torsdag, november 28, 2024
Home Blog Page 248

Haweeney Swedish oo Denmark lagu qabtay iyada oo wiil soomaali ah tahriibineyso

Sida uu qorayo wargeyska Ektrabladet, booliska Denmark ayaa qabtay isla markaana dacwad kusoo oogay haweeney Swedish 27-sano jir ah, taas oo rabtay inay tahriib Sweden ku galiso wiil soomaali ah.

Haweeneydan ayaa lagu soo oogay dacwad-danbiyeed ku saabsan inay dad tahriibineysay, waxeyna mudan kartaa ciqaab xabsiyeed gaareyso 30 maalmood.

Booliska oo kontroll ku sameynayay tareenka isku xira Germanka iyo Denmark ayaa arkay haweeneyedan iyo wiilkan oo isgarab fadhiyo. Waxeyna haweeneydu usheegtay booliska Denmark in wiilkan soomaaliga ah ay isyaqaaneen oo ay isku barteen magaalada Hamburg ee dalka Germany.

Wareysi iyo baaritaan kadib ayey boolisku ogaadeeen in wiilkan soomaaliga uu ka diiwaan-gashanyahay dalka Germany, isla markaana uu rabay inuu iska dhiibo dalka Sweden. Sida ay boolisku sheegeen wuxuu wiilkan soomaaliga ah diiday inuu Denmark magangalyo weydiisto, waxaana dib loogu celiyay Germany oo uu ka diiwaan-gashanyahay.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway oo 25 Maarso lacag uruurin sameyn doono

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay guud ahaan daafaha wadankan Norway ka socday dadaalo kala duwan, oo ay wadeen jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norway, kuwaas oo ku saabsana gurmadka dadku ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.

Gudiga gurmadka abaaraha ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, oo ah gudi isku dhaf ah oo ka kooban gudiyo-abaareed dhowr ah oo isku tagay, ayaa go´aamiyay in 25-ka bishan aan kujirno ee Maarso, ay noqon doonto maalinta gurmadka abaaraha qaran ee soomaalida Norway.

Waxaana la isku afgartay in maalintaas soomaalida Norway, meel ay joogtaba ay si wadajir ah u sameyso lacag uruurinta gurmadka abaaraha. Iyada oo magaalooyinka qaarna, ayba mar hore shaqo-galeen, isla markaana ay bilaabeen lacag uruurinta.

Hey´ada Xanaano iyo masaajidka Towfiiq Oslo:

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway ayaa sidoo kale go´aamiyay in hey´ada kheyriga ah ee Xanaano loo wakiisho lacag uruurinta, maadaama ay kamid tahay hey´adaha faro ku tirista soomaalida ah ee leh leysinka/ogolaanshaha lacag uruurinta.

Sidoo kale waxey gudigan go´aamiyeen in dhamaan lacagta soo uruurta ee gudiga gurmadka abaaraha, la isugu geeyo masaajidka soomaalida ee Towfiiq, halkaasna lagu tiriyo iyada oo saxaafadu ay goob-joog ka tahay.

Takaasileyda Oslo ayaa iyaga dhankoodana sheegay iney si weyn uga qeybqaadan doonaan gurmadka abaaraha. Iyaga mar horeba bilaabay inay dhexdooda lacag iska uruuriyaan.

Waxaa iyadna jirto gabdho(Hooyooyin) soomaali ah, kuwaas oo sheegay inay sameyn doonaan cunto lagu iibiyo magaalooyinka iyo waliba iskuulada, lacagta kasoo baxdana loogu deeqi doono gurmadka abaaraha.

Magaalooyinka uu gudiga lacag uruurinta ka sameyn doono:

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway, ayaa NorSom News u sheegay in magaalooyinka ay xaqiijiyeen ilaa hada in lacag-uruurin ay ka  25-ka maarso, ay kamid yihiin:

Oslo/Akershus, Trondheim, Bergen, Kristiansand, Kristiansund, Tønsberg, Arendal, Stavanger, Gran, Lunner, Larvik, Molde, Sunndal-søra, Ålesund. 

Waxey sidoo kale noo sheegeen inay xiriir la sameeyaan magaalooyin kale oo badan, iyaga oo rajeynayo in magaalo walba oo soomaali ay degantahay oo Norway ku taalo, maalintaas laga istaago. 

