torsdag, november 28, 2024
Home Blog Page 249

Somalia anklager Saudi-Arabia for bombing av flyktningbåt

Dowlada Soomaaliya ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay weerarkii xasuuqa ahaa ee lagula kacay qoxootiga soomaaliyeed ee marayay bada cas. Weerarkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 42 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas le´eg ama ka badan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladaha xulafada ah ee duqeynta ka wada Yeman, ka codsaTay in xaqiijin iyo baaritaan ay ku sameeyaan sida uu ku dhacay xasuuqaas.


Somalias regjering gir den Saudi-ledede militæralliansen i Jemen skylda for luftangrepet som kostet minst 42 somaliske båtflyktninger livet. 

Utenriksdepartementet i Mogadishu ber den USA-støttede koalisjonen om å etterforske det som omtales som et forferdelig angrep.

– DET ER VELDIG TRIST Å ANGRIPE EN BÅT MED SOMALISKE MIGRANTER, HETER DET I UTTALELSEN.

Den internasjonale organisasjonen for migrasjon (IOM) bekreftet fredag at 42 mennesker, mange av dem kvinner og barn, ble drept i angrepet.

En rekke kilder har opplyst at det skutt mot båten fra et kamphelikopter, men det er foreløpig ikke klart hvem som står bak angrepet natt til fredag.

Les saken videre her: ABC-NYHETER.COM

[adsenseyu2]

Germany: Wiil soomaali ah oo mindi lagu dilay magaalada Nauen

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Germany, waxaa magaalada Nauen ee gobalka Brandenburg mindi lagu dilay wiil soomaali ah oo da´diisu ay aheyd 28 sano jir. Waxaan dilkiisa ka danbeeyay wiil kale oo soomaali ah oo da´diisu ay tahay 25 sano jir.

Warbaahinta Germany oo soo xiganeyso booliska magaalada Nauen ayaa qorayo in labadan wiil ee soomaalida ah uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kaas oo aakhirkii sababay inay mindi isku adeegsadaan. 

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cabdalle ibrahim weerar, halka ninka dilka geystay lagu magacaabo Siciid Maxamed Cumar Jeex. 

Labadan wiil ee soomaalida ah ayaa la sheegay inay ahaayeen saaxiibo isku dhow. Waxeyna labadooduba Germanka soo galeen xili aan dheereyn.

[adsenseyu2]

 

SV oo isku raacay in dib loo dhigo ka hadalka mamnuucista gudniinka wiilasha

Xisbiga SV oo shaley lagu balansanaa inay ka arinsadaan khilaaf dhexdooda ah oo ku saabsan mamnuucista gudniinka wiilasha yar-yar, ayaa isku raacay in dib looga dhigo ka hadalka qodobkaas. 

Wadaadada macbadyada(synegoga) yuhuuda ayaa arintaas wel-wel ka muujiyay, iyaga oo sheegay inay dhibaato ku tahay xoriyada diinta ee qofka. Waxaana muuqato in arintaas ay saameynteeda laheyd.

Yuhuuda ayaa caado ahaan si lamid ah sida muslimiinta u guda wiilasha marka ay yar-yar yihiin.

SV ayaa go´aansaday in arintaas looga hadlo shirarka danbe ee xisbiga, isla markaana aan lagu deg-degin go´aan ka gaaristeeda. 

Xigasho/kilde: Vårt-land-papiravis

[adsenseyu2]

Gudiga cabashada NRK oo isbuuca soo socdo ka shiri doono cabashadii soomaalida ee barnaamijka NRK

Gudiga cabashada ee NRK ayaa isbuuca soo socdo leh shir looga hadlayo cabashooyinkii ay dadweynuhu kasoo gudbiyeen barnaamijka ka baxa TV-ga.

Gudigan ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin tiro badan, sidaas darteed aysan kuligood ka wada shaqeyn karin. Ayna ku qasbanyihiin inay doortaan qaar kamid ah cabooshinkaas oo ay shirkooda uga hadli doonaan.

Cabashooyinkii ay soomaalidu kasoo gudbisay barnaamijkii Febraury ka baxay NRK ee Trygdekontoret, ayaa kamid ah waxyaabaha ay gudigaas kaga hadli doonaan shirkan dhaci doono isbuucan soo socdo.

