Amal Aden oo ay soomaalidu Norwey wada yaqaanaan ayaa ayadna Aftenpostenka u sheegtay in dumar badan oo soomaali ah ay systemka wadanka uga diiwaan gashantahay in ay ninka kala tageen, balse ay wali caruur kale sii dhalayaan. Iyada oo sheegtay in ay haween badan ay ragooda isaga furaan, sababtoo ah Norwey marka la joogo ninku ma ahan isha dhaqaale ee kaliya ee uu qoysku leeyahay. arintaasna ay tahay mid khiyaano ku ah systemka ceyrta wadanka.