lørdag, april 20, 2024

Canada oo 21 milyan ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya

Dowladda Canada ayaa lacag gaaraysa 21 milyan oo doollar ugu tala-gashay in wax looga qabto abaarta ka taagan Soomaaliya, sida u ku dhawaaqay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada, Axmed Huseen.

 

Dhinaca kale, dowladda Canada ayaa sheegtay inay dhaqaalo badan ugu deeqi doonto dhowr dal oo marxaladdo kala duwan ku jira. Kuwaaso kala ah Nigeria oo heli doonta 27 million oo doollar,Koonfurta Suudaan 37 million oo doollar iyo dalka Yemen oo loo qoondeeyey 34 million oo doollar.

Inkasta oo lacagahan loogu deeqo Soomaaliya ama lagu bixiyo magaceeda, hadana xaqiiqadii aad ayey u yartahay inta soo gaarto hadafka loogu talo-galay ee ah wax ka qabashada abaaraha. Maadaama qeybo badan oo kamid ah ay ku baxaan Logistikk, Adminstrasjon, Shaqaalaha hey´adaha iyo musuq-maasuq ba´aan oo ka dhex-jiro hey´adaha dowlada Soomaaliya iyo kuwo maamul goboleedyada.

Xigasho/kilde: Thestar.com

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x