Wixii ay kasoo saaraan shirkaas iyo jawaabta NRK, waan soo gudbin doonaa isbuuca soo socdo.

Xigasho/kilde: Journalisten.no

[adsenseyu2]

Keating: Soomaalidu waxey ka careysanyihiin in badooda sharci-daro looga kaluumeysto

Ergeyga gaarka ah ee qaramada u qaabilsan soomaaliya Michael Keating oo isbuucan booqasho ku joogay dalkan Norway, ayaa wareysi gaaban oo uu siiyay wakaalada wararka Norway ee NTB ku sheegay in soomaalida bur-cad badeeda noqotaa ay yihiin dad ka careysan in kaluunkooda sharci daro lagu qaato.

Keating oo ka hadlaya arintii markabkii dhawaan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay in kaluumeysata soomaalida ah aysan awood u laheyn inay la tartamaan doomaha sharci-darada kaga kaluumeysta Soomaaliya, maadaama aysan heysan qalab iyo doomo casri ah. Taasna ay dhalineyso caro, xagooda ah.

[adsenseyu2]

Wuxuuna sidoo kale raaciyay inay muhiim tahay in la sameeyo sharci qeexaya xuquuq-qeybsiga kaluumeysiga xeebaha Soomaaliya. Isla markaana ay soomaalidu u baahanyihiin fursado ay ku abuuran karaan shaqo, si ay uga faa´iideystaan kheyraadka kaluumeysiga xeebahooda iyo waliba kheyraadka kale ee Soomaaliya.

Keating ayaa sidoo kale raaciyay in soomaalidu ay yihiin dad shaqo iyo howl-karmeed ah, hadii aysan helin sifo sharciyeysan oo ay ku shaqeystaan, ay heli karaan wado aan sharci aheyn.


At det igjen er kapret et skip utenfor Somalia, må være en vekker. Nå må somaliere få mulighet til skaffe seg lovlig levebrød, sier FNs spesialutsending.

Innsatsen mot piratene har gjort de rike fiskeområdene trygge, men det har ført til omfattende uregulert fiske.

-Somalierne kan ikke konkurrere, for de har ikke båtene og utstyret. Sett fra deres ståsted kommer alle andre og tar fisken deres. Det er de ganske opprørt over, sier Keating.

Også landsbyledere i Alula i den delvis autonome staten Puntland opplyser at piratene var sinte på grunn av ulovlig fiske.

-Utfordringen er å lage et sterkere juridisk rammeverk for å fordele fiskerettigheter. Somaliere trenger flere muligheter til å skaffe seg jobb og utnytte landets fiskeriressurser, sier Keating

Dersom disse spørsmålene ikke blir håndtert vil folk ty til ulovlige måter å tjene penger på. Somalierne føler de ikke får muligheter. Dette er et driftig folk. Dersom de ikke finner lovlige måter å tjene penger på, vil de se etter andre muligheter, sier Keating.

Les saken videre her: MSN-NTB

[adsenseyu2]

Kheyre oo la kulmay safiirka Norway ee Soomaaliya

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Norway u fadhiyo wadamada Kenya iyo Soomaaliya, Amb. Victor Ronneborg.  Kulankaas oo la sheegay in looga wada hadlay adkeynta xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Norway.

Labadan masúul ayaa baraha ay kuleeyihiin Twitterka ku xusay kulankaas, iyaga oo labadooduba ay sheegeen inuu ahaa mid guul kusoo dhamaaday.

Kulankan RW. Kheyre iyo Amb. Victor ayaa kusoo aaday maanta xili wasiirka arimaha dibada Norway uu kulan la lahaa ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Norway ayaa kamid ah wadamada taageerada dhaqaale ee ugu badan siisa Soomaaliya, iyada oo bil kahor ay dowlada Norway sheegtay inay lacag dhan 7 milyan oo Dollar, taas oo loogu talo-galay wax ka qabashada abaaraha.

[adsenseyu2]

Denmark oo dalkeeda ka masaafurineyso wiil soomaali ah oo dhac u geystay oday waayeel ah

Maxkamada sare ee dalka Denmark ayaa go´aamisay in dalkaas laga masaafuriyo wiil soomaali 25 sano jir ah, kaas oo Denmark degenaa mudo 19 sano ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inuu dhac u geystay oday waayeel 71-sano jir ah.

Dhacdadan loo xukumay wiilkan soomaaliga ah ayaa dhacday sanadkii 2015. Wuxuuna gurigiisa ugu dhacay odaygan 71-sano jirka ah, isaga oo ugu hanjabay mindi, isla markaana gaarsiiyay nabaro waaweyn, kana tagay isaga oo dhiig-baxayo.

Maxkamada darajada koowaad ayaa wiilkan oo markaas jiray 23-sano, ku xukuntay afar sano oo xabsi ah, laakiin dac-wad oogayaasha dowlada ayaa qaatay racfaan. Maxkamada darajada labaad ayaa xukunka wiilkan ku kordhisay lix bilood, iyada oo diiday inay aqbasho codsiga dac-wad oogayaasha ee musaafurinta wiilkan.

Mar labaad ayey racfaan qaateen, iyaga oo dacwada u gudbiyay maxkamada sare oo ugu danbeyn dac-wad oogayaasha dowlada ku raacday codsigeedii ahaa in wiilkan laga musaarufiyo Denmark.

[adsenseyu2]

Sida ay qorayaan warbaahinta Denmark, 25-jirkan soomaaliga ah ayaa horey usoo geystay falal-danbiyeedyo isugu jiro dhac iyo boob dadweyne. Waxeyna maxkamada sare ku saleysan go´aankeeda, in hadii wiilkan uu sii joogo dalkaas, ay u badantahay inuu mar kale falal-danbiyeedyo shaqsiyeed geysanto.

Maxmakada sare ayaa sidoo kale raacisay in ninkan uusan sifiican ula qabsan mujtamaca Denmark, uuna qaadan wax waxbarasho ah, isla markaana uusan xiriir la laheyn suuqa shaqada dalkaas. Taas oo ay sabab uga dhigtay in go´aankan uusan kahor imaan karin xeerka xuquuqul insaanka  midowga Yurub.

Xigasho/kilde: Politiken.dk, MX.DK

[adsenseyu2]

Sweden oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Wasaarada arimaha dibada dalka Sweden ayaa qoraal ay soo saartay muwaadiniinta u dhashay dalkaas uga digtay, inay u safraan dalal ay kamid tahay Soomaaliya. Waxeyna si gaar ah uga digtay inay ka gudbaan xuduudka u dhaxeyso Soomaaliya iyo Ethopia.

Sidoo kale waxey Sweden ka digtay in muwaadiniinteedu, ay u safraan dhulka ay Ethopia ka heysato Soomaalida(Kilalka Ethopia ay xooga ku gumeysato). 

Dowlada Sweden ayaa digniinteedan sabab uga dhigtay xaaladaha amaanka aagaas oo aan la isku haleyn karin. 

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

 

SV oo ku muransan mamnuucista gudniinka wiilasha yar-yar

Xisbiga SV gudihiisa ayaa waxaa ka jiro muran ku saabsan gudniinka wiilasha yar-yar. Iyada oo qeyb kamid ah SV ay rabto in la mamnuuco, qeybta kalena ay kasoo horjeedo mamnuucista gudniinka wiilasha.

Maanta oo jimce ah ayuu xisbiga SV leeyahay shir sanadeedkiisii qaran, waxaana lagu wadaa in qodobkaas  ay go´aan ka gaaraan.

Mamnuucista gudniinka wiilasha, saameyn kuma yeelan doono muslimiinta oo kali ah, balse wuxuu sidoo kale saameynayaa qowmiyada Yuhuuda.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

 

NTB:33 qoxooti soomaali ah oo lagu xasuuqay duqeyn ka dhacday xeebaha Yeman

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa weerar duqeyn cirka ah lagu dilay 33 qof oo qoxooti soomaaliyeed, xili ay saarnaayeen doon socotay xeebaha dalka Yeman. Waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay dad gaarayo 35 qof. Dadka lagu xasuuqay weerarkan ayaa u badan dumar iyo caruur.

