talk, so you see? Its not only them, its you and me, and everybody that talks bady, insted of being patient, understanding and supporting.
Cuz having a child outside marrige its bad, but not bad for people but bad for Allah.
And this is not only a problem here, its a problem everywhere. People get killed, for honer just so people wont talk. Its the talking that starts the problem, not the problem itselfs.
So next time we think “Omg I would never do what they did” think, did I ever talk bad when people did something bad? Did I ever gossip? Cuz if you did, u are a part of the problem too, u are the reason people in the first place have a problem if they should do the right thing, or just cover up so people wont talk.
In our situation, if I didnt talk either. The problem would be hidden by now, but I am putting myself in the crossing line so maybe, just meybe i will make a difference, and maybe one person will stop gossip, and maybe one family will see, and do the right thing. I am putting myself out there for u guys, so make a diffrenc and be a better person, and try to stop the problem, cuz u can make a difference its just, to stop talking and do gossip.
So next time u want to talk about how bad people are, see at urself. Cuz we are never perfect. And I know its hard quitting to talk, cuz, we are humen, but maybe if w try a little harder, it would get a little better?
And people always want to know the ugly truth about the ugly details about why he didnt marry me, why we got a child like this, what they said and whay I said. The thing is, if u are asking this, then u are not better.
I am very thankful for All the support May Allah peace be upon him bless u all. But dont come hatin on my daughters family, dont blame them, dont talk about them, then u are no better, then u are in on makin problems.
U know, one girl once told me, she cant leave her husband. He is not a good man. He dont pray, he hits her, and he is cheating. I asked her Why cant u leave? And she said, people will talk, and I will most likely never get married again cuz I have two kids.
Another Girl told me she wanted to be a muslim, and start hijab. And I said, then do it. And she said, I cant people will talk, and i will loose my family.
The 3th girl told me, I want to marry a norwegian muslim, and I said then do it. She said, I cant people will talk, and my family name will be bad.
It all starts with the talking.
Allah saws said: “And spy not, neither backbite one another, would oe of you like to eat the flesh of his dead brother? You would hate it! (So hate backbitting)”
Marita Johnsen
Xisbiga FRP oo kasoo horjeestay in gabdhaha iskuulada dhigta ay qaataan dhar jirkooda astura xiliga dabaasha
Mezvar Keshvari (FRP)
Iskuulka Finnsnes Barneskole oo kuyaalo kommunaha Lenvik ee gobalka Troms ayaa ogaaladay in gabdhaha muslimiinta ah ee iskuulkaas dhigta ay qaataan Burkini oo ah maryo asturaya jirkooda, isla markaana aan ka hor istaageyn inay ka qayb qaataan xiisada dabaasha. Waxayna arintan timid kadib markii ay kulan wada qaateen waalidiinta gabdhaha dhalay iyo maamulka iskuulka, kulankaas oo ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa maqnaanshaha tirada badan oo ay gabdhahu ka maqanyihiin xiisada dabaasha, oo kamid ah xiisadaha muhiimka ah ee lagu qaato iskuulka hoose(barneskole) ee wadankan. Maamulka iskuulka ayaa sheegay in inta badan ay gabdhaha muslimiinta gooyaan ama aysan ka qaybqaadan xiisada dabaasha oo ah xiisad wiilal iyo gabdhaba ay isku meel ku dabaalanayaan. Waxay sheegeen in arintan ay ka qaybqaadan karto dhiirigalinta gabdhaha inay imaadaan xiisada dabaasha.
Saacado kadib markii ay warbaahintu qortay warka ku saabsan arintan ayaa waxaa durbo ka hor imaad iyo dhaleeceyn bilaabay xubno ka tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP, iyaga oo sheegay in arintan aysan aheyn mid ka qaybqaadan karto isku soo dhawaanshaha iyo is dhexgalka bulshada.
Mariam Sandberg oo ka tirsan gudiga caafimaadka iyo daryeelka kommunaha Lenvik ayaa sheegtay inay arintan kasoo horjeedo maadaama ay hoos u dhigayso qiimaha gabadha, ayna kasoo horjeedo waxyaabaha ugu muhiimsan dhaqanka norwiijiga ee ah sinaanta qiimaha raga iyo dumarka. Sidoo kale waxay sheegtay in ogolaanshaha Burkiniga ay lamid tahay, iyada oo la aqbalay dhaqamo iyo diimo aan ka qayb qaadaneyn is dhexgalka bulshada, maadaama gabdhaha kale ee dabaasha kula jiro ay qabaan dhar gaagaaban(Bikini). Sandberg ayaa intaas ku dartay in ay arintan kala hadli doonto maamulka kommunaha Lenvik.
Mezvar keshvari oo kamid ah ajaaniibta faro ku tiriska ah ee ka tirsan xisbiga FRP ayaa isna taageeray hadalada Sandberg, isaga oo sheegay in uu kasoo horjeedo wax walbe oo ogolaanaya in islaamka xagjirka ah uu saameyn ku yeesho xeerarka mujtamaca norwiijiga, gaar ahaana xeerarka iskuulada Norwey. Keshvari oo asalkiisu uu yahay Iiraani, caana ku ah naceybka iyo kasoo horjeedka diinta islaamka iyo ajaaniibta muslimiinta ah ayaa intaas ku daray in Niqabka, Burkiniga iyo wax walbe oo wada asturaya jirka gabadha uu calaamad u yahay islaamka xagjirka ah.
Duqa magaalada Lenvik, Geir Inge Sivertsen oo ka tirsan xisbiga Høyre ayaa codsaday in aan arinta la siyaasadeyn oo aan laga leexin ujeedkeeda dhabta ah. Geir inge ayaa sidoo kale sheegay inay iskuuladu ay xor u yihiin in ay sameeyaan wixii ay u arkaan xal, si ay ardeyda uga wada qaybqaataan xiisada dabaasha, meeshana loogo saaro maqnaanshaha tirada badan oo ay gabdhaha muslimiinta ah kaga maqanyihiin xiisada dabaasha.Wuxuu intaas ku daray in uu soo dhawaynayo go aanka maamulka iskuulka Finnsnes barneskole ee ku saabsan xirashada dharka Burkini.
