torsdag, november 28, 2024
Home Blog Page 247

Facebook iyo Youtube oo noqday labada barnaamij ee ugu internet cunka badan moobiilada

Tirakoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Facebooga iyo Youtube-ku ay yihiin labada barnaamij ee ugu internet cunka badan Norway, isla markaana ay dadku ugu isticmaal badanyihiin marka ay internetka kaga jiraan moobiilada. labadan barnaamij ayaa isku dar qaata 27% internetka qofka ugu jirto mobilka.

Sababta arintaas keentay ayaa lagu tilmaamay inay tahay, in muuqaalada iyo sawirada ay dadku ka daawadaan Facebooga iyo Youtebka ay u baahanyihiin awood iyo xawaare sare, taas oo dhalisa inay cunaan internet badan.

Sidoo kale baraha bulshada ee Snapchat iyo Instgram ayaa soo ciriirsaday kaalinta 3-aad iyo afaraad ee barnaamijyada ay dadku ku isticmaalaan internetka ugu badan ee mobilka.

Xigasho/kilde: Digi.no

[adsenseyu2]

 

 

 

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Askar oo 50.000 NOK ku wareejisay gudiga gurmadka abaaraha Norway

0

Jaaliyada soomaaliyeed ee degan magaalada Asker ayaa lacag dhan 50.000 NOK oo cadaan ah ku wareejisay gudiga gurmadka abaaraha soomaalida Norway. Waxaana intaas sii dheer lacago kale oo qeybo kamid ah jaaliyada ay si toos ah ugu direen agoonka Vibsiga ee gudiga gurmadka.

Sidoo kale qeybo badan oo kamid jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada ayaa lacago kale duwan kusoo wareejiyay gudiga gurmadka abaaraha.

Markel oo ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee dalka Germany

Xisbiga hogaamiyaha dalka Germany Angela Markel ee CDU, ayaa ku guuleystay doorashada gobalka Saarland ee dalka Germany. Doorashadaas oo hordhac u ah doorashooyinka isbuucyada soo socdo ka dhici doonto gobalada kale ee dalkaas.

Doorashada sanadkan ka dhaceyso Germany ayaa leh xiiso gaar ah, iyada oo dhamaan caalamku ay isha ku wada hayaan. Dalka Germany ayaa ah hogaamiyaha dhaqaale ee dalalka Yurub, isaga oo sidoo kale ah ah udub-dhexaadka isku haya midowga Yurub ee EU-da. Waxaana jirto cabsi ah in doorashada ay ku guuleystaan xisbiyada midigta fog, ama ay ugu yaraan xukunka ka tuuraan xulufada xisbiyada uu hogaaminayo xisbiga Angela Markel ee CDU.

[adsenseyu2]

 

44% dadka imtixaanka leysinka baabuurka ku qaata Oslo, wey dhacaan

Sida ku xusan tirokoob laga soo xigtay waaxda gaadiidka iyo ilaalinta wadooyinka ee Vegvesenet, ku dhawaad kala bar ama 44% dadka imtixaanka leysinka baabuurka ku qaata magaalada Oslo, waa ay ku guuldareystaan inay ku baasaan imtixaankaas. Arintaas oo Oslo ka dhigeyso meesha ugu dadka ugu badan ee ku dhacaan imtixaanka leysinka baabuurta, wadanka oo dhan.

Dhanka kale gobalka Finnmark ayaa noqday meesha ay dadka ugu yar ku dhacaan imtixaanka leysinka baabuurka, iyada 14% oo kaliya dadka imitixaanka leysinka baabuurka ku qaatay gobalkaas ay ku dhaceen.

Majirto sabab rasmi ah oo loo aaneyn karo sababta keebtay in Oslo ay gasho kaalinta koowaad ee imtixaan dhicista leysinka baabuurka, balse afhayeenka waaxda gaadiidka ayaa sheegay in magaalada weyn ay sahlantahay in uu qofku si fudud khalad u sameeyo inta lagu gudo jiro imtixaanka.

Xigasho/kilde:VG

[adsenseyu2]

 

Gabar soomaali ah oo kamid noqotay gudiga maamulka ururka ururada shaqaalaha Oslo

Waxaa jimcihii lasoo dhaafay magaalada Oslo shir kulahaa ururka mideeya qaar badan oo kamid ururada shaqaalaha ee ka dhisan magaalada Oslo(Fagforbundet). Ururkaas oo ay xubno ka yihiin dad gaarayo 38 500 qof.

Gudiga cusub ee ururkaas ayaa waxaa kamid noqday gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Fathiya Khaliif Muuse. Fathiya ayaa sidoo kale ah gudoomiye ku xigeenka ururka shaqaalaha ay ku mideysanyihiin dadka ka shaqeeyo caafimaadka, arimaha bulshada iyo daryeelka ee magaalada Oslo.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa kor u kacayay dadka soomaalida ah ee kasoo muuqanayo dhinacyada kala duwan ee mujtamac-weynaha wadankan Norway. Taas oo muujineyso in soomaalidu ay kasii gudbeyso xiligii lagu tilaami jiray inay tahay marti iyo soo galooti lagu maadeysto, ayna muuqanayo inay yihiin dad wax ku leh wadankan, xuquuq, xilal iyo waajibaadna yeelanayo.

Xigasho/kilde: Oslo.Fagforbundet.no

[adsenseyu2]

 

UDI-da sheegtay inay rabaan in isbadal lagu sameeyo sharciga, si caruurta aan loogu ciqaabin danbiga waalidkood

Hey´ada lanta socdaalka ee UDI-da, ayaa sheegtay inay rabaan in isbadal lagu sameeyo sharciga dib ugula noqoshada jinsiyada, si caruurta ay dhaleen dadka wadanka iska soo dhiibay xili hore, aan loo ciqaabin danbiga waalidkood, hadii ay timaado in sharciga jinsiyada laga qaado.

Agaasimaha UDI-da Frodde Forfang oo warqad uu u diray wasaarada dastuurtka iyo amniga kusoo bandhigay inuu soo jeedinayo in isbadal lagu sameeyo sida uu maanta sharciga arintan khuseeyo u dhiganyahay.

[adsenseyu2]

Frodde ayaa wali aaminsan in qofka loo ciqaabo hadii uu bixiyay macluumaad aan sax aheyn, isla markaana uu sidaas ku helay magangalyo, balse wuxuu soo jeediyay in la qafiifiyo sharciga arintan khuseeyo in cida uu saameynta ku yeelan karo.

Soo jeedinta UDI-da ayaa ku qotonta in ilmaha aysan toos u lumin sharciga jinsiyada, hadii ay dhacdo in waalidka lagu armo inay soo xareeyaan passportka.

Waxaa bilihii ugu danbeeyay aad loo hadalhayay dib ugula noqoshada sharciga jinsiyada, iyada oo ay dood badan ka dhalatay kadib markii ay soo baxday in qoys Falastiini/Urdun kasoo jeedo lagu amray inay soo xareeyaan sharciga jinsiyadooda, 27 sano kadib markii ay waalidkoodii wadanka iska soo dhiibeen.

UDI-da ayaan wali jawaab ka helin warqada ay u direen wasaarada dastuurka. Xoghayaha wasaarada arimaha soo galootiga Fabian Stang ayaa sheegay inuu dareensanyahay warqada soo jeedinta UDI-da ee ku saabsan arintaan, balse wuxuu raaciyay in go´aanka arintan ay tahay mid ay gaari karto wasaarada oo kaliya.

Xigasho/kilde: Aftenposten, Aftenbladet.no

[adsenseyu2]

Abdijibar Ahmed: Ma jiro Soomaali aan rabin Shaqo

Waxaa dalkaan Norway waqtiyadaan dambe ka jiray in Soomaalida si gaar ah loo takooray, waxaana lagu takooray inay yihiin dad ma shaqeystayaal. Waxayna maraysaa in heer TV-ga dalka Noorway loogu soo qaato barnaamijyo la yaab leh oo bulshada Soomaaliyeed geliyay argagax illaa hadda ay ka sheekeyaan. Sidda la ogsoonyahay shaqsiga Soomaaliga wuxuu dalkaan u yimaaday inuu abuurto/sameysto nolol farxad gelisa. Cidwalbo oo adduunka kunool waxay raadisaa waa labada shey oo kala ah: Farxad nolloleed iyo Nabad lagu waaro.