Iyaga oo sidoo kale codsaday in hadii ay jiraan dad raba inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha, magaalooyinkoodana ka istaaga, ay xiriir lasoo sameeyaan.

 

Vips(92953): Hadii aadan fursad u heysan:

Hadii aadan fursad u heli karin, inaad kasoo qeybgasho gurmadka abaaraha, waxaad adiga oo gurigaaga joogo uga qeybqaadan kartaa Vips. Numberkiisuna uu yahay 92953

Xiriirka gudiga Gurmadka: 

Ubah Abshir: 97-13-70-32

Ahmed Xanaano:95-11-22-73

Jaamac Yusuf: 94-82-34-82

Dhamaanteen aan ka qeyb-qaadano gurmadka dadkeena ay abaaruhu saameeyeen.

 

 

Bilbombe ved presidentpalasset i Mogadishu

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu maanta qof naftii hure ah uu gaari iskula qarxiyay meel u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dadka dhintay ayaa isugu jiro askar katirsan ciidanka dowlada iyo dad rayid ah.

Qaraxan ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta reysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya uusoo magacaabay wasiirada xukuumadiisa.

[adsenseyu2]


Minst fem mennesker ble drept da en bilbombe eksploderte ved presidentpalasset i Somalias hovedstad Mogadishu.

Bomba gikk av ved en militær kontrollpost utenfor presidentpalasset tirsdag ettermiddag. Ei gruppe soldatar prøvde først å stanse bilen, men lykkast ikke. Selvmordsbomberen utløste deretter sprengladningen idet han prøvde å kjøre gjennom kontrollpunktet, opplyser en polititalsmann.

I tillegg til de fem som vært drept, er tre personar såret.

Angrepet skjedde få timar etter at Somalias nye statsminister, norsk-somaliske Hassan Ali Khaire, hadde presentert si nye regjering.

Ingen har så langt tatt på seg skulda for selvmordsangrepet, men ekstremistgruppa al-Shabaab har gjennomført fleire liknande angrep i den somaliske hovedstad.

[adsenseyu2]

 

Tidens Krav: Soomaalida Kristiansund oo isku diyaarineyso maalinta 25 maarso ee gurmadka abaaraha

25-ka bishan aan kujirno ee Maarso ayaa lagu wadaa in guud ahaan wadankan Norway, lacag uruurin loo sameeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee wadankii kunool.

Magaalooyinka lacag uruurinta maalintaas laga sameyn doono waxaa kamid ah magaalada Kristiansund. Wargeyska Lokalka ah ee Tidens Krav ayaa warbixin la xiriirta gurmadka abaaraha ee soomaalida Norway la yeeshay qaar kamid jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaas.


Av HENNING HOPE RØNHOVDE-Tiden skrav


Lørdag 25. mars holdes en landsdekkende innsamlingsaksjon for de tørkerammede i Somalia. Initiativtaker er Hanano Development Organisation, en frivillig organisasjon som ble startet i 2008 av en norsksomalisk gruppe. I samarbeid med flere organisasjoner og private personer håper de å samle inn penger som kan hjelpe de hungers- og tørkerammede.

– I Kristiansund vil dette foregå på Folkets hus i samarbeid med Frivillighetssentralen, forteller Ahmed Abdi Harbi, Abdirisak Ali og Abdulkadir Jama Shire.

Arrangementet varer fra klokken 09 til 20.

– Det blir salg av mye forskjellig mat, for eksempel samosa, frister Harbi, og tilføyer at alle salgsinntekter vil gå til til humanitært hjelpearbeid. I tillegg kan du donere noen slanter i bøssene eller ved bruk av Vipps.


Les saken videre her: Tidens Krav.no

[adsenseyu2]

VG: PST oo laashay dacwada loo heystay wiil soomaali ah oo kamid noqday ururka Daacish

Sida uu qorayo wargeyska VG, hey´ada nabadsugida iyo sirdoonka dalkan Norway ee PST ayaa laashay dacwada loo heystay wiil 24 jir soomaali-norwiiji ah, kaas oo kamid ahaa ururka Daacish.

Wiilkan ayaa la xiray xagaagii sanadkii 2015, isaga oo markaas kasoo noqday dalka Siiriya oo uu mudo sagaal bilood ah ku sugnaa.

