Waaxda waxbarashada ee kommunaha Oslo ayaa sidoo sheegtay in sanadkii hore ay ka shaqaynayeen kiiska 50 caruur ah oo aan iskuulka kusoo noqon, kadib markii ay waalidiinta dhalay uga soo tageen ama geeyeen wadan kale. Akhtar Chaudry oo ah madaxa laanta IMDI ee Oslo ayaa sheegay inuu ka warqabo ilaa 45 caruur ah oo ay waalidiintii dhalay ay wadanka dibadiisa uga soo tageen, sanadkana uu ka cabsi qabo in arintaas oo kale ay dhacdo. Wuxuu intaas ku daray in caruurta qaarkood wadamo kale loo geeyo si ay usoo bartaan dhaqanka iyo luuqadooda hooyo, balse ay jiraan sababo kale oo caruurta wadanka dibadiisa loo geeyo. Chaudry oo ahaan jiray mid kamid gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Norwey ayaa asal ahaan kasoo jeedo wadanka Pakistan, waana siyaasi ka tirsan xisbiga SV.
aid Amin oo ah siyaasi soomaali ah kana tirsan isla xisbiga SV ayaa isna dhankiisa sheegay in caruurta qaar oo sameeyay dhibaatooyin badan ama kamid noqday kooxo qaldan, ay waalidiintii dhalay ay u celiyaan wadankoodii hooyo si ilmaha loo dhaqan celiyo, una usoo bartaan dhaqanka wadanka uu waalidkii ka yimid. Said Amin ayaa sidoo kale qiray in marka ay caruurtu dib ugu noqdaan Norwey aysan la jaan-qaadi karin ama la socon karin waxbarashada iskuulka, arintaasna ay tahay nasiib daro.