Marka aad dib u eegto raadadkii hore ee dadyawgii Geeska Afrika dagi jiray, waxaad ogaaneysaa in Soomaalidu fac weyn tahay oo lagu yaqaanay shaqo iyo hawl-karnimo. Soomaalida ayaa waxay ku maah-maahdaa “Shaqo ayaa sharaf leh, shaxaad ayaa ceeb leh”. Dabcan waxaa macquul ah illaa hadda inaad maqasho maah-maahdaasi, aniga waxaan maqlay jiray anigoo yar, macnaha guudna waxaan ku turjubaanay in shaqadu tahay muhiim. Qofka aanan shaqeysanin inuu yahay qof nacas ah.

Waxaad kaloo maqashaa “Nimaan shaqeysanin shaah ma cabo”, oo macnaheedu tahay, haddii aadan shaqeysanin shaah ma cabi kartid, sababtoo ah lacagtii aad shaah ku iibsani lahayd ayaadanba haysanin. Dabcan Soomaalidu waa dad aad u caba shaah, halka Noorwejiyanka aad u cabaan kafeyga. soomaalidu waxey waqti walba jecelyihiin inay shaah cabaan, mana ahan wax shalay bilowday ee waa dhaxal soo jireen ah.

Sidda ay warbaahinta dalkaan in badan tebisay, waxaa dhacday in dadyowga dalkaan u dhashay iyo kuwa kaleba ay Soomaalida u fahmeen dad ma shaqeystayaal ah. Bini’aadamka wuxuu wax u arkaa qaabab kala duwan. Aragtida waa waxyaabaha ay bini’aadamka ku kala duwanyihiin marwalbo. Waxaan ka wada marqaati nahay in wadankaan Noorway ay usoo tahriibtay Soomaali badan si ay u abuurtaan ama ay u sameystaan nolol dhaanto noloshii ay kusoo arkeen dalkooda hooyo. Balse xaajada marwalbo siddii la rabay ma noqoto, waxwalbo nusqaan ayay leedahay.

[adsenseyu2]

Aqristoow waxaad ogataa meel walbo oo aad dunidda tagto ma noqoto sidda aad rabtay maxaa yeelay waxaa marwalbo kala duwan wadciga iyo hab-dhaqanka markaas ka jira halka aad usoo haajirtay. Qofwalbo wuxuu jecelyahay inuu ku noolaado nolol ay ku dheehantahay farxad, balse hadana ma noqoto sidda la rabay maxay tahay sawabta? – Sawabta ayaa ah dunidda ayaa ah meel la isku cinqaabo, waxwalbana waxaa loo baahanyahay in sidda ugu haboon loo wajaho.

Waxaa dalkaan Noorway kunool Soomaali badan oo jecel xaqiiqdii inay ku sameeyaan noloshooda isbedel balse maxaa hortaagan? – Waxaa la isdhihi karaa, waxaa hortaagan labo qodob oo muhiim ah. Waxayna kala yihiin:

  1. Isdhexgal la’aan “Integration”
  2. Kala qeybsanaanta bulshada Soomaaliyeed dhexdooda

Koow, isdhexgal la’aanta waxaa laga dhexlaa Isfahan la’aan. Bulshooyinka caalamka isma fahmi karaan haddii aysan sameynin isdhexgal. Maxaa yeelay isdhexgalka bulshada waa waxyaabaha lagu yareyn karo caqabadaha jira. Haddii ay jiri lahayeen bulsho badan oo Soomaali ah oo bulshada kunool Noorway isdhexgal ku sameysay waxaan wada heli lahayn natiijo ah fahanka guud iyo hab-dhaqanka ku noolaanshaha Noorway. Inaad sameyso isdhexgal waa waxyaabaha ugu adag inaad sameyso marka aad ku nooshahay dal aad ku tahay koyto. Soomaalida waxaa lagu xantaa inay yihiin bulsho aanan ku wanaagsaneen isdhexgalka, waxaana la sheegaa inay yihiin kuwa marwalbo ka dhexbaxsan bulshooyinka kale ee caalamka.

Laakiin waxaad ogataa in dumarkeena aysan sameyni karin isdhexgal siyaabo badan awgii. Dumarkeena waa dumar xijaaban, lamana mid ah raga. Balse waxaa wax lagu faano ah inay jiraan gabdho badan oo aaday jaamacado.

Dumarka Muslimiinta waxay wajihayaan waxyaabo badan. Aad iyo aad ayay ugu adagtahay inay sameeyaan ishdexgalka loo baahanyahay. Waxaan la wada soconaa waxyaabaha ka dhacaayo qaarada Yurub iyo Mareykanka.

“Maxkamada ugu sareysa dalka Faransiiska waxay joojisay oo mamnuucid ku soo rogtay maamulka magaalo ka mid ah dalka Faransiiska dharka loo yaqaan burkini oo ah labis asturan oo ay haweenka Muslimiinta ah xirtaan marka ay doonayaan inay dabaashaan”.

Waxaa kaloo jirtay in “maxkamadda ugu sarraysa Yurub ayaa xukuntay in shaqo bixiyayaasha ay xor u leeyahiin in ay shaqaalahooda ka mamnuucii karaan xirashada xijaabka iyo sidoo kale wax kasta oo noqon kara calaamad siyaasadeed ama mid tusin kara astaan diimeed. Waxay sidoo kaloo Maxkamadu sii raacisay in qofkii shaqaale ah oo ka hor yimaadaa ay xaq u leeyahiin shaqo bixiyayaashu inay ka cayrin karaa goobta shaqada”.

Dhibaatooyinka ma ahan mid qoraalkaan lagu soo koobi karo. Balse iyadoo midaasi ay jirto hadana waa laga maarmaan ah in la helo qaababkii loo sameyni lahaa isbedel la taabani karo. Waxbarashada, waliba waxbarasahda sarre waa waxyaabaha bulshada Soomaaliyeed ay ku sameyni karaan isbedel muuqani karo oo dhexelgal leh.

Labo, kala qeybsanaan badan inay jirto waa waxyaabaha keena dib u dhaca bulshada. In bulshada noqdaan kuwa ku midaysan aragtida wanaagsan waa muhiim. Marwalbo oo ay bulshada yihiin bulsho wada midaysan waxay noqdaan kuwa isku sheega shaqooyinka ka jira dalka iyo waliba iska warqabid fiican.

Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay noqdaan kuwa midaysan si ay u noqdaan kuwa isbedel weyn ka sameeyo bulshooyinka ay ku dhexnoolyihiin. In badan ayaa laga hadlaa in bulshada Soomaaliyeed noqdaan kuwa midaysan. Kala qeybsanaanta waxay dowr muhiim ah ka ciyaartaa in la bahdili karo, caruurta la iska qaadani karo. Waxaa kaloo ceeb ah in haddii gabar la soo doono loogu diido wiilka ciddiisa darteeda. Dhibaatada Afrika kaa keentay haddii aad halkaan ku bilowdo waxay caqabad ku keeni kartaa dadnimadaada iyo inaad sameyni weyso horumar.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa, Ma jirto Soomaali aanan shaqo rabbin balse waqtiga ayaa ka hiilayay. Waxaa jirto Soomaali badan oo shaqo raadis ah oo aanan helin, sababtuna maxaa loo aanneeni karaa? Fahan la’aanta wadciga ka jira dalkaan. Soomaali walbo wuxuu ku hamiyaa siddii uu wax u noqoni lagaa balse ma haysto cid uu dugaalsado. Maxaa yeelay haddii aad taqaano cid aad shaqooyinka dalka ka wareysani karto iyo halka wax yaalaan waxaa kuu suurta geli lahayd inaad mudo yar isbedel weybn ku samayni karto. Dowladda Noorway iyo shacabkeeda waxay Soomaalida u fidisay soo dhaweyn weyn oo aanan laga helin wadamo badan oo caalamka iyo waliba kuwa deriska aynu nahay. Cidwalbo oo Soomaali ah oo kunool dalkaan Noorway waxay abaal u hayaan dowladdaan iyo shacabkeeda. Waxaan jeclaani lahaa in abaalkii ay galeen uusan noqonin hal bacaad lagu lisay.

W.Q: Abdijibar Ahmed


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, khibradaada, aqoontooda ama aad hamigaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Prof. Abdala Mansuur oo sheegay in lahjada Bushro Jama ay tahay mid sax ah

Sida uu qorayo wargeyska VOL.NO, qareenka Bushro Jama ayaa xiriir la sameeyay Prof. Abdala Mansuur oo ah khabiir luuqadeed(Lindquist), kuna xeel-dheer luuqada afka soomaaliga iyo lahjadaheeda.

Prof. Abdala ayaa sheegay in lahjada Bushro Jama oo ah gabadhii soomaaliyeed oo ay UDI-da kala noqotay sharciga magangalyada, ay tahay mid sax ah oo tilmaameyso deegaanka ay ka timid. Waxeyna taas kahor imaaneysaa go´aankii hey´ada laanta socdaalka ee ahaa in  Bushro lahjadeedu ay tilmaameyso meel ka duwan meesha ay sheegatay inay ka timid. (Halkan ka akhri sheekada hooyadan soomaaliyeed iyo hey´ada laanta socdaalka)

[adsenseyu2]

Cabashada(klage) go´aanka UDI-da ayaa hada kujiro gacanta dowlada, iyada jawaabta imtixaanka lahjada iyo cadeynta Prof Mansuur ay qeyb ka yihiin cabashada(klage) uu qareenka Bushro ka gudbiyay go´aanka UDI-da.

Mansuur ayaa horey u sheegay in qiimeynta lahjada oo ay adeegsadaan wadamo badan oo Yurub ah, ay yihiin kuwo leh dhinacyo badan oo jilicsan.

Riibe: UDI-du ma heyso cadeymo la taaban karo

Qareenka Bushro, Daniel Riibe ayaa sidoo kale wargeyska VOL u sheegay in UDI-du aysan heyn cadeyn la taaban karo oo sheegayso in Bushro ay sheegatay deegaan aan sax aheyn. Isaga oo raaciyay in maadaama imtixaanka Lahjada uu taageerayo Bushro, ay dowlada ku khasbantahay in keento cadeymo kahor imaanayo arintaas.

Xigasho/kilde: VOL.NO

[adsenseyu2]

(Daawo): Qeybo kamid ah sawiradii gurmadka abaaraha soomaalida Norway

F.G: Sawiradan waa kuwo shaley laga qaaday gurmadkii abaaraha ee soomaalida Norway ay shaley ka sameysay wadanka oo dhan. Waxaana aan kasoo qaadanay barta bulshada ee gudiga gurmadka abaaraha.


 

 

Dhalinyarada opplystungdom oo qeyb ka qaatay gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen

Ururka dhalinyarada Opplyst ungdom oo ah urur dhalinyaro soomaaliyeed ah oo iskood isku xilqaamay, ayaa lacag ay iska uruuriyeen oo ay ugu talo-galeen ay fasax ku aadeen uga qeybqaatay gurmadka abaaraha.

Arintan ayaa muujineyso sida qeybaha kala duwan ee jaaliyada soomaalida ee Norway, ay sanadkan uga qeybqaateen gurmadka abaaraha. Maalintii shaley aheyd ayaa inta magaalooyinka waaweyn ee wadankan Norway iyo qeybo badan oo gobolada, waxaa kajiray lacag uruurin aan horey nooceeda oo kale loo arkin.

 

[adsenseyu2]

 

 

Mashquulkii barnaamijkii gurmadka abaaraha kadib, dib ayaan usoo noqonay

Maalmihii ugu danbeeyay waxaan si aad ah ugu mashquulsaneyn barnaamijka gurmadka abaaraha oo magaalooyin badan oo wadanka ah, si wadajir ah uga socday. Sidaas darteed waxaan ka yara mashquulnay wararkii aan soo qori jirnay ee maalinlaha ahaa, howsha gurmadka owgeed. Akhristayaal dhowr ah nala soo xiriiray intii aan howshaas ku mashquulsaneyn. 

Maadaama howshii gurmadka ay mareyso qeybtii ugu danbeysay ee gaba-gabada iyo tirinta lacagihii soo xarooday, waxaan dib ugu soo noqonay howsheenii caadiga aheyd.

[adsenseyu2]

 

Howsha gurmadka abaaraha oo si habsami leh uga bilaabatay wadanka oo dhan

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 Maarso, waa maalintii loo balansanaa in qaaraan lacag uruurin ah loo sameeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya. Waxaana saaka dhamaan daafaha Norway oo dhan ka socoto howsha gurmadka abaaraha.

Inta badan magaalooyin waaweyn Norway iyo waliba qeybo badan oo kamid ah gobolada,  waxaa saaka ka socoto howlo lacag uruurinta ah, waxaana wadooyinka ku wareegayo dad wato goombooyin ay ku qorantahay magaca hey´ada hanaano. Sidoo kalena waxaa meelaha qaarkood lagu iibinayaa cunto soomaali ah.