Xigasho/Kilde: NRK , Nordlys
Ma tahay shaqo-raadis? Macalimiin dhigta luuqada afka soomaaliga ah oo la raadinayo
Waxaa soo badanayo ciyaalka soomaaliyeed ee dhigata iskuulada hoose iyo dhexe ee dalkan Norwey, sidaa darteedna waxaa soo badanayso baahida loo qabo macalimiin luuqada afka hooyo ee soomaaliga u dhiga ardeydaas soomaalida ah. Warbaahinta NorSom News ayaa goobaha lagu soo bandhigo shaqooyinka banaan kasoo heshay ilaa 7 shaqo oo banaan, shaqooyinkaas oo ay qaban karaan dad soomaali ah oo kali ah. Waana 5 shaqo oo macalin luuqada soomaaliga ah, mid turjumaan luuqada soomaaliga ah iyo mid kale oo ah miljøarbeider.
Macalimiinta :
1) Somalisk Morsmålslærer: Bergen Kommune. frist: 20.08.2016
2) Somalisk tospråklig assistent: Rana kommune. Frist: 01.08.2016
3) Tospråklig tolk/ assistent – somalisk: overhalla kommune Frist: 05.08.2016
4) Flerspråklig assistent/ barne- og ungdomsarbeider i somali: STAVANGER. Frist: 21.08.2016
5) Tospråkleg lærar,somali: Tysvær kommune. Frist:01.08.2016
Turmujaan:
1)Tolk(Somali): Kristiansand kommune. Frist: 03.08.2016
Miljøarbeider:
1)Miljøarbeidar ved Volda læringssenter: Volda kommune. Frist: Ikke spesifisert
Hadii aad rabto inaad codsato mid kamid ah shaqooyinkan, waxaad la xiriir kartaa somaliskjobbklubb oo ah dhalinyaro soomaali ah oo dadka si frivillig ah uga caawiyo codsiyada shaqooyinka
tlf: +4741000504 / +4741000506 ama facebook: Somaliskjobbklubb
Nav: Hadii uu ilmahaagu uu kusoo noqon waayo iskuulka, waxaa lagaa jarayaa lacagta ilmaha.
Sanad walbe marka la gaaro xiliga xagaaga ee iskuuladu ay fasaxa yihiin, waxaa bilaabata dood ku saabsan caruurta ajaaniibta ah iskuulka aan kusoo noqon marka uu fasaxu dhamaado. Integrerings- og mangfoldsdirektoratet(IMDi) oo ah hay-ada qaabilsan dib u dajinta iyo isdhexgalinta dadka soo galootiga ah iyo mujtamac weynaha ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in caruur badan aysan kusoo noqon iskuulada, marka uu soo dhamaado fasaxa iskuulada. Warbixin lasoo saaray sanadkii 2014 ayaa lagu ogaaday in waalidiinta uga badan ee caruurta uga soo tago wadanka dibadiisa ay ka yimaadeen wadamada Soomaaliya, Paakistaan iyo Ciraaq.
Waaxda waxbarashada ee kommunaha Oslo ayaa sidoo sheegtay in sanadkii hore ay ka shaqaynayeen kiiska 50 caruur ah oo aan iskuulka kusoo noqon, kadib markii ay waalidiinta dhalay uga soo tageen ama geeyeen wadan kale. Akhtar Chaudry oo ah madaxa laanta IMDI ee Oslo ayaa sheegay inuu ka warqabo ilaa 45 caruur ah oo ay waalidiintii dhalay ay wadanka dibadiisa uga soo tageen, sanadkana uu ka cabsi qabo in arintaas oo kale ay dhacdo. Wuxuu intaas ku daray in caruurta qaarkood wadamo kale loo geeyo si ay usoo bartaan dhaqanka iyo luuqadooda hooyo, balse ay jiraan sababo kale oo caruurta wadanka dibadiisa loo geeyo. Chaudry oo ahaan jiray mid kamid gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Norwey ayaa asal ahaan kasoo jeedo wadanka Pakistan, waana siyaasi ka tirsan xisbiga SV.
Said Amin oo ah siyaasi soomaali ah kana tirsan isla xisbiga SV ayaa isna dhankiisa sheegay in caruurta qaar oo sameeyay dhibaatooyin badan ama kamid noqday kooxo qaldan, ay waalidiintii dhalay ay u celiyaan wadankoodii hooyo si ilmaha loo dhaqan celiyo, una usoo bartaan dhaqanka wadanka uu waalidkii ka yimid. Said Amin ayaa sidoo kale qiray in marka ay caruurtu dib ugu noqdaan Norwey aysan la jaan-qaadi karin ama la socon karin waxbarashada iskuulka, arintaasna ay tahay nasiib daro.
Iskuulada Norwey ayaa hadii aysan caruurtu kusoo noqon iskuulka ku wargaliya NAV, si ay u ogaadaan meesha uu ilmuhu joogo iyo sababta uusan iskuulka ugu soo noqon. Waxay sidoo kale sheegeen in ilmaha aanan joogin Norwey, iskuulkana aan imaan uusan xaq u laheyn in waalidka dhalay ilmahaas uu helo lacagta waalidku ay ilmaha ku qaataan ee loo yaqaan barnetrygd. Iskuulada ayaa sidoo kale sheegay in inta badan caruurta ay kusoo noqdaan iskuulada, marka ay NAV joojiso lacagta la siiyo waalidka ilmahaas, maadaama barnetryd ay tahay ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn ee waalidka ilmahaas.
Xigasho(Kilde): nrk(les saken på norsk her)
Halkana ka akhri warbixinta ka hadlayso caruurta wadanka dibadiisa looga tago oo ay soomaalidu u badantahay
Koox matalaysey qaranka Somalia oo ku guulaysatay koob loo qabtay ajaaniibta magaalada Bergen
Foto: ODD NERBØ
Koox matalaysay qaranka Soomaaliya ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guulaysatay koob kubada cagta ah oo loo qabto ajaaniibta ku dhaqan magaalada Bergen. Kooxdan ayaa koobka qaaday, kadib markii ay 5-4 ku garaaceen kooxda kale ee matalaysay qaranka Ghana.
Koobkan sanadlaha ah ee loo qabto ajaaniibta magaalada Bergen ayaa waxaa soo qaban-qaabiyo ururka dalada ajaaniibta gobala Hordaland. Waxaana qabashadiisa la bilaabay sanadkii 1998. Kooxaha Chili iyo Ghana ayaana ahaa kuwa ugu guulaha badan, inta aysan kooxdan matalayso Soomaaliya aysan meesha qabsan. Waxaana sanadkan kasoo qaybgalay 7 kooxood oo matalayay wadamada Ghana, Somalia, Syria, Chile, Gambia, Eritrea og Etiopia
Macalinka hogaaminayay kooxda Soomaaliya oo ah wiil dhalinyaro ah, magaciisana la yiraahdo Abdi Najib Mohamme ayaa wargayska Bergen Tidende u sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay gaareen, wuxuu intaasku daray in aysan guul ma ahaane wax kale kusoo talo galin. Macalinka kooxda Ghana ee koobka laga kor qaaday ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay u ciyaareysay si adag, balse kooxda Soomaaliya ay ahayd tan ugu ciyaal fiicneyd, ayna mudnaayeen in ay qaadaan.