Vg ayaa qorayo in wiilkan uu qirtay inuu kamid ahaa ururkaas, isla markaana inuu ku sugnaa wadamada Ciraaq iyo Siiriya. Isaga oo muujyay inuu rabay inuu ku hoos-noolaado dowlad/nidaam islaami ah.

Inta uu socday baaritaanka lagu hayay dacwada wiilkan soomaaliga ah, waxaa la qiimeynayay inuu maskax ahaa taam ahaa xiliga uu falka lagu dacweeyay uu sameynayay.  Waxaana jiray macluumaad sheegaya in wiilkan uu xanuunsanaa kahor inta uusan aadin Siiriya sanadkii 2014.

Isbuucyo badan oo baaritaan ku wadeen kadib, waxey go´aamiyeen in 24-jirkan aan loo xisaabin karin dacwada danbiga loo heysto.

Maanta ayuu soo baxay warkan sheegaya in la laalay dacwadii loo heystay wiilkan soomaaliga ah. Waxaana sidaas VG u cadeeyay hey´ada sirdoonka ee PST.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Norway oo loo doortay wadanka aduunka ugu nolosha fiican. Soomaaliya numberkee ayey kujirtaa?

Hey´ada qaramada midoobay u qaabilsan qiimeynta heerka nolosha ee wadamada aduunka( SDSN), ayaa wadankan Norway u dooratay inuu yahay wadanka 1-aad ee aduunka ugu nolol fiican( ama wadanka ay dadkiisu heystaan nolosha ugu sareyso). 

Norway oo sanadkii hore kujirtay kaalinta 4-aad ayaa hada soo gashay kaalinta 1-aad oo ay kala baxday Denmark. Halka Sanadkan ay Denmark soo gashay kaalinta 2-aad. Sweden ayaa soo ciriirsatay kaalinta 10-aad, iyada oo sanado kahor ay Sweden ku jiri jirtay sadexda wadan ee ugu sareyso liiskan.

[adsenseyu2]

Waxyaabaha lagu qiimeeyo sareyso waxaa kamid ah, xanaanada nolosha ee heerarka kala duwan ee qofka, maamul wanaaga, heerka dhaqaalaha dalkaas, hanaanka wax wada qeybsiga dadweynaha iyo dowlada, kifaalo-qaadka dowlada ee danyarta iyo marka uu qofku xanuunsado, ku kalsoonaanta hanaanka dowladnimo iyo waliba sida uu u egyahay mustaqbalka dhaqaale ee dalkaas.

-Soomaaliya: 93=Kaalinta 1-aad ee geeska Afrika

Soomaaliya oo kasoo kabaneyso colaado sokeeye oo ragaadiyay mudo nus qarni ah, ayaa soo gashay kaalinta 93-aad. Waxeyna ka horeysaa dhamaan wadamada geeska Afrika sida Suudaan, Ethopia, Kenya, Djabuuti iyo Uganda. Soomaaliya ayaa sidoo kale ka nolol fiican wadamada Ukrain, Masar, Tunusiya, Albania iyo ku dhawaad 60 wadan oo ku kala yaalo dhamaan qaaradaha aduunka.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

(Daawo): Shirweynaha qaran ee SV oo ansixiyay in Marian Abdi ay xubin ka noqoto golaha dhexe ee SV

Xisbiga SV oo shirweyne qaran lahaa dhamaadkii isbuucii lasoo dhaafay ayaa ansixiyay in Marian Abdi Hussein ay xubin ka noqoto golaha dhexe ee SV, isla markaana ay hogaamiso gudiga Etnisk likestillingsutvalg.

Gudigan ay Mariam hogaamin doonto ayaa ah gudiga qaabilsan talo-bixinta arimaha ku saabsan sinaanta qowmiyadaha, soo galootiga, qoxootiga iyo siyaasada magangalyo-doonka. Waxeyna si toos ah ula shaqeeyaan golaha dhexe, xubnaha gobalada oo dhan, gudiga baarlamaanka SV iyo waliba wasiirada SV(waa hadii ay wasiiro yeeshaane).

