torsdag, mars 28, 2024

Soomaalidu maxay ka aaminsantahay barnevernka, wada shaqeyn iyo xiriir noocee ahse ayaa ka dhaxeeyo?

Ayan Handulle, doktorgradsstipendiat ved universitetet i Stavange Foto: petter neegaard

Dhibaatooyinka kala haysta jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey iyo hay-ada xanaanada caruurta ee Barnevernka waa kuwo soo jiray waqti aad u dheer. Kulan walbe oo ay soomaalidu isugu timaadana, waxyaalaha ugu horeeyo ee laga hadlo waxaa kamid ah, caruurta ay barnevernku ka qaataan qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan. Waxaa la sameeyay ururo badan oo arintaan xal u raadiyo, doodo iyo shirar badan waa la qabtay, ilaa hadana wax muuqdo oo xal ah oo arintaas laga gaaray ma ay muuqato. Jaaliyadaha ajaaniibta ah oo dhan, gaar ahaan kuwa ka yimid wadamada kuyaalo Africa, Aasiya iyo yurubta- bari ayaa nala qabo dhibaatooyinka ku saabsan qaadashada caruurta, laakiin tiro ahaan soomaalidu waxay kujirtaa qowmiyadaha ugu badan ee caruurta ay barnevernku kala wareegaan xanaanadooda.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo kordhayay dhalinyarada soomaalida  ah ee jaamacadaha wadankan Norwey ka barta aqoonta ku saabsan xeerarka barneverka iyo sida ay u shaqeeyaan. Dhalinyaradaas waxaa kamid ah Ayaan Xandulle oo    ah cilmibaare-bulsho, kana holgasha jaamacada magaalada Stavanger. Sanadkii 2013 ayay Ayaan Xandule master degree ka diyaariyay dhibaatooyinka ka dhex taagan barnevernka iyo qoysaska ajaaniibta ah . Waxayna sheegtay in waraysi ay la yeelatay qoysaska ajaaniibta ah iyo xog uruurin kadib ay ogaatay, in barneverku aysan tixgalin siin dhaqan kala duwanaanshaha norwiijiga iyo dadka soo galootiga ah ee wadanka ku cusub. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in barnevernku ay kor u qaadaan aqoonta ay u leeyihiin dhaqamada kala duwan oo dadka ajaaniibta ah ay haystaan.  Ayaan ayaa sheegtay in dadyowga soo galootiga ah ee wadanka ku cusub qaarkood, ay ka yimaadeen dalal aan laga aqoon barnevern, isla markaana ay qaarkood aaminsanyihiin in barneverku ay rabaan oo kaliya inay caruurta dadka ka aruursadaan. Wargayska Aftenpostenka oo warbixinta ka diyaariyay 2013 ayaan ayaa sheegay in ajaaniibtu aysan ku kalsooneyn, aadna uga cabsadaan barneverkna, taasina ay keenayso in wada shaqaynta iyo kalsoonida ka dhaxayso waalidka iyo hay-adani ay meesha ka baxdo.

 –Halkan akhri warbixinta ay aftenpostenku ka qortay ayaan 2013: Innvandrere frykter barnevernet

Ayaan handulle oo xiriir lasoo sameysay warbaahinta NorSom News ayaa sheegtay in  hada ay PHD(Diktooraad)  ka diyaarinayso arimahan ku saabsan dhibaatooyinka ka dhex taagan hay-ada barnevernka iyo qoysaska ajaaniibta ah, gaar ahaan soomaalida. Waxay sheegtay in qoysas badan ay ka dacwoodaan in barnevernku aysan tixgalin siin dhaqanka waalidiinta dhalay ilmaha, halka mararka qaarkoodna ay barnevernku ay gacanta lasoo galaan qoysaska qaarkood, iyaga oo aan haysan sabab la sheegi karo oo keeni karto arintaas. Waxayna intaas ku dartay inay doonayso in cilmibaaris ku samayso fikirka ay soomaalidu ka aaminsanyihiin barneverka iyo hab-dhaqankeeda, si loogu soo bandhigo hay-adaha kale ee dowliga ah ee ka shaqeeyo arimahan. Ayaan ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto cilmibaaristan ay  kusoo bandhigto waxyaabaha laga maarmaanka ah ee looga baahanyahay in dadka ka shaqeeyo barnevernku ay sameeyaan, marka ay xiriir la yeelanayaan qoys soomaali ah.

Ayaan Xandulle ayaa waalidiinta soomaalida ah ee degan Norwey ka codsatay, in cilmibaaristan muhiimka ah ay gacan ku siiyaan. Si loo helo macluumaad iyo warbixino dheeri ah oo ku saabsan arintan, isla markaana banaanka la keeno. Waxay sheegtay in ay rabto in waraysi iyo xog ururin ay la yeelatay waalidiinta soomaalida ee wadankan degenaa wax badan labo sano. 

Hadii aad tahay qof waalid ah oo raba in aad gabadhan ka caawiso cilmibaaristan iyo xog uruurintan, kala xiriir:

Tell: 51831262 ama 92213637

E-post: Ayan.handulle@uis.no 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x