onsdag, april 17, 2024

UDI: 79% dadka soomaaliya ka yimid ee looga soo jawaabay codsigooda magangalyada, waxay heleen diidmo

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI ayaa sheegtay in 79% dadka ka yimid Soomaaliya ee codsigooda magangalyada looga soo jawaabay sanadkan aan kujirno ee 2016, ay heleen diidmo(negativ).  Sidoo kale dad tiro ahaan gaaraya 140 qof oo soomaali ah, da-dooduna ay ka weyntahay 18 sano, ayaa wali jawaab ka sugaya UDI-da. Waxay isugu jiraan 55 qof oo aan wali interviewga ama waraysi marin, iyo 85 interviewga maray oo jawaab sugayo.  Dadka sugaya in  interviewga maraan ayaa waxaa ku jiro dad qaarkood 10 bilood iyo inka badan sugayay interviewga, oo aan waraysi laga qaadin.

Dadka magangalyo doonka ah ee ka yimid wadamada Ciraaq, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaana ugu badan dadka helay diidmo ama negativ. Dhowr sano kahor, sadexdan wadan waxay ahaayeen dadka ugu badan ee magangalyo ka hela wadanka Norwey, balse hada waxay u muuqataa in dadka ka yimid Suuriya iyo Ereteriya ay yihiin dadka ugu badan ee magangalyo laga siiyo Norwey.

Warqad qoraal ah oo af soomaali ku qoran oo ay UDI-du shalay(30-juni) soo dhigtay bogeeda rasmiga ah ee internetka ayay ka codsatay inay dadka magangalyo doonka ah ee aan wali loosoo jawaabin, ay u dulqaatan waqtiga dheer ee laga yaabo inay qaadato kasoo jawaabida codsigooda. 

Xigasho: UDI.NO Halkan ka akhri warka qoraalka ah oo af soomaali ku qoran

Mahad gaar ah: Abdisalam Mahamed oo nala wadaagay linkiga. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x