Marian ayaa booskan cusub oo ugu danbeyn loo anxiyay, wuxuu ka dhigayaa inay tahay qofka soomaaliga ee xilka ugu sareeyo ee siyaasadeed maanta ka hayo Norway. Waxeyna noqoneysaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo abid xubin ka noqdo golaha fulineed ee xisbi siyaasadeed dalkan Norway.

Halkan ka daawo Muuqaalka doorashada Marian ee shirweynaha qaran.

Denmark: Xisbi soo jeediyay in dadka soo galootiga ah lagu qasbo inay kaniisadaha tagaan

Ma maqli jirtay doqon ha u jilcin ama doqon yeysan kaa adkaan?. Waxaa sidaas hada ka dhigan xaalada xisbiyada xagjirka ah ee wadamada Yurub, oo maalinba maalinta kasii danbeyso soo jeedinayo qodobo aan maskaxda gali karin oo ku saabsan soo galootiga.

Xisbiga xagjirka midigta fog ee Denmark kadhisan oo lagu magacaabo Dansk-Folkeparti, ayaa maalmo kahor keenay soo jeedin dhalisay muran iyo hadalheyn badan. Taas oo ku saabsan in dadka soo galootiga ah lagu qasbo inay kaniisada tagaan xiliyada ay dadka heysto diinta Christianka u dabaal dagaan dhalashada Nabi Ciise(Kirismiska) iyo xiliga ay sheegaan inuu soo noolaaday(Påske).

[adsenseyu2]

Xisbigan ayaa arintaas sabab uga dhigay in diinta masiixigu ay tahay mid asal u ah, saameyn balaarana kuleh dhaqanka Denmark, sidaas darteed ay soo jeedinayaan in shuruud looga dhigo dadka soo galootiga ah inay ka qeybqaataan dabaal-degyada labadaas xaflad-diimeed, si ay u muujiyaan kamid noqoshodooda dadweynaha reer Denmark iyo waliba aqbalaadooda inay qaateen dhaqanka dalkaas.

Dhamaan xisbiyada kale ee kadhisan dalka Denmark iyo waliba siyaasiyiin kamid ah isla xisbigaas DF, ayaa caro weyn ka muujiyay soo jeedintaas. Iyaga oo tilmaamay inay lid ku tahay dastuurka dalkaas ee dhigaya inuu qofku u madax-banaanyahay waxa uu aaminsanyahay diin ahaan. Waxeyna sheegeen inay arintaas ay Denmark dib u celineyso qarniyo, ayna aheyn wax macquul ah in laga hadlo sanadkan 2017.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa sidoo kale qoreyso in xitaa dadka u dhashay dalkaas ee Danishka ah, heytsana diinta masiixiga aysan iyaguba kaniisadaha sifiican u tagin xiliyada ay jiraan xaflad-diimeedyada.

Xigasho/kilde: Dagen.no

[adsenseyu2]

 

 

(Xog-ogaal): Ap oo ay u badantahay inay taageeraan mooshinka awood ka qaadista UDI-da

Xisbiga Ap ayaa isbuucyo kahor dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay uga soo fakaraan taageerada ay siiyeen mooshinka baarlamaanka ee ku saabsan awood ka qaadista UDI-da, ee dib ugala noqoshada sharciga jinsiyada. Waqtiga ay Ap dalbadeen ayaa ku eg kowda bisha soo socoto ee April, oo ay inaga xigaan 10 maalmood oo kaliya. 

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso siyaasiyiin soomaali iyo norwiiji ah oo katirsan xisbigaas, Ap ayey u badantahay inay taageerada siiyaan mooshinkaas ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada lagu wareejiyo maxkamadaha. 

Dhimashada ama meel-marka mooshinkaas ayaa ku xiran taageerada Ap. Hadii uu Ap taageero wuxuu noqonayaa mid meel-maro, hadii ay ka noqdaana, halkaas ayuu ku bur-buri doonaa. 

Kowda April ayaan arki doonaa warka rasmiga oo ay Ap kasoo saaraan taageerada mooshinkaas.