Abdi Najib Mohammed ayaa sidoo kale BT u sheegay in dhalinyarada ajaaniibta ah ee leh hibada kubada cagta aysan kooxaha waaweyn ee ka dhisan magaaladaas ka helin fursad iyo jaanis ay ku soo bandhigaan awoodooda xirfadeed. Wuxuu sheegay in ajaaniibtu ay badanaa ciyaaraan kubad qaab ahaan ka duwan tan norwiijiga, oo ku dhisan farsamo iyo teknikk.
Xigasho/Kilde: BT( les saken på norsk her)
90% qaadkii soo gali jiray Norwey oo hoos u dhacay labadii sano ee ugu danbeeyay
Foto: tollvesenet
Hay-ada ilaalada xuduudaha wadankan Norwey(Tolldirektoratet) ayaa maanta soo saartay warbixin iyo tirokoob cusub oo ay kaga hadlayso daroogadii kala duwanayd ee lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2016, laga qabtay xuduudaha wadankan Norwey. Qaadka oo kamid ahaan jiray daroogooyinka ugu badnaa ee ilaalada xuduudaha Norwey ay qaban jireen, ayay hay-adu sheegtay in uu ku yimid hoos u dhac balaaran oo gaarayo ilaa 90%. Sanadkii 2014 waxaa xuduudka Norwey laga qabtay 6640 kiilo oo qaad ah, halka lixdii bilood ugu horeysay sanadkana la qabtay 815 kiilo. Sababta ugu weyn ee arintan keentay ayay hay-adu ku tilmaantay, mamnuucadii qaadka laga mamnuucay wadamada Holand(2013) iyo U.K(2014), labadaas wadan oo ahaa labada meelood ee uu qaadka ugu badan kaga imaan jiray Norwey.
Tolldirektoratet ayaa sidoo kale sheegtay in 75% qaadka ay ilaaladu hada qabtaan uu yahay mid lagu qabto garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee Gardermoen. Waxayna sheegtay in 88% qaadka Norwey hada soo galo uu yahay mid si toos ah looga keeno geeska Afrika, laguna soo tahriibiyo boorsooyinka rakaabka diyaaradaha. Qaadka laga qalajiyay ayay hay-adu sheegtay in uu ku yimid kor u dhac xad dhaaf, waxayna sheegeen in noocan qaadka ah oo ay ku baareen shaybaarkooda uu yahay mid ka awood badan qaadka caadiga ah.Qiimaha qaadka ayay sheegeen in uu kor u kacay labadii sano ee ugu danbeeyay. Waxay sheegeen in qaadku uu awal ahaan jiray 100 kr uu hada yahay 300 kr, mararka qaarkood uuba gaaro ilaa 500 kr.
Wargayska Dagsavisen ayaa cadadkiisa maanta(7-7-2016) kusoo daabacay maqaal uu cinwaan uga dhigay (Khaten er borte). Maqaalkaas oo ay kaga hadlayaan hoos u dhaca weyn ee ku yimid isticmaalka iyo waliba soo galitaanka qaadka ee wadanka Norwey. Qaadka ayaa mudo badan ahaa waxyaabaha ugu badan ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey lagu caayo, marka ay saxaafada wadanka wax ka sheegayaan. Waxayna mar gaarsiiyeen heer ay dhahaan in ku dhawaad 50% raga soomaaliyeed ee wadankan ku nool ay qaadka cunaan. Laga soo bilaabo sanadkii 2014, oo ah markii qaadka ugu danbeyn laga mamnuucay wadanka U.K ayaa waxa yaraaday hadalheynta qaadka ee saxaafada Norwey.
Xigasho: Dagsavisen
Sylvi Listhaug: waxaan ku fakarayaa inaan siyaasada isaga baxo
Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norwey Sylvi Listhaug ayaa maanta soo saartay war aan laga filaneyn, kaas oo ah inay qiimeyn ku sameyn doonto kusii jiritaankeeda siyaasada. Waxayna sheegtay in ay siyaasada iyo shaqadeeda ay galisay waqti muhiim ah oo ay la qaadan lahayd qoyskeeda, gaar ahaan caruurteeda. Listhaug oo 39 sano jir ah ayaa siyaasada kusoo gashay dhalinyaranimo, iyada oo jagooyin kala duwan oo hoose kasoo qabatay xisbiga ay ka tirsantahay ee FRP, inta aan sanadkii 2013 loo magacaabin wasiirka kaluumaysiga. Dhamaadkii sanadkii 2015 ayaa laga badalay jagadaas, iyada oo loo magacaabay wasiirka soo galootiga.
Way adagtahay in aad noqoto siyaasi aktiv ah oo ay saxaafadu mar walbe wax ka qorto, isla markaana aad ahaato hooyo haysato caruur yar-yar. Cunugeyga oo shan sano jir ah ayaa maqlay isaga oo leh: hooyadey mar walbe shaqo ayay kujirtaa. shakina kuma jiro in marka aad maqasho ereyo noocaas oo kale uu ku galayo fikir ah inaad dib u qiimeyn ku samayso kusii jiritaankaada siyaasada. Sidaas darteed, waxaan rabaa in aan si fiican uga fakaro go aankan inta lagu jiro xiliga sommerka, maadaama uu yahay go aan weyn oo saameyn ku yeelan doono nolosheyda iyo tan waliba qoyskeyga. Waxaan ka fakari doonaa in aan isku soo sharaxo jagada baarlamanka wadanka marka la gaaro sanadka 2017.
Sylvi ayaa mudadii yareyd oo ay xilkan haysay noqotay qof ay mar walbe saxaafada wadanku iyo kuwo aduunkaba hadal hayso, iyada oo ay ka hadlaan talaabo walbe oo ay qaado, maadaama lagu bartay go aan qalafsanaan, iyo iyada oo aan u aabo yeelin fikirka dadka kale, balse samayso waxa ay ayadu u aragto inay sax yihiin. Mudo kooban ayay shacbiyad aad u badan ku dhex yeelatay xisbigeeda xagjirka ah ee FRP, iyada oo dhan kalena colaad ay u qaadeen dad badan oo u arka inay Listhaug ay sawir qaldan ka bixinayso wadankan Norwey iyo dadkiisaba. Waxay sheegtay in naceybkaa iyo hadalheynta badan ee magaceeda lagu hadal hayo saxaafada ay dhaawac u gaysan karto koritaanka iyo mustaqbalka labadeeda cunug.