NTB oo soo xiganeyso wakaalada wararka kooxda xuutiyiinta Yeman ee SABA, ayaa qoreyso in weerarkaas uu ka dhacay gobalka Xudeyda, meel u dhow marinka Baabul-Mandab.

[adsenseyu2]

Meydadka dadka ku dhintay weerarkan ayaa loo soo qaaday isbitaalada magaalo xeebeedka Xudeyda ee gacanta ugu jirto kooxda Xuutiyiinta. Waxaana arintaas xaqiijiyay afhayeen u hadlay hey´adaha caafimaadka magaaladaas, iyo waliba qof katirsan xarumaha caafimaad qaramada midoobay.

Lama oga cida ka danbeyso weerarkaas lagu xasuuqay qoxootiga soomaaliyeed ee saarnaa doonta socotay bada cas, laakiin waxaa sanadadii ugu danbeeyay magaalada Xudeyda ka socday duqeyn cirka ah oo ay wadaan dowlada xulufo oo Sucuudiga uu hormuud u yahay.

Inkasta oo dagaalo ay ka socdaan dalka Yeman, hadana waxaa wali jiro dad u tahriibo wadankaas, si ay uga sii gudbaan wadamada Khaliijka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hada wax war ah kasoo saarin dadkaas soomaaliyeed ee lagu xasuuqay weerarkaas.

Xigasho/kilde: NTB/BT(33 somaliske flyktninger er drept i en båt utenfor kysten av Jemen, ifølge det opprørskontrollerte jemenittiske nyhetsbyrået SABA.)

[adsenseyu2]

Imisa qof oo soomaali ah ayaa sanadkii hore(2016) heshay sharciga jinsiyada dhalashada Norway?

Hey´ada laanta socdaalka ee UDI ayaa soo saartay tirada inta qof ee heshay sharciga jinsiyada dalkan Norway, sanadkii hore ee 2016.  Isku-dar dad tiro ahaan gaarayo 13 704 qof ayaa sanadkii hore noqday muwaadiniin norwiiji ah, kadib markii ay heleen sharciga jinsiyada(hoos ka fiiri tira-koobka UDI-da).

Dad soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareyso 1 194 qof ayaana kamid ah dadkaas sanadkii hore helay sharciga jinsiyada dhalashada wadankan. Waxeyna soomaalidu kujirtaa kaalinta 2-aad ee dadka ugu badan ee sanadkii hore helay sharciga dhalashada, marka laga reebo dadka kasoo jeedo dalka Ereteriyaanka. 

 

Tirada dadka soomaalida ah ee sanadkii hore qaatay sharciga jinsiyada, ayaa waxaa ku yimid kor u kac aad u badan. Iyada oo sanadkii kasii horeeyay ee 2015 ay jinsiyada heleen 450 qof oo soomaali ah. (Halkan ka akhriso warbixintii aan arintaas ka qorney bishii Mai ee sanadkii hore).

Xigasho/kilde: UDI.NO (Halkan ka fiiri liiska oo dhan). 

[adsenseyu2]

Haugesund-avis: Muno Waxbarashadii 10 sano lagu qaadan jiray ayey sadex ku qaadaneysaa

Boga koowaad ee wargeyska Haugesund Avis waxaa shaley ku sawirnaa hooyadan soomaalida ah ee lagu magacaabo Muno Alason Ibrahim oo Norway timid shan sano kahor.

 Haugesund Avis ayaa warbixin dheer oo xiiso leh ka diyaariyay dhowr qof oo ay kamid tahay hooyadan soomaalida ah ee afarta caruurta heysata, dhinacna ka dhigata iskuul. Iyada oo sadex sano rabto inay ku qaadato waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo norwiijigu ay 10-sano ku qaataan.

Hooyadan soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto inay sii qaadato waxbarasho heer jaamacadeed oo Sykepleier ah(Kal-kaaliso caafimaad). Dadaalka iyo waxbarashadeeda gaarka ah, waxaa u dheer casharo ka caawinta(leksehjelp) caruurta ay dhashay oo iyagana ardey ah.

Labada wariye ee warbixinta ka qoray hooyadan soomaalida ah, waxaa ka muuqato inay la yaabanyihiin dadaalka iyo hamiga kujiro.

Yaa yiri soomaalidu horey uma socdaan?

