tirsdag, april 16, 2024

Qareen: Farsamooyin ay adeegsadaan xawaaladdaha, ayaa dadka sharciga laga celiyo dhibaato ku ah.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay tirada kiisas badan oo soo wajahay dad
soomaali ah, kuwaas oo hey´addaha qoxootiga iyo soo galootiga Norway ay muwaadiniin
soomaali ah ku qabsadeen inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ama ay
bixiyeen macluumaad aan sax aheyn, sidaasna ay ku heleen sharciyo magangalyo, kuwo
degenaansho ama xitaa jinsiyada Norway.

Sida ay qareenadda kiisaskan ka shaqeeyo sheegeen, Hey´addaha qoxootiga ayaa mararka ay
qiimeynayaan kiisaska sharci kala noqoshada, waxey adeegsadaan macluumaadyo laga soo
uruuriyay meelo kala duwan, kuwaas oo wadartoodu ay keeni karaan shaki ama bixin karaan
sawir-taariikheed ka duwan kii uu qofku bixiyay markii uu magangalyada codsanayay.

Labo meelood oo inta badan dadka soomaalida ah ee wareysiyada kiisaska dib u qiimeynta
loogu yeero aad wax looga weydiiyo ayaa ah lacagaha uu qofku ka dirsado xawaaladaha
Soomaalida, una diro Soomaaliya iyo adeegsiga Baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga.

Akmal Mohammad waa qareen katirsan shirkadda qareenadda ee Clemetsen & Mohammad
AS, wuxuuna mudo badan kasoo shaqeynayay, khibradna u leeyahay kiisaska la xiriira dib u
kala noqoshadda magangalyadda. Akmal ayaa wareysi uu NorSom TV siiyay noogu sheegay
in farsamooyin ay adeegsadaan xawaaladdaha soomaalidu, ay mararka qaarkood culeys ku
abuuri karaan kiiska qofka lagu furay baaritaanka la xiriira sharci dib ugala celinta, hadii
uusan qofku arrintaas kasii feejignaan, iskuna diyaarin.
Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in qofku uu isku diyaariyo dhamaan
su aalaha kaga imaan karo arrintan, uuna waaxda canshuuraha Norway ka dalbado cadeynta
lacagihii uu qofku diray.

Hadii aad xiiseyneyso inaad arrintan wax dheeri ah ka ogaato, ama aad qabto su aal sharci oo la xirirta, waxaad la xiriiri kartaa shirkadda qareenadda ee Clemetsen & Mohammad
AS
.
Xafiiskooda: Storgata 10 B., 0155 Oslo (ka soo galidda Skippergata)
Telefoon: 22 42 98 00 ama gal bogooda www.clemo.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x