mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 282

Dr Abdi Gele: 41% dumarka soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo, waxay khatar ugu jiraan inay qaadaan cudurka sonkorta

0

Cilmi baaris caafimaad oo lagu sameeyay qaybta cilmibaarista machadka Oslo iyo Akershus ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar dumarka soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo ay khatar ugu jiraan inay qaadaan cudurka sonkorta ama macaanka. Dr Abdi Gele oo ah cilmi baare caafimaad oo ka howlgala machadkaas ayaa NorSom News u cadeeyay in sababaha arintas keenayso ay kamid tahay: Cuntada ay soomaalidu cunto oo ah tii aan ku cuni jirnay wadankii, isla markaana ah cunto adag iyo saliid badan, Jimicsiga dumarka soomaaliyeed oo aan badneyn iyo miisaanka iyo baruurta dumar soomaaliyeed intooda badan saaran oo ah mid leh khatar caafimaad.

Fariinta dr Abdi Gele oo dhamaystiran jalkan ka daawo:

 

Malik Yusuf: waxaan ka cabsi qabay in aano qabiil darteed la iigu dilo Norwey

Bidix: Dacwad oogaha (Torstein Hevnskjel), Midig: Qareenka difaacayo(Hjallis Bakke)

Sida aan maalintii shalay ahayd aan soo qorneyba, waxaa maanta oo talaado ah magaalada Tromsø ka bilaabatay dhagaysiga dacwada Malik Yusuf oo loo haysto dil uu u gaystay wiil kale oo soomaali ah sanadkii 2001. Horey ayay maxkamadu xabsiga uga sii daysay, kadib markii labada kaaliye ee xaakinka maxkamada darejada sadexaad ee gobalkaas ay aqbashay isdifaacii Malik oo ahaa inuu is difaac ku jiray marka uu mindida ku dilayay Ali Ahmed Abdi, halka qaadiga caadiga ah ee maxkamada uu rabay markii hore inuu u xukumo dil ula kac ah. Balse dacwad oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay go aankaas, iyaga oo codsaday in la siiyo waqti ku filan oo ay dhacdadan si fiican ugu baaraan. Malik Yusuf ayaa sanadkii 2002 ka baxsaday wadanka Norwey, isaga oo bilowgii sanadkan laga soo qabtay ingiriiska, loona soo gacan galiyay Norwey.

Maanta oo bilaabatay dhagaysiga ayaa Malik la waydiiyay inuu qirsanyahay danbiga uu galay iyo inkale, waxa uuna ku jawaabay inuusan fahmeyn su aasha la waydiiyay. Sidoo kale wuxuu kahor sheegay qaadiga maxkamada in adeerkiis/abtigiis uu u sheegay inuu kujiro xaalad halis ah, isla markaana uu kula taliyay inuu wadanka isaga baxo, hadii kale lagu dhex dili doono Norwey. Wuxuu sheegay in dhaqan ahaan soomaalida, hadii uu qofku qof dilo, inuu asna khatar ugu jiro in aano qabiil ahaan loo dilo. Dad ay isku qabiil yihiin wiilka dhintay ayaa marar badan i waydiiyay inuu yahay qofkii dilay wiilkooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wiilka uu dilay uu ka rabay inuu ka raali galiyo lacag la xaday marka uu khilaafku dhexdoodu ka dhalanayay 2001. Wuu igu soo booday, waxa uuna igu qabtay ceejis, iina raaciyay hadal uu ku leeyahay  inuu i dili doono. Waxaana mindida u galiyay, si aan u neefsado. Si weyn ayaan isaga soo horjeednay ninkaas, waana is necbeyn. Khalad ayayna ahayd inaan isku meel degenaano, isku iskuulna aan dhigano.

Dacwad oogaha ayaa waydiiyay, sababta uu mindida u tusi waayay oo kali ah isaga oo aan ku dhufan, iyo sababta uu sadex jeer u galiyay mindida. Waxa Malik ku jawaabay inuu baqsanaa markaas, uusana xasuusan inta jeer ee uu galiyay mindida. Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale raba inay ogaadaan sababta aysan dhuuntiisa uga muuqan markaas calaamado la arki karo oo sheegayo in si adag loo ceejiyay, arintaas oo ahayd mid lagu soo hadal qaaday maxkamadii hore ee cafisay isaga. Mindida uu wax ku dilay oo uu soo gatay maalmo kahor inta uuan falkan dhicin ayuu sheegay inuu usoo gatay, si uu isku difaaco, maadaama uu aad u cabsanayay. Wuxuu kaloo sheegay inay isku qabiil ahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, sidaas darteedna dhalinyarada kale ay ku eedi jireen inuu ku lug lahaa dhibaatooyinkii uu gaystay madaxweynahaas, maadaama ay isku qabiil ahaayeen. 

Malik Yusuf oo hada 31 sano jir ayaa sheegay inuu markaas ka  cabsi qabay khilaaf dhexmaray shan dhalinyaro soomaali ah oo dhigan jiray iskuulka uu dilka ka dhacay ee Nordreisa. Waa isla dhibaatooyinkii aan markii hore soomaaliya uga soo cararay, aabahay ayaa aniga sagaal sano jir ah lagu dilay Soomaaliya. Wixii ka danbeeyayna waxaan qaban kari waayay hurdada, waxaana soo maray dhibaatooyin aysan aheyn inuu ilmo yari dareemo. Walina waxaan ka cabsi qabaa fal calis iyo aano qabiil oo iigaga timaado soomaalida Norwey. Arintaas oo ah mid ay maxkamadu qiimaysay, iyada oo diiday in banaanka la keeno macluumaad ku saabsan meesha uu Malik iyo qoyskiisuba ay daganyihiin hada. Waxa ay sidoo kale maxkamada diiday in banaanka la keeno meesha uu ka degenaa England mudadaas dheer, sababo la xiriira amniga familkiisa. 

Maxkamada iyo dhagaysiga dacwada Malik ayaa socon doonto mudo afar maalmood ah, waxayna maanta ahayd maalintii koowaad oo xooga la saaray wax badana laga hadlayay kala duwaanshaha qabiilada soomaalida iyo sida ay isaga soo horjeedaan. Iyo sida ay arintan qayb ugu qaadatay dhacdadan ay isku dileen labo qof soomaali ah. Dhamaan warbaahinta localka ah iyo kuwo waaweyn ee wadankan, waxay maxkamadeyntan ula socdaan si joogto ah.

Xigasho: NRK iyo ABC NYHETER.

 

Tromsø: Wiil soomaali ah oo maxkamad loosoo taagayo dil uu ugaystay wiil kale oo soomaali ah 14 sano kahor

Foto: Politiet

Waxaa maalinta Talaadada ah ee nagu soo aadan ka bilaabanayso maxkamad-goboleedka Hålogaland lagmannsrett, dhagaysiga dacwada Malik Yusuf oo loo haysto fal dil ah oo uu u gaystay marxuum kale oo soomaali oo lagu magacaabi jirey Ali Ahmed Abdi, sanadkii 2001. Dilkan ayaa 14kii bishii November 2001 ka dhacay Fasal kamid ah iskuulka Nordreisa oo ay marxuumka dhintay iyo Malik Yusufba wada dhigan jireen, waxayna sidoo kale wada degenaayeen hal guri. Malik  ayaa sadex jeer toori dhabarka ka galiyay Ali Ahmed Abdi , taas oo uu markii danbe u geeriyooday. Marka uu falkan dhacayay waxaa fasalka ku jiray labadooda oo kali ah, kadib markii ay codsadeen in fasalka loo baneeyo si ay si gaar ugu wada hadlaan. 

Malik oo markaa da’diisu ahayd 16 sano ayaa sheegay inuu isdifaac ku jiray marka uu falkan gaysanayay, kadib markii uu muran dhexmaray isaga iyo Ali ahmed. Waxa uuna intaas ku daray inuu arimo qabiil darteed noloshiisa uga cabsanayay marxuumka uu dilay oo da’ ahaan ka weynaa ku dhawaad labo sano. Sanadkii 2002 dhexdiisa ayay maxkamada darajada koowaad ee gobalkaas aqbashay is difaacii Malik, isla markaana ay ka fasaxday xabsiga. Laakiin dacwad oogayaasha dowlada ayaa ka biyo diiday go aanka maxkamada, isla markaana qaatay rafcaan ay ku codsanayaan in la siiyo fursad iyo waqti ku filan, si ay dhacdadan si fiican u baaraan. November 2002, Maalmo ka kahor inta ay maxkamadu guda galin dhagaysiga racfaanka dacwad oogayaasha dowlada, ayuu Malik ka baxsaday meel ay barnevernku dajiyeen, isaga oo markaas da,diisu ahayd 17 sano, isla markaana waxa uu ka baxsaday wadanka. Booliska Norwey iyo kuwa Interpol ayaa mudo 13 sano ah ku daba jiray, iyaga oo ka raadinayay dhamaan wadamada Yurub iyo kuwo kale ee caalamka.  Boolisk ingiriiska ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ku qabtay magaalada Bolton ee wadankaas, isaga oo wato magac iyo aqoonsi kale oo uu samaystay, waxa ayna usoo gudbiyeen booliska Norwey.  

