mandag, mars 17, 2025
Home Blog Page 36

Booliska: Digniin kusocota dad waynaha si aan loo khayaamin.

Booliska gobolka Innlandd ayaa kadigaya in ilaa hada dhawr qof lagu khayaameeyey lenkiyo loo soodiray  lacag badana lagaga dhacay kadib markii ay fureen. 

Xili beryihii dambe ay aad usoo badanayeen kooxaha abaabulan ee internetka dadka kudhaca noocyo kala duwan oo farsamooyin ahna  adegsada si ay dadka u  khayaamaan. 

Ayaa waxaa booliska gobolka Innland  ay sheegayaan in ilaa caawa fiidkii ay lasoo xadhiidheen ilaa laba  qof oo qaab isku mid ah loo khayaamay koontadoodana lacag boqolaal kun ah  looga shubtay kadib markii ay u ogolaadeen inay gudaha ugalaan tuugadaasi qaab khayaano ah koontooyinkooda khaaska ah.

Booliska ayaa sheegay in labada qofba ay  u yimaadeen fariimo isku mid ah kuwaas oo u sheegaya in ay heleen fariin uga timi  hay’ada dawlada uqaabilsan aruurinta lacagaha ganaaxyada ee (statens innkrevingssentral), fariinta ayaa qofka siinaysa lenk si uu utago Digipost oo fariintu utaalo.

Madaxa arintan booliska uqaabilsan Bård Einar Hofts  ayaa sheegay in  qofku marka uu ku dhufto lenkiga ay u imaanayso fariin ah in wax khaldan yihiin uusana geli karim Digipostgiisa , waxyar kabacdina uu soowacayo qof sheegaya inuu kasocdo bangiga Sparebank1 Østlande waaxda caawinta macaamiisha, uuna ka caawinayo sidii qofku u geli lahaaa bangigiisa ama koontadiisa  sidaasna lagu gelayo gudaha koontadiisa.

Qofka dadka soo wacaya ayaa lagu qeexay inuu yahay qof aftahanimo iyo xirfad sare adeegsanaya, dadkana u muujinaya inuu xirfad sare  leeyahay kalsoonina ku abuuraya inta uu lahadlayo qofka , taasoo dadka ku kalifaysa inay  wada dhiibaan nambarada sirta ah, koontada bangiga iyo waxyaalaha kale ee uu markaaas uu ka dalbado waa sida uu Hofts faah faahintiisa ku sheegaye.

Dadka ayaa markaa kadib ogaada in bangigooda lagala baxay lacag tiro badan. 

Hadaba booliska ayaa dadka faraya inay ka dig toonaadaan  fariimaha noocaas ah oo aysan lenkiyada noocaasa furin, Waxaa  kaloo boolisku kudaray hadaad is leedahay waxaa kuu yimi fariimo kuuyaala bartaada Digipost waa inaad siyaabaha caadiga ah ee loogalo u gashaaa, mana jiro  lenkiyo hay´adaha dawladu ay kusoo diraan fariimo maaseej ahaan ah sida uu Hofts sheegay.

Xigasho/Kilde:  Politiet: To har blitt svindlet på tekstmelding

Xusuusin: Caawa ayaa saacada loo badalayaa xiliga sommerka.

0

Caawa oo ku aadan axada ugu danbeysa ee bisha Oktober, waxaa bilaaban doono waqtiga qaboobaha ama winterka, waxaana caawa saacadu marka ay tahay 2-da habeenimo waqtiga Norway horey dib loo celin doonaa hal saa( Hal saac ayaa dib loo helin doonaa.

Saacadaha digitalka ee ku xiran mobilada, baabuurta iyo computerada ayaa inta badan isku badala si iskood ah(Automatic ah), balse saacadaha ku xiran guryaha iyo kuwo aan digitalka aheyn ayaa u baahan in dib loo celiyo hal saac.

Midowga Yurub ayaa wada dood ku saabsan in guud ahaanba la joojiyo isbad-badalka waqtiyada xagaaga iyo qaboobaha ee saacada horey iyo gadaal loo celiyo. Waxeyna u badantahay in sanadka 2022 badalka saacada ee xiliga qaboobaha la joojin doono.

Vålerenga Fotballklubb: Arintani waa khayaano ee halaga digtoonaado.

Maamulka kooxda kubada cagta ee Vålerenga  Fotballklubb , ahna kooxaha Sportska ee Oslo ugu waawayn mid kamida, ayaa fariin udiray dadka inay jiraan kooxo dhalinyaro iyo dad waawaynba isugu jira oo dadka albaabada ku garaacaya iyaga oo sheegaya inay lacag u aruurinayaan kooxdaas, balse aan kooxda kasocon.

Maamulka  ayaa  arintaas ka digay oo sheegay inay beeen abuur tahay, iyo khiyaamo dadkuna ay ku baraarugsanaadaan oo aysan kasocon kooxdooda.

Sida maamulka kooxdu sheegeen waxaa soo gaadhay fariimo sheegaya inay jiraan  dad ka kooban dhalinyaro iyo dad waawaynba oo xaafadaha garaacaya iyaga oo buskud iyo cake gadaya una shegaya inay kooxda lacag u aruurinayaan oo magaca kooxda ku hadlayaan.

Agaasimaha kooxda Harriet Rudd ayaa sheegtay in naadigu leeyahay ganacsi noocas ah mararka qaar laakiin, dadka hawshaa wada ay sitaaan ID iyo Vipps laxidhiidha kooxda magaceeda  oo uusan ku qornayn qof gaara, balse wakhti xaadirkan aysan jirin ama socon arintaasi. 

Rudd ayaa sheegtay qofkii lakulma booqasho noocan oo kale ah inay lasoo xadhiidhan ama booliska laxidhiidhan, dadkaasina yihiin tuugo ku qudhaabanaysa magaca kooxda iyagana aan kasocon . 

Sanadkii hore ayay sidan  oo kale maamulka kooxdu arintan oo kale  uga digeen iyaga oo qoraal ay soo dhigeen bartooda warbaahinta kusheegaya inay soo gaadheen xogo ah inay jiraan kooxo lacag ku aruursanaya magaca kooxda Vålerenga Fottbalclubb, kuwaas oo dhex wareegaya xaafadaha Vålerenga, Etterstad, Ensjø, Valle iyo Kværnerbyen ee magaalada Oslo.

Kooxda ayaana dadka fartay inay la xidhiidhaan booliska hadii ay dad noocasi guryaha kusoo garaacaan ama ay wadada kula kulmaan ayna dacweeyaan.

Xigasho/kilde: Advarer mot VIF-svindlere: – Sier de samler inn penger til barn og ungdom

Drammen: Nin ku eedeysan isku deyga dilka xaaskiisa oo xabsiga la dhigay.

0

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada Drammen, waxaa xabsiga la dhigay nin xaaskiisa mindi galiyay, kaas oo ku eedeysan danbi ah isku deyga dilka xaaskiisa. Falkan ayaa dhacay maalintii arbacadda ee shaley.

Booliska ayaa sheegay in haweeneyda iyo ninkuba ay dhaawacmeen, loona qaaday isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo. Balse haweeneydu ay xiligan taha dhaawac daran. Sidaas waxaa NRK u xaqiijiyay Ole Jacob Gaarder oo katirsan xeer ilaalinta booliska.

Wargeyska Drammens Tidende ayaa qoray in lamaanahan is qaba oo da ´ahaan afartameeyo(40) jir ah, ay heystaan dhalashada dalka Sweden, balse ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Kosovo.

Xigasho/kilde: Forsøkte å ta livet av kona – begge innlagt på Ullevål.

DNB oo lagu helay eedeyn ah in uu Qoxootiga faquuqo: Arrintan darteed.

0

Bankiga DNB oo ah kan ugu weyn Norway, ayaa lagu helay eedeyn laga gudbiyay oo ah inuu si gaar ah u faquuqo qoxootiga sharciga ku leh Norway, balse sababo kala duwan awgeed aan laheyn baasaboor ama waraaqda dhalashada.

Boqolaal oo Norway ka codsaday magangalyo ayaa shaki la galiyaa aqoonsigooda shaqsiyeed ama dalka ay asal ahaan kasoo jeedaan. Waxaana dhacda in marar badan qofka oo wali uu aqoonsigiisu mugdi kujiro, inuu helo magangalyo, balse loo diido waraaqaha safarka ama baasaboorka qoxootiga, maadaama uusan cadeyn aqoonsiga qofka(ID).

Dadkaas waxay Norway ku heystaan magangalyo sharci ah, waxaa loo ogolyahay inay shaqeystaan, canshuur bixiyaan ama ay u noolaadaan nolosha sida dadka intiisa kale ee Norway kunool, marka laga reebo ineysan heysan waraaqaha safarka.

Dadkaas waxaa kamid ah Aso Ibrahimi oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, Norwayna ka helay magangalyo. Wuxuuna heystaa shaqo buuxdo(Fast), isaga oo ah canshuur bixiye. Halkan ka akhri sheekadiisa oo ay horey NorSom News wax uga qortay.

Ibrahim ayaa dacwo ka gudbiyay DNB oo uu sheegay inay u diideen koonto ama xisaab banki oo lacagta uu shaqeysto ugu soo dhacdo. Wuxuuna dacwadiisa u gudbiyay gudiga faquuqa iyo midab-takoorka ee Diskrimineringsombudet.

Gudiga ayaa DNB ku helay danbiga lagu eedeeyay, waxeyna gudigu isku raaceen in DNB ay qoxootiga ku takooraan asalkooda iyo macluumaadkooda shaqsiyeed.

Gudiga ayaa sidoo kale go´aankooda ku sheegay in qofka sharci ku leh Norway, balse aan heysan waraaqaha safarka ama baasaboor uu aqoonsigiisa ku cadeeyo, ee raba inay macaamiil ka noqdaan bankiga kiiskooda si shaqsi ah oo furan loo qiimeeyo. Intii jawaab diidmo toos ah la siin lahaa.

Gudiga ma xukumun in DNB ay qoxootiga aan baasaboorka wadan u diidi karo inay koonto ka furtaan bankiga, balse waxey xukumeen in qofka diidmo toos ah la siiyo, iyada oo aan kiiskiisa la furin ama la qiimeynba.

DNB ayaa hada sheegay inay arrintaas horey wax uga badaleen, kadib markii dacwadda laga gudbiyay.

Xigasho/kilde: DNB nektet Aso Ibrahimi å opprette konto. Nå er de felt i Diskrimineringsnemnda..

Drammen: Nin sheegay in dahab faaliso ah laga iibiyay oo booliska u dacwooday.

0

Booliska magaalada Drammen ayaa sheegay inuu lasoo xiriiray nin sheegay in lagu qiyaanay iibka wax uu isagu u maleynayay dahab asal ah, balse markii uu iibsaday kadib ogaaday in laga iibiyay dahab aan asal aheyn(Faaliso ah).

Ninkan oo ajnabi ah, balse kunool magaaladda Drammen ayaa sheegay inuu 10.000 kr siiyay labo qof oo caadi ah ( aan dukaan ganacsi u furneyn), uuna ka iibsaday Dahab. Balse markii uu kasoo tagay kadib uu ogaaday in la farsameeyay(Qiyaanay), lagana iibiyay wax kale. Wuxuuna dib ugu noqday gurigii ay ku noolaayeen labadii qof ee uu wax ka iibdsaday, isaga oo sidoo kalena la xiriiray booliska.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in kiiskan ay u sameeyeen gal dacwadeed, ayna baari doonaan. Waxeyna dadka ugu baaqeen inay caqliga adeegsadaan, kahor inta aysan iibsan dahab ama waxyaabaha kale ee la isku khiyaani karo.

Xigasho/kilde: Mann kjøpte juggel for 10.000 kroner.

PST oo xirtay nin sheegtay inuu Brazil u dhashay: Wuxuu ahaa Jaajuus Ruush ah.

0

Ciidanka sirdoonka dalkan Norway ee loo yaqaan PST-da ayaa xabsiga dhigay nin sheegtay inuu u dhashay dalka Brazil, kaas oo cilmi baare ka ahaa jaamacad kutaal Norway. PST-da ayaa sheegay in ninkan uu ahaa nin Ruush ah, kaas oo badashay jinsiyada iyo magaca, si uu ugu jaajuuso Ruushka.

Ninkan oo afartameeyo(40) jir ah ayaa wadanka soo galay sanadkii 202, wuxuuna cilmibaare ka ahaa jaamacad kutaal Norway, isaga oo baarayay weerarada qaabka difaaca hanjabaaddaha meelaha kala duwan hal mar ka imaan karo.

Sirdoonka Norway ayaa sheegtay in ninkan laga tarxiili doono Norway, maadaama uu halis ku yahay amniga qaranka.

Waa markii ugu horeysay ee Norway ay qabato jaajuus jinsiyada iyo magaca badashay, kaas oo lagu eedeeyay inuu u jaajuusayay Ruushka. Balse Norway ayaa maalmahan kor u qaaday feejignaanta la xiriirta weeraro jaajuusnimo ama isku day ah sirdoon oo uga imaan karo dalka dariska la ah ee Ruushka.

Xigasho/kilde: Mistenkt russisk spion gripen i Tromsø.

NRK.Dood caawa ka bixi lahayd Tvga qaranka oo lajoojiyey.

Dood kabixi lahayd caawa fiidkii Tvga qaranka dawlada ee NRK  kuna saabsanayd xijaabka ayaa la joojiyey ka dib markii ay heleen fariimo aad ubadan oo lagu dhaliilayo.

Qoraal uu bartiisa Instagram soo dhigay daadihiyaha  barnaamujka Fredik Solvang  kana mida wariyaasha sarsare ee ka tirsan Tvga qaran dawlada ee NRK, ayuu ku sheegay inay kansal gareeyeen lana joojiyey dood kusaabsanayd xijaabka oo caawa talaadada fiidka lagu waday inay kabaxdo Tvga qaranka.

Doodan ayaa la xiriirtay mudaharaadka kasocda dalka Iran ee hada caamka ah.

Sida uu sheegay Solvang fariimaha soo gaadhay ayaa  dad badani ku doodeen  waxa  madaxda dawlada Norway hada ka qaban karaan  xaalada kasocota dalka Iran.

Solvang ayaana sheegay in wasiirka arimaha dibaduna ay safar ku maqantahay aysana u fududaan inay helaan.

Dhanka kalana kusimaha tifatiraha guud ee dooda Gunnhild Viken ayaa sheegay inay dooda maanta meel iska dhigeen maadaaba aysan helin dad kufilan oo dooda sida ay rabeen uga qayb qaata, waxuuna hadalkiisa sii raaciyey in waxa kasocda Iran ay tahay arin wayn oo muhiim ah ayna doonayaan inay dib ugu soo noqdaan.

Solveng ayaa sheegay inay raadinayaan mawduuuc kale oo caawa lagaga doodo barnaamujkaasi xiligii uu bixi lahaa sida, korontada iyo arimaha laxidhiidha.

Xigsho/Klde: Avlyser hijab-debatt

Norway: Dadka deegaannadan kunooli wa inay sameyaan diyaar garaw maskaxeed iyo mid cunto iyo agab ahba.

Xili laga cabsi qabo inay daadad xoogani kusoo fatahaan qaar kamida gobolada dalka Norway ayaa maamulka gobolka Innlandet ugu baaqayaa dad waynaha deegaanadaas inay diyaar garaw sameeyaan.

Maamulka gobolka ayaa bulshada ugu baaqaya inay u diyaar garoobaan sidii ay u xamili lahaayeen mudo dheer oo korontadu ka maqnaato, sidoo kalana ay u heli lahaayeen qaab ay dunida kula xodhiidhi karaan hadii ay dhacdo in isgaadhsiintu ka maqnaato mudo dheer.