Gudoomiyihii hore ee xisbiga FRP Carl I. Hagen ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xidig usoo baxaysay xisbigooda ay dib u eegis ku sameyn doonto kusii jiritaankeeda siyaasada iyo xisbigaba. Wuxuuna sheegay in Sylvi ay ahayd qofka uu u dooran lahaa inay hogaamiso xisbiga FRP, Siv Jensen marka ay xilka ka dagto kadib. Carl I. Hagen oo xisbiga FRP hogaamin jiray mudo badan, ayaa sida Sylvi Listhaug oo kale siyaasi fikir adag, aadna u neceb soo galootiga, gaar ahaan kuwo muslimiinta ah. Inkasta oo uu hada yahay howlgab(pensjon), hadana waxa uu wali yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee xisbiga FRP.
Saxaafada wadanka qaarkeed ayaa saaka qorayay in Sylvi Listhaug ay ka cabsi qabto marka la gaaro doorashada sanadka 2017, ay dib ugu soo noqon waydo jagada wasiirnimo, loona dooran waayo xildhibaanimo. Sidaas darteedna ay arintan ka tahay hor-dhac iyo xeeladaysi, hadii ay lacala soo noqon waydo.
Xigasho: Aftenposten
Ciid wanaagsan/Eid Mubarak, Xagee lagu tukan doonaa salaada ciida magaalada Oslo
Bahda NorSom News oo isku duuban waxaan farxada ciida la qaybsaneynaa dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed meel walbe oo ay joogaan, gaar ahaan reer Norwey. Waa xili farxad iyo reyn reyn ay ku dheehantahay, waa xiligii ay Muslimiinta caalamku muujinjireen midnimada iyo galgacalka dhexdooda ah.Waxaan ilaahay waydiisaneynaa in uu farxada ciida darteed uu umadeena ka dhex dhaliyo maxabo iyo isjeceyl dhexdooda ah, ilaahayna nagu dawo midnimo iyo iskaashi xiligan adag ee jaaliyadan soomaaliyeed ee wadankan ay ku sugantahay.
Dhowr qof oo akhristyaasha NorSom News kamid ah ayaa naga codsaday inaan soo bandhigno goobaha salaada ciida lagu tukanayo magaalada Oslo. waana kuwan labada goobood ee ugu waawen ee salaada ciida lagu tukanayo maalinta bari ah:
Masaajidka Towfiiq Islamic Senter:-Vallhall Arena, Adresska: Innspurten 16, 0663 Oslo. Macluumaad dheeri ah: Det Islamske Forbundet
Masaajidka raabidada:– Ekeberghallen, Adresse: Ekebergveien 101, 1178 Oslo. Macluumaad dheeri ah: EID Al FITR BØNN Towfiiq Islamisk Senter
Eedaymihii loo soo jeediyay Hassan Kheyre oo beenoobay
Hassan Kheyre iyo boqorada Norwey Sonja oo booqasho ku marayo xerada dhadhaab Foto: Erlend Aas / Scanpix
Bartamihii bishii maarso ee sanadkan aan kujirno ayaa waa soo shaac baxay eedaymo ay kooxda la socoshata cunaqabateynta hubka qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Ereteriya, ay usoo jeediyeen Hassan Kheyre oo ah madaxa shirkada Soma Oil and Gas. Eedaymahaas oo ku saabsanaa in Hassan uu xiriir la leeyahay kooxo xagjir ah oo ka dagaalamo gudaha Soomaaliya, oo ay kamid tahay Al shabaab.
Hassan Kheyre oo haysta dhalashada wadankan Norwey, kana mid ah aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, ayaa inta uusan u wareegin Soma Oil and Gas ahaa madaxa laanta hay-ada gargaarka Norwegian Refugee Council(NRC) ee geeska afrika. Kheyre ayaa iska fogeynayay dhamaan eedaymahaas ay usoo jeediyeen kooxdan ka tirsan qaramada midoobey, isaga oo ku eedeeyay isla kooxdan inay wadaan olole ay rabaan in ay isaga magaciisa waxyeelo ku gaarsiiyaan.
Kooxda cunaqabateynta hubka ayaa maanta soo saartay warqad ay ku cadeynayaan in ay soo gabagabeeyeen baaritaankii ay ku hayeen Hassan kheyre, kadib markii ay ku waayeen wax cadeyn ah oo sheegaya in uu hassan xiriir la lahaa kooxaha xagjirka ee ka dagaalamo Soomaaliya. Waxayna warqadan ka timid Christophe Trajber oo kamid ah isuduwayaasha Somalia-Eritrea Monitoring Group. Sidoo kale wasiirka amniga qaranka soomaalia, Cabdirizaaq Cumar ayaa u cadeeyay wargayska Dagbladet in ay soo gaartay warqadaas sheegaysa in Hassan uusan lug ku laheyn eedaymaha loo soo jeediyay. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay waday baaritaan gaar ah oo ku saabsan eedaymahan, isla markaana ayaguba dhankooda ay hassan ku waayeen wax cadeyn ah oo xoojin karo arintan loo soo jeediyay.
Hassan Kheyre ayaa dagbladet usheegay inuu ku faraxsanyahay, soona dhawaynayo soo xiritaanka eedaymahan, isaga oo intaa raaciyay in markiiba horeba aysan jirin sabab lagu bilaabo karo eedayntan oo ay kooxdan haysatay. Waxa uu kaloo sheegay in ay sharaf dhac u tahay qaramada midoobey in shaqsiyaad ka tirsan hay-ad hoos tagta qaramada midoobey in ay si khaldan u adeegsadaan awoodooda, isla markaana ay u isticmaalaan waxyeelada magaca dadka kale. Hassan ayaa sidoo kale sheegay in calaamad su aal la saari karo jiritaanka gabi ahaanba hay-adan, lana joogo waqtigii ay qaramada midoobey dib u eegis ku sameyn lahayd hay-adan iyo hab dhaqankeedaba.
