tirsdag, april 23, 2024

Waa imisa tirada dadka Soomaaliya loo celiyay?

Warbaahinta NorSom News ayaa ilaa shalay ku mashquulsanayd xaqiijinta tirada dadka soomaaliyeed ee loo celiyay Muqdisho, waxaan xiriir la sameynay dhalinyaro soomaaliyeed oo ku jirto kaamamka kala duwan oo kuyaalo wadanka. Waxay noo xaqiijiyeen in aysan jirin dad ay ka warqabaan oo si khasab ah lagu celiyay dhawaantan, balse ay jiraan dad kala duwan oo sharciga wadanka loo diiday oo loo soo diray warqado loogu sheegayo inay wadanka isaga baxaan. Waxaan sidoo kale xiriir la sameynay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho, ayagana waxay dhankooda noo xaqiijiyeen inuu jiro hal nin ay ka warqabaan oo laga keenay Norwey oo laga soo dajiyay garoonka Aden Adde international Airport. Sidoo kale, waxaan noo suurtogalin inaan xiriir la sameyno laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, maadaama  lagu jiro maalmaha fasaxa ee sabtiga iyo axada.

Sidaas darteed waxaa la xaqiijin karaa ilaa hada , hal nin oo soomaali ah oo dhamaadkii isbuucii hore laga tarxiilay wadankan lagana dajiyay Muqdisho. Balse waxaa wali jiro warar aan la xaqiijin oo ay isla dhex marayaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan, gaar ahaan soomaalida degan Oslo oo sheegayo in tirada dadka la celiyay ay gaarayaan 20. 

Wixii kusoo kordha wararkaas, dib ayaan kasoo galin doonaa. Hadaad hayso macluumaad ama warbixin dheeri ah oo ku saabsan arintan, fadlan nagala soo xiriir:

TLF: 45576226

E-post: norsomnews@gmail.com
Facebook:Norsom nyheter

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x