Waxaan dhamaan umada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan ugu baaqeynaa inay maanta ka qeybqaataan gurmadka abaaraha. Hadii aadan awoodin inaad ka qeybqaato jir ahaan, waxaad qaaraanka abaaraha aad kusoo diri kartaan Vipskan: 92953

Selma Abdulahi: Gabar dhalinyaro soomaali ah oo ikhtiraacday aalad cusub oo cabitaanka lagu qaboojiyo

Selma Abdulahi waa gabar dhalinyaro 18-sano jir soomaali ah oo ku nool magaalada Oslo. Selmo waxay ka mid tahay koox dhalinyaro ardey ah oo dhigata iskuulka sare ee Lambartseter , kuwaas oo isla aas-aasay shirkada MIC ungdomsbedrift.

Shirkadan ay aas-aaseen dhalinyaradan ay kamid tahay Selma, ayaa ikhtiraacday aalad lagu qaboojiyo biyaha ama cabitaanada, taas oo badal u noqon karto barafka ama talaajada/firinjeerka xiliyada kuleelka.

Ikhtiraacida kadib waxey dhalinyaradan aaladan u direen wadanka China, halkaas oo lagu soo sameeyey farsameeyay sanco ahaan. Waxayna hada bilaabeen in lagu iibiyo qaar kamid ah dukaamada Oslo.

Inkasta oo Selma ay hada uu buuxsantay 18-sano, hadana mar hore ayey lugaha la gashay suuqa hal-abuurnimada iyo ganacsiga. Arintana waxay dhiirigelin u tahay dhalinyarada soomaaliyeed ee Norway ku nool.

Hadii aad rabto inaad iibsato oo dhiiri geliso dhalinyarada wax alifay,ama aad su´aal ka qabto aaladan cusub oo ay Selma iyo saaxiibadeed ay ikhtiraaceen, waxaad la xiriiri kartaa  Telefon Numberka 40062209

Halkan ka daawo muuqaalka Selma oo sharaxeysa sida ay aaladan u shaqeyso.

Maxey noqotay jawaabta gudiga cabashada NRK ee cabashadii soomaalida?

Gudiga cabashada NRK ayaa falanqeyn kadib, jawaab maanta kasoo saarey cabashadii ay soomaalidu ka gudbisay barnaamijkii Trygdekontoret ee NRK ka baxay 20-kii bishii Febraury. Waxayna jawaabtoodu noqotay in barnaamijkaas aysan wax ceeb ah ku arkin, isla markaana uuba ahaa mid qeyb ka qaadan karo isku-xirka bulshada soomaaliyeed ee Norway iyo mujtamaca Norwiijiga ah. Iyaga oo amaan usoo jeediyay wariyihii barnaamijka hogaaminayay ee Thomas Seltzer.

Per Edgar Kokkvold oo ah gudoomiyaha gudiga cabashada ayaa sheegay in barnaamijkaas uu dadka Norwijiga asalka ah uu u sahlayo inay fahmaan xaalada nololeed oo soomaalidu ay ku nooshahay wadankan Norway. Isaga oo sidoo kalena amaan kala duldhacay Thomas Seltzer iyo sidii wanaagsaneyd ee uu barnaamijkaas u daadihiyay.

[adsenseyu2]

Dad kor u dhaafayo 70 qof oo soomaali ah ayaa cabasho ka gudbiyay barnaamijkaas, sida ay sheegeen gudiga cabashada NRK. Inta badan waxey soomaalidu cabashada  dirtay ay ka cabanayeen, in barnaamijkan uu sii kordhin karo sumcad- xumada soomaalida marhoreba u taalay mujtamaca Norway, sidoo kalena uu niyadjab ku ridi karo caruurta soomaaliyeed ee wadankan ku koreyso. Waxyaabana barnaamijkaas laga sheegay oo negativ u badnaana, loo adeegsan karo in lagu caayo caruurta soomaaliyeed ee iskuulada dhigato. 

Qaar kamid ah gudiga cabashada ayaa ugaraabay cabashadii soomaalida ee ku aadaneyd dadka lagu casuumay barnaamijka, waxeyna sheegeen inay fiicnaan laheyd in barnaamijka lagu casuumo dad aragti ahaan kala-fikir duwan oo isku dhaf ah. Halka Xubno kamid ah gudiga ay sidoo kale raaciyeen inay fiicnaan laheyd in mowduucan looga hadlo barnaamij kale oo aysan ku jirin maad iyo majaajilo.