[adsenseyu2]

Statsborgerkap: A-Lag og B-Lag. Jeg tilhører A-laget, mens flere av vennenen mine tilhører B-laget

Une Bastholm oo katirsan xisbiga MDG ayaa maqaal ay kusoo daabacday wargeyska Dagbladet ku qeexday in kala noqoshada sharciyada jinsiyada, ay dadka u qeybinayaan labo kooxood. Koox A- waa koox wax walba oo ay sameyso aan wadanka laga saari karin, iyo koox B oo ah koox xitaa iyaga oo aan wax danbi ah sameyn, loo ciqaabo karo dad ay geysteen awoowe-yaashood.

Xisbiga MDG ayaa dhawaan soo jeediyay inaan qofka lagala noqon sharciga jinsiyada, marba hadii la siiyay markii hore. Hadii lasoo ogaado inuu ka been-sheegay aqoonsigiisana, loo ciqaabo si kale balse aan sanado badan kadib wadanka laga saarin ama aan caruurtiisa lagala noqon sharciga jinsiyada.

[adsenseyu2]


Jeg kan utøve terror og angrep mot staten, svindle staten for millioner og milliarder, jeg kan lyve, stjele og drepe, men statsborgerskapet, det mister jeg aldri – uansett hvor mye galt jeg gjør mot landet mitt. Jeg kan dømmes til fengsel og straffes (hardt), etter at min rettssikkerhet er nøye ivaretatt. Men jeg kan aldri miste statsborgerskapet, og jeg kan aldri utvises.

Mens jeg tilhører A-laget, er flere av mine venner og familie på B-laget. De er født i Norge, og de er norske statsborgere, som meg, men det er en viktig forskjell: De kan når som helst bli gjort statsløse og fratatt sitt norske statsborgerskap – og det uten å ha gjort noe som helst galt annet enn å kanskje ha foreldre som har løyet til staten.

Les hele kroniken her: Dagbladet/meninger.no

[adsenseyu2]

NTB: Sucuudiga oo qaramada ka socday in baaritaan lagu sameeyo xasuuqii qoxootiga soomaaliyeed

Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ee weerarrada ka geysta dalka Yemen ayaa qoraal rasmi ah oo ka soo baxay, waxa ay Qaramada Midoobay uga dalbadeen in baaritaan caalami ah lugu sameyso weerarka lugu dilay qaxooti Soomaaliya ah oo dooni ay la socdeen lugu weerarray xeebaha Yemen.

Ilaa 45 ruux ayaa weerarka ku dhintay,waxaana la sheegay inay fulisay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah,markiiba waxaa weerarka lugu eedeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Isbaheysiga wuxuu beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay weerarka,iyagoo hadda dalbaday Qaramada Midoobay baarayaal caalami ah inay u dirto goobta uu weerarka ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka sugeysa isbaheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yemen inay soo cadeeyaan cida ka dambeysay weerarka oo ay ku dhinteen qaxooti Soomaali ah oo la sheegay dalka Suudaan inay ku sii jeedeen.


Den saudiledede koalisjonen ber FN ta kontroll over havnen i nærheten av stedet båten med somaliske flyktninger ble angrepet fredag, melder Reuters.

[adsenseyu2]

Båten med nærmere 150 flyktninger hadde forlatt havnen i Hodeida-provinsen på vei til Sudan da den ble angrepet av et Apache-helikopter fredag. 42 personer ble drept i angrepet.

Det er fortsatt uvisst hvem som står ansvarlig. Houthi-opprørere i Jemen peker fingeren mot den saudiledede koalisjonen. Ifølge Houthi-opprørere har den saudiledede koalisjonen gjennomført mange luftangrep de siste dagene i Hodeida-provinsen langs Jemens sørlige kyst. De hevder blant annet at flere fiskere ble drept da en båt ble angrepet av et helikopter bare timer før flyktningbåten ble beskutt.

Les saken videre her: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Canada oo 21 milyan ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya

Dowladda Canada ayaa lacag gaaraysa 21 milyan oo doollar ugu tala-gashay in wax looga qabto abaarta ka taagan Soomaaliya, sida u ku dhawaaqay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada, Axmed Huseen.

 

Dhinaca kale, dowladda Canada ayaa sheegtay inay dhaqaalo badan ugu deeqi doonto dhowr dal oo marxaladdo kala duwan ku jira. Kuwaaso kala ah Nigeria oo heli doonta 27 million oo doollar,Koonfurta Suudaan 37 million oo doollar iyo dalka Yemen oo loo qoondeeyey 34 million oo doollar.