Qareenka dowlada Torstein Hevnskjel oo ah kan dacwada kusoo oogaya Malik ayaa u sheegay NTB in ay hayaan sharaxaadii ay dhacdan ka bixiyeen dadkii goob jooga ahaa xiligaas uu falka dhacay wax yar kadib. Wuxuu kaloo sheegay inay hayaan documentiyadii laga sameeyay baaritaanka dhacdadan iyo cadeymihii kale laga qaaday goobta uu falkan ka dhacday. Wey adkaan doontaa in eedaysanuhu iyo markhaatiyaashii kale ay xasuustaan dhamaan warbixinadii hore, balse waxaan u akhri doonaa sharaxaadii la dhiibay xiligaas.  

Qareenkan dacwad oogaha ah ayaa sidoo kale sheegay inaysan wali go aan ka gaarin in dacwada loo haysto Malik  Yusuf oo hada 31 sano jir ah lagu soo daro qodob kale oo ah in uu wadanka ka baxsaday. Dhagaysiga racfaanka dacwad oogayaasha dowlada ayaa socon doono mudo afar maalmood ah. 

Xigasho: NRK iyo Nordlys

Soomaaligii ugu horeeyay oo darawal buss ka noqday magaalada Hamarfest

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa wadankan Norwey aad ugu soo badanayay dhalinyarada soomaaliyeed ee ka shaqeysa baabuurta gaadiidka dadweynaha, sida tagaasida iyo basaska. Gaar ahaan waxay arintan aad uga muuqataa magaalooyinka waaweyn iyo garoomada diyaaradaha. Hadaba waxaa magaalada Hamarfest ee gobalka Finmark laysinka darawalnimada busaska dadweynaha helay Diini oo ah qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee hela laysinka, isla markaana ku shaqo bilaabay.

Hamarfest oo ah magaalo kutaalo cirifka woqooyi ee aduunka, waa magaalo yar oo ay gabigeeduba taganyihiin dad gaaraya 10 000, ajaanibtuna aad ayay ugu yartahay, gaar ahaan soomaalida. Waana sababta keentay in uu warka diini noqdo mid ay dadka deegaankaas ku hadal hayaan baraha bulshada, iyaga oo ugu hambalyeynayo shaqadiisa cusub. Xarunta taakuleyn ajaaniibta ee Hamarfest ayaa ayadna diini ugu hambalyeysay shaqadan cusub, Sheegtayna inay ku faanayaan diini maadaama uu halkaas ku qaatay barnaamijka Introksjonprogramka.

 

Xigasho: Innvandrertjenesten

Luuqada hooyadu waa furaha barashada luuqadaha kale.

Abdullah O. Mahmud vet det er viktig med best mulig kjennskap til sitt eget språk før man kan lære et nytt.

Marar badan oo cilmi baaris lagu sameeyay saameynta luuqada hooyo ay leedahay marka uu qofku baranayo luuqado kale, ayaa lagu ogaaday in luuqada afka hooyo ay tahay furaha ama isha barashada luuqadaha kale. Qofka hadii uu aqoon fiican u leeyahay luuqadiisa, waxay wax badan u sahlaysaa inuu barto luuqad cusub oo kale. Xarunta dadka soo galootiga ah ee magaalada Florø ayaa  sanadkii lasoo dhaafay furtay xarun ay dadka aan horey wax usoo baran, ay jaanis dib ugu helaan inay luuqadooda afka hooyo bartaan.

Dadka xaruntaas sida iskaa wax u qabsada(frivillig) ah uga shaqeeyo waxaa kamid ah Abdullahi Osman Mahmud oo mudo 13 sano ah macalin ka ahaa Somaliya, isaga labo sano oo kalena ahaa maamule iskuul. Abdullahi oo sidoo kale lasoo shaqeeyay hay-ada Care qaybteeda Somaliya ayaa  sanadkii 2010  Norwey, isaga oo bil kadibna helay sharciga magangalyada wadanka. Waxa uuna hada caruurta baraa luuqada afka hooyo. 

Abdullahi ayaa sheegay in inta uusan qofku baran luuqada Norwiijiga ay muhiim tahay inuu qofku yaqaano luuqadiisa hooyo, inaad luuqad cusub barato adoon aqoon hore aan laheyna ma aha wax fudud. Sidoo kale isbuucii labo jeer ayuu Abdullahi caruur gaarayso 15 soomaali  ah uu u dhigaa casharo. Isaga oo ka caawiyo maadooyinka Norsk, Engelsk iyo xisaabta. Hadii ay ciyaalku fahmaan ereyada norwiijiga ee xisaabta, waxay fahmeen jawaabta kala barkeed. Sidaas darteed ayuu abdullahi sheegay inuu caruurta ka caawiyo inay fahmaan ereyda xisaabta ah ee afka norwiijiga.

Maamulaha xarunta Siri Jansen ayaa  waalidiinta ajaaniibta ah ku boorisay inay caruurta afkooda hooyo kula hadlaan marka ay guriga joogaan. Hadii uu ilmaha iyo waalidku midba luuqad gooni ah ku hadlo, waxay hadhow keeni kartaa is fahamwaa xaga luuqada ah oo dhexmara caruurta iyo waalidiinta. Sidoo kale ilmaha waxay luuqadaha hooyadu siinaysaa awood iyo faham dheeri ah oo ka caawin karta inuu barto luuqado kale oo badan. Waxay intaas ku dartay in ilmihii yaqaano laba luuqadood ama ka badan uu caruurta kale uu wax dheeryahay.

Xigasho: Firdaposten.no

Boolisku waa mahadsanyihiin, balse wali ma qanacsani ilaa dadka kale la igala mid dhigo

FOTO: PIA-ELISE SOLVIK DAHL

Hal isbuuc ayaa kasoo wareegtay markii ay booliska Norwey sheegeen in ay isbadal ku sameeyeen qaabka loo bixin doono passportka, iyagaa oo cadaadis badan kadib sheegay inay ka laabteen arintii muranka badan dhalisay ee ahayd in (ukjent) loogu qoro meesha dhalashada dadka qaarkii. Booliska ayaa sharcigooda cusub oo ay soo saareen dadka u kala qaybiyay laba kooxood. 1)Dadka wadan kale ku dhashay oo ay soo korsadeen qoys norwiiji ah waxaa lala mid dhigay dadka kale oo dhan, iyaga passportka loogu qori doono meesha dhalashada, hadii ay keenaan warqada cadeynta meeshii laga soo kaxeeyay. 2) Groupka labaad oo ah dadka ku dhashay 31 wadan waxaa meesha dhalashada(fødested) loogu badalay wadanka dhalashada(fødeland), arintaas oo ay sheegeen inay u arkaan sida kaliya ee lagu xalin karo arintan ilaa hada. 

Inkasto oo uu qaabkan cusubi wax badan dhaamo tii hore ee (ukjentiga), Hadana dadka qaarkii ayaa wali aaminsan in ay tahay wax laga xumaado in uu boolisku ay dadka lasoo korsoday ugu qoraan meeshii saxda ahayd oo ay ku dhasheen, halka dadka kalena loogu qoroyo  wadankii ay ku dhasheen oo kaliya. Isla markaana loo diido in loogu qoro magaaladii ay ku dhasheen.

Dadka sidaas qaba waxaa kamid ah Yasmin Xadafow oo ah gabar 19 jir soomaali ah oo degan magaalada Bø. Gabadhan ayaa sheegtay in passportka norwiijiga ah oo ay hada haysato ay ku qorantahay inay ku dhalatay magaalada Jiddah ee wadanka Sucuudiga. Hadhow markii ay rabto inay cusboonaysiiso passportkana laga tiri doono magaalada ay ku dhalatay ee Jiddah. Arintaas ay tahay mid ay aad uga xuntahay, maadaama markii hore oo ay sharciga wadanka codsanaysey si fiican loo baaray dhamaan documentiyada ay UDI-da u xareysay. Yaasmiin ayaa intaas ku dartay in sucuudiga ay ku yaalaan labada magaalo Makko iyo Madiino oo ah meelaha ugu muhiimsan ee loogu safar badanyahay aduunka.  Ayna adagtahay in uu qofku si fudud kusoo galo Sucuudiga. Sidee ayay dowlada Norwey u aqoonsan la.dahay documenti ka yimid wadanka sharcigiisa iyo soo galitaankiisaba ay saas u adagtahay.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa booliska ku amaantay in sheekadii hore ee ukjentiga ay si deg-deg ah wax uga qabteen, balse booliska ka codsatay inaan halkaas lagu ekeyn ee la keeno xal kale oo ka fiican kan ay hada keeneen oo ah in wadanka qofka loogu qoro, balse aan magaalada loogu qorin.