Xigasho/kilde: Haugesund Avis-papiravis-(15-Mars-2017, side 28)

[adsenseyu2]

 

Xayiraadii Donald Trump oo markale cirka loo laaley. D.T VS Nidaamka maxkamadaha US

Xaakin katirsan gobalka Hawaii ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xayiraadii uu Donald Trump kusoo rogay muwaadiniinta kasoo jeedo 6 wadan oo islaam ah. Waxeyna noqon doontaa markii labaad oo uu xaakin isla horistaag ku sameeyo wareegtooyinka amar ku taagleynta ah ee Donald Trump.

Bil kahor ayey aheyd markii xaakin ka tirsan kuwa federaalka uu laaley xayiraadii koowaad ee Donald Trump uu kusoo rogay 7 wadan oo islaam ah. D.T ayaa dib ugu noqday sharciyada xayiraadiisa, isaga oo isbadal weyn ku sameeyay. Laakiin markii labaad ayaa hadana laga horistaagay fulinta wareegtada uu kusoo saarey xayiraada.

Arintan ayaa markale cashar xaga dowladnimada ah u noqon doonto Donald Trump, oo dowladnimada u qaatay inay tahay shirkad ganacsi oo uu qofku milkiyad u leeyahay. 

Xigasho/kilde: NTB.no

[adsenseyu2]

UDI: 1761 qof soomaali ah ayaa sharciga degenaansho heshay sanadkii 2016

Hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa soo saartay tirakoobka dadka sanadkii lasoo dhaafay helay sharciga degenaanshaha rasmiga ah (Permanent oppholdstillatelse). 

Isku dar dad gaarayo 16 837 qof oo soo galooti ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay shelay sharciga degenaanshaha rasmiga ah. Iyada oo guud ahaan 94% dadkii codsaday loo ogolaaday inay helaan sharciga degenaanshaha rasmiga ah.

1761 oo soomaali ah:

Sida ku xusan tirokoobka UDI, waxaa sanadkii hore sharciga degenaanshaha helay 1761 qof oo soomaali ah. Waxeyna soomaalida kujirtaa kaalinta labaad ee dadka ugu abdan ee helay degenaanshaha, marka laga soo tago Ereteriyaanka (hoos ka fiiri liiska dalalka oo dhan).

Tiradan ay UDI soo saartay ee ku saabsan soomaalida heshay degenaanshaha, ayaa ah mid xiiso gaar ah leh. Maadaama sanadkii hore ay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 1600 qof oo soomaali ah. Waxaana jiro dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo sanad iyo ka badan jawaab ka sugayo codsiyada degenaanshaha ay codsadeen.

Xigasho/kilde: UDI.NO

[adsenseyu2]

 

 

 

 

 

Høyre oo ogolaaday in qofku uu heysan karo labo dhalasho

Xisbiga Høyre ayaa shir sanadeedkii sanadkan oo dhacay maalmo kahor, ku meel-mariyay inay taageersanyihiin in qofku uu labo dhalasho oo kala duwan isku heysan karo.

Dooda ku saabsan jinsiyadaha, ayaa socotay isbuucyadii ugu danbeysay. Waxaana doodaas udub-dhexaad u ahaa kiiska Mahad Abiib iyo kiiska qoyska kasoo jeedo Lubnaan.

 

In la xadido xiliga kala noqoshada jinsiyada: 

Høyre ayaa sidoo kale sheegay inay kasoo fiirsan doonaan soo jeedinta ay xisbiyada qaarkood soo jeediyeen, ee ku aadan in la xadido xiliga qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada, iyada oo loo eegayo inta sano ee uu wadanka degenaa.

Xisbiyada KRF iyo SV ayaa soo jeediyay in mooshin arintaas ku saabsan baarlamaanka la geeyo. Waxaana u riyaaqay Sp, Ventre iyo MDG. Halka Ap uu kasoo horjeestay ama uu diiday inuu taageero.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

UDI: Waxaan fileynaa in sanadkan ay 7.000 oo magangalyo doonayaal ah ay Norway iska soo dhiibaan

Hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI, ayaa sheegtay in sanadkan aan kujirno ee 2017, ay fileyso in Norway ay magangalyo soo weydiistaan 7.000 qof.

