tirsdag, april 23, 2024

(Xog-ogaal): Ap oo ay u badantahay inay taageeraan mooshinka awood ka qaadista UDI-da

Xisbiga Ap ayaa isbuucyo kahor dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay uga soo fakaraan taageerada ay siiyeen mooshinka baarlamaanka ee ku saabsan awood ka qaadista UDI-da, ee dib ugala noqoshada sharciga jinsiyada. Waqtiga ay Ap dalbadeen ayaa ku eg kowda bisha soo socoto ee April, oo ay inaga xigaan 10 maalmood oo kaliya. 

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso siyaasiyiin soomaali iyo norwiiji ah oo katirsan xisbigaas, Ap ayey u badantahay inay taageerada siiyaan mooshinkaas ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada lagu wareejiyo maxkamadaha. 

Dhimashada ama meel-marka mooshinkaas ayaa ku xiran taageerada Ap. Hadii uu Ap taageero wuxuu noqonayaa mid meel-maro, hadii ay ka noqdaana, halkaas ayuu ku bur-buri doonaa. 

Kowda April ayaan arki doonaa warka rasmiga oo ay Ap kasoo saaraan taageerada mooshinkaas.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x