lørdag, april 20, 2024

(Daawo): Shirweynaha qaran ee SV oo ansixiyay in Marian Abdi ay xubin ka noqoto golaha dhexe ee SV

Xisbiga SV oo shirweyne qaran lahaa dhamaadkii isbuucii lasoo dhaafay ayaa ansixiyay in Marian Abdi Hussein ay xubin ka noqoto golaha dhexe ee SV, isla markaana ay hogaamiso gudiga Etnisk likestillingsutvalg.

Gudigan ay Mariam hogaamin doonto ayaa ah gudiga qaabilsan talo-bixinta arimaha ku saabsan sinaanta qowmiyadaha, soo galootiga, qoxootiga iyo siyaasada magangalyo-doonka. Waxeyna si toos ah ula shaqeeyaan golaha dhexe, xubnaha gobalada oo dhan, gudiga baarlamaanka SV iyo waliba wasiirada SV(waa hadii ay wasiiro yeeshaane).

Marian ayaa booskan cusub oo ugu danbeyn loo anxiyay, wuxuu ka dhigayaa inay tahay qofka soomaaliga ee xilka ugu sareeyo ee siyaasadeed maanta ka hayo Norway. Waxeyna noqoneysaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo abid xubin ka noqdo golaha fulineed ee xisbi siyaasadeed dalkan Norway.

Halkan ka daawo Muuqaalka doorashada Marian ee shirweynaha qaran.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x