fredag, mars 29, 2024

Xisbiga FRP oo kasoo horjeestay in gabdhaha iskuulada dhigta ay qaataan dhar jirkooda astura xiliga dabaasha

Mezvar Keshvari (FRP)

Iskuulka Finnsnes Barneskole oo kuyaalo kommunaha Lenvik ee gobalka Troms ayaa ogaaladay in gabdhaha muslimiinta ah ee iskuulkaas dhigta ay qaataan Burkini oo ah maryo asturaya jirkooda, isla markaana aan ka hor istaageyn inay ka qayb qaataan xiisada dabaasha. Waxayna arintan timid kadib markii ay kulan wada qaateen waalidiinta gabdhaha dhalay iyo maamulka iskuulka, kulankaas oo ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa maqnaanshaha tirada badan oo ay gabdhahu ka maqanyihiin xiisada dabaasha, oo kamid ah xiisadaha muhiimka ah ee lagu qaato iskuulka hoose(barneskole) ee wadankan. Maamulka iskuulka ayaa sheegay in inta badan ay gabdhaha muslimiinta gooyaan ama aysan ka qaybqaadan xiisada dabaasha oo ah xiisad wiilal iyo gabdhaba ay isku meel ku dabaalanayaan. Waxay sheegeen in arintan ay ka qaybqaadan karto dhiirigalinta gabdhaha inay imaadaan xiisada dabaasha.

burkini
Burkini oo ah maryo loo sameeyay inay asturaan jirka gabdhaha xiliga dabaasha

 

Saacado kadib markii ay warbaahintu qortay warka ku saabsan arintan ayaa waxaa durbo ka hor imaad iyo dhaleeceyn bilaabay xubno ka tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP, iyaga oo sheegay in arintan aysan aheyn mid ka qaybqaadan karto isku soo dhawaanshaha iyo is dhexgalka bulshada.

Mariam Sandberg oo ka tirsan gudiga caafimaadka iyo daryeelka kommunaha Lenvik ayaa sheegtay inay arintan kasoo horjeedo maadaama ay hoos u dhigayso qiimaha gabadha, ayna kasoo horjeedo waxyaabaha ugu muhiimsan dhaqanka norwiijiga ee ah sinaanta qiimaha raga iyo dumarka.  Sidoo kale waxay sheegtay in ogolaanshaha Burkiniga ay lamid tahay, iyada oo la aqbalay dhaqamo iyo diimo aan ka qayb qaadaneyn is dhexgalka bulshada, maadaama gabdhaha kale ee dabaasha kula jiro ay qabaan dhar gaagaaban(Bikini). Sandberg ayaa intaas ku dartay in ay arintan kala hadli doonto maamulka kommunaha Lenvik.

Mezvar keshvari oo kamid ah ajaaniibta faro ku tiriska ah ee ka tirsan xisbiga FRP ayaa isna taageeray hadalada Sandberg, isaga oo sheegay in uu kasoo horjeedo wax walbe oo ogolaanaya in islaamka xagjirka ah uu saameyn ku yeesho xeerarka mujtamaca norwiijiga, gaar ahaana xeerarka iskuulada Norwey. Keshvari oo asalkiisu uu yahay Iiraani, caana ku ah naceybka iyo kasoo horjeedka diinta islaamka iyo ajaaniibta muslimiinta ah ayaa intaas ku daray in Niqabka, Burkiniga iyo wax walbe oo wada asturaya jirka gabadha uu calaamad u yahay islaamka xagjirka ah. 

Duqa magaalada Lenvik, Geir Inge Sivertsen oo ka tirsan xisbiga Høyre ayaa codsaday in aan arinta la siyaasadeyn oo aan laga leexin ujeedkeeda dhabta ah. Geir inge ayaa sidoo kale sheegay inay iskuuladu ay  xor u yihiin in ay sameeyaan wixii ay u arkaan xal, si ay ardeyda uga wada qaybqaataan xiisada dabaasha, meeshana loogo saaro maqnaanshaha tirada badan oo ay gabdhaha muslimiinta ah kaga maqanyihiin xiisada dabaasha.Wuxuu intaas ku daray in uu soo dhawaynayo go aanka maamulka iskuulka Finnsnes barneskole ee ku saabsan xirashada dharka Burkini.

 

 

Xigasho/Kilde: NRK , Nordlys

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x