søndag, mars 16, