Ubah Albulkadir

Wargayska Aftenpostenka ayaa isbuucii ugu danbeeyay soo daabacayay qoraalo iyo maqaalo ay kaga hadlayaan furiinka iyo diinta islaamka. Aftenposten ayaa qoraaladooda u dhigayay in diinta islaamku ay sheegayso in ninku uu marka uu rabo iska furi karo naagta isago oo aan lagu xirin wax shuruud ah, halka haweenkuna aysan wax xuquuq ah laheyn marka ay rabaan inay ninkooda kala tagaan. Waxay waraysteen haween kasoo jeedo wadamo Aasiyaan ah oo sheegay in nimankooda oo ay wada dhaqmi waayeen ay wali diidanyihiin inay furaan, sababtoo ah waxay dhaheen waxaa sidaa qabo dhaqanka wadamada ay ka yimaadeen dumarkaas. Sidoo kale waxay waraysteen wadaado kusheegyo madaxa soo duubtay oo isugu jiro suni,shiico iyo axmadiya, sheegayna in habka dhaqanka guurka iyo furiinka islaamku lagu sameeyo isbadal. Aftenpostenka ayaa ku dhiiratay in dhaqamada qalafsan ee guurka wadamada ay dumarkaas ka yimaadeen, ay ka dhigaan wax ay qabto diinta islaamka oo dhan. Waxa ay garan waayeen in ay kala saaraan waxa ay diintu qabto shareeco ahaan iyo waxa ay dadku dhaqan iyo caado ahaan u haystaan.

Ex-xildhibaan Ubah Aden oo ay maanta Aftenposten waraysteen ayaa sheegtay  in dhaqanka guurka soomaalidu uu ka duwanyahay kan bulshooyinka kale ee muslimiinta ah qaarkood. Isla markaana uu furiinku yahay wax aan ceeb aheyn xaga bulshada soomaalida dhexdeeda. Balse aysan dadku aqoon fiican u laheyn dhibaatooyinka ka yimaado furiinka, sidaas darteedna ay ayadu bilowdey in ay wax kaga qorto arintaas bloggeeda gaarka ah.

Warka Ubah waxaa xoojinayo baaritaano ay hay-ada tirokoobka SSB iyo Hay-ada cilmibaarista bulshada ee Institutt for samfunnsforskning (ISF) ay sameeyeen, kuwaas oo ay ku ogaadeen furiinku uu yahay mid caadi ka ah bulshada soomaalida dhexdeeda, raga soomaaliduna ay badanaa haweenka furiin ka ogolaadaan marka ay waydiistaan. waxa sheegeen in ay u arkaan in soomaalidu ay bulsho ahaan aqbalaan furiinka, isla markaana ay hooyadu kaligeed noolaato. Sidoo kale baaritaankooda ayay sheegeen in ay ku ogaadeen in haweenka soomaalidu ay guurka kadib ay magaca aabahood iyo qabiilkeeduba uusan isbadalin, hadii uu furiin yimaadana ay haweenku xaqooda ku helaan magaca qabiilka ay ka dhalatay.

Ubah ayaa sidoo kale sheegtay in ay wax badan maqasho dad is furay bulshada soomaalida dhexdeeda, nimanka soomaaliduna ay badanaa eedo furiinka dusha u saaraan haweenka, iyaga ku eedaynayo in durba wadanka la qabsadeen oo ay norske noqdeen. Waxayna sheegtay in arintaas xiriir la leedahay in ay dumarku durba dhex gelaan mujtacama intiisa kale, nimankuna ay lumiyaan awoodii-dhaqameed ee ninku uu ku haystay Soomaaliya, isaga oo ahaa qofka reerka masruufkiisa iyo dhowristiisaba masuul ahaa. 

1024px-Amal-aden-norwegian-authorAmal Aden oo ay soomaalidu Norwey wada yaqaanaan ayaa ayadna Aftenpostenka u sheegtay in dumar badan oo soomaali ah ay systemka wadanka uga diiwaan gashantahay in ay ninka kala tageen, balse ay wali caruur kale sii dhalayaan. Iyada oo sheegtay in ay haween badan ay ragooda isaga furaan, sababtoo ah Norwey marka la joogo ninku ma ahan isha dhaqaale ee kaliya ee uu qoysku leeyahay.  arintaasna ay tahay mid khiyaano ku ah systemka ceyrta wadanka.

Ubah Aden ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ka warqabin arintaas ku saabsan furiinka ay dumarku ku khiyaanaan systemka wadanka, balse ayadu ku mashquulsantahay in banaanka la keeno in furiinka uusan wax shaqo ah ku laheyn systemka ceerta wadankan Norwey. 

Inkastoo uu furiinku yahay wax bur-bur qoys iyo mid bulsho ahaaneedba keena, hadana waxaa yaab ah in Aftenpostka oo kamid ah wargaysyada ugu waaweyn wadanka ay si fudud eeda dhaqanka adag ee furiinka ay dusha u saarto diinta islaamka, iyada oo aan baarin dhaqamada kala duwan ee umaduhu haystaan, taas oo saameyn ku yeelanayso hab nololeedka bulsho ee umadaas. 

Xigasho: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments