onsdag, april 17, 2024

Ali Adan: Wiilkeyga luuqad aan Danish aheyn ma yaqaan, waxeyna rabaan inay Soomaaliya noo celiyaan

Warbaahinta Denmark ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalhayay xaalada dad qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowlada dalkaas ay kala noqotay sharciga magangalyada, kadib markii ay Denmark sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay.

Wargeyska Jyllands-posten ayaa warbixin ka diyaariyay aabahan soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ali Adan Mohamad oo dalkaas magangalyo weydiistay sanadkii 2012. Waqti yar kadib, waxaa Denmark soo gashay xaaskiisa, waxeyna sanadkii 2013 dalkaas ku dhaleen wiil yar.

Maalmo kahor ayaa loo soo diray warqad loogu sheegayo in lagala noqday magangalyadii ay ku joogeen dalkaas. Isla markaana waxaa lagu amray inay wadanka isaga baxaan.

Ali oo u waramay JP-Posten ayaa sheegay in hadii Soomaaliya lagu celiyo uu u cabsi qabo mustaqbalka wiilkiisa, oo uu ka baqayo inuu muto dhibtii uu isagu soo mutay. Wiilkan yar ee uu cali dhalay oo dalkaas ku dhashay, ayaa lagu qasbayaa in lagu celiyo wadan uusan waligiis arag.

Ali ayaa kamid ah kontomeeyo qof oo soomaali ah, kuwaas oo helay warqad loogu sheegayo in magangalyadii la siiyay lagala noqday, kadib markii badan laga qaaday wareysi.

Xigasho/kilde: YP-POSTEN.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x