torsdag, mars 28, 2024

UDI-da oo soo rogtay sharci cusub oo qofka raba inuu u dacwoodo xaas cusub, ku qasbaya inuu afar sano uu shaqeeyo ama waxbarto

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga wadankan Norwey ee UDI-da, ayaa bogeeda ay kusoo daabacdo sharciyada cusub, jimcihii aan soo dhaafnay kusoo bandhigtay sharci cusub oo khuseeyo qofka raba inuu u dacwoodo xaas uu kusoo guursaday meel wadanka  ka baxsan, marka uu Norwey soo galay kadib. Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkaas looga baahanyahay inuu keeno cadeynta afar sano oo uu si buuxdo u shaqaynayay ama uu wax baranayay.  

Sharcigan cusub ayaan qaban doono dadka haysto sharciga : magangaylada kumeel gaarka ah,  dagenaanshaha rasmiga ee wadanka, qofkii laga soo qaaday xero qoxooti, qofkii sharciga lagu siiyay arimo bini-aadanimo darteed iyo waliba qofkii lagu keenay qaab famili ahaan ah. Dadka haysta dhalashada wadankan Norwey ama dhalashada mid kamid ah wadamada NORDICA, ma uu khuseeyo sharcigan.  Sida aan kasoo xiganayso boga rasmiga ah ee UDI-da, sharcigan cusub sidoo kale ma uu qaban doono qofkii raba inuu la midoobo xaas uu guursaday ama ay ilmo wada dhaleen inta uusan qofkaas Norwey soo galin kahor. 

Shardigan cusub ayaa dhigaya in qofku uu sii buuxdo(100% stilling) u  shaqeeyo ama uu wax u barto mudo afar sano ah, Qasabna ma ahan in afartaas sano ay noqdaan kuwo xiriir ah, laakiin waa inay isugeyn ay buuxiyaan afar sano. Sidoo kale shardigan ayaa lagu buuxan karaa waxbarasho iyo shaqo wadajir ah oo isku dar buuxin kara mudo afar sano ah. UDI-da ayaa sheegayso in Introduksjonsprogramka iyo norskopplæring  qofka loo xisaabin karo shaqo ahaan. Sidoo kale afarta sano ayuu lago buuxin karaaa qofkii  soo dhigtay grunnskole(dugsiga hoose dhexe) iyo videregående skole(Dugsiga sare).

Halkan ka akhriso sharcigan cusub oo faah-faahsan.: Fireårskrav for familieetablering etter utlendingsloven §§ 40, 41, 48, jf. utlendingsforskriften §§ 9-1,9-2, 10-23

F.G: Hadii aad rabto inaad faah-faahin dheeri ah ka ogaato sharcigan iyo saameyntiisa, fadlan la xiriir sharci yaqaan ama qof kale oo aqoon dheeri ah u leh xeerarka qoxootiga wadankan. NorSom News kama jawaabi karto su aal walbe oo ku saabsan saameynta uu sharcigan kugu yeelan karo adiga. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x