fredag, juli 26, 2024

Norway oo loo doortay wadanka aduunka ugu nolosha fiican. Soomaaliya numberkee ayey kujirtaa?

Hey´ada qaramada midoobay u qaabilsan qiimeynta heerka nolosha ee wadamada aduunka( SDSN), ayaa wadankan Norway u dooratay inuu yahay wadanka 1-aad ee aduunka ugu nolol fiican( ama wadanka ay dadkiisu heystaan nolosha ugu sareyso). 

Norway oo sanadkii hore kujirtay kaalinta 4-aad ayaa hada soo gashay kaalinta 1-aad oo ay kala baxday Denmark. Halka Sanadkan ay Denmark soo gashay kaalinta 2-aad. Sweden ayaa soo ciriirsatay kaalinta 10-aad, iyada oo sanado kahor ay Sweden ku jiri jirtay sadexda wadan ee ugu sareyso liiskan.

[adsenseyu2]

Waxyaabaha lagu qiimeeyo sareyso waxaa kamid ah, xanaanada nolosha ee heerarka kala duwan ee qofka, maamul wanaaga, heerka dhaqaalaha dalkaas, hanaanka wax wada qeybsiga dadweynaha iyo dowlada, kifaalo-qaadka dowlada ee danyarta iyo marka uu qofku xanuunsado, ku kalsoonaanta hanaanka dowladnimo iyo waliba sida uu u egyahay mustaqbalka dhaqaale ee dalkaas.

-Soomaaliya: 93=Kaalinta 1-aad ee geeska Afrika

Soomaaliya oo kasoo kabaneyso colaado sokeeye oo ragaadiyay mudo nus qarni ah, ayaa soo gashay kaalinta 93-aad. Waxeyna ka horeysaa dhamaan wadamada geeska Afrika sida Suudaan, Ethopia, Kenya, Djabuuti iyo Uganda. Soomaaliya ayaa sidoo kale ka nolol fiican wadamada Ukrain, Masar, Tunusiya, Albania iyo ku dhawaad 60 wadan oo ku kala yaalo dhamaan qaaradaha aduunka.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x