fredag, mars 29, 2024

Soomaalida Tromsø oo 41.235 NOK ku wareejisay gudiga abaaraha qaran ee Soomaaliya

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Tromsø ayaa lacag dhan 41.235 ku wareejiyay gudiga abaaraha qaran ee Soomaaliya. Lacagtaas oo u dhiganta 5070 Dollar

Lacagtan oo laga soo uruuriyay soomaalida iyo muslimiinta kale ee ku dhaqan magaalada Tromsø, ayey Gudiga abaaraha jaaliyada soomaaliyeed ee Tromsø, lsi toos ah ugu wareejiyeen Sh Bashiir M. Salaad oo kamid ah gudiga abaaraha heer qaran ee Soomaaliya. (Halkan ka daawo muuqaalka lacag wareejinta)

Soomaalida Norway ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay waday dadaalo tiro badan, iyada oo 25-ka bishan aan kujirno ee Maarso lagu wado in gurmad heer qaran ah ay sameeyeen soomaalida Norway. Iyada oo gobolo iyo magaalooyin badan laga sameyn  doono lacag uruurin. 

Kilde: Radio-Muqdisho

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x