Waxaa kaloo loogu baaqayaa bulshada inay kaydsadaan cunto, daawo, agab  iyo sidoo kale inay hab maskax ahaan ah  ugu diyaar garoobaan inay  galaan xaalad adag oo koronto, cunto iyo  isgaadhsiin la´aan ah.

Sida la xasuusto sanadkii hore bishii 11-aad ayaa waxaa ka dhacay gobolada koonfurta Norway  daadad xoogan arintaas oo sababtay inay dhacaan biraha xadhkaha korontada iyo isgaadhsiinta qaada iyo sidoo kale inay go’aan buundooyin isku socodkiina hakad xoogan galay.

Sidoo kalena qaybo kamida gobolka Innlandet ayaa korontadu kamaqnayd malmo dhawr ah, arintaas oo sbabatay in xarumaha korontada iyo teleefoonadu koronto la’aan noqdaan kaydadkii beytariyaduna dhamaadeen.

Wargayska Vg oo waraystay kal hore  Rune Stenslette (58), ayaa sheegay in si uu u helo khad telefoon ama anteeno uu 5km gaadhi ku aadi jiray. 

Rune ayaana  sheegay sida ay u adkayd in uusan   waci karin  gurmadka deg dega ah, gaadhi wadan karin, cuntona soo iibsan karin taasoo muujinaysa adkaanshaha xaaladaha noocasi markay dhacaan iyadaan  loo  diyaaar garoobin.

Maamulka gobolka innlandet ayaa sheegay inay dhankooda samynayaan diyaar garaw ka maamul ahaan, iyaga oo wax kabartay dhacdooyinkii hore loosoo maray. 

Laakiin ay dadka farayaan inay dhankooda udiyaar garooban inay is dabari karaan marka xaaladuhu  adkaadan gurmad deg-deg ahna aan lasoo gaadhsiin karin.

Dhanka kale  madaxa xafiiska  badbaadada iyo gurmadka bulshada  ee gobolka Innlandet Asbjørn Lund ayaa ku booriyey dad waynaha inay lasocdaan ogaadana  talooyinka iyo liiska hay’ada  badbaadada iyo gurmadka bulshada   (DSB) ugu talo gashay in qofku kaydsado si uu ugu diyaar garoobo musiibo dhacda.  

Hay’ada gurmadka  iyo diyaar garawga musiibooyinka bulshada ee (DSB) ayaa sidoo kale hore bulshada ugu wacyi gelisay inay diyaar garaw shakhsi, qoys iyo mid maskaxeedba sameeyaan xiligii dagaalku ka qarxay dalka Yukreyn xaalada dalalka Yurubna noqotay mid hubanti la’aan ah.

Talooyinka iyo liiska  waxyaalaha qofka  looga baahan yahay inuu haysto gurigana u yaalaan si uu ubad baadi karo ama u xamili karo hadii uu go’odoon galo mudo ayaa waxaa laga heli karaa webka hay’ada gurmadka iyo diyaar garawga bulshada www.dsb.no iyo xarumaha maamulka deegaanka aad kunoshahay.

xigasho/Kilde: Statsforvalteren ber folk forberede seg på strømbrudd: − Viktig å ha en plan.

Qareen: Farsamooyin ay adeegsadaan xawaaladdaha, ayaa dadka sharciga laga celiyo dhibaato ku ah.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay tirada kiisas badan oo soo wajahay dad
soomaali ah, kuwaas oo hey´addaha qoxootiga iyo soo galootiga Norway ay muwaadiniin
soomaali ah ku qabsadeen inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ama ay
bixiyeen macluumaad aan sax aheyn, sidaasna ay ku heleen sharciyo magangalyo, kuwo
degenaansho ama xitaa jinsiyada Norway.

Sida ay qareenadda kiisaskan ka shaqeeyo sheegeen, Hey´addaha qoxootiga ayaa mararka ay
qiimeynayaan kiisaska sharci kala noqoshada, waxey adeegsadaan macluumaadyo laga soo
uruuriyay meelo kala duwan, kuwaas oo wadartoodu ay keeni karaan shaki ama bixin karaan
sawir-taariikheed ka duwan kii uu qofku bixiyay markii uu magangalyada codsanayay.

Labo meelood oo inta badan dadka soomaalida ah ee wareysiyada kiisaska dib u qiimeynta
loogu yeero aad wax looga weydiiyo ayaa ah lacagaha uu qofku ka dirsado xawaaladaha
Soomaalida, una diro Soomaaliya iyo adeegsiga Baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga.

Akmal Mohammad waa qareen katirsan shirkadda qareenadda ee Clemetsen & Mohammad
AS, wuxuuna mudo badan kasoo shaqeynayay, khibradna u leeyahay kiisaska la xiriira dib u
kala noqoshadda magangalyadda. Akmal ayaa wareysi uu NorSom TV siiyay noogu sheegay
in farsamooyin ay adeegsadaan xawaaladdaha soomaalidu, ay mararka qaarkood culeys ku
abuuri karaan kiiska qofka lagu furay baaritaanka la xiriira sharci dib ugala celinta, hadii
uusan qofku arrintaas kasii feejignaan, iskuna diyaarin.
Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in qofku uu isku diyaariyo dhamaan
su aalaha kaga imaan karo arrintan, uuna waaxda canshuuraha Norway ka dalbado cadeynta
lacagihii uu qofku diray.

Hadii aad xiiseyneyso inaad arrintan wax dheeri ah ka ogaato, ama aad qabto su aal sharci oo la xirirta, waxaad la xiriiri kartaa shirkadda qareenadda ee Clemetsen & Mohammad
AS
.
Xafiiskooda: Storgata 10 B., 0155 Oslo (ka soo galidda Skippergata)
Telefoon: 22 42 98 00 ama gal bogooda www.clemo.no

R.W Norway: Dagaalkii Ukraine wuu nagu soo dhawaaday: Yaan la cabsan.

0

Reysulwasaaraha dalkan Norway Jonas Garh Støre ayaa maanta qabtay shir saxaafadeed looga hadlayay xaaladda Norway iyo saameynta dagaalka ka socdo Ukraine. Wuxuuna reysulwasaaruhu sheegay in dagaalku uu hada sii galay marxalad halis ah, uuna kusoo dhawaaday, kuna soo qirayo Norway.

Hadalka reysulwasaaraha ayaa yimid kadib markii isbuucii ugu danbeeyay gudaha Norway lagu qabtay dhowr qof uu dhashay dalka Ruushka. Kuwaas oo looga shakiyay basaasnimo, waxaana qaarkood lagu qabtay iyaga oo wato diyaaraddaha Drone-ka ee wax lagu sawiro, kuwaas oo sawiro ka qaadayo dhismayaal muhiim ah oo gudaha Norway kuyaal.

Ilaa 7 qof oo u dhashay Ruushka ayaa xabsiga la dhigay,waxaana kiiskooda hada gacanta ku hayo hey´addaha sirdoonka Norway ee Norway. Wali lama hubo in dadka la qabtay ay u basaasayeen dowlada Ruushka.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegay in la filan karo dad badan oo lagu xiro Norway howlo la xiriiro cabsi galin ama basaasnimo, ayna jiri doonaan isku dayo badan oo la isku dayi doono in Norway dhibaato iyo qala-laase laga abuuro.

Hanjabaada Ruushka ee Ukraine uu ugu hanjbaday inay u adeegsan doonaan hubka wax gumaadda ee Nukleyrka, ayuu Større sheegay inay tahay fariin loo dirayo dalalka galbeedka. Balse wuxuu sheegay in arrintaas aysan wax cabsi ah galin doonin dowlada Norway, ayna lasii shaqeyn doonaan saaxiibadooda Yurub iyo kuwa Nato.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay dad badan oo ka wel-welsan xaaladda dagaalka, arrintaas oo uu sheegay inay tahay mid la fahmi karo. Balse wuxuu dadweynaha ugu qaaday inay isdajiyaan, dowluna ay qorshe ka leedahay arrintan dagaalka talaabooyina ay qaadi doonto lagu difaacyo dadka iyo dalka Norway.

Støre ayaa sheegay in mid kamid ah ujeedooyinka Ruushka ee dagaalka uu yahay in cabsi iyo tafaraaruq laga abuuro dalalka Yurub, si loo kala qeybiyo. Attintaas oo uu sheegay inay muhiim tahay in dadku ay maanka ku hayaan.

Dowlada ayaa dhawaan soo rogi doonto nidaam dadka looga digi doono dhacdooyinka ama waxyaabaha halista ah ee dhaca ama goobaha ay ka ag-dhawyihiin ka dhaca. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Statsminister Jonas Gahr Støre (Ap) sier krigen i Ukraina har rykket nærmere Norge – og advarer mot «kjente og ukjente forsøk» på å skape uro..

Booliska Norway oo hubka sii wadan doono.

1

Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska hey’ adda maamusha booliska Norway, booliska Norway ayaa lagu wargaliyay inay qaataan hubkooda ilaa amar danbe. Amarkan ayaa yimid maalin kadib markii bishii June ee sanadkan magaalada Oslo uu ku dhacay weerar toogasho ah oo lagu dilay labo qof, 20-meeyo kalena lagu dhaawacay.

Booliska ayaan caadi ahaan qaadan hubkooda, ilaa xiliyada ay jiraan howgalada halista ah ma ahaane. Balse booliska ayaa hada xaaladda jirta ku tilmaamay mid halis ah, waxeyna sheegeen in weerarkii dhacay la baarayo inuu ahaa mid argagaxiso.

Anaga oo ka duuleyno xogta aan ka helnay hey¨’ adda sirdoonka ee PST, waxaan soo rognay in si kumeel gaar ah ay boolisku hubka u qaadan doonaan

Wiil soomaali ah oo labo qof ku dilay magaalada Ludwigshafen.

0

Sida ay xaqiijiyeen Booliiska dalka Germany, magaalada Ludwigshafen oo ku taalla Koonfurta-galbeed ee dalkaasi ayaa wiil Soomaaliyeed waxa uu ku diley laba qof, halka mid kalena uu gaadhsiiyey dhaawac halis ah.

Booliska ayaa qabtay wiilkan kadib markii ay xabad ku dhaawaceen, Walina faah-faahi rasmi ah kama bixin sababta wiilkan ku kaliftay inuu geysto falka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee wiil Soomaaliyeed dil ku geysto dalka Jarmalka. Jarmalka waxa ku badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal gabdho oo qaar badan oo ka mid ahi ay dalkaasi kusoo galeen tahriib iyaga oo soo maramay xeebaha Liibiya, Turkiga iyo Giriiga.

Dowlada Sweden ee cusub: Tarxiilka ajaaniibta ayaan mudnaan siin doonaa.

0

Isbuucaan waxaa dalka Sweden looga dhawaaqay xukuumad cusub oo ay ku bahoobeen xisbiyada midigta siyaasadda dalka Sweden, taas oo uu reysulwasaare u yahay Ulf Kristersson oo katirsan xisbiga midigta ee Moderaterna. Waxeyna xukuumaddan noqon doontaa tii ugu horeysay ee xisbiyada garabka midig ee dalka Sweden ka talisa mudo 8 sano.

Xukuumaddan cusub oo ka kooban xisbiyada Moderaterna, Kristdemokraterna og Liberalerna ayaa ah mid awood jilicsan, marka la fiiriyo tirada kuraasta xildhibaanadda ee baarlamaanka Sweden ay ku heystaan. Waxeyna taageero lagama maarmaan ah xisbiga xagjirka midigta fog ee SD, kaas oo aan xukuumadda kamid aheyn, balse taageeraya.

Mudnaanta ayaan siin doonaa tarxiilka ajaaniibta sharci la aanta ah:

Bayaanka siyaasadeed ee lagu dhisay xukuumadda uu hogaamiyo Ulf Kristersson ayaa lagu sheegay in wax weyn laga badali doono siyaasadda qoxootiga iyo soo galootiga dalka Sweden.

Mid kamid ah qodobadda ay xooga saari doonaan ayay ku sheegeen mudnaan siinta ajaaniibta sharciyadda loo diiday ee wali kunool Sweden. Waxeyna sheegeen in xukuumadda cusub ay horutabin siin doonto sidii dadka sharciga loo diiday dalalkoodii loogu tarxiili lahaa.

Inkasta oo rabitaanka xukuumadda cusub ee Sweden uu tahay tarxiilka ajaaniibta sharci la aanta ah, hadana xaqiiqadda ah in ka badan kala bar aan la fulin karin musaafurinta dadkaas maadaama ay waddammada ay ka soo jeedaan diideen in ay qaabilaan muwaadiniintooda. Waxaa sidaas sheegay madaxa laanta xuduudaha dalka Sweden.

Ajaaniibta ugu badan ayaa ka soo jeeda dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo Soomaaliya oo ku jooga Iswiidhan sharci-darro. Intooda ugu badan ayaa ah dad hore diidmo loo siiyay mar ay magan galyo codsadeen.

Xukuumadda garabka midig ee talada Sweden la wareegtay ayaa sheegtay inay rabto xoojinta waxa loogu yeero shaqada xakameynta ajaanibka, taas oo ah in kontrool lagu sameeyo dadka ay boolisku ka shakiyaan in Sweden ay sharci daro ku joogaan.

Xukuumadda cusub ee Sweden ayaa sidoo kale baareyso suurtogalnimadda in boolisku ay baaraan jirka iyo mobilada gacanta ee dadka looga shakiyo in ay sharci daro Sweden ku joogaan.

Dhamaan talaabooyinka cusub ee Sweden ay hada ka fakareyso ayaa ah kuwo ay horey u qaadeen dalalka Norway iyo Denmark ee dariska la ah Sweden.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio

Ajaaniib aad u yar ayaa isku sharaxa doorashooyinka Norway.

0

Tirokoob ay sameysay wakaalada tirakoobka ee SSB, ayaa lagu sheegay in 16% dadka codka dhiiban kara ee Norway ku noolaa sanadkii 2019 ay ahaayeen ajaaniib, balse 3% dadka doorashooyinka u sharaxsanaa ay asal ahaan soo galooti ahaayeen. Tiradaas oo muujineyso in ajaaniib kooban ay isku sharaxeen doorashooyinka Norway.


Wakaaladda SSB ayaa tan iyo sanadkii 1983-da sameyn jirtay tirokoob ku saabsan ka qeybqaadashada doorashada ee dadka ajaaniibta ah.

Tirokoobka la sameeyay sanadkii 2019 oo ay dhacday doorashada goleyaasha deegaanka ee ugu danbeysay, ayaa sheegeyso in 16% dadka xaqa u lahaa inay codkooda dhiibtaan ay ajaaniib ahaayeen, 9% codadkii la dhiibtay ay ahaayeen codad ay bixiyeen dad ajaaniib ama soo galooti ah. Laakiin arrintan soo jiidashada leh ayaa aheyd in 3% dadka doorashada isku taagay ee la rabay in la doorto ay ahaayeen ajaaniib.

Xisbiga Ap ayay intooda badan u codeeyaan:

SSB ayaa sidoo kale tirokoob ku sameysay xisbiyada ay codka siiyaan dadka ajaaniibta ah. Waxaana tirokoobkan lagu ogaaday in xisbiyada bidixda ee siyaasadda Norway ay inta badan helaan codadka dadka ajaaniibta ah.

Si gaar ah waxaa warbixinta loogu sheegay in taageeradda xisbiga shaqaalaha ee Ap uu aad ugu xooganyahay bulshooyinka ajaaniibta ah ee kasoo jeeda Afrika iyo Aasiya. 60% dadka kasoo jeedo Aasiya iyo Afrika ee codkooda dhiibtay ayaa codkooda siiyay xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Isku dar waxaa tirokoobkan lagu sheegay in 51% dadka ajnabiga ah ee codkooda dhiibtay ay u codeeyeen xisbiyada Ap, SV ama Rødt.