Inkasta oo lacagahan loogu deeqo Soomaaliya ama lagu bixiyo magaceeda, hadana xaqiiqadii aad ayey u yartahay inta soo gaarto hadafka loogu talo-galay ee ah wax ka qabashada abaaraha. Maadaama qeybo badan oo kamid ah ay ku baxaan Logistikk, Adminstrasjon, Shaqaalaha hey´adaha iyo musuq-maasuq ba´aan oo ka dhex-jiro hey´adaha dowlada Soomaaliya iyo kuwo maamul goboleedyada.

Xigasho/kilde: Thestar.com

[adsenseyu2]

 

Keating: Nye muligheter i Somalia nå

av Av Espen Røst/Bistandaktuelt.no

Med statsminister fra Vinje i Telemark og parlamentspresident fra Trondheim ser FNs spesialutsending nye muligheter for Somalia. Michael Keating mener Norge er unikt posisjonert for å bidra til utvikling i landet der halve befolkningen nå er avhengig av nødhjelp.

– Kapasiteten til privat sektor, organisasjonene og FN er mye bedre nå enn i 2011, og det er også et mye bedre politisk klima. Landets myndigheter har gjort håndtering av tørken til sin absolutt fremste oppgave, og regjeringen mobiliserer somaliere i utlandet, næringslivet og nabolandene for å hindre hungersnød.

..Mye av al-Shabaabs oksygen stammer fra det faktum at staten har mislyktes med å gi befolkningen de mest grunnleggende tjenester.

Les hele saken her: Bistandaktuelt.no

[adsenseyu2]

Røde Kors krever gransking av massakre på båtflyktninger

Ururka bisha cas ayaa dalbaday in xaqiijin heer caalami ah lagu sameeyo xasuuqii loo geystay dadka soomaaliyeed ee saarnaa doonida mareysay bada cas. Xasuuqaas oo ka dhashay, gantaal lagu riday doonidan ay saarnaayeen qoxootigan soomaaliyeed oo kasoo cararayay colaadaha ka socdo Yeman.

Waxaana weerarkaas ku nafwaayay 42 qof, halka ay ku dhinteen dad 40 qof ku dhow, oo u badan dumar iyo caruur.

[adsenseyu2]


Den internasjonale Røde Kors-komiteen (ICRC) krever gransking av helikopterangrepet mot en båt utenfor kysten av Jemen, som kostet minst 42 flyktninger livet.

Den internasjonale Røde Kors-komiteen (ICRC) er sjokkert over angrepet mot båten med nærmere 150 flyktninger, blant dem kvinner og barn, rundt 50 kilometer fra kysten av Jemen.

Les saken videre her: AFTENPOSTEN.NO

[adsenseyu2]

 

Heiki Holmås: Ka qeybqaata gurmadka abaaraha Soomaaliya

Wasiirkii hore ee horumarinta Norway, ahna hada xildhibaan katirsan baarlamaanka ayaa shirweynaha qaran ee xisbigiisa ka jeediyay hadal guubaabo ah, kaas oo uu dadkii kusoo qeybgalay si toos ah uga codsaday inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha Soomaaliya, Geeska Afrika guud ahaan iyo waliba Yeman. 

Marian Abdi Hussein oo katirsan golaha dhexe ee SV, ahna xildhibaan u sharaxan baarlamaanka Norway ayaa iyadna Heiki kala qeybqaatay hadalka guubaabada soo jeedinta ku saabsan gurmadka abaaraha Soomaaliya, Yeman iyo Geeska Afrika guud ahaan.  Marian ayaa sheegtay in marka ay dhacaan abaaro, dadka ugu badan ee saameynta ay ku yeeshaan ay yihiin dumarka iyo caruurta.

Halkan ka daawo muuqaalka Heiki iyo Marian

[adsenseyu2]

 

VG: Ben Stiller samlet inn mer enn ti millioner kroner for Somalia

På litt over ett døgn har skuespillerstjernen Ben Stiller sammen med sosiale medier-stjernene Jérôme Jarre, Juanpa Zurita og Casey Neistat samlet inn mer enn 1,5 millioner dollar (mer enn 10,3 millioner kroner), ifølge innsamlingssiden. Pengene går til å sende mat til sultrammede Somalia

Pengene går til mat i sultrammede Somalia. Nå har de skaffet fly til transport også.

