torsdag, april 25, 2024

Shaqaalaha NAV: Waxaan la kulanaa hanjabaad, gaf iyo gacanqaad.

Sida lagu sheegay xog uruurin laga sameeyay shaqaalaha hey´adda NAV, shaqaalaha ka shaqeeyo hey´addan ayaa sheegay inay macaamiisha hey´addan kala kulmaan hanjabaad, cago-jugleyn, gaf iyo xitaa gacan-qaad.

Sadexdii qof ee NAV ka shaqeeyaba mid kamid ah (1/3) ayaa sheegay in sanadkii ugu danbeeyay uu la kulmay arrimahan. Hanjabaadaha iyo gafafka ayay sheegeen inay la kulmaan marka ay waji-ka-waji ahaan u qaabilayaan qof hey´addaha ku xiran ama caawin uga baahan, iyo waliba marka telefoonka lagu soo xiiriiro.

Xog uruurinta oo ay ka qeyb qaateen 3700 qof oo NAV u shaqeeyo, warbixinta laga diyaariyeyna uu helay wargeyska Bergenavisen ayaa la sameeyay, kadib markii sanadkii hore magaalada Bergen lagu dilay haweenay u shaqen jirtay NAV. Halka haweenay kale oo isla hey´addan u shaqeyso falkaas lagu dhaawacay. halkan kasii akhri: Daawo: Faah-faahin ku saabsan dilkii maanta Bergen loogu geystay shaqaalaha NAV

Madaxda hey´adda NAV ayaa sheegay in wax aad looga xumaado oo culeyskeeda leh ay tahay in shaqaalaha NAV ay la kulmaan cago-jugleyn iyo gacanqaad. Ayna hey´adda qaadeyso talaabooyin lagu sugayo amaanka iyo badqabka shaqaalaha hey´adda.

Xigasho/kilde: Én av tre Nav-ansatte har opplevd vold eller trusler siste år: – Bekymringsfullt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x