Gudiga cabashada ayaa sidoo kale amaan usoo jeediyay soomaalida codkooda soo gaarsiisay ee cabashada soo gudbisay, iyaga oo sheegay inay ugu danbeyn ay aad ugu faraxsanyihiin in codkooda ay maqlaan qowmiyad aan inta badan warkooda la helin.

Yaa fadhiyo gudiga cabashada NRK:

13 kamid ah 14-ka qof ee fadhida gudiga cabashada NRK waa norwiiji asal ah, halka hal gabar oo kaliya ay ka tahay ajnabi. Waxaana halkaas laga dheehan karaa sababta uu gudiga cabashada ay jawaab noocaas oo kale ah ay uga kbixiyeen barnaamijka ay intaas oo qof oo soomaali ah ay kasoo cowdeen.(Halkan ka daawo gudiga cabashada iyo qaabka ay u shaqeeyaan)

Xigasho/kilde: Medier24.com, NTB/Avisen-Agder , Dagbladet.no, NRK

[adsenseyu2]

 

 

Dowlada turkiga oo u yeertay safiirka Norway u fadhiyo Turkiga, si su´aalo loo weydiiyo

Dowlada Turkiga ayaa u yeertay safiirka Norway ee dalkaas, si uu ugu jawaabo su´aalo la xiriiro magangalyo ay Norway siisay askar Turki ah, kuwaas oo dowlada Turkiya ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii hore.

Norway ayaa  magangalyo siisay afar askari oo katirsan ciidamada Nato ee Turkiga iyo diblumaasi Turki ah, kuwaas oo xiliga uu inqilaabka dhacayay ku sugnaa dalkan Norway.

Qaar kamid ah ciidankan Turkida ah ee Norway iska soo dhiibay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadii ay Turkiga ku noqdaan, ay ka baqayaan inay la kulmaan ciqaab iyo jirdil. Iyaga oo 2 bil kadib inqilaabkii lagu soo amray inay dib ugu soo noqdaan Turkiga, si ay uga jawaabaan su´aalo la xiriira inqilaabka.

[adsenseyu2]

Reysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Numan Kurtulmuş ayaa  sheegay in wax aan loo dulqaadan karin qaadan ay tahay, in Norway ay magangalyo siiso dad uu ku tilmaamo shufto kamid ah kooxda wadaadka Fettulah Gülen, oo la aaminsanyahay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay inqilaabkii dhicisoobay ee 2016. Wuxuuna shuruud ka dhigay in Norway ay ciidankaas dib ugu soo celiso Turkiga, hadii la rabo in xiriir wanaagsan uu dhexmaro labada wadan.

Tirada dadka kasoo jeedo dalka Turkiya ee iska soo dhiibaya Norway, ayaa sare u kacday tan iyo inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay sanadkii hore.

Norway iyo Turkiga ayaa ka wada tirsan gaashaan-buurta xulafada Nato, waxeyna u egtahay in arintan ay saameyn balaaran ku yeelan karto xiriirka labada dowladood.

Xigasho/kilde: VG, NRK

[adsenseyu2]

Ap oo ugu danbeyn aqbalay inuu taageero mooshinka awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka

Sida uu qorayo wargeyska Vårt Land, xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa ugu danbeyn go´aan ka gaaray taageerida mooshinka baarlamaanka ee ku saabsan, awood ka qaadista kala noqoshada sharciyada jinsiyada(dhalashada) ee hey´ada laanta socdaalka UDI-da.

Sida uu sheegay afhayeenka xisbiga shaqaalaha ee arimaha soo galootiga Stein Eirik Lauvås, Ap ayaa go´aansaday inay taageero siiyaan mooshinkaas baarlamaanka, iyaga oo raacay xisbiyadii kale ee horey taageerada u siiyay.

[adsenseyu2]

Taageerada Ap, waxey ka dhigantahay in mooshinkaas uu marlabaad helay tiro codad aqlabiyad ah oo uu ku meel-maro, waxa kaliya oo hada dhimana ay tahay in baarlamaanka la horkeeno si loo ansixiyo.

Wasaarada dastuurka dalkan Norway ayaa dhowr isbuuc kahor, wareegto ay soo saartay ku amartay hey´ada laanta socdaalka ineysan gaarin wax go´aan dib ugala noqosho sharci jinsiyadeed ah ilaa amar danbe.

