fredag, mars 29, 2024

VG: PST oo laashay dacwada loo heystay wiil soomaali ah oo kamid noqday ururka Daacish

Sida uu qorayo wargeyska VG, hey´ada nabadsugida iyo sirdoonka dalkan Norway ee PST ayaa laashay dacwada loo heystay wiil 24 jir soomaali-norwiiji ah, kaas oo kamid ahaa ururka Daacish.

Wiilkan ayaa la xiray xagaagii sanadkii 2015, isaga oo markaas kasoo noqday dalka Siiriya oo uu mudo sagaal bilood ah ku sugnaa.

Vg ayaa qorayo in wiilkan uu qirtay inuu kamid ahaa ururkaas, isla markaana inuu ku sugnaa wadamada Ciraaq iyo Siiriya. Isaga oo muujyay inuu rabay inuu ku hoos-noolaado dowlad/nidaam islaami ah.

Inta uu socday baaritaanka lagu hayay dacwada wiilkan soomaaliga ah, waxaa la qiimeynayay inuu maskax ahaa taam ahaa xiliga uu falka lagu dacweeyay uu sameynayay.  Waxaana jiray macluumaad sheegaya in wiilkan uu xanuunsanaa kahor inta uusan aadin Siiriya sanadkii 2014.

Isbuucyo badan oo baaritaan ku wadeen kadib, waxey go´aamiyeen in 24-jirkan aan loo xisaabin karin dacwada danbiga loo heysto.

Maanta ayuu soo baxay warkan sheegaya in la laalay dacwadii loo heystay wiilkan soomaaliga ah. Waxaana sidaas VG u cadeeyay hey´ada sirdoonka ee PST.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x