Xigasho/kilde: Innvandrere og kommunestyrevalget 2019.

Wasiirad lagu heysto adeegsiga Tiktok oo is difaacday.

0

Emilie Enger Mehl waa 29 sano jir katirsan xisbiga Sp, heysana xilka wasaaradda muhiimka ah ee cadaaladda iyo amniga Norway. Waana qof dhalinyaro ah oo adeegsato baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok ee caanka ah. Wasiiradda ayaana kamid ah ku dhawaad hal milyan oo qof oo Norway kunool oo Tiktookley ah.

Dhawaan ayaa wasiiradda lagu eedeeyay adeegsiga App-kaas caanka ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Kaas oo hey´addaha amniga ee dalalka galbeed ay muujiyeen shaki iyo walaac xoogan ah oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeyo shirkadda Tiktok iska leh ee ByteDance iyo hey´addaha sirdoonka Shiinaha.

Khuburo badan oo reer galbeed ah, kuwaas oo aqoon fiican u leh arrimaha amniga ah ayaa ka deyriyay App-kan, waxeyna sheegeen in hey´addaha sirdoonka Shiinaha ay si fudud ku heli karaan ama ku keydsan karaan xogta qofka adeegsadda Tiktok.

Arrintan ayaana sababtay in eedeyn loo jeediyo wasiiradda dhalinyarada ee cadaaladda Norway, taas oo App-kan adeegsata. Waxeyna sheegeen in xogo muhiim ah oo mobilkeeda gacanta ah ay heli karaan hey´addaha sirdoonka Shiinaha.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Tiktok ay u adeegsato, si ay ula xiriirto dhalinyaradda Norway oo aad u adeegsadda App-kan. Balse wasiiradda ayaa iska difaacday eedeynta loo jeediyay oo ah inaysan muujin taxadar, waxeyna sheegtay in ay sameyso feejignaan dheeraad ah, marka ay Tiktok adeegsaneyso.

Wali dad badan ayaan ku qancin jawaabta wasiiradda, kuwaas oo dalbanayo jawaabo dheeri ah.

Xigasho/kilde: Slik svarer Mehl på TikTok-kritikken.

Oslo: Nin lagu eedeeyay xasuuqii Rwanda oo la qabtay: codsi soo dhiibis.

0

Booliska dalkan Norway ayaa xabsiga dhigay nin lagu eedeynayo ka qeybqaadashada xasuuqii dadweyne ee sanadkii 19994-da ka dhacay dalka Rwanda. Booliska ayaa sheegay inuu yimid codsi ah in lasoo qabto, lana soo gacan-galiyo ninkan oo Norway kunool.

Sida uu war saxaafadeed ku sheegay Thea Elise Kjæraas oo ah xeer ilaaliyaha booliska, laanta booliska Norway ee danbiyada abaabulan ( Kripos) ayaa sheegay in boolisku ay sameeyaan baaritaano dhowr ah oo la xiriira baaritaanka kiiskan ku saabsan codsiga soo gacan-galinta eedeysanahan, kahor inta aysan ninkan soo xirin. Waxeyna sheegeen inay wali wadaan baaritaankan, aysana wax faah-faahin ah ka bixin karin.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka hordhici doonin waxa ay ka yeeli doonaan kiiskan, kahor inta uu baaritaanku soo gaba-gaboobi doono.

Norway waxaa horey loogu qabtay shaqsiyaad badan oo lala xiriirinayo ka qeybqaadashada xasuuqii dadweyne ee ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994-ta. Marar badan ayayse dood sharciyeed ka abuurantay ansax ahaanta in dadkaas loo gacan-galiyo dowlada Rwanda oo soo dalbatay in loo soo dhiibo. Waxaana doodo badan oo arrintaas la xiriira ay ka furmeen maxkamaddaha Norway.

Xasuuqa Rwanda oo kamid ah xasuuqyadii ugu bahalsanaa ee la diiwaangaliyo taariikhda casriga ah ee bini-aadanka, ayaa dhacay mudadii u dhaxeysay April ilaa June sanadkii 1994. Waxaana mudo labo bilood gudahood ah lagu xasuuqay dad gaarayo hal milyan oo qowmiyada Tuutsiga ah, xasuuqaas oo ay ka qeybqaateen ciidanka dalka Rwanda, Jabhado careysan iyo shacabka ka tirsan qowmiyada Huutiga ah.

Inta la qiyaasay ilaa 200.000 qof ayaa ka qeybqaatay xasuuqaas. Kuwaas oo qaar badan oo kamid ah laga soo qabtay dalalka caalamka, kadib markii ay baxsadeen ama ay is qariyeen.

Xigasho/kilde: Mann pågrepet i utleveringssak til Rwanda.

Ninkii kitaabka quraanka gubi jiray oo xabsi lagu xukumay.

0

Madaxa ururka xagjirka midigta fog ee kasoo horjeedo soo galootiga, muslimiinta iyo islaam ee SIAN, Lars Thorsen, ayaa lagu xukumay sadex isbuuc oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inuu sunta dadka ka ilmeysiiso ee la isku difaaco uu ku shubay sadex qof.


