torsdag, april 25, 2024

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway oo 25 Maarso lacag uruurin sameyn doono

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay guud ahaan daafaha wadankan Norway ka socday dadaalo kala duwan, oo ay wadeen jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norway, kuwaas oo ku saabsana gurmadka dadku ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.

Gudiga gurmadka abaaraha ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, oo ah gudi isku dhaf ah oo ka kooban gudiyo-abaareed dhowr ah oo isku tagay, ayaa go´aamiyay in 25-ka bishan aan kujirno ee Maarso, ay noqon doonto maalinta gurmadka abaaraha qaran ee soomaalida Norway.

Waxaana la isku afgartay in maalintaas soomaalida Norway, meel ay joogtaba ay si wadajir ah u sameyso lacag uruurinta gurmadka abaaraha. Iyada oo magaalooyinka qaarna, ayba mar hore shaqo-galeen, isla markaana ay bilaabeen lacag uruurinta.

Hey´ada Xanaano iyo masaajidka Towfiiq Oslo:

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway ayaa sidoo kale go´aamiyay in hey´ada kheyriga ah ee Xanaano loo wakiisho lacag uruurinta, maadaama ay kamid tahay hey´adaha faro ku tirista soomaalida ah ee leh leysinka/ogolaanshaha lacag uruurinta.

Sidoo kale waxey gudigan go´aamiyeen in dhamaan lacagta soo uruurta ee gudiga gurmadka abaaraha, la isugu geeyo masaajidka soomaalida ee Towfiiq, halkaasna lagu tiriyo iyada oo saxaafadu ay goob-joog ka tahay.

Takaasileyda Oslo ayaa iyaga dhankoodana sheegay iney si weyn uga qeybqaadan doonaan gurmadka abaaraha. Iyaga mar horeba bilaabay inay dhexdooda lacag iska uruuriyaan.

Waxaa iyadna jirto gabdho(Hooyooyin) soomaali ah, kuwaas oo sheegay inay sameyn doonaan cunto lagu iibiyo magaalooyinka iyo waliba iskuulada, lacagta kasoo baxdana loogu deeqi doono gurmadka abaaraha.

Magaalooyinka uu gudiga lacag uruurinta ka sameyn doono:

Gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Norway, ayaa NorSom News u sheegay in magaalooyinka ay xaqiijiyeen ilaa hada in lacag-uruurin ay ka  25-ka maarso, ay kamid yihiin:

Oslo/Akershus, Trondheim, Bergen, Kristiansand, Kristiansund, Tønsberg, Arendal, Stavanger, Gran, Lunner, Larvik, Molde, Sunndal-søra, Ålesund. 

Waxey sidoo kale noo sheegeen inay xiriir la sameeyaan magaalooyin kale oo badan, iyaga oo rajeynayo in magaalo walba oo soomaali ay degantahay oo Norway ku taalo, maalintaas laga istaago. 

Iyaga oo sidoo kale codsaday in hadii ay jiraan dad raba inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha, magaalooyinkoodana ka istaaga, ay xiriir lasoo sameeyaan.

 

Vips(92953): Hadii aadan fursad u heysan:

Hadii aadan fursad u heli karin, inaad kasoo qeybgasho gurmadka abaaraha, waxaad adiga oo gurigaaga joogo uga qeybqaadan kartaa Vips. Numberkiisuna uu yahay 92953

Xiriirka gudiga Gurmadka: 

Ubah Abshir: 97-13-70-32

Ahmed Xanaano:95-11-22-73

Jaamac Yusuf: 94-82-34-82

Dhamaanteen aan ka qeyb-qaadano gurmadka dadkeena ay abaaruhu saameeyeen.

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x