Booliska ayaan wali hubin in xalkan deg-dega ah oo ay keeneen hada uu yahay mid si socon doono, iyagoo sheegay inay isbadal xaga passportka ah ay imaan doonaa sanadka 2017.

XIGASHO: VOL.NO

 

 

UDI-da oo lagu eedaynayo gacan culays ku aadan kasoo jawaabista codsiyada dadka qoys ahaan loogu dacwooday

Madaxa xafiiska baarlamaanka Norwey u qaabilsan ilaalinta iyo dabagalka in aan xafiisyada dowlada lagu dulmin dadka caadiga(Sivilombudsmannen) ayaa eedeyn balaaran usoo jeediyay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Norwey ee UDI-da. Isaga oo sheegay inuu ka wel-welsanyahay waqtiga dheer oo ay UDI-du qaadato si ay ugu soo jawaabaan codsiyada dadka qoysaskoodu u dacwoodeen. Wuxuuna intaas ku daray in waqtigaas dheer ee uu qofka sugayo ay dhibaato nololeed soo gaari karto. dad gaaraya  9600 ayaa wali jawaab ka sugayo UDI-da, waxayna dadka isugu jiraan kuwo qoxootinimo mar dhow ku yimid, kuwa sharci ku leh wadanka iyo waliba dad u dhashay wadanka oo wadamo kale kasoo guursaday. Hadii uu qof soomaali ah ama Ereteriyaan ah uu u dacwoodo qof familkiisa ah, waxay qaadataa 20 bilood in uu helo jawaab. Sivilombudsmannen ayaa horey hoosta uga xariiqay in xiliga macquulka ee la aqbali karo in qofka loogu soo jawaabo ay tahay 12 ilaa 13 bilood. Inay UDI-du aysan dadka qaarkiis usoo jawaabin sadex sano ka badana ay tahay  wax aan la aqbali karin.

Eedeyntan ayaa kusoo aadayso  iyada oo dadka kasoo dacwoonaya shaqada UDI-da ay laba jibaarbeen hal sano gudaheed. Cida ay masuuliyada ka saarantahay inay UDI-da siiyaan xoog iyo shaqaale ku filan si ay howshan si hufan ugu xaliyaana waa wasaarada cadaalada iyo amniga. Marar badan ayaan loo cadeeyay inay qarash iyo awood ku filan ay siiyaan UDI-da si ay codsiyada dadka xili macquul ah ugu soo jawaabaan. Wasaarada oo ka jawaabayso eedaas loo jeediyay ayaa sheegtay in tirada dadka u dacwoonaya qof qoyskooda ah ay wax badan kor u kacday, kadib markii sanadkii lasoo dhaafay ay Norwey magangalyo waydiisteen dad kor u dhaafaya 30 000. Waxay sheegtay inay marka hore ay tahay in laga shaqeeyo ka jawaabistaa codsiyada dadka isa soo dhiibay sanadkii hore, iyaga oo intaas ku daray inay filayaan in tirada dadka codsanayo inay in qof famili ah loo keeno ay u dhici doonto sanadkan. Lacag dheeri ahna ay siiyeen UDI-da si ay u xaliyaan arintaas.

UDI-da oo ayagana dhankooda ka jawaabaya eedeyntaas loo soo jeediyay ayaa sheegtay in ay hal sano gudihiis ay kasoo jawaabeen codsiyada 3400 oo qof, iyaga oo wax badan ka badalay xaalada sanadkii lasoo dhaafay ee 2015. Waxayna intaas ku dareen inay rajeynayaan in xiliga ay qaadato in qof loosoo jawaabo ay hoos u dhici doonto sanadkan gudihiisa. Si gaar ah waxay u sheegeen in xiliga jawaabta ee dadka aan u baahneen in macluumaad dheeri ah laga helo, ama dhiig iyo waraysi aan loo dirin uu ka yaraan doono intii hore.

Xigasho: Dagbladet

Sweden oo raacday wadadii Norwey iyo Denmark, isbadal weyna ku samaysay sharciga qoxootiga wadankaas

Baarlamaanka Sweden ayaa maalintii shalay ahayd cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharciga cusub ee qaxootiga, kaasoo si weyn wax uga badalaya qaabkii ay Sweden ku qaabili jirtay dadka magangalyo doonka ah. . Sharciga cusub ayaa waxaa u codeeyay xildhibaanada xisbiyada Socialdemokraterna (S), Moderaterna (M), Sverigedemokraterna (SD). 240 xildhibaan ayaa ku codeysay Haa, 45 waa ka diiday, 30 waa ka aamustay iyo 34 ka maqnayd kala fadhiga

Isbedalada muhiimka ah ee saameenta ugu weyn yeelanaya waxaa kamid ah:

  • In sharciga ku meelgaarka ah qofka la siin doono muddo 13-bilood ah taasoo xaq u siinaysa qofka in uu cayr qaato ama uu helo adeegyada kale ee ay helaan dadka sharciga rasmiga ah haysta. Dadka loo aqoosato qaxootiga Geneva ayaa la siin doonaa 3-sano oo sharci ah. Marka uu sharcigu qofka ka dhaco ayaa loo cusbooneysiin doonaa haddii ay wali jidho sabab uu Sweden ku sii joogi karo. Haddii qofku isbiili karo ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa.

  • Dadka da’doodu ka yartahay 25-sano ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa haddii ay dhameeyaan dugsiga sare isla markaana ay is-biili karaan.

  • Waxaa kale oo loo suurto galin doonaa dadka Kharaabada lagu keenay iyo caruurta in mararka qaarkood la siiyo sharci rasmi ah, qaasatan caruurta caafimaadkoodu liito ayaa la siin doonaa sharci rasmi ah.

  • Dadka la siiyay magan-galyada (alternativt skyddsbehövande) ayaan xaq u yeelan doonin in qoyskooda lala mideeyo marka laga reebo kuwii is-dhiibay 24 November 2015 ka hor. Balse haddii ay dhacdo in diidmada mideynta qoyska ay ka soo horjeedo sharciga Sweden ayaa qofkaas qoyskiisa lala mideyn doona.

  • Dadka loo aqoonsaday qaxootiga Geneva ayaa lala mideyn doonaa qoyskooda.

  • Qofka doonaya in lala mideeyo qoyskiisa ayaa shuruud ah in uu isagu is-biili karo isla markaana uu biili karo dadka imaanaya (balse shuruudaan waxaa ka reeban dadka qaxootiga iyo magan-galyada la siiyay iyo caruurta waalidkood lala mideynayo balse waa haddii uu qofkaasi codsiga mideynta sameeyay 3-bilood gudaheed markii isaga sharciga la siiyay).

  • Nidaamkii loo yaqaanay (Övriga skyddsbehövande) oo ah dad kale oo magan-galyo u baahan ayaa meesha laga saari doonaa guud ahaan. Nidaamkaan ayaa Soomaali badan sharci ku qaadan jidhay. Sidoo kale dadkii loo aqoonsaday in ay haysato dhibaato qaas ah (synnerligen eller särskilt ömmande omständigheter) ayaan iyagana sharciga la siin doonin, haddii aysan taasi ka hor-imaanayn qawaaniinta Sweden.

Guud ahaan sharcigaan cusub ayaa si weyn u adkeynaya wadooyinka ay qaxootigu sharci uga heli karaan Sweden, isagoo qaasatan si weyn u saameynaya Soomaalida, kuwa hadda iska dhiibaya wadanka iyo kuwa doonaya in lala mideeyo qoyskooda.

Sharciga cusub ayaa shaqeeyn doona muddo 3-sano ah, isagoo dhaqan-gali doonaa bisha July 20, 2016.

Sweden oo ahayd meesha ugu badan ee dadka magangalyo doonka ah iska dhiibi jireen wadamada scandinavianka ayaa hada u muuqato inay kusoo biirtay wadamada ku yaalo woqooyiga yurub ee adkeenaya sharciga qoxootiga si aan qoxooti badan u imaan wadankooda. Denmark iyo wadankan Norwey ayaa ayagu horey u meelmariyay sharciyo adkeynaya xeerka qoxootiga wadanka, taas oo keentay in dib u dhac weyn uu ku yimaado tirada dadka qoxooti ahaanta isaga dhiibi jirey wadamadaas. 

Xigasho: Somaliska.com og Nettavisen.no

40 sano kadib ayay Farxiyo aabaheed oo soomaali ah kula midowdey Oslo.

