tirsdag, april 16, 2024

Denmark: Hooyo soomaali ah oo horey 4 caruur ah looga qaatay oo maxkamada lasoo taagay

Haweeney 45 jir soomaali ah ayaa maxkamad lagu soo taagay mmagaalada København ee dalka Denmark, kadib markii lagu soo eedeeyay inay jirdil u geysan jirtay afar caruur ah oo ay dhashay.

Sida uu qorayo wargeyska Ektsrabladet, hooyadan soomaalida ah ayaa horey ay dowlada Denmark uga qaadatay afarta caruurta ah oo ay dhashay, kadib markii uu yimid shaki ah inay guriga garaacis/jirdil kula kulmaan. Afartan caruurta ah oo ka kooban 2 gabdhood iyo labo wiil ayey dowlada dalkaas la wareegtay xanaanadooda bishii Juni ee sanadkii 2016.

[adsenseyu2]

Da´da caruurtan ayaa kala ah:-11 iyo 15 (Labada dhabood). Halka wiilushuna ay kala jiraan 5 iyo 8 sano. Waxaana hada gacanta ku hayo hey´ada xanaanada caruurta dalkaas Denmark.

Kadib Baaritaan ay boolisku sameeyeen iyo wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay qoyskan qaadashada caruurta kadib, ayey boolisku magaalada København si kumeel gaar ah u xireen hooyadan soomaalida ah, bishii August ee sanadkii hore.

Waxeyna shaley kusoo oogeen dac-wad danbiyeed ah, inay waqti dheer jirdili jirtay caruurteeda afarta ah, iyada oo adeegsan jirtay waxyaabo ay kamid yihiin Xarig, Suun, Fiilo, iskoobe, kabo, Daabka- minidada iyo waliba gacanteeda. Hooyadan soomaalida ah ayaa iska fogeysay dhamaan waxyaabaha lagu soo eedeeyay, iyada oo diiday inay qirato danbiga ay boolisku sheegeen inay geysatay.  danbiga lagu oogay.

Dacwad oogayaasha  booliska ayaa sheegay in caruurta jirkooda ay ka muuqdaan nabaro tilmaamaya inay la kulmeen jirdil socday xili dheer.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x