Eedaymahan loo haystay Hassan kheyre iyo eedaymo kale oo loo haystay shirkada SOMA ayaa waxa si weyn u hadal hayay dhamaan warbaahinta caalamka, gaar ahaan kuwa U.K maadaama madaxda shirkadan uu kamid yahay Michael Howard oo horey u ahaa gudoomiyaha xisbiga Conservative Party ee wadankaas. Waxa uu sidoo Michael Howard xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada wadankaas, isaga oo soo noqday wasiirka arimaha gudaha, wasiirka deegaanka iyo wasiirka shaqada. Eedaymaha loo haystay SOMA ayaa ku saabsanaa in ay lacag xad dhaaf ah oo laaluush ahaan ah ay siiyeen qaar kamid ah madaxda wasaarada tamarta dowlada Soomaalia.
Xigasho/kilde: Dagbladet
[adsenseyu2]
Ubah Aden: Furiinku ma ahan wax ceeb ah bulshada soomaalida dhexdeeda.
Wargayska Aftenpostenka ayaa isbuucii ugu danbeeyay soo daabacayay qoraalo iyo maqaalo ay kaga hadlayaan furiinka iyo diinta islaamka. Aftenposten ayaa qoraaladooda u dhigayay in diinta islaamku ay sheegayso in ninku uu marka uu rabo iska furi karo naagta isago oo aan lagu xirin wax shuruud ah, halka haweenkuna aysan wax xuquuq ah laheyn marka ay rabaan inay ninkooda kala tagaan. Waxay waraysteen haween kasoo jeedo wadamo Aasiyaan ah oo sheegay in nimankooda oo ay wada dhaqmi waayeen ay wali diidanyihiin inay furaan, sababtoo ah waxay dhaheen waxaa sidaa qabo dhaqanka wadamada ay ka yimaadeen dumarkaas. Sidoo kale waxay waraysteen wadaado kusheegyo madaxa soo duubtay oo isugu jiro suni,shiico iyo axmadiya, sheegayna in habka dhaqanka guurka iyo furiinka islaamku lagu sameeyo isbadal. Aftenpostenka ayaa ku dhiiratay in dhaqamada qalafsan ee guurka wadamada ay dumarkaas ka yimaadeen, ay ka dhigaan wax ay qabto diinta islaamka oo dhan. Waxa ay garan waayeen in ay kala saaraan waxa ay diintu qabto shareeco ahaan iyo waxa ay dadku dhaqan iyo caado ahaan u haystaan.
Ex-xildhibaan Ubah Aden oo ay maanta Aftenposten waraysteen ayaa sheegtay in dhaqanka guurka soomaalidu uu ka duwanyahay kan bulshooyinka kale ee muslimiinta ah qaarkood. Isla markaana uu furiinku yahay wax aan ceeb aheyn xaga bulshada soomaalida dhexdeeda. Balse aysan dadku aqoon fiican u laheyn dhibaatooyinka ka yimaado furiinka, sidaas darteedna ay ayadu bilowdey in ay wax kaga qorto arintaas bloggeeda gaarka ah.
Warka Ubah waxaa xoojinayo baaritaano ay hay-ada tirokoobka SSB iyo Hay-ada cilmibaarista bulshada ee Institutt for samfunnsforskning (ISF) ay sameeyeen, kuwaas oo ay ku ogaadeen furiinku uu yahay mid caadi ka ah bulshada soomaalida dhexdeeda, raga soomaaliduna ay badanaa haweenka furiin ka ogolaadaan marka ay waydiistaan. waxa sheegeen in ay u arkaan in soomaalidu ay bulsho ahaan aqbalaan furiinka, isla markaana ay hooyadu kaligeed noolaato. Sidoo kale baaritaankooda ayay sheegeen in ay ku ogaadeen in haweenka soomaalidu ay guurka kadib ay magaca aabahood iyo qabiilkeeduba uusan isbadalin, hadii uu furiin yimaadana ay haweenku xaqooda ku helaan magaca qabiilka ay ka dhalatay.
Ubah ayaa sidoo kale sheegtay in ay wax badan maqasho dad is furay bulshada soomaalida dhexdeeda, nimanka soomaaliduna ay badanaa eedo furiinka dusha u saaraan haweenka, iyaga ku eedaynayo in durba wadanka la qabsadeen oo ay norske noqdeen. Waxayna sheegtay in arintaas xiriir la leedahay in ay dumarku durba dhex gelaan mujtacama intiisa kale, nimankuna ay lumiyaan awoodii-dhaqameed ee ninku uu ku haystay Soomaaliya, isaga oo ahaa qofka reerka masruufkiisa iyo dhowristiisaba masuul ahaa.
Amal Aden oo ay soomaalidu Norwey wada yaqaanaan ayaa ayadna Aftenpostenka u sheegtay in dumar badan oo soomaali ah ay systemka wadanka uga diiwaan gashantahay in ay ninka kala tageen, balse ay wali caruur kale sii dhalayaan. Iyada oo sheegtay in ay haween badan ay ragooda isaga furaan, sababtoo ah Norwey marka la joogo ninku ma ahan isha dhaqaale ee kaliya ee uu qoysku leeyahay. arintaasna ay tahay mid khiyaano ku ah systemka ceyrta wadanka.
Ubah Aden ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ka warqabin arintaas ku saabsan furiinka ay dumarku ku khiyaanaan systemka wadanka, balse ayadu ku mashquulsantahay in banaanka la keeno in furiinka uusan wax shaqo ah ku laheyn systemka ceerta wadankan Norwey.
Inkastoo uu furiinku yahay wax bur-bur qoys iyo mid bulsho ahaaneedba keena, hadana waxaa yaab ah in Aftenpostka oo kamid ah wargaysyada ugu waaweyn wadanka ay si fudud eeda dhaqanka adag ee furiinka ay dusha u saarto diinta islaamka, iyada oo aan baarin dhaqamada kala duwan ee umaduhu haystaan, taas oo saameyn ku yeelanayso hab nololeedka bulsho ee umadaas.
