onsdag, april 24, 2024

Booliska: Digniin kusocota dad waynaha si aan loo khayaamin.

Booliska gobolka Innlandd ayaa kadigaya in ilaa hada dhawr qof lagu khayaameeyey lenkiyo loo soodiray  lacag badana lagaga dhacay kadib markii ay fureen. 

Xili beryihii dambe ay aad usoo badanayeen kooxaha abaabulan ee internetka dadka kudhaca noocyo kala duwan oo farsamooyin ahna  adegsada si ay dadka u  khayaamaan. 

Ayaa waxaa booliska gobolka Innland  ay sheegayaan in ilaa caawa fiidkii ay lasoo xadhiidheen ilaa laba  qof oo qaab isku mid ah loo khayaamay koontadoodana lacag boqolaal kun ah  looga shubtay kadib markii ay u ogolaadeen inay gudaha ugalaan tuugadaasi qaab khayaano ah koontooyinkooda khaaska ah.

Booliska ayaa sheegay in labada qofba ay  u yimaadeen fariimo isku mid ah kuwaas oo u sheegaya in ay heleen fariin uga timi  hay’ada dawlada uqaabilsan aruurinta lacagaha ganaaxyada ee (statens innkrevingssentral), fariinta ayaa qofka siinaysa lenk si uu utago Digipost oo fariintu utaalo.

Madaxa arintan booliska uqaabilsan Bård Einar Hofts  ayaa sheegay in  qofku marka uu ku dhufto lenkiga ay u imaanayso fariin ah in wax khaldan yihiin uusana geli karim Digipostgiisa , waxyar kabacdina uu soowacayo qof sheegaya inuu kasocdo bangiga Sparebank1 Østlande waaxda caawinta macaamiisha, uuna ka caawinayo sidii qofku u geli lahaaa bangigiisa ama koontadiisa  sidaasna lagu gelayo gudaha koontadiisa.

Qofka dadka soo wacaya ayaa lagu qeexay inuu yahay qof aftahanimo iyo xirfad sare adeegsanaya, dadkana u muujinaya inuu xirfad sare  leeyahay kalsoonina ku abuuraya inta uu lahadlayo qofka , taasoo dadka ku kalifaysa inay  wada dhiibaan nambarada sirta ah, koontada bangiga iyo waxyaalaha kale ee uu markaaas uu ka dalbado waa sida uu Hofts faah faahintiisa ku sheegaye.

Dadka ayaa markaa kadib ogaada in bangigooda lagala baxay lacag tiro badan. 

Hadaba booliska ayaa dadka faraya inay ka dig toonaadaan  fariimaha noocaas ah oo aysan lenkiyada noocaasa furin, Waxaa  kaloo boolisku kudaray hadaad is leedahay waxaa kuu yimi fariimo kuuyaala bartaada Digipost waa inaad siyaabaha caadiga ah ee loogalo u gashaaa, mana jiro  lenkiyo hay´adaha dawladu ay kusoo diraan fariimo maaseej ahaan ah sida uu Hofts sheegay.

Xigasho/Kilde:  Politiet: To har blitt svindlet på tekstmelding

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x