Bilowgii bishan October ayaa ninkan oo caan ku ah abaabulka banaanbaxo lagu gubo kitaabka quraanka ah lasoo taagay maxkamadda Oslo. Waxaana lagu eedeeyay inuu sunta dadka ka ilmeysiiso ku shubay sadex qof. Labo qof ayaa la cadeeyay in sunta ay indhaha ka helaashay, halka qofka sadexaad ay dharkiisa haleysay.

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, ninkan ayaa lagu helay danbiga ah in labo(2) oo shacab ah uu ku shubay sunta dadka ka ilmeysiiso, xili ururkiisu uu banaanbax kitaabka quraanka lagu gubay uu ku qabanayay meel u dhow masaajid.

Eedeysanaha ayaa sheegay inuu suntaas u adeegsaday si uu isaga difaaco dad rabay inay ka hortagaan gubista uu kitaabka quraanka ah gubayay. Balse maxkamadda ayaan rumeysan arrintaas, waxeyna ku xukuntay sadex isbuuc oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: SIAN-leder Lars Thorsen er dømt til fengselsstraff.

Shaqaalaha NAV: Waxaan la kulanaa hanjabaad, gaf iyo gacanqaad.

0

Sida lagu sheegay xog uruurin laga sameeyay shaqaalaha hey´adda NAV, shaqaalaha ka shaqeeyo hey´addan ayaa sheegay inay macaamiisha hey´addan kala kulmaan hanjabaad, cago-jugleyn, gaf iyo xitaa gacan-qaad.

Sadexdii qof ee NAV ka shaqeeyaba mid kamid ah (1/3) ayaa sheegay in sanadkii ugu danbeeyay uu la kulmay arrimahan. Hanjabaadaha iyo gafafka ayay sheegeen inay la kulmaan marka ay waji-ka-waji ahaan u qaabilayaan qof hey´addaha ku xiran ama caawin uga baahan, iyo waliba marka telefoonka lagu soo xiiriiro.

Xog uruurinta oo ay ka qeyb qaateen 3700 qof oo NAV u shaqeeyo, warbixinta laga diyaariyeyna uu helay wargeyska Bergenavisen ayaa la sameeyay, kadib markii sanadkii hore magaalada Bergen lagu dilay haweenay u shaqen jirtay NAV. Halka haweenay kale oo isla hey´addan u shaqeyso falkaas lagu dhaawacay. halkan kasii akhri: Daawo: Faah-faahin ku saabsan dilkii maanta Bergen loogu geystay shaqaalaha NAV

Madaxda hey´adda NAV ayaa sheegay in wax aad looga xumaado oo culeyskeeda leh ay tahay in shaqaalaha NAV ay la kulmaan cago-jugleyn iyo gacanqaad. Ayna hey´adda qaadeyso talaabooyin lagu sugayo amaanka iyo badqabka shaqaalaha hey´adda.

Xigasho/kilde: Én av tre Nav-ansatte har opplevd vold eller trusler siste år: – Bekymringsfullt.

Amiir Sacuudiyaan ah oo Jihaad ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka

0

Amiir la ilmo-adeer ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad rabshado leh oo ka dhan ah Reer Galbeedka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dhinac.

Farriin muuqaal ah oo ku socota Reer Galbeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada, ayuu Amiir Sacuud al-Shaalan ku yiri “Qof kasta oo caqabad ku noqda jiritaanka boqortooyada, waxaan dhammaan diyaar ugu nahay jihaad iyo shahiidnimo.” Wuxuu ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Faransiiska.

Sacuud al-Shaalan waa hoggaamiye qabaa’il oo uu awoowe u ahaa Boqor Cabdulcasiis, aas-aasihii Sacuudiga.

Hanjabaaddiisa ayaa timid ayada oo xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka uu aad u xun yahay, kadib markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ay dhimeen wax soo-saarka shidaalka xilli ay tallaabadaas aad uga soo horjeeday Washington.

Joe Biden ayaa u safray boqortooyada bishii July inkasta oo uu horey u balla-qaaday inuu Sacuudiga ka dhigi doono go’doon kadib dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji. 

Maamulka Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Sacuudiga ay kordhin doonaan wax soo-saarka, balse OPEC+ ayaa toddobaadkii tegay go’aamiyey in wax soo-saarka la dhimo 2 milyan oo barmiil maalinkii, taasi oo sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka caalamka.

Washington ayaa si caro leh uga falcelisay go’aanka, ayada oo ku eedeysay Sacuudiga inay Ruushka ka caawinayaan inay ka khafiifiyaan cadaadiska cunaqabateynaha ay Reer Galbeedka saareen kadib duulaankii Ukraine.

Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay inuu Congress-ka kala shaqeynayo dib u qiimeyn lagu sameeyo xiriirka Riyadh. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa soo jeediyey tallaabooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan hakinta hubka laga iibiyo Sacuudiga iyo in dacwad ka dhan ah OPEC+ laga furo Mareykanka.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka mid ah OPEC+ ay u sheegeen inay kasoo horjeedeen go’aanka lagu dhimay wax soo-saarka balse ay qasbeen Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hadda isku dayaya inay yareeyaan waxyeellada hanjabaadda al-Shaalan, waxaana xubno ku dhow boqortooyada ay sheegeen inuu yahay amiir aan saameyn laheyn, islamarkaana aan wax xil oo rasmi ah hayn.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.