Xigasho: Aftenposten
Dowlada Norwey oo rabta inay wax weyn ka badasho lacagaha kaalmada ee la siiyo dadka qoxootiga ah
Arbeidsmiinister Anniken Hauglie (H)
Wasiirada shaqada Norwey Anniken Hauglie oo ka tirsan xisbiga Høyre ayaa maanta baarlamaanka Norwey u gudbisay sharciyo cusub oo ay rabto inay wax kaga badasho lacagaha kaalmada ah ee la siiyo dadka qoxootiga ah ee Norwey degan. Waxayna sheegtay in ay dowladu rabto inay meesha ka saarto xuquuq dheeri ah oo ay helaan dadka qoxootiga ah, xuquuqdaas oo aysan helin dadka u dhashay wadanka ee dibada ku maqnaa ama wadamo kale ka shaqeyn jiray. Wasiiradan ayaa sheegtay in: Hadii uu maanta qof qoxooti ah imaado Norwey, wuxuu si toos ah uga mid noqdaa sanduuqa kaalmada dadweynaha( Folketrygden), taas oo xaq u siinayso inuu helo lacagta dadka da ahaan howlgabka ah(alderspensjon), lacagta la siiyo dadka naafada ah ee aan shaqeyn karin( uføretrygd), lacagta la siiyo waalidka caruurta labada sano ka yar haysto( konstantstøtte) iyo xuquuqo kale isaga oo aan waligiis ka dhex shaqeyn wadanka. Hadii uu qof wadanka u dhashay oo mudo ku maqnaa dibada uu rabo inuu helo lacagahaas waxaa shardi looga dhigaa inuu wadanka joogo sadex sano
Waxayna sheegtay in loo baahanyahay in habka kaalmada dadweynaha wadanka wax laga badalo, si isku mid loola dhaqmo dadka wadanka u dashay ee dibada ku maqnaa iyo dadka qoxootiga ah. sharciyadan ayaa dabo socdo heshiis ku saabsan adkeynta sharciyada qoxootiga oo ay sanadkii hore wada galeen xisbiyada wadanka intooda badan.
Dowlada ayaa soo jeedisay in:
-
La joojiyo lacagta howlgabka buuxdo ah ee la siiyo dadka qoxootiga ah ee da doodu ka weyntahay 67 sano ama aan shaqeyn karin, laguna badalo lacag kaalmo ah yar ah oo qofka la siiyo si uu ugu noolaado(supplerende stønad).
-
In shardi laga dhigo in uu qofka qoxootiga ah uu wadanka degenaado shan sano si loogu bilaabo lacagta la siiyo waalidiinta haysta caruurta ka yar labada sano(konstantstøtte).
-
In sidoo kale lasoo rogo shardi ah inuu qofku wadanka degenaado shan sano, si loogu bilaabo lacagta la siiyo dadka aan shaqeyn karin(uføretrygd), waalidiinta caruurta kaligood haysto(enslige forsørgere), lacagta la siiyo caruurta uu mid kamid ah waalidkood geeriyooday(barnepensjon)
-
in la dhimo xiliga uu qofku wadanka ka maqnaan karo isaga oo lacag ka qaadanayo sanduuqa kaalmada dadweynaha. Qofka waxa uu wadanka ka maqnaa karaa 90 maalmood isaga oo wali qaadanayo lacagiisa kala duwan, hada waxay dowladu soo jeedisay in xiligaas 90 maalmood ah laga dhigo 45 maalmood.
Anniken Hauglie oo xilka wasiirnimo haysay tan iyo dhamaadkii sanadkii hore ayaa sheegtay in hadafka ay dowladu ka leedahay sharciyadan cusub ay tahay in uu dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub lagu dhiirigaliyo in uu shaqaystaan oo iskood isku biilaan, inta uu ku xisaabtami lahaayeen lacagaha kala duwan ee kasoo galo sanduuqa kaalmada dadweynaha dowlada. Waxay sidoo kale sheegtay in hadii ay baarlamaanu ansixiyaan sharciyadan, isla markaana ay dhaqan galaan ay dowlada u baaqanayso lacag dhan 3 ilaa 5 bilyan NOK sanad walba. Xisbiyada FRP ayaa dhankooda sheegay in sharciydan cusub ay yareenayaan dadka qoxootiga ah ee magangalyada usoo doonanayo Norwey.
Ururka u dooda xuquuqda qoxootiga ee NOAS(Norsk organisasjon for asylsøkere) ayaa sheegay in shuruucdan aysan dadka ku saacideyn in ay si shaqso ah u shaqo bilaabaan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in qof aan shaqeyn karin lagu qasbo inuu shaqeeyo. Waxay kaloo sheegeen in cida ay saameynta ugu weyn ku yeelanayso sharciyadan ay tahay dadka jilicsan awood ahaan ee ka tirsan qoxootiga. Waxayna sheegeen in dad badan oo qoxooti ah ay la ildaranyihiin xanuuno iyo dhibaatooyin kale.
Sharciyadan cusub oo maanta loo gudbiyay gudiga dhagaysiga baarlamaanka Norwey, ayaan dib loogu soo celin doonaa baarlamaanka marka ay ansixiyaan gudigaas. Waxaana shaki badan kujiraa inay meel mari doonaan, maadaama xisbiga AP oo kuraasta ugu badan ku leh baarlamaanka Norwey uu dhaliilsanyahay sharciyadan, iyaga oo sheegay in aysan meel marin doonin sharciyo dadka qoxootiga ah ee Norwey degan ka dhigayo sabool. Xisbiyada kale ee SV, SP iyo KRF ayaa ayagana dhankooda dhaliilsan qodobada qaar.
ASharciyadan ayaa hadii ay dhaqan galaan ugu horeyn fuli doona sanadka 2017. Dowlada Norwey ayaa hayso jidkii Denmark oo mudo aan aan fogeyn kahor soo rogtay sharciyo noocan oo kale ah.
Xigasho: Regjeringen.no, Aftenposten, VG, Dagbladet
Waa imisa tirada dadka Soomaaliya loo celiyay?
Warbaahinta NorSom News ayaa ilaa shalay ku mashquulsanayd xaqiijinta tirada dadka soomaaliyeed ee loo celiyay Muqdisho, waxaan xiriir la sameynay dhalinyaro soomaaliyeed oo ku jirto kaamamka kala duwan oo kuyaalo wadanka. Waxay noo xaqiijiyeen in aysan jirin dad ay ka warqabaan oo si khasab ah lagu celiyay dhawaantan, balse ay jiraan dad kala duwan oo sharciga wadanka loo diiday oo loo soo diray warqado loogu sheegayo inay wadanka isaga baxaan. Waxaan sidoo kale xiriir la sameynay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho, ayagana waxay dhankooda noo xaqiijiyeen inuu jiro hal nin ay ka warqabaan oo laga keenay Norwey oo laga soo dajiyay garoonka Aden Adde international Airport. Sidoo kale, waxaan noo suurtogalin inaan xiriir la sameyno laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, maadaama lagu jiro maalmaha fasaxa ee sabtiga iyo axada.
Sidaas darteed waxaa la xaqiijin karaa ilaa hada , hal nin oo soomaali ah oo dhamaadkii isbuucii hore laga tarxiilay wadankan lagana dajiyay Muqdisho. Balse waxaa wali jiro warar aan la xaqiijin oo ay isla dhex marayaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan, gaar ahaan soomaalida degan Oslo oo sheegayo in tirada dadka la celiyay ay gaarayaan 20.
Wixii kusoo kordha wararkaas, dib ayaan kasoo galin doonaa. Hadaad hayso macluumaad ama warbixin dheeri ah oo ku saabsan arintan, fadlan nagala soo xiriir:
TLF: 45576226
E-post: norsomnews@gmail.com
Facebook:Norsom nyheter
War xaqiiq ah: Soomaali si khasab ah Norwey looga tarxiilay oo Muqdisho laga dajiyay
Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ayaa ilaa shalay subixii isla dhex marayay warar sheegaya inay jiraan dad soomaali ah oo si khasab ah looga tarxiilay Norwey, lagana dajiyay garoonka Aden Adde international airport ee magaalada Muqdisho. Warbaahinta NorSom News ayaa waxay xiriir la sameysay qaar kamid ah ehelada dadka la tarxiilay, iyaga oo noo sheegay in uu warkaas xaqiiq yahay, isla markaana ay jiraan dad soomaali ah oo laga qabtay magaalooyinka wadanka qaarkood iyo xeryaha qaxootiga, laguna celiyay magaalada Muqdisho. Waxayna tani kusoo aadaysaa bil kadib, markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ay dowlada Soomaaliya heshiis la gashay dowlada Norwey, kaas oo ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan, si khasab ah loogu celin karo Soomaaliya.
Xaaska nin kamid ah dadkaas Muqdisho laga dajiyay ayaa warbaahinta NorSom News u xaqiijisay in ninkeeda oo mudo sadex sano ah Norwey degenaa, sharciga wadankana loo diiday, laga qabtay gurigiisa oo kuyaalo Oslo xili habeenimo ah. Waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Gardermoen, isla galabkii habeenkii la xirayna la saaray diyaarada Turkish airlines.
Anaga oo aan ka warqabin, wax digniin ama warbixin hore ahna aan nala siin ayaa waxaa albaabka nagu soo garaacay 3 ilaa 4 boolis ah oo isaga raadinayo. Waxay sheegeen inay markii hore tageen kaamkii uu ku jiri jiray, markii ay kasoo waayeena ay halkan kasoo raadiyeen. Si khasab ah ayay uga wateen guriga, iyaga oo ku xiray habeenkaas garoonka diyaaradaha. Subixii ayaa waxaa aniga oo shaqadeyda jooga iigu yimid askar kale oo boolis ah oo dharkiisa iyo agabkiisa kale ugu geeyay meeshii uu ku xirnaa. Galabtiinaa waxaa la saaray diyaarada Turkish airlines, oo kusii jeeday magaalada Muqdisho. Waxaana diyaarada la saarnaa boolis kale oo dhowr ah, oo aan u malaynayo in ay la socdeen ilaa Turkiga. Hadana muqdisho ayuu joogaa, wuuna nabad qabaa.
Inkasta oo ay dowlada Soomaaliya dhowr mar iska fogaysay wararka sheegaya in ay heshiis la gashay dowladan Norwey, hadana waxay arintan xoojinaysaa shakiga xoogan ee bulshada soomaaliyeed ee Norwey ay ka qabtay in uu wafdigii ka socday dowlada Soomaaliya ee safarka shaqo ku yimid Norwey dhamaadkii bishii May ee sanadkan, uu heshiis la saxiixday dowlada wadankan. Kaas oo ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee sharciga magangalyada wadankan loo diiday, si khasab ah loogu celin karo Soomaaliya. Wafdiga dowlada Soomaaliya oo Norwey joogay maalmo kooban ayaa ka koobnaa Wasiirka arimaha dibada Cabdisalaam Cumar Hadliye, Wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Maxamuud iyo madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha General Cabdulaahi Gaafow.
Sharciga magangaylada ee wadankan Norwey ayaa dhigaya in hadii qofka codsigiisa magangalyada laga siiyo diidmo kama danbeyn ah, wadankana uu ka bixi waayo, si khasab ah loogu celin karo wadankii uu asal ahaan u dhashay. Soomaaliya ayaa kamid ahayd wadamada aan dadka lagu celin, maadaama xaalkeeda amni uu ahaa mid aan la isku haleyn karin, balse waxay hada u muuqataa in soomaaliya ay kamid noqotay wadamada dadka sida khasabka loogu celi karo. Norwey waxaa kunool dad soomaaliyeed oo ilaa 500 kor u dhaafaya oo sharciga magangalyada loo diiday. Qaar kamid ah dadkaas oo 300 oo qof gaaraya, waxay wali daganyihiin kaamamka qoxootiga oo ay dowladu maamusho, halka qaar kale oo badana ay ku noolyihiin magaalooyinka, qaarkoodna ayba xaasas iyo caruur wadanka ku leeyihiin.
Norwey oo waagii hore isku tiran jirtay dowladaha ugu sareeyo ee dhowra xuquuqda aadanaha iyo tan magangalyada qoxootiga ayaa hada noqotay mid aan u aaba yeelin xeerarka qoxootiga ee caalamiga ah. Marar badan ayaa hay-ado kala duwan oo caalami ah ay dowlada Norwey ee hada talada hayso, ay ku eedeeyeen inay iska indho tirayso xeerka caalamiga ee qoxootiga ah, gaar ahaan kuwo ka yimid wadamada aan amaankoodu sugneen 100%. Xisbiga xagjirka ah ee FRP oo hada wax ka hayo talada dowlada wadanka, ayaa ah mid aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah. Xisbigan ayaana hada maamulo wasaaradaha ugu muhiimsan ee ku shaqo leh howlaha qoxootiga iyo dadka soo galootiga ahba.
Warbaahinta NorSom News ayaa wali ku daba jirta baaritaanka iyo helida warar dheeri oo ku saabsan arinta tarxiilka dadkan laga dajiyay Soomaaliya. Wixii warar ah ee soo kordha, waxaan soo galin doonaa saacadaha soo socda.
Hadii aad hayso macluumaad iyo warbixino ku saabsan arintan, fadlan nagala soo xiriir
tlf: 00-4745576226
E-post: Norsomnews@gmail.com
Facebook: Facebook/NorSom Nyheter
UDI: 79% dadka soomaaliya ka yimid ee looga soo jawaabay codsigooda magangalyada, waxay heleen diidmo
Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI ayaa sheegtay in 79% dadka ka yimid Soomaaliya ee codsigooda magangalyada looga soo jawaabay sanadkan aan kujirno ee 2016, ay heleen diidmo(negativ). Sidoo kale dad tiro ahaan gaaraya 140 qof oo soomaali ah, da-dooduna ay ka weyntahay 18 sano, ayaa wali jawaab ka sugaya UDI-da. Waxay isugu jiraan 55 qof oo aan wali interviewga ama waraysi marin, iyo 85 interviewga maray oo jawaab sugayo. Dadka sugaya in interviewga maraan ayaa waxaa ku jiro dad qaarkood 10 bilood iyo inka badan sugayay interviewga, oo aan waraysi laga qaadin.
Dadka magangalyo doonka ah ee ka yimid wadamada Ciraaq, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaana ugu badan dadka helay diidmo ama negativ. Dhowr sano kahor, sadexdan wadan waxay ahaayeen dadka ugu badan ee magangalyo ka hela wadanka Norwey, balse hada waxay u muuqataa in dadka ka yimid Suuriya iyo Ereteriya ay yihiin dadka ugu badan ee magangalyo laga siiyo Norwey.
Warqad qoraal ah oo af soomaali ku qoran oo ay UDI-du shalay(30-juni) soo dhigtay bogeeda rasmiga ah ee internetka ayay ka codsatay inay dadka magangalyo doonka ah ee aan wali loosoo jawaabin, ay u dulqaatan waqtiga dheer ee laga yaabo inay qaadato kasoo jawaabida codsigooda.
Xigasho: UDI.NO Halkan ka akhri warka qoraalka ah oo af soomaali ku qoran
Mahad gaar ah: Abdisalam Mahamed oo nala wadaagay linkiga.
War deg-deg: Malik Yusuf oo laga cafiyay dilkii uu gaystay 15 sano kahor.
Bidix: Dacwad oogaha (Torstein Hevnskjel), Midig: Qareenka difaacayo(Hjallis Bakke)
Dhagaysiga dacwada ku saabsan danbiga loo haystay Malik Yusuf oo sanadkii 2001 mindi ku dilay wiil kale oo soomaali ah, ayaa lasoo afmeeray daqiiqado kahor. Kadib markii ay maxkamadu dhamaysay dhagaysiga qareenka difaacaya wiilkan iyo dacwad oogaha dowlada, ayay xeerbeegtida maxkamadu qaateen kulan socday hal saac. kaas oo ay ku go aansadeen in la cafiyo Malik, maadaama aysan kala saari karin in uu danbiga ula kac u gaystay iyo inuu isdifaac ku jiray marka uu dilka dhacayay, oo ahayd sanadkii 2001.
Waxayna tani noqonaysaa markii labaad oo ay maxkamadi cafiso Malik Yusuf, sanadkii 2002 ayay maxkamada darejada sadexaad ee gobalkaas isla danbigan ka cafisay Malik, iyaga oo sheegay in uu isdifaac ku jiray. Dacwad oogayaasha dowlada ayaa ka biyo diiday go aankaas, iyaga oo racfaan ka qaaday xukunka maxkamada. Balse afar maalin kahor inta aan la gudo galin dhagaysiga racfaanka dacwad oogayaasha ayuu Malik ka baxsaday Norwey, isaga oo bilowgii sanadkan laga soo qabtay wadanka Ingiriiska.
Dacwad oogaha dowlada oo hadal gaaban siiyay saxaafada, kadib marka uu dhacay xukunka, ayaa sheegay inay baaritaan u diri doonaan xukunka xeerbeegtida maxkamada.
Halkan ka akhri qoraaladii aan horey uga qornay dacwadan:
Wiil soomaali ah oo maxkamad loosoo taagayo dil uu ugaystay wiil kale oo soomaali ah 14 sano kahor
Malik Yusuf: waxaan ka cabsi qabay in aano qabiil darteed la iigu dilo Norwey
Malik Yusuf(wiil soomaali ah) oo loo xiray dil uu gaystay 14 sano kahor
Xigasho/Kilde: NRK, VG
Maxkamada sare ee Norwey oo go aamisay xukunka wiil soomali ah oo kamid noqday ururka Daacish
Maxkamada sare ee Norwey ayaa maalintii shalay ahayd go aan ka gaartay xukunka sadex wiil oo dhalashada wadankan Norwey haysta, balse kasoo kala jeedo asal ahaan Soomaaliya iyo Albania. Bishii may ee sanadkii 2015 ayaa sadexdan wiil lagu xukumay maxkamada Oslo, iyaga oo lagu eedaynayo inay taageereen una soo dagaalameen ururka Daacish. Waxayna ahayd markii ugu horeysay ee wadankan Norwey qof loo xukumo inuu taageero u fidiyay ururka Daacish. Waxayna sidoo kale ahayd markii ugu horeysay ee taariikhda Norwey qof loo xukumo taageerada ama kamid noqoshada urur wadanka looga ictiraafsanyahay argagixiso ahaan. Sadexdan wiil ayaa mar walbe sheegayay inaysan galin wax danbi ah. Qareenada u doodayay wiilashan ayaa racfaan ka qaaday xukunkaas hore, iyaga oo racfaankooda u gudbiyay maxkamada sare ee Norwey.
Djibril Bashir oo ah Wiilka soomaaliga ah ee kamid ah sadexdan qof ayaa da ahaan jiro sodomeeyo sano, waxa uuna degenaa magaalada Skien. Wuxuu ururka isku magacaabay khilaafada islaamiga ah ee Daacish ku biiray bishii April/may 2013, halka ururkaas Norwey looga aqoonsaday urur argagixiso bishii Juni isla sanadkaas 2013. Horey ayuu wiilkan u sheegay inuu markaas ku faraxsanaa ku biiritaanka ururkaas, balse uusan ka warqabin inuu ururkan yahay mid laga mamnuucay wadanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqaynayay howlaha gar-gaarka kali ah.
Maxkamada darajada labaad ayaa bishii January ee sanadkii 2015 ku kordhisay sadex bilood xukunka Djibril, kana dhigtay 4 sano iyo lix bilood. Balse racfaanka kadib, maxkamada sare ee Norwey ayaa sadexdaas bilood ee danbe ka dhintay xukunka wiilkan, isla markaana kusoo celisay xukunkii koowaad oo ahaa 4 sano iyo 3 bilood. Sidoo kale labada wiil ee kale oo walaalo ah kana yimid wadanka Albania ayaa ayagana xukunkooda wax laga dhimay, waxaana mid kamid ah laga dhigay xukunkiisa laga dhigay 7 bilood, halka kan kalena laga dhigay 4 sano iyo 6 bilood.
Xigasho/Kilde: Aftenposten 1, Aftenposten 2
.