torsdag, april 25, 2024

Maxkamada sare ee Norwey oo go aamisay xukunka wiil soomali ah oo kamid noqday ururka Daacish

Maxkamada sare ee Norwey ayaa maalintii shalay ahayd go aan ka gaartay xukunka sadex wiil oo dhalashada wadankan Norwey haysta, balse kasoo kala jeedo asal ahaan Soomaaliya iyo Albania. Bishii may ee sanadkii 2015 ayaa sadexdan wiil lagu xukumay maxkamada Oslo, iyaga oo lagu eedaynayo inay taageereen una soo dagaalameen ururka Daacish.  Waxayna ahayd markii ugu horeysay ee wadankan Norwey qof loo xukumo inuu taageero u fidiyay ururka Daacish. Waxayna sidoo kale ahayd markii ugu horeysay ee taariikhda Norwey qof loo xukumo taageerada ama kamid noqoshada urur wadanka looga ictiraafsanyahay argagixiso ahaan. Sadexdan wiil ayaa mar walbe sheegayay inaysan galin wax danbi ah. Qareenada u doodayay wiilashan ayaa racfaan ka qaaday xukunkaas hore, iyaga oo racfaankooda u gudbiyay maxkamada sare ee Norwey.

Djibril Bashir oo ah Wiilka soomaaliga ah ee kamid ah sadexdan qof ayaa  da ahaan jiro sodomeeyo sano, waxa uuna degenaa magaalada Skien. Wuxuu ururka isku magacaabay khilaafada islaamiga ah ee Daacish ku biiray bishii April/may  2013, halka ururkaas Norwey looga aqoonsaday urur argagixiso bishii Juni isla sanadkaas 2013. Horey ayuu wiilkan u sheegay inuu markaas ku faraxsanaa ku biiritaanka ururkaas, balse uusan  ka warqabin inuu ururkan yahay mid laga mamnuucay wadanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqaynayay howlaha gar-gaarka kali ah. 

Maxkamada darajada labaad ayaa bishii January ee sanadkii 2015 ku kordhisay sadex bilood xukunka Djibril, kana dhigtay 4 sano iyo lix bilood. Balse racfaanka kadib, maxkamada sare ee Norwey ayaa sadexdaas bilood ee danbe ka dhintay xukunka wiilkan, isla markaana kusoo celisay xukunkii koowaad oo ahaa 4 sano iyo 3 bilood. Sidoo kale labada wiil ee kale oo walaalo ah kana yimid wadanka Albania ayaa ayagana xukunkooda wax laga dhimay, waxaana mid kamid ah laga dhigay xukunkiisa laga dhigay 7 bilood, halka kan kalena laga dhigay 4 sano iyo 6 bilood.

 

Xigasho/Kilde: Aftenposten 1, Aftenposten 2

 

.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x