torsdag, mars 28, 2024

Haweeney Swedish oo Denmark lagu qabtay iyada oo wiil soomaali ah tahriibineyso

Sida uu qorayo wargeyska Ektrabladet, booliska Denmark ayaa qabtay isla markaana dacwad kusoo oogay haweeney Swedish 27-sano jir ah, taas oo rabtay inay tahriib Sweden ku galiso wiil soomaali ah.

Haweeneydan ayaa lagu soo oogay dacwad-danbiyeed ku saabsan inay dad tahriibineysay, waxeyna mudan kartaa ciqaab xabsiyeed gaareyso 30 maalmood.

Booliska oo kontroll ku sameynayay tareenka isku xira Germanka iyo Denmark ayaa arkay haweeneyedan iyo wiilkan oo isgarab fadhiyo. Waxeyna haweeneydu usheegtay booliska Denmark in wiilkan soomaaliga ah ay isyaqaaneen oo ay isku barteen magaalada Hamburg ee dalka Germany.

Wareysi iyo baaritaan kadib ayey boolisku ogaadeeen in wiilkan soomaaliga uu ka diiwaan-gashanyahay dalka Germany, isla markaana uu rabay inuu iska dhiibo dalka Sweden. Sida ay boolisku sheegeen wuxuu wiilkan soomaaliga ah diiday inuu Denmark magangalyo weydiisto, waxaana dib loogu celiyay Germany oo uu ka diiwaan-gashanyahay.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x