søndag, desember 8, 2024

SMS ayuu fiiriyay baabuurka oo taagan: 15.000 kr oo Ganaax ah.

Nin 32 jir ah ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 15.000 kr oo ganaax ah, kadib markii ay boolisku qabteen isaga oo fariin mobilka ugu soo dhacday fiirinayo, xili uu baabuurkiisu ku jira safka baabuur sugayay nalka cagaarka ah.

Sida uu qoray wargeyska Bergensavisen, motoorka baabuurka uu ninkan waday ayaa dansanaa, wuxuuna ku jiray safka baabuurta ah xiliga uu mobilkiisa gacanta fiirinayo isaga oo baabuurka ku dhex jira.

Askari meel dheer ka arkay arrintan ayaa ninkan ku ganaaxay 12.000 kr oo ganaax ah, maadaama uu jabiyay xeerka wado-marista baabuurta oo ah in qofku uusan mobilkiisa gacanta adeegsan karin xiliga uu baabuurka wado.Laakiin ninkan ayaa diiday inuu bixiyo ganaaxaas, isaga oo dood ka dhigtay in xiliga uu mobilka fiirinayay uu baabuurku dansanaa, uuna taagnaa( safka ku jiray).

Maadaama uu ninkan diiday inuu aqbalo ama bixiyo ganaaxa la saaray, waxa uu kiiskii u gudbay maxkamadda. Maxkamada gobolka Hordland ayaana ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaaxii horey loogu xukumay, waxaana loogu daray 3000 kr oo ah qarashka ku baxay dhageysiga kiiskan.

Maxkamadda sarre ee Norway ayaa horey u xeer-dajisay in loo cabiriyo in qofku uu mobilkiisa gacanga sharci daro u adeegsaday xiliga baabuur wadista, xitaa hadii uu baabuurku saf ku jiro oo uu nalka cagaaran sugayo.

Xigasho/kilde: Mann måtte betale 15.000 for å ha sjekket SMS i bilkø

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x