Det vi ønsker å gjøre sammen med deg er det ingen som har gjort før», skriver de på kampanjesiden. «Vi lover deg full gjennomsiktighet … Du får vite hvor hver eneste dollar går og alle oppturene og nedturene i misjonen vår.»

Les saken videre her: VG.NO

[adsenseyu2]

 

 

Abdullahi Elmi: Yaa mudan in la doorto?

Qoraalkii gaabnaa ee aan qoray isbuucii hore ee ku saabsanaa doorashada ka dheceysa wadankaan Norway, ayaa wuxuu dhaliyay dood iyo niqaash farabadan. Shaqsiyan waan soo dhaweynayaa in si cilmiyaysan loo dood0, lana kala fa’iideysato.Dadbadan ayaa fikrado kala duwan ka bixiyay qoraalka gaaban. Waxaa jiray qaar si toos ah ila soo xariiray.

Su’aalaha la i soo weydiiyay waxaa ka mid ah,  cidda ku haboon in loo codeeyo sanadkaan, madaama aan soo jeediyay in AP laga guuro sanadkan. Waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo muhiimada ay leedahay in la codeeyo lagana qeybqaato doorashada.( Halkan ka akhriso maqaalkeygii hore)

Laakiin yaa mudan in loo codeeyo?:

Waxaa mudan in aan la hilmaamin dhowr arimood oo ay ka midyihiin yihiin

1) in aragtiyada lagu kala gedisan yahay oo qof kasto oo naga mid ha ay si wax ulamuuqa karaan. Waxaa laga yabaa in aan anigu aaminsanahay inay haboon tahay in loo codeeyo xisbi A. Qofkalena ay ula umuuqadto in xisbi B ka wanaagsan yahay xisbi A.

2)Arinta iyaduna aad muhiim u ah inaan maanka ku hayno waxay tahay in aysan suurtagal ama ay aad u adagtahay in dadka oo dhan hal meel isku wada raacaan. Aad ayay u fiicnaan leheed in taas dhacdo laakiin xaqiiqdu waa in aysan dheceyn. Marka waa inaan xaqiiqda waa jahno oo la dhaqano.

Fursada jirtaa waxay tahay in qofkastaa isbedel sameyn karo lana xisaabtami karo xisbiyada iyo siyaasiinta. Haddaba waxaa muhiim ila ah in aan aqrino siyaasada xisbi kastaa soo bandhigo, sifiicana loo dhuuxo faa’idada kujirta iyo dhibka ka imaan kara.

Wey adagtahay in hal xisbi hanto talada wadanka oo dhan marka xisbi kastaa wuxuu ku qasban inta badan inuu xisbi kale la shaqeeyo. Marka waxaa aad muhiim u ah in la fiirisid xisbiga aad dooneysid in aad u codeeyso yuu doonayaa inuu la shaqeeyo. Waxaa intabadan dhacda in xisbiyadu wada shaqeyaan. Wadashaqeyntaas waxay noqon kartaa mid kooban tusaale ahaan waxaa laga wada shaqeynayaa hal arin sida siyaasada la xiriirta soogalootiga. Marka waxaa muhiim ah in aad ka fekerto arintaas si aad u ogaatid xiriirka ka dhexeeya xisbiyada. Marka aad arakto xisbiga aad isleeyahay waxbadan ayaad ka mideysantihiin ayaad u codeyneysaa.

W.Q: Abdullahi Elmi Ibrahim


Hadii aad rabtid inaad fikirkaaga, aqoontaada, khibradaada ama dareenkaada aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo gudbin kartaa NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Denmark: Hooyo soomaali ah oo horey 4 caruur ah looga qaatay oo maxkamada lasoo taagay

Haweeney 45 jir soomaali ah ayaa maxkamad lagu soo taagay mmagaalada København ee dalka Denmark, kadib markii lagu soo eedeeyay inay jirdil u geysan jirtay afar caruur ah oo ay dhashay.

Sida uu qorayo wargeyska Ektsrabladet, hooyadan soomaalida ah ayaa horey ay dowlada Denmark uga qaadatay afarta caruurta ah oo ay dhashay, kadib markii uu yimid shaki ah inay guriga garaacis/jirdil kula kulmaan. Afartan caruurta ah oo ka kooban 2 gabdhood iyo labo wiil ayey dowlada dalkaas la wareegtay xanaanadooda bishii Juni ee sanadkii 2016.

