torsdag, mars 28, 2024

Malik Yusuf: waxaan ka cabsi qabay in aano qabiil darteed la iigu dilo Norwey

Bidix: Dacwad oogaha (Torstein Hevnskjel), Midig: Qareenka difaacayo(Hjallis Bakke)

Sida aan maalintii shalay ahayd aan soo qorneyba, waxaa maanta oo talaado ah magaalada Tromsø ka bilaabatay dhagaysiga dacwada Malik Yusuf oo loo haysto dil uu u gaystay wiil kale oo soomaali ah sanadkii 2001. Horey ayay maxkamadu xabsiga uga sii daysay, kadib markii labada kaaliye ee xaakinka maxkamada darejada sadexaad ee gobalkaas ay aqbashay isdifaacii Malik oo ahaa inuu is difaac ku jiray marka uu mindida ku dilayay Ali Ahmed Abdi, halka qaadiga caadiga ah ee maxkamada uu rabay markii hore inuu u xukumo dil ula kac ah. Balse dacwad oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay go aankaas, iyaga oo codsaday in la siiyo waqti ku filan oo ay dhacdadan si fiican ugu baaraan. Malik Yusuf ayaa sanadkii 2002 ka baxsaday wadanka Norwey, isaga oo bilowgii sanadkan laga soo qabtay ingiriiska, loona soo gacan galiyay Norwey.

Maanta oo bilaabatay dhagaysiga ayaa Malik la waydiiyay inuu qirsanyahay danbiga uu galay iyo inkale, waxa uuna ku jawaabay inuusan fahmeyn su aasha la waydiiyay. Sidoo kale wuxuu kahor sheegay qaadiga maxkamada in adeerkiis/abtigiis uu u sheegay inuu kujiro xaalad halis ah, isla markaana uu kula taliyay inuu wadanka isaga baxo, hadii kale lagu dhex dili doono Norwey. Wuxuu sheegay in dhaqan ahaan soomaalida, hadii uu qofku qof dilo, inuu asna khatar ugu jiro in aano qabiil ahaan loo dilo. Dad ay isku qabiil yihiin wiilka dhintay ayaa marar badan i waydiiyay inuu yahay qofkii dilay wiilkooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wiilka uu dilay uu ka rabay inuu ka raali galiyo lacag la xaday marka uu khilaafku dhexdoodu ka dhalanayay 2001. Wuu igu soo booday, waxa uuna igu qabtay ceejis, iina raaciyay hadal uu ku leeyahay  inuu i dili doono. Waxaana mindida u galiyay, si aan u neefsado. Si weyn ayaan isaga soo horjeednay ninkaas, waana is necbeyn. Khalad ayayna ahayd inaan isku meel degenaano, isku iskuulna aan dhigano.

Dacwad oogaha ayaa waydiiyay, sababta uu mindida u tusi waayay oo kali ah isaga oo aan ku dhufan, iyo sababta uu sadex jeer u galiyay mindida. Waxa Malik ku jawaabay inuu baqsanaa markaas, uusana xasuusan inta jeer ee uu galiyay mindida. Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale raba inay ogaadaan sababta aysan dhuuntiisa uga muuqan markaas calaamado la arki karo oo sheegayo in si adag loo ceejiyay, arintaas oo ahayd mid lagu soo hadal qaaday maxkamadii hore ee cafisay isaga. Mindida uu wax ku dilay oo uu soo gatay maalmo kahor inta uuan falkan dhicin ayuu sheegay inuu usoo gatay, si uu isku difaaco, maadaama uu aad u cabsanayay. Wuxuu kaloo sheegay inay isku qabiil ahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, sidaas darteedna dhalinyarada kale ay ku eedi jireen inuu ku lug lahaa dhibaatooyinkii uu gaystay madaxweynahaas, maadaama ay isku qabiil ahaayeen. 

Malik Yusuf oo hada 31 sano jir ayaa sheegay inuu markaas ka  cabsi qabay khilaaf dhexmaray shan dhalinyaro soomaali ah oo dhigan jiray iskuulka uu dilka ka dhacay ee Nordreisa. Waa isla dhibaatooyinkii aan markii hore soomaaliya uga soo cararay, aabahay ayaa aniga sagaal sano jir ah lagu dilay Soomaaliya. Wixii ka danbeeyayna waxaan qaban kari waayay hurdada, waxaana soo maray dhibaatooyin aysan aheyn inuu ilmo yari dareemo. Walina waxaan ka cabsi qabaa fal calis iyo aano qabiil oo iigaga timaado soomaalida Norwey. Arintaas oo ah mid ay maxkamadu qiimaysay, iyada oo diiday in banaanka la keeno macluumaad ku saabsan meesha uu Malik iyo qoyskiisuba ay daganyihiin hada. Waxa ay sidoo kale maxkamada diiday in banaanka la keeno meesha uu ka degenaa England mudadaas dheer, sababo la xiriira amniga familkiisa. 

Maxkamada iyo dhagaysiga dacwada Malik ayaa socon doonto mudo afar maalmood ah, waxayna maanta ahayd maalintii koowaad oo xooga la saaray wax badana laga hadlayay kala duwaanshaha qabiilada soomaalida iyo sida ay isaga soo horjeedaan. Iyo sida ay arintan qayb ugu qaadatay dhacdadan ay isku dileen labo qof soomaali ah. Dhamaan warbaahinta localka ah iyo kuwo waaweyn ee wadankan, waxay maxkamadeyntan ula socdaan si joogto ah.

Xigasho: NRK iyo ABC NYHETER.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x