Sanadkii nasoo dhaafay ee 2016, ayaa waxaa Norway magangalyo weydiistay 3460 qof. Tiradaas oo aheyd midii ugu yareyd mudo labaatan sano ah.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

 

 

Musharaxa xisbiga xagjirka oo ay u badantahay inuusan heli doonin codadka ugu badan

Waxaa hada socoto tirinta natiijada codadka doorashada ee maanta ka dhacday dalka Holland/Netherland. 

Xisbiga reysulwasaaraha hada talada hayo ayaa wali wata cododka ugu badan, iyada oo musharaxa xisbiga xagjirka ee Geert Wilders ay haleeshay guul-daro lama filaan ah. 

[sdonations]1[/sdonations]

Sida ay hada ku socoto natiijada, waxey u badantahay in xisbina uusan helin codad ku filan oo uu xukuumad kaligiis ku dhisan karo Waxeyna taas keeni doontaa in wada-shaqeyn ay dhex-marto xisbiyada. Inta badan xisbiyada ka qeybgalay doorashada, ayaa diidan inay la shaqeeyaan musharaxa xagjirka midigta fog ah ee Geert Wilders. 

Ninkan ayaa balanqaaday in hadii uu ku guuleysto doorashada uu xiri doono masaajida dadka muslimiinta. 

[adsenseyu2]

Maxaan ka baran karnaa cabashadii soomaalida ee barnaamijkii NRK?

20-kii bishii bishii hore ee Febraury ayey aheyd markii uu soo baxay barnaamijka trygdekontoret ee ku saabsanaa soomaalida Norway. Isla maalinkiiba waxey soomaalida Norway bixiyeen dareen xoog leh oo ku saabsan barnaamijkaas, waxyaabaha looga hadlay, dadka lagu casuumay iyo waliba qaabka loo dhigay.

Dad badan oo ka xanaaqsan barnaamijkaas ayaa naga codsaday inaan warqad cabasho/klage ah ah aan u dirno NRK, si aan u muujino dareenka soomaalida ee ku aadan barnaamijkaas.  Balse Waxaan go´aansanay inaan dadka usoo bandhigno feylka cabashada ee gudiga dib u eegista barnaamijyada ka baxa NRK, inaga oo dadka xusuusinayno in NRK lagu maamulo qeyb kamid ah canshuurta nalaga qaado. Isla markaana qofkii dacwad ka qabo barnaamijkaas uu si toos ah ula xiriiri karo NRK, isaga oo aan cid kale sii marin.

[sdonations]1[/sdonations]

Waxaa jirtay dad qabay fikrad ah, cabasho/klage wax masoo kordhineyso ee yeysan dadku isdaalin.

Maanta ayey timid natiijada cabashada ay direen dadka soomaaliyeed ee ka xumaa qaabka loo dhigay barnaamijkaas. Waxeyna noqotay mid waji-gabax ku ah TV-ga qaranka, gaar ahaan wariyihii barnaamijka waday. Inkasta oo aan dareensanahay in tiradu ay intaas ka badantahay, hadana gudiga cabashada NRK, ayaa sheegay in dadka klagaha usoo diray ay dhamaayeen 70 qof.  Warbaahinta Norway ayaa ilaa maanta hadalheyso arintaas, waxaana wax ka qoray tobanaan wargeys.

Maxaan ka baran karnaa bulsho ahaan arintaas:

  1. Wadankan waan deganahay, waxaan bixinaa canshuur, caruur ayaa noogu koreyso, mujtamacana qeyb ayaan kanahay. Sidaas darteed wixii ku saabsan danteena,  yaanan cidna marti sharaf uga noqon.

  2. In mar walba ay muhiim tahay inaan muujino dareenkeena ku aadan waxyaabaha dhaawaca u keeni karo sumcadeena, islamarkaana niyada ka dili kara ubadka wadankan ku koray ee aanan laheyn adkeysiga dadka waaweyn.

  3. Inay muhiim tahay in mar walba si wadar/koox ah wax loo wada qabto. Hadii 10 qof ay Klage diri laheyd, cidna wax kama soo qaadeen. Balse mar walba oo tirada ay badato, waxaa xoogeysanayo culeyska arintaas.

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.