[adsenseyu2]

Da´da caruurtan ayaa kala ah:-11 iyo 15 (Labada dhabood). Halka wiilushuna ay kala jiraan 5 iyo 8 sano. Waxaana hada gacanta ku hayo hey´ada xanaanada caruurta dalkaas Denmark.

Kadib Baaritaan ay boolisku sameeyeen iyo wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay qoyskan qaadashada caruurta kadib, ayey boolisku magaalada København si kumeel gaar ah u xireen hooyadan soomaalida ah, bishii August ee sanadkii hore.

Waxeyna shaley kusoo oogeen dac-wad danbiyeed ah, inay waqti dheer jirdili jirtay caruurteeda afarta ah, iyada oo adeegsan jirtay waxyaabo ay kamid yihiin Xarig, Suun, Fiilo, iskoobe, kabo, Daabka- minidada iyo waliba gacanteeda. Hooyadan soomaalida ah ayaa iska fogeysay dhamaan waxyaabaha lagu soo eedeeyay, iyada oo diiday inay qirato danbiga ay boolisku sheegeen inay geysatay.  danbiga lagu oogay.

Dacwad oogayaasha  booliska ayaa sheegay in caruurta jirkooda ay ka muuqdaan nabaro tilmaamaya inay la kulmeen jirdil socday xili dheer.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

 

Ali Adan: Wiilkeyga luuqad aan Danish aheyn ma yaqaan, waxeyna rabaan inay Soomaaliya noo celiyaan

Warbaahinta Denmark ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalhayay xaalada dad qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowlada dalkaas ay kala noqotay sharciga magangalyada, kadib markii ay Denmark sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay.

Wargeyska Jyllands-posten ayaa warbixin ka diyaariyay aabahan soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ali Adan Mohamad oo dalkaas magangalyo weydiistay sanadkii 2012. Waqti yar kadib, waxaa Denmark soo gashay xaaskiisa, waxeyna sanadkii 2013 dalkaas ku dhaleen wiil yar.

Maalmo kahor ayaa loo soo diray warqad loogu sheegayo in lagala noqday magangalyadii ay ku joogeen dalkaas. Isla markaana waxaa lagu amray inay wadanka isaga baxaan.

Ali oo u waramay JP-Posten ayaa sheegay in hadii Soomaaliya lagu celiyo uu u cabsi qabo mustaqbalka wiilkiisa, oo uu ka baqayo inuu muto dhibtii uu isagu soo mutay. Wiilkan yar ee uu cali dhalay oo dalkaas ku dhashay, ayaa lagu qasbayaa in lagu celiyo wadan uusan waligiis arag.

Ali ayaa kamid ah kontomeeyo qof oo soomaali ah, kuwaas oo helay warqad loogu sheegayo in magangalyadii la siiyay lagala noqday, kadib markii badan laga qaaday wareysi.

Xigasho/kilde: YP-POSTEN.NO

[adsenseyu2]

Soomaalida Tromsø oo 41.235 NOK ku wareejisay gudiga abaaraha qaran ee Soomaaliya

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Tromsø ayaa lacag dhan 41.235 ku wareejiyay gudiga abaaraha qaran ee Soomaaliya. Lacagtaas oo u dhiganta 5070 Dollar

Lacagtan oo laga soo uruuriyay soomaalida iyo muslimiinta kale ee ku dhaqan magaalada Tromsø, ayey Gudiga abaaraha jaaliyada soomaaliyeed ee Tromsø, lsi toos ah ugu wareejiyeen Sh Bashiir M. Salaad oo kamid ah gudiga abaaraha heer qaran ee Soomaaliya. (Halkan ka daawo muuqaalka lacag wareejinta)

Soomaalida Norway ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay waday dadaalo tiro badan, iyada oo 25-ka bishan aan kujirno ee Maarso lagu wado in gurmad heer qaran ah ay sameeyeen soomaalida Norway. Iyada oo gobolo iyo magaalooyin badan laga sameyn  doono lacag uruurin. 

Kilde: Radio-Muqdisho

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.