søndag, desember 8, 2024

Moss: Nin ku eedeysan isku deyga dilka 12-sano jir soomaali ah.

Sida uu qoray wargeyska NRK, waxaa dhawaan maxkamad lasoo taagi doonaa nin kontomeeyo jir ah oo ku eedeysan isku deyga dilka wiil 12 sano jir ah. Falkan ayaa bishii April ee sanadkan ka dhacay magaaladda Moss.

25-ka bishii April ee sanadkan ayay aheyd markii ninkan uu weerar ku qaaday 12-jirkan oo markaas u socday iskuulka. Wuxuuna la dhacay oo madaxa kaga dhuftay dhowr jeer bac uu ka buuxiyay dhagxaan. Intaas kadib ayuu mindi ku muday dhowr mar oo kala duwan, isaga oo ka beegsaday madaxa, qeybta kore ee jirka iyo bowdyaha. Waxaa sidaas lagu sheegay warbixinta eedeysanahan lagu soo oogay.

Dhibanaha 12-jirka ayaa waxaa soo qooray dhaawacyo xoogan, waxaana la dhigay isbitaalka. Waxaana xabsiga lagu hayay ilaa iyo bishii April.

Ninkan ayaa horey u qirtay falkan uu sameeyay, balse baaritaano caafimaad-maskaxeed oo lagu sameeyay kadib, ayaa la sheegay in xiliga uu falkan geysanayay aysan maskaxdiisu joogin. 12-jirka uu dhibaatada u geysteyna uu ahaa dhibane uu si kadis ah kula kulmay.

Xeer ilaalinta ayaa dalban doonto in ninkan lagu xukumo in si qasab ah loogu xareeyo goobaha lagu hayo dadka maskax ahaan u xanuunsan ee geysta danbiyada halista ah.

Wali taariikh looma qaban dhageysiga dacwada ka dhanka ninkan, laakiin dhawaan ayaa la rajeynayaa ina bilaabato dacwada ka dhanka ah ninkan.

Sida ay xaqiiqsatay NorSom News, wiilka dhibanaha 12-jirka ah ayaa wiil soomaali ah. Falkan ayaana bilowgii si weyn looga hadalhayay jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaana goobaha ay bulshadu isugu timaado.

Xigasho/kilde: Mann tiltalt for drapsforsøk etter at han knivstakk skolelev i Moss

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x