torsdag, mars 28, 2024

War xaqiiq ah: Soomaali si khasab ah Norwey looga tarxiilay oo Muqdisho laga dajiyay

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ayaa ilaa shalay subixii isla dhex marayay warar sheegaya inay jiraan dad soomaali ah oo si khasab ah looga tarxiilay Norwey, lagana dajiyay garoonka Aden Adde international airport ee magaalada Muqdisho. Warbaahinta NorSom News ayaa waxay xiriir la sameysay qaar kamid ah ehelada dadka la tarxiilay, iyaga oo noo sheegay in uu warkaas xaqiiq yahay, isla markaana ay jiraan dad soomaali ah oo laga qabtay magaalooyinka wadanka qaarkood iyo xeryaha qaxootiga, laguna celiyay magaalada Muqdisho. Waxayna tani kusoo aadaysaa bil kadib, markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ay dowlada Soomaaliya heshiis la gashay dowlada Norwey, kaas oo ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan, si khasab ah loogu celin karo Soomaaliya. 

Xaaska nin kamid ah dadkaas Muqdisho laga dajiyay ayaa warbaahinta NorSom News u xaqiijisay in ninkeeda oo mudo sadex sano ah Norwey degenaa, sharciga wadankana loo diiday, laga qabtay gurigiisa oo kuyaalo Oslo xili habeenimo ah. Waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Gardermoen, isla galabkii habeenkii la xirayna la saaray diyaarada Turkish airlines. 

Anaga oo aan ka warqabin, wax digniin ama warbixin hore ahna aan nala siin ayaa waxaa albaabka nagu soo garaacay 3 ilaa 4 boolis ah oo isaga raadinayo. Waxay sheegeen inay markii hore tageen kaamkii uu ku jiri jiray, markii ay kasoo waayeena ay halkan kasoo raadiyeen. Si khasab ah ayay uga wateen guriga, iyaga oo ku xiray habeenkaas garoonka diyaaradaha. Subixii ayaa waxaa aniga oo shaqadeyda jooga iigu yimid askar kale oo boolis ah oo dharkiisa iyo agabkiisa kale ugu geeyay meeshii uu ku xirnaa. Galabtiinaa waxaa la saaray diyaarada Turkish airlines, oo kusii jeeday magaalada Muqdisho. Waxaana diyaarada la saarnaa boolis kale oo dhowr ah, oo aan u malaynayo in ay la socdeen ilaa Turkiga. Hadana muqdisho ayuu joogaa, wuuna nabad qabaa.

8ZQxj6TZdjT-qf1rMXkyWgHYOwoIdEuLpyWOJOnRU8Ow
Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye iyo dhigiisa Norwey Børge Brende FOTO: BENDIKSBY, TERJE / NTB SCANPIX

Inkasta oo ay dowlada Soomaaliya dhowr mar iska fogaysay wararka sheegaya in ay heshiis la gashay dowladan Norwey, hadana waxay arintan xoojinaysaa shakiga xoogan ee bulshada soomaaliyeed ee Norwey ay ka qabtay in uu wafdigii ka socday dowlada Soomaaliya ee safarka shaqo ku yimid Norwey dhamaadkii bishii May ee sanadkan, uu heshiis la saxiixday dowlada wadankan.  Kaas oo ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee sharciga magangalyada wadankan loo diiday, si khasab ah loogu celin karo Soomaaliya. Wafdiga dowlada Soomaaliya oo Norwey joogay maalmo kooban ayaa ka koobnaa Wasiirka arimaha dibada  Cabdisalaam Cumar Hadliye, Wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Maxamuud iyo madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha General Cabdulaahi Gaafow

Sharciga magangaylada ee wadankan Norwey ayaa dhigaya in hadii qofka codsigiisa magangalyada laga siiyo diidmo kama danbeyn ah, wadankana uu ka bixi waayo, si khasab ah loogu celin karo wadankii uu asal ahaan u dhashay. Soomaaliya ayaa kamid ahayd wadamada aan dadka lagu celin, maadaama xaalkeeda amni uu ahaa mid aan la isku haleyn karin, balse waxay hada u muuqataa in soomaaliya ay kamid noqotay wadamada dadka sida khasabka loogu celi karo. Norwey waxaa kunool dad soomaaliyeed oo ilaa 500 kor u dhaafaya oo sharciga magangalyada loo diiday. Qaar kamid ah dadkaas oo 300 oo qof gaaraya, waxay wali daganyihiin kaamamka qoxootiga oo ay dowladu maamusho, halka qaar kale oo badana ay ku noolyihiin magaalooyinka, qaarkoodna ayba xaasas iyo caruur wadanka ku leeyihiin. 

Norwey oo waagii hore isku tiran jirtay dowladaha ugu sareeyo ee dhowra xuquuqda aadanaha iyo tan magangalyada qoxootiga ayaa hada noqotay mid aan u aaba yeelin xeerarka qoxootiga ee caalamiga ah. Marar badan ayaa hay-ado kala duwan oo caalami ah ay dowlada Norwey ee hada talada hayso, ay ku eedeeyeen inay iska indho tirayso xeerka caalamiga ee qoxootiga ah, gaar ahaan kuwo ka yimid wadamada aan amaankoodu sugneen 100%. Xisbiga xagjirka ah ee FRP oo hada wax ka hayo talada dowlada wadanka, ayaa ah mid aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah. Xisbigan ayaana hada maamulo wasaaradaha ugu muhiimsan ee ku shaqo leh howlaha qoxootiga iyo dadka soo galootiga ahba.

Warbaahinta NorSom News ayaa wali ku daba jirta baaritaanka iyo helida warar dheeri oo ku saabsan arinta tarxiilka dadkan laga dajiyay Soomaaliya. Wixii warar ah ee soo kordha, waxaan soo galin doonaa saacadaha soo socda.

Hadii aad hayso macluumaad iyo warbixino ku saabsan arintan, fadlan nagala soo xiriir

tlf: 00-4745576226

E-post: Norsomnews@gmail.com

Facebook: Facebook/NorSom Nyheter

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x