Dagaalkii dhexmaray soomaaliya iyo Ethopia sanadkii 1977 ma uusan goyn oo kaliya xiriirkii diplumaasiyadeed oo ka dhaxeeyay oSomaaliya iyo Ruushka, balse sidoo kale wuxuu kala gooyay xiriirka Farhiya iyo aabaheed. Ruushka oo inta uusan dagaalka bilaaban kahor ku dhinac ahaa Soomaaliya, ayaa markii uu Maxamed Siyaad Bare ku amray inay Soomaaliya isaga baxaan, waxay iyagana xagooda ku amreen dhamaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee markaas ruushka ku sugnaa inay isaga baxaan wadanka si deg-deg ah.  Farhiya aabaheed ayaana kamid ahaa dadkii soomaaliyeed ee markaas Ruushka ku sugnaa ee wadanka isaga baxay. 40 sano oo raadis iyo baadigoob ugu jirtay kadib ayay ugu danbeyn nasiib u yeelatay inay aabaheed kula kulanto Oslo oo uu hada ku noolyahay.

Gabadhan oo ayada oo codkeeda laga dheehan karo qiirada iyo xamaasada ay u qabtay araga iyo la kulanka aabaheed ayaa wareysi ay siisay BBC Word Servive ku sheegtay:  in uu dagaalkii Ethopia iyo Soomaaliya dhexmaray uu dhacay wax yar uun kadib dhalashadeedii. Waxaana ka danbeeyay dagaal kale oo ahli ah oo soomaaliya ka dilaacay 1991. Sababtaas darteed ayay sheegtay inuu xumaa nasiibkeedu maadaama aysan jirin xiriir diblumaasi oo ka dhaxeeyay soomaaliya iyo ruushka mudadaas. Intaan iskuulka dhigan jiray, waxaan xasuustaa inaan dhowr mar warqado u qoray, balse warqadahaas dib ayay iigu soo noqon jireen. Mar kale ayaan isku dayay inaan la xiriiro anoo sii marayo ururka bisha cas, balse nasiib uma yeelan markaana inaan helo xiriirkiisa. Waagii danbe oo ay soo baxeen baraha bulshada ee internwtka ayaan la xiriiray haweenay caawisa dadka ku sugan xaalkeyga oo kale. Waxaa sideyda oo kale jiray dad badan oo ruushka joogay oo raadinayay xiriirka waalidkood oo Afrika joogay. Haweenaydan ayaa ii sheegtay inay Soomaaliya ka adagtahay dhamaan wadamada kale oo dhan.(Codka Farhiya ka dhagayso hoos: idaacada aan warka kasoo xiganay)

Farhiya ayaa sheegtay in sida ay aabaheed kusoo heshay ugu danbayn ay tahay in uu aabaheed uu ka tagay warqad ay ku qorantahay meesha ay waalidkiis degenaayeen. Waxayna sawir ka qaaday  addresska ku qornaa warqada, iyada oo galisay barta sawirada lagu wadaago ee instagram. Mid kamid ah dadka soomaaliyeed ee asxaabta badan ku leh facebooga ayaana faafiyay  qisada gabadhan iyo sawirka. Waxaana commentiyada ay dadku soo qoroyeen kasoo  dhex muuqday mid kamid Farhiya walaalaheed, taas oo ugu denbeyn  fududeysay in ay gabadhan iyo aabaheed mudadaas aadka dheer kadib ay xiriir yeeshaan. Waxayna Farhiya sheegtay in mahada ugu weyn  ay iska leedahay hooyadeed oo xifdisay warqadihii uu ka tagay aabaheed. Waxayna intaas ku dartayin qoyska aabaheed ay si fiican u soo dhaweeyeen iyada iyo ninkeedaba, Hadana ay ku suguntahay xaalad farxadeed.

Markii aan yaraa hooyadey ayaa ii sheegi jirtay inaan u ekahay aabahay,  su aalo badan oo aabahay ku saabsan ayaana waydiin jiray. Sidee uu egyahay? sidee buu u dhaqmaa?. Hooyadeyna waxay iigu jawaabi jirtay inaan muraayada isku fiiriyo, waayo waa sida uu aabahaa u egyahay muuqaal ahaan. Markii aan arkey aabahay, ma rumansan karo sida aan isugu egnahay, mana rumaysan karo inaan isaga garab fadhiyo oo aan gacantiisa haysto.  

Xigasho: BBC WORLD SERIVE

 

 

War lagu farxo: SSB, 2119 qof oo soomaali ah ayaa shahaado jaamacadeed haysto Norwey

Xarunta dhexe ee qaabilsan tirokoobka iyo ixsaa iyaadka ee  SSB(Statisk Sentralbyrå) ayaa maanta soo saartay Tirokoobkii sanadlaha ahaa oo ay kaga hadli jirtay heerka aqoonta dadka degan Norwey. Tirokoobkan cusub ayay xaruntu ku sheegtay in guud ahaan 32% dadka degan Norwey ay haystaan shahaado jaamacadeed, iyada oo guud ahaan tirada dumarka ee ka baxa jaamacadaha ay ka badanyihiin tan raga. Sidoo kale waxay xaruntu ay sheegtay in ku dhawaad 50% dadka Oslo degan ay leeyihiin aqoon heer jaamacadeed ah.

Markii labaad ayay xaruntu soo bandhigtay tirokoob tilmaamaya heerka aqoonta dadka soo galootiga ah iyo waliba ciyaalka ay dhaleen. Tirokoobkan ayaa tibaaxaya in heerka aqoonta ee dadka qoxooti ahaan ku yimid Norwey ay ka hoosayso heerka dadka kale ee ajaaniibta ah. Dadka qoxootiga ah ee ka yimid afrikana ay yihiin kuwa ugu hooseeya heerka aqoonta marka la bar-bar dhigo qoxootiga ka yimid qaaradaha Aasiya iyo Yurub. Waxay kaloo xaruntu sheegtay in ay jirto farqi weyn oo u dhaxeeyo heerka aqoonta raga iyo dumarka ee dadka qoxooti ahaan ku yimid Norwey, ee kasoo jeedo qaarada Afrika.

Hadaan u nimaano soomaalida: waxaa tirokoobkan lagu sheegay in ay Norwey deganyihiin guud ahaan 23 946 qof oo soomaali ah oo jiro ama ka weyn 16 sano (da’da uu qofka kaga baxo iskuulka hoose dhexe), waxayna heerkooda aqoonta u qaybsamaan sidatan:

  1. 380 qof oo soomaali oo Norwey degan, waxay heestaan shahaado jaamacaded oo heerka  PHD ama Master ah=1,5%

  2. 1739 qof oo soomaali ah oo Norwey degan waxay heestaan shahaado jaamaceed oo heerkoodu yahay Bachelor ama dhigrii jaamaceed oo kale=7,2% 

  3. 3 656 qof soomaali ah oo Norwey degan waxay heestaan shahaadada dugsiga sare ee Videregående=15,2%

  4. 15 472 qof oo soomaali ah oo Norwey degan waxay ka baxeen oo dhameeyeen dugsi hoose dhexe=64,6%

  5. 2 699 oo soomaali ah waxaa u diiwaan gashan inaysan waligood iskuul soo dhigan oo umi yihiin=11,2%

Isku dar waxaa shahaado jaamacadeed haysta 2119 qof oo soomaali ah, waxayna ka dhigantahay in ku dhawaad 9% dadka soomaaliyeed ee Norwey degan ay haystaan shahaado heer jaamacadeed. Tiradaas oo ah mid aad ugu badan kuwii hore sanadadii hore. Waana wax aad loogu farxo in ay kor u kacday tirada dadka soomaaliyeed ee Norwey degan oo leh aqoon sare. Waxaa rajadan garab socdo in ay jiraan caruur kor u dhaafayso 10 000 oo soomaali ah oo Norwey degan oo wali ka yar da,da 16ka sano. Taas oo ka micno ah in ubadkaas ay wali jaanis u haystaan in ay waxbarasho heer jaamacadeed ah gaaraan. Ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norwey(SSF) ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in tirada ardeyda soomaaliyeed ee hada dhigata jaamacadaha inay u dhaxeeyaan 500 ilaa 1000 ardey.  Sidoo kale waxay noo sheegeen in tirada gabdhaha soomaalida ah ee jaamacadaha Norwey dhigta ay laba jibaar ka badanyihiin tan wiilasha. Isku soo wada duubo, waxaa muuqda rajo iyo iftiin bilow ah oo ku saabsan in heerka aqoonta dadka soomaaliyeed ee Norwey degan uu isbadal weyn ku iman doono 10 sano ee soo socoto.

Tirokoobka ayaa sidoo kale cadeynaya i ay soomaalidu tahay dadka ugu badan ee aan iskuul soo dhigan ee Norwey dagan, waxayna dadkaas gaarayaan 2699. Balse waxaa hubaal in tiro badan oo dadkaas kamid ah ay iskuul soo dhigteen ama aqoon ay leeyihiin, balse markii ay wadanka iska dhiibayeen ay diiwaan gashteen inaysan wax soo baran. In ay Norwey joogaan dad tiro intaa le eg oo soomaali ah oo aan iskuul soo dhigan, waxay hoos u ridaysaa tayada iyo heerka aqoonta dadkeena soomaaliyeed ee Norwey. Sidaas darteed waa muhiim in dadkaas ay ka faa iidaystaan waxbarashada bilaashka ah ee wadanka taalo, hadii ay jaanis iyo awood u haystaan.