Dowlada hada talada heyso gaar ahaan wasiirada arimaha soo galootiga, Sylvi Listhaug ayaa isku dayday inay isbaaro u dhigato soo jeedintaas/mooshin, balse waxey hada u egtahay mid ku guuldareysatay isku daygii ay sameysay.

Xigasho/kilde: Vårt-land-Papiravis-(23-03-2017, side 10-11)

[adsenseyu2]

NRK: Kumanaan qof oo ka carartay kaamamka Norway bilihii ugu danbeeyay

Sida uu qorayo Tvga qaranka Norway ee NRK, waxaa bilihii ugu danbeeyay kaamamka Norway ka baxsaday kumanaan qof oo si dhuumasho ah uga tagay kaamamka.

Dadkan ka baxsaday kaamamka ayaa isugu jiro kuwo aaday wadamo kale sida Faransiiska iyo kuwo magaalada galay oo ku iibiyo mukhaadaraad si ay nolol maalmeedka uga soo baxsadaan. Waxaa sidaas NRK u sheegay Oddvar Årdar oo ah madaxa kaam ay dowladu leedahay. Wuxuuna sheegay in habeenkii ugu danbeeyay ay ugu yaraan labo qof oo cusub ka baxsadeen kaamka uu madaxda yahay.

Tirada dadka ka baxsaday kaamamka Norway ayaa kor u kacay dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay. Sababta arintan keeneyso ayaa lagu tilmaamay inay tahay iyada oo xiliyadii ugu danbeeyay ay dowlada Norway kor u qaaday dadka loo celinayo wadamadii ay ka yimaadeen, kadib marka ay diidmo ka helaan codsigooda magangalyada. Waxeyna arintaas cabsi ku abuurtay dadka kale ee kujiro kaamamka, sida uu sheegay Oddvar.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

 

Wiil soomaali dhalinyaro ah oo ku geeriyooday xaafada Stovner ee magaalada Oslo

Sida aan kasoo xiganeyno ilo kala duwan oo xog ogaal ah, waxaa Allah ha u naxariistee xaafada Stovner ee magaalada Oslo ku geeriyooday wiil soomaali dhalinyaro ah, oo da´diisa naloogu sheegay labaatameeyo sano(+-20).

Sida aan kasoo xiganeyno dad ka agdhow qoyska wiilka geeriyooday, waxaa meydka marxuumka gacanta ku hayo booliska Oslo oo baaritaan ku hayo dhacdadan.

 

Ugu yaraan 4 qof oo ku dhimatay weerar lagu qaaday xarunta baarlamaanka UK

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa 20 qof oo kalena wey ku dhaawacantay weerar maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka UK ee kutaal magaalada London. 

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah askari boolis ah oo mindi lagu dilay iyo sadex caruur yar-yar oo iskuuley ah. 

Booliska London ayaa sheegay iney toogasho ku dileen nin ay u maleynayaan inuu yahay ninkii weerarka ka danbeeyay. Waxeyna raaciyeen in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso. 

Dhamaan warbaahinta caalamka, gaar ahaan kuwa galbeedka ayaa dhacdadan si aad ah u hadalheyso. Wixii kusoo kordha gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

 

Wasiirka cusub ee waxbarashada Soomaaliya, wuxuu katirsanyahay jaaliyada soomaaliyeed ee Norway

Shaley ayuu soo baxay liiska golaha xukuumada cusub ee Reysulwasaare Hassan Kheyre. Waxaana golahaas kasoo dhex-muuqday Cabdirahmaan Daahir Cismaan oo loo magacaabay wasiirka cusub ee waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Soomaaliya.

Cabdirahman ayaa kamid ahaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, isaga oo waxbarashadiisa ka qaatay jaamacada Oslo. Wuxuuna horey uga soo shaqeyn jiray hey´ada NRC oo ah hey´ad samafal oo Norway laga leeyahay.

Magacaabista Cabdirahmaan waxey sii kordhineysaa saamenynta balaaran oo ay jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ay ku dhex-leeyihiin dowlada cusub ee Soomaaliya. Maadaama Reysulwasaare Kheyre, Gudoomiye Jawaari iyo Taliyaha SNA ay intuba kasoo jeedaan soomaalida reer Norway. Sidoo kale waxaa intaas dheer in ugu yaraan 7 kamid xubnaha baarlamaanka DFS ay reer Norway yihiin.

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.