Waxaa kalo xusuusin naga mudan in tirokoobkan uu yahay mid ku salaysan warbixinadii ay xarunta SSB ay soo uruurisay sanadkii lasoo dhaafay ee 2015. Sanadkan aan hada kujiro ee 2016 waxaa tirokoobkiisa lasoo saarayaa sanadka danbe ee 2017.

 

Xigasho : SSB,Befolkningens utdanningsnivå

Nin soomaali ah oo lagu qabtay 16 kiilo oo qaad ah

FOTO: TOLLVESENET

Sabtidii aan soo dhaafnay ayaa nin soomaali ah oo da ahaan jiro sodomeeyo lagu qabtay kontrollka Ørje, isaga oo baabuur ku wado 16 kiilo oo qaad la qalajiyay ah. Waxaana ay ilaalada kontrollka Ørje sheegeen in qaadkan lagu baakadeeyay kartoomo iyo bacaha lagu duuduubo hadiyadaha.  Ninkan ayaa markii sheegay inuu wado caleen shaah, balse baaritaan kadib ayay ilaalada kontrollka ogaadeen in waxa uu ninka wado ay tahay qaad la qalajiyay.  Waxaana markii danbe lagu ninkan lagu wareejiyay booliska isaga oo la siiyay ganaax lacageed oo dhan 10 000 NOK. 

Tan iyo markii qaadka laga mamnuucay wadanka ingiriiska sanadkii 2014, ayaa waxaa hoos u dhacay qaadka soo galayay wadankan Norwey. Iyada oo sidoo kale ay yaraatay tirada dadka soomaaliyeed ee ganaaxa ama xabsiga ku muteysan jiray qaad ay wadanka soo galiyeen.  

Xigasho: NRK iyo Smaalenenes avis

Ismael Sulub: 14-sano jir soomaali ah oo leh talent kubadeed oo kasoo baxayo Ringsaker,Hedmark.

0
Ismael Sulub og Stabæk i kamp mot Chelsea. Foto: Stabæk Fotball

Ismael Sulub oo ah wiil 14 sano jir soomaali ah oo leh talent iyo xirfad kubadeed oo aan horey arag ayaa sifiican uga soo dhex muuqanayo deegaanka Moelv ee ka tirsan kommune-ka Ringsaker. Journalka lokalka ah ee aagaas oo warbixin ka qoray Ismael ayaa sheegay in wiilkan ay isha ku hayaan kooxaha ugu waaweyn wadanka. Ismaelayaa dhawaan lagu casuumay academy kuyaal magaalada Stocklom, isaga oo ciyaar kaga hor yimid kooxaha dhalinyarada(juniorka) Barcelona iyo Chelsea. Ismael ayaa caadiyan u ciyaaro kooxda dhalinyarada ee Meolv iyo waliba kooxda heerka koowaad. Wuxu kaloo tababaro la qaataa kooxda kale ee Hamarkameratene.

Geir Karlsen oo ah macalinka wiilkan yar ayaa cadeeyay in 50 sano oo uu ku dhex jiray kubada cagta uusan qof leh awooda iyo xirfada Ismael, marka loo fiiriyo da-diisa. Wuxuuna sheegay in uu wiilkan leeyahay talent iyo awood farsamo kubadeed oo ka duwan dhamaan kuwii uu arki jiray. Macalinka ayaa intaas ku daray inay isku dayayaan inay wax walbe oo Ismael ka caawin kara inuu sii horumariyo xirfadiisa kubadeed ay sameyn doonaan.

Ismael ayaa sheegay inuu raba inuu noqdo laacib lamid ah kuwa u ciyaaro kooxaha waaweyn sida Barcelona oo kale. Inkasta oo uu Ismael wali da ahaan yaryahay, kooxaha uu hada u ciyaaro ama tababarka la qaatana ay yihiin kuwo aan laheyn magac aad u weyn, hadana waa muhiim inuu helo taageero iyo dhiirigalin joogto ah si uu uga miro dhaliyo hadafkiisa ah inuu noqdo laacib heer caalami ah.

Xigasho: Ringsaker-blad

 

SSB: Soomaalida oo ah qowmiyada ugu badan ee qaab qoxootinimo ah Norwey kusoo gashay

Xarunta dhexe ee qaabilsan tirokoobka  SSB(Statisk Sentralbyrå) ayaa shalay soo saartay warbixin tirokoob cusub ah oo ay kaga hadlayso tirada dadka Norwey kusoo galay qaab qoxootinimo ah. SSB ayaa sheegtay in guud ahaan dad tiro ahaan gaaraya  199.400 oo Norwey degan ay asalkoodii hore qaab qoxootinimo kusoo galeen wadanka. Waxayna dadka isugu jiraan dad si toos ah qaab qoxootinimo ah u yimid Norwey iyo dad ay iyagu u dacwoodeen. (Ciyaalka wadanka ku dhashay, kuma jiraan dadka qoxootinimo ahaan loo xisaabinayo).

Soomaalida ayaa noqotay groupka ugu badan ee qaab qoxootinimo ah kusoo galay Norwey. Waxayna tiro ahaan gaarayaan dadka soomaaliyeed ee qoxootinimo kusoo galay Norwey 27.300, iyada oo 10 647 ay yihiin kuwo loo dacwooday oo qaab famili ah lagu keenay. Waxaana kusoo xigo dadka ka yimid ciraaq(20.600) iyo Eritrea (16.900). 

Tirokoobkii ugu danbeeyay oo ay soo saartay SSB dhowr bilood kahor ee ku saabsan tiro dadka soomaaliyeed ee Norwey dagan waxa ay ku sheegtay inay yihiin 40.100. Hadii laga jaro tirada ay shalay soo saartay ee ah in 27 300, waxay la micno ah in tirada ciyaalka soomaaliyeed ee Norwey ku dhashay ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 12 000 ama 31% %. Sadexdii qof ee soomaali ee Norwey dagan mid ayaan ku dashay wadanka.

Xigasho : SSB iyo VG

 

Sylvi Listhaug: Ayaan Xirsi Ali waa qof aan ku daydo oo tusaale fiican ii ah

Foto(privat)

Wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dowlada Norwey Sylvi Listhaug ayaa maanta bogeeda ay ku leedahay facebooka soo dhigtay qoraal ay amaanayso Ayaan Xirsi Ali, oo ay soomaalida badankeeda wada yaqaanaan. Sylvi Listhaug ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Ayaan Xirsi ay tahay mid kamid ah haweenka ugu geesisan ee hada nool, ayna tahay mid kamid ah dadka ay sida weyn u qiimayso, kuna dayato.

Shalay waxay ii ahayd sharaf weyn inaan la kulmo mid kamid ah haweenka ugu geesisan aduunka, ahna mid kamid ah dadka aan sida weyn ugu dayso. Waxay la kulantay gudniin, waxayna kasoo carartay qoyskooda. Wax badan oo ay u dagaalamaysay xuquuqda dumarka, hada waxaa ilaaliya boolis. Ururkeedu waxuu wali ka shaqeeyaa caawinta gabdhaha la kulmo gudniinka iyo kuwa guurka lagu qasbo. Dagaalka aan ugu jirno in haweenka soo galootiga ah ay noqdaan kuwo xor ah inay aayahooda, waa kan ugu muhiimsan ee ku saabsan sinaanta raga iyo dumarka ee xiligan aan kujirno.

Ayaan Xirsi Magan oo asalkeedu yahay soomali, balse haysata dhalashada wadamada Holand iyo Mareykanka ayaa ku caanbaxday cayda iyo wax ka sheega diinta islaamka. Mar hore ayay sheegtay inay isaga baxdey diinta islaamka oo ay qaadatay tan kristinka, balse markii danbe ayay hadana sheegtay inay ku biirtay qolyaha bilaa diinta ee sheegta inuusan ilaahay jirin. Waxay si weyn ugu soo caan baxday filmkii Submission oo ahaa film aflagaado iyo meel ka dhac ah oo aan loo meel dayin loogu gaystay diinta islaamka iyo haweenka muslimka ahba, iyada oo sheegtay in filmkaas uu ka turjumayo habdhaqanka diinta islaamka ee ku aadan dumarka. Ninkii filmkaas sameeyay ee Theo van Gogh waxaa sanadkii 2004 lagu dilay wadanka Holand. Sidoo kale Ayaan Xirsi  waxay qortay buugaag iyo qoraalo badan oo ay wax kaga sheegayso umada muslimka ah iyo diintoodaba.Waxay ku guulaystay bilado iyo abaal marin boqolaal gaaraya, waxayna marar badan kasoo muuqataa tv-yada ama doodaha kale ee looga hadlayo diinta islaamka. 

Sylvi Listhaug shaqada ay dowlada Norwey u xilsaaratay waxaa kamid ah in dadka wadanka ku cusub iyo umada inteeda kale la isku soo dhaweeyo .Waa su aale sidee ayay ugu guulaysan kartaa isku soo dhaweynta iyo isdhexgalinta dadka wadanka ku cusub iyo mujtamaca intiisa kale, hadiiba ay  Ayaan Xirsi oo dadka muslimiinta ah ay ku barteen aflagaado iyo wax ka sheeg bareer ah oo ku saabsan dhaqankooda ama diintooda, ayba tahay qof ay ku dayato?

Xigaso: pageka Sylvi Listhaug ee facebooga

 

Bøhler: Qaar kamid ah ajaaniibta waxay shaqada u diidaan sababo la xiriira diin iyo dhaqan.

Jan Bøhler  oo ah xildhibaan kamid ah baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga AP ayaa sheegay in ajaaniibta qaarkeed, gaar ahaan haweenka ay shaqooyinka qaarkood u diidaan sababo la xiriira diin iyo dhaqan. Wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay dumarka ka yimid Soomaaliya , Iiran, Afgaanistaan iyo Pakistan oo heerkooda shaqo ay wax badan sadex jibaar ka hooseeyaan heerka shaqo ee dumarka ka yimid wadamada ay kamid tahay Srilanka. Bøhler ayaa sheegay inay jiraan dad ka danbeeyo dumarkan oo ku cadaadinayo inaysan qaadan shaqooyinka qaarkood oo ay NAV usoo bandhigto, sababtoo waxay ka hor imaanaysaa dhaqankooda iyo diintooda. Dhaqamada ay haystaan dumarkan waxaa jiro cadaadis ah in dumarka ay guryaha joogaan oo aysan qaadan shaqooyinka ay soo dhex galayaan wax la xiriira khamri, sida dukaamada, makhaayadaha iyo huteelada. Wuxuuna intaas ku daray in sababtan uu arintan usoo bandhigayo aysan aheyn inuu dhaleeceeyo ama wax ka sheego dumarkan, balse uu rabo in dhibtan wax laga qabto.

Hege Farnes Hildrum oo ah madaxa laanta NAV ee Oslo ayaa dhankeeda sheegtay inaysan xog badan ka haynin arintan ku saabsan in dumarka ajaanibta ah ay shaqo loo soo bandhigo diidaan, balse sababta ugu weyn ee kahor istaaga qowmiyadaha ajaaniibta ah qaark00d ay tahay, aqoon ama xirfad la aan darteed. Hadaad rabto inaad shaqo heshid waa inaad lahaataa aqoon ama xirfad uu qofka shaqo bixiyaha ah kugu qaadan karo. Si guud ayay u sheegtay in heerka shaqo la aanta ajaanibta ee Oslo ay gaarsiisantahay 7,0%, halka heerka shaqo la aanta dadka kalena ay tahay 2%. Hege ayaa qirtay inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo qowmiyadaha ajaanibta ah, marka laga hadlayo heerka shaqada. Waxayna intaas ku dartay in ay qaban-qaabiyaan koorsooyin iyo kulamo kale si kor loogu qaado heerka aqoonta ee qofka, si uu u lahaado xirfad ama aqoon uu suuqa shaqada uga qayb qaadan karo.

Bøhler ayaa sheegay inay si qarsoodi ah ula soo xiriireen dad ka shaqeeyo NAV oo u sheegay inay jiraan dadka 12 sano dhiganaya koorsooyin, oo markii mid ka dhamaataba mid kale sii aadaya, iyaga oo aan waligood shaqeyn. Dadka lasoo xiriiray ee ka shaqeeya NAV ayuu sheegay inay ku wareersanyihiin in markii ay shaqo usoo bandhigaan dadka qaarkiis ay diidaan sababo la xiriira diintooda ama dhaqankooda. Wuxuuna sheegay inay tahay in dowladu ay arintan wax ka qabato, isla markaana si cad loo qeexo qaabka shaqada wadanka. Isaga oo ka codsaday dowlada inay samayso hab qofka loo ciqaabi karo ama looga joojin karo lacagta kaalmada hadii uu shaqo u diido sababo la xiriira arintan.

Xogyahaya Sylvi Listhaug oo ayadna ka qaybgalaysay dooda ayaa sheegtay inay hadaba jiraan qaab loo ciqaabo qofka shaqo u diida diin ama dhaqan darteed. Iyada oo sheegtay in dadka shaqada u diida arintaas aysan badneyn tiro ahaan. 

Xigasho: tv2.no

 

Booliska Norwey oo maanta soo saaray sharci cusub oo meesha ka saaraya sheekadii muranka dhalisay ee (ukjent)

Hay-ada maamusha booliska Norwey ee Politidirektoratet ayaa maanta soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegayso inay badashay sheekadii muranka weyn dhalisay ee ku saabsaneyd in passportka dadka haysta dhalashada wadanka ee asal ahaan ka yimid 31 wadan loogu qori doono (ukjent) meesha dhalashada. Iyaga oo taas badalkeeda sheegay in meesha dhalashada(fødested) lagu badali doono wadanka dhalashada(fødeland). Taas oo michaneedu yahay in wadanka uu qofka ku dhashay laba jeer lagu qori doono passportka. Booliska ayaa isbuucii hore balan qaaday inay arintan dib u eegid ku sameyn doonaan, kadib buuq iyo muran badan oo ka dhashay in qofka loogu qoro (ukjent) meesha dhalashada.

Politidirektoratet ayaa sidoo kale sheegtay in qofkii la siiyay passport ay ku qorantahay (ukjent), la siin doono passport cusub oo meesha dhalashada ee (ukjent) ku qorantahay lagu badali doono wadanka dhalashada(fødeland). Wuxuuna qofkaas codsan karaa passport cusub sidii caadiga ahayd oo kale, isaga oo aan laga qaadeyn wax lacag ah. Booliska ayaa sidoo cadeeyay in passport ay ku qorantahay (ukjent) uu yahay wali mid shaqeyn karaa ilaa uu ka dhacayo ama uu qofka ka codsanayo passport cusub.

xigasho: Politidirektoratet

Sadiq Haibe: Booliska Norwey waxay i waydiiyeen inaan aqaano dad ka yimid Jabuuti, Kenya iyo Ethopia

Intiinii daawatay muuqaalkii aan soo dhignay sabtidii lasoo dhaafay, waxaan u malaynayaa inaad wada garaneysiin magaca iyo muuqaalka Sadiq Farah Haybe. Waa wiil dhalinyaro soomaali ah oo mudo 13 sano ah ku noolaa Norwey, isaga oo aan ku laheyn sharci magangalyo rasmi ah.6 sano oo mudadaas ka mid ahna uu ka shaqeynayay shaqo fulltid ah . Sababaha sharciga loodu diideyna ayuu ku sheegay Sadiq inay ahayd in: UDI-du sheegtay inaysan cadeyn karin meesha uu Sadiq ka yimid asal ahaan. Waxaana taas ugu sii darsantay in ay UDI-du ay gashay sadiiq faceboogiisa shaqsiga ah, iyada oo kasoo xigatay macluumaad ay u adeegsatay inay sharciga magangalyada Norwey ugu diido.  Halkan ka daawo muuqaalka Sadiq Farah Haybe oo dhamaystiran

Sadiq Farah Haybe ayaa mar labaad lasoo xiriiray warbaahinta NorSom News, isaga oo raba inuu bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey la qaybsado warbixin kale oo ku saabsan in ay booliska Norwey, gaar ahaan kuwa magaalada Drammen ay waydiiyeen su aal ah inuu garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo Jabuuti  oo soomaali ah.  Sadiiq ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

Waxaa jiray nin ka tirsan booliska Drammen oo aniga howshayda si gaar ah u qaabilsanaa. UDI-da ayaa gashay acountiga aan ku lahaa facebooga, iyaga oo sheegay inay facebooga kasoo xigteen inaan kasoo jeedo magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomaalida Ethopia, halkaasna aan ka dhigtay jaamacad. Waxaan u sheegay in macluumaadkaas facebooga ku qornaa aysan ahayn kuwii saxda ahaa, balse ay iga ahayd faan iyo wax aanan ka fiirsan markii hore, balse aan anigu ahay muwaadin ka yimid Soomaaliya asal ahaan. Booliska Drammen ayaa iigu yeeray inay wax iga waydiiyaan arinta ku saabsan facebooga iyo inaan ka imid asal ahaan ismaamulka soomaalida Ethopia.  

Kadib markii uu ii dhamaaday waraysiga iyo su aalaha aniga ii gaarka ah, ayuu ninkii aniga kiiskeyga qaabilsanaa i waydiiyay su aal ah: Inaan garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo jabuuti oo soomaali ah. Waxaan ugu jawaabay haa, waan aqaan. Wuxuuna intaas kadib i su aalay inaan u sheegi karo dadka ay yihiin iyo meesha ay daganyihiin. Sadiq ayaa sheegay inuu isaga oo yaaban ninkii booliska ahaa ugu jawaabay: Maya, kuuma sheegi karo oo shaqadeyda ma ahan. Intaas kadib ayuu si beerlaxawsi ah ii waydiistay inaan arintan ka caawiyo maadaama uu isagaba wax badan howsheyda faraha kula jiray oo uu iga caawin jiray. Waxaan ugu jawaabay: inaad i caawiso waa shaqadaada, balse inaan adiga ku caawiyo shaqadeyda ma ahan. 

NorSom News ayaa sadiq waydiiyay su aal ah sababta uu u malaynayo in isaga sadiiq ahaan su aashan loo waydiiyay: Wuxuuna noogu jawaabay in: Maadaama dhalashadiisa inuu muwaadin soomaali ah yahay shaki la galiyay, isla markaana lagu eedaynayo inuu ka yimid Ethopia, uuna ku suganyahay xaalad adag, ay boolisku is dhaheen bal ka faa iideysta bal inuu cid kale oo soo qalaafo. Wuxuuna sheegay in marka aad ku sugantahay xaalad noocaas oo adag ah, ay ku gali karto xaasidnimo iyo xiqdi ah inaad cid kale oo aad meel ku ogtahay ayadna soo galaafato. Sadiiq ayaa sidoo kale aaminsan in hadii uu dhihi lahaa haa, si toos ah shaqo loogu soo bandhigii oo loogu shaqaalaysiin lahaa inuu howshaas qaabilsanaado.

Hadii uu sadiiq maya yiri imisa qof ayaa haa tiri?:

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay aan wax ka qoreynay Eng. Mahad Abiib Mahamoud oo ah muwaadiin soomaaliyeed oo wadankan degenaa mudo 16 sano oo sharciga dhalashada wadanka  loogala noqday sababo la xiriira in ay dad kale soo jaajuuseen, oo ku UDI-da u sheegeen inuu jabuuti ka yimid. Sidoo kale Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay in uu garanayo wiil sharciga magangalyada wadanka loogala noqdey, kadib markii dad ay asxaab yihiin ay soo jaajuuseen.  Maalmihii ugu danbeeyay waxaa sidoo kale suuqa ku jiray sheeko ku saabsan labo gabdhood oo soomaali ah oo dagaal gacan hadal ah dhexmaray. kadib markii uu boolisku midba si gaar ah u waraysanayay ayay waydiiyeen su aal ah inay bal informasjon xaga sharciga ah oo ku saabsan gabadha kale ay u sheegto, maadaama ay isdagaalsanyiniin(Arintan ma hubno, maadaama aysan NorSom News kasoo xigan karin qof xog agaal u ah, balse sheekada gabdhahan suuqa ayay aad ugu jirtaa maalmahan).

Isku soo wada duuboo, dhacdooyinkii markii la isku dar-daro waxay xoojinayaan shakiga weyn ee dad badan oo soomaali ay qabaan oo ku saabsan inay jiraan dad soomaali ah oo booliska Norwey la shaqeeyo, isla markaana usoo tabiya xogta dad kale ee soomaaliyeed ee boolisku ama UDI-du ay dabagal ku hayso.

Odhaahda NorSom News: Xildhibaanow xil ma idin dhibaa?

 Soomaalida Norwey degan oo tiro ahaan gaaraya 41.000, wali ma aysan ku guulaysan in ay yeeshaan xildhibaan soomaaliyeed oo ku matala golaha baarlamaanka Norwey, balse taa badalkeeda waxaa jiro siyaasiyiin soomaaliyeed oo ilaa 30 gaaraya oo kujiro golaha deegaanada magaalooyinka waaweyn ee wadanka. Marka laga reebo Baashe Muuse oo hadla mar walbe oo dhib dhacdo, ma jiro ilaa hada xildhibaan kale oo soomaaliyeed oo inta warbaahinta Norwey tagay gudbiyay tareenka shacabka soomaaliyeed ee ku saabsan howlahan sharciyada ama qabtay howl muuqata. Xildhibaanow, waxay dadku idiin doorteen ma ahan inaa sidii sawiro aad golaha deegaanada surnaataan, ee waa inaad noqotan wajiga iyo afka dadka soomaaliyeed ee codkooda idinku geeyay meesha aad maanta fadhidaan.Waxa hada booliska iyo UDI-du ay usoo dhigteen dabagalka iyo argagixinta shacabkii aad matalayseen, hadii aydaan maanta kicin oo ka dhiidhyin, goormeed kacaysaan. Ma markii la gaaro doorashada oo nin walbaa uu reerkiisa hoosta ka galo, si ay codka reer hebel ahaan iyo faan u siiyaan.   Hadii aad maanta dadka aad ka dhuumataan,  bari maxaad u sheegi doontaan, markii aad isa soo sharaxaysaan.  Ururo iyo dad aaan soomaali aheyn ayaa mar walbe difaacayo danaha dadka soomaaliyeed, idinka difaac daayee, hadalkiinaba lama hayo. Waa su aale, xildhibaanow xilka aad wadataan ma idin dhibaa, mise waxaad u wadataan magac guud ahaan?

Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la tago warbaahinta wadanka hadii ay jiraan xildhibaano ama dad kale oo raba inay arintan ka hadlaan oo gudbiyaan warbaahinta. Hadii ay arintan sii xoogaysato, waxaa hubaal in ay lumi doonto kalsoonida ka dhaxaysa booliska iyo soomaalida Norwey.

 

HADII AAD OGTAHAY MACLUUMAAD DHEERI AH OO KU SAABSAN ARIMAHA, FADLAN NALA SOO XIRIIR SI AAN UGU GUDBINO SHACABKA SOOMAALIYEED EE KALE.

Nagala soo xiriir: NorSom News@Gmail.com ama telefonka: 455 76  226

Sadiq Haibe: Booliska Norwey waxay i waydiiyeen inaan aqoon dad ka yimid Jabuuti, Kenya iyo Ethopia oo soomaalinimo isku dhiibay

Intiinii daawatay muuqaalkii aan soo dhignay sabtidii lasoo dhaafay, waxaan u malaynayaa inaad wada garaneysiin magaca iyo muuqaalka Sadiq Farah Haybe. Waa wiil dhalinyaro soomaali ah oo mudo 13 sano ah ku noolaa Norwey, isaga oo aan ku laheyn sharci magangalyo rasmi ah.6 sano oo mudadaas ka mid ahna uu ka shaqeynayay shaqo fulltid ah . Sababaha sharciga loodu diideyna ayuu ku sheegay Sadiq inay ahayd in: UDI-du sheegtay inaysan cadeyn karin meesha uu Sadiq ka yimid asal ahaan. Waxaana taas ugu sii darsantay in ay UDI-du ay gashay sadiiq faceboogiisa shaqsiga ah, iyada oo kasoo xigatay macluumaad ay u adeegsatay inay sharciga magangalyada Norwey ugu diido.  Halkan ka daawo muuqaalka Sadiq Farah Haybe oo dhamaystiran

Sadiq Farah Haybe ayaa mar labaad lasoo xiriiray warbaahinta NorSom News, isaga raba oo inuu bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey la qaybsado warbixin kale oo ku saabsan in ay booliska Norwey, gaar ahaan kuwa magaalada Drammen ay waydiiyeen su aal ah inuu garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo Jabuuti oo isku dhiibay, wadankana ku jooga inay Soomaaliya ka yimaadeen.  Sadiiq ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

Waxaa jiray nin ka tirsan booliska Drammen oo aniga howshayda si gaar ah u qaabilsanaa. UDI-da ayaa gashay acountiga aan ku lahaa facebooga, iyaga oo sheegay inay facebooga kasoo xigteen inaan kasoo jeedo magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomaalida Ethopia, halkaasna aan ka dhigtay jaamacad. Waxaan u sheegay in macluumaadkaas facebooga ku qornaa aysan ahayn kuwii saxda ahaa, balse ay iga ahayd faan iyo wax aanan ka fiirsan markii hore, balse aan anigu ahay muwaadin ka yimid Soomaaliya asal ahaan. Booliska Drammen ayaa iigu yeeray inay wax iga waydiiyaan arinta ku saabsan facebooga iyo inaan ka imid asal ahaan ismaamulka soomaalida Ethopia.  

Kadib markii uu ii dhamaaday waraysiga iyo su aalaha aniga ii gaarka ah, ayuu ninkii aniga kiiskeyga qaabilsanaa i waydiiyay su aal ah: Inaan garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo jabuuti oo isku dhiibay inay Soomaaliya ka yimaadeen. Waxaan ugu jawaabay haa, waan aqaan. Wuxuuna intaas kadib i su aalay inaan u sheegi karo dadka ay yihiin iyo meesha ay daganyihiin. Sadiq ayaa sheegay inuu isaga oo yaaban ninkii booliska ahaa ugu jawaabay inuusan u sheegeyn, una sheegi doonin abidkiis.  Intaas kadib ayuu si beerlaxawsi ah ii waydiistay inaan arintan ka caawiyo maadaama uu isagaba wax badan howsheyda faraha kula jiray oo uu iga caawin jiray. Waxaan ugu jawaabay: inaad i caawiso waa shaqadaada, balse inaan adiga ku caawiyo shaqadeyda ma ahan. 

NorSom News ayaa sadiq waydiiyay su aal ah sababta uu u malaynayo in isaga sadiiq ahaan su aashan loo waydiiyay: Wuxuuna noogu jawaabay in: Maadaama dhalashadiisa inuu muwaadin soomaali ah yahay shaki la galiyay, isla markaana lagu eedaynayo inuu ka yimid Ethopia, uuna ku suganyahay xaalad adag, ay boolisku is dhaheen bal ka faa iideysta bal inuu cid kale oo soo qalaafo. Wuxuuna sheegay in marka aad ku sugantahay xaalad noocaas oo adag ah, ay ku gali karto xaasidnimo iyo xiqdi ah inaad cid kale oo aad meel ku ogtahay ayadna soo galaafato. Sadiiq ayaa sidoo kale aaminsan in hadii uu dhihi lahaa haa, si toos ah shaqo loogu soo bandhigii oo loogu shaqaalaysiin lahaa inuu howshaas qaabilsanaado.

Hadii uu sadiiq maya yiri imisa qof ayaa haa tiri:

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay aan wax ka qoreynay Eng. Mahad Abiib Mahamoud oo ah muwaadiin soomaaliyeed oo wadankan degenaa mudo 16 sano oo sharciga dhalashada wadanka  loogala noqday sababo la xiriira in ay dad kale soo jaajuuseen, oo ku UDI-da u sheegeen inuu jabuuti ka yimid. Sidoo kale Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay in uu garanayo wiil sharciga magangalyada wadanka loogala noqdey, kadib markii dad ay asxaab yihiin ay soo jaajuuseen.  Maalmihii ugu danbeeyay waxaa sidoo kale suuqa ku jiray sheeko ku saabsan labo gabdhood oo soomaali ah oo dagaal gacan hadal ah dhexmara. kadib markii uu boolisku midba si gaar ah u waraysanayay ay waydiiyeen su aal ah inay bal informasjon xaga sharciga ah oo ku saabsan gabadha kale ay u sheegto, maadaama ay isdagaalsanyiniin(Arintan ma hubno, maadaama aysan NorSom News kasoo xigan karin qof xog agaal u ah, balse sheekada gabdhahan suuqa ayay aad ugu jirtaa maalmahan).

Isku soo wada duuboo, dhacdooyinkii markii la isku dar-daro waxay xoojinayaan shakiga weyn ee dad badan oo soomaali ay qabaan oo ku saabsan inay jiraan dad soomaali ah oo booliska Norwey la shaqeeyo, isla markaana usoo tabiya xogta dad kale ee soomaaliyeed ee boolisku ama UDI-du ay dabagal ku hayso.

Odhaahda NorSom News: Xildhibaan xil ma idin dhibaa?

 Soomaalida Norwey degan oo tiro ahaan gaaraya, wali ma aysan ku guulaysan in ay yeeshaan xildhibaan soomaaliyeed oo ku matala golaha baarlamaanka Norwey, balse taa badalkeeda waxaa jiro siyaasiyiin soomaaliyeed oo ilaa 30 gaaraya oo kujiro golaha deegaanada magaalooyinka waaweyn ee wadanka. Marka laga reebo Baashe Muuse oo hadla mar walbe oo dhib dhacdo, ma jiro ilaa hada xildhibaan kale oo soomaaliyeed oo inta warbaahinta Norwey tagay gudbiyay tareenka shacabka soomaaliyeed ee ku saabsan howlahan sharciyada. Xildhibaanow, waxay dadku idiin doorteen ma ahan inaa sidii sawiro aad golaha deegaanada surnaataan, ee waa inaad noqotan wajiga iyo afka dadka soomaaliyeed ee codkooda idinku geeyay meesha aad maanta fadhidaan.Waxa hada booliska iyo UDI-du ay usoo dhigteen dabagalka iyo argagixinta shacabkii aad matalayseen, hadii aydaan maanta kicin oo ka dhiidhyin, goormeed kacaysaan. Ma markii la gaaro doorashada oo nin walbaa uu reerkiisa hoosta ka galo, si ay codka reer hebel ahaan iyo faan u siiyaan.   Hadii aad maanta dadka aad ka dhuumataan,  bari maxaad u sheegi doontaan, markii aad isa soo sharaxaysaan.  Ururo iyo dad aaan soomaali aheyn ayaa mar walbe difaacayo danaha dadka soomaaliyeed, idinka difaac daayee, hadalkiinaba lama hayo. Waa su aale, xildhibaanow xilka aad wadataan ma idin dhibaa, mise waxaad u wadataan magac guud ahaan? 

Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la tago warbaahinta wadanka hadii ay jiraan xildhibaano ama dad kale oo raba inay arintan ka hadlaan oo gudbiyaan warbaahinta. Hadii aysan arintan sii xoogaysato, waxaa hubaal in ay lumi doonto kalsoonida ka dhaxaysa booliska iyo soomaalida Norwey.

 

HADII AAD OGTAHAY MACLUUMAAD DHEERI AH OO KU SAABSAN ARIMAHA, FADLAN NALA SOO XIRIIR SI AAN UGU GUDBINO SHACABKA SOOMAALIYEED EE KALE.

Nagala soo xiriir: NorSom News@Gmail.com ama telefonka: 455 76  226

 

 

8 wiil oo qaar soomaali yihiin oo maanta lagu xukumay Oslo.

Wiilashan dhalinyarada ah oo da’ ahaan u dhaxeeyo 16 ilaa 17 ayaa dhawaanahanba ay maxkamadi uga socotay Oslo. Waxaana lagu haystay falal danbiyeedyo xadgudub ah oo ay kula kaceen dad kala duwan  sanadkii hore ee 2015. todobo kamid ah dhalinyaradan waxa ay daganyihiin Oslo, halka kan sideedaadna uu degenyahay Sweden, balse wuxuu qayb ka ahaa dhalinyaradan marka ay falalka gaysanayeen, isaga oo markaas fasax ku joogay Norwey. Wiilashan ayaa asal ahaan kasoo jeedo wadamada Somalia, Ciraaq, Pakistan iyo Morokko. 

Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa wiilashan ku eedeeyay inay inta la ogyahay ay xad gudub kula kaceen ilaa sadex qof uu ku sugnaa aaga xaafada Jordal oo ay wiilasha badankooda daganyihiin. Dadka ay dhibta ugu gaysteena waxaa kamid ah oday waayeel ah.  Halkan ka akhri warbixin ay  ka qorney wiilashan bilowgii maxkamada

Maadaama aysan wiilasha kuligood ka wada qayb aheyn dhamaan falal danbiyeedyada oo dhan, maxkamada ayaa qaarba u xukuntay si gooni ah. Qaar kamid ahna wiilashana, waxay diideen  qodobadii lagu eedeeyay inay gaysteen, balse maxkamada ayaan ka aqbalin. Wiilashan oo da ahaan ka yar 18 ayay maxkamadu ku xukuntay ciqaabta lagu xukumo caruurta aan wali qaangaarin ee gaysta falal danbiyeedyada. Waxaana kuwa ugu xukun adag lagu ciqaabay 330 ilaa 360 saacadod oo ay qabanayaan shaqo-bulsho (samfunnsstraff). Hadii ay qaban waayaane shaqada bulshada ee loo diray, waxaa loogu badalayaa sanad iyo bar ama sanad iyo lix bilood oo xabsi ah. 

Wiilka degan Sweden oo si gooni ah loo maxkamadeynayay ayaa asaga lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi ah, balse xukunkan ayaa dib loogu dhigay oo waxaa la siiyay labo sano oo tijaabo ah. Oo micnaheedu yahay hadii uusan wax danbi gaysan labadaas sano ee uu tijaabada uu kujiro, inuu ka bad-baadi doono ciqaabta xabsiga ah ee sagaalka bilood ee lagu xukumay. 

 

Xigasho: Aftenposten

 

Waad ku mahadsantahay taageeradaada dhaqaale

Waad ku mahadsantahay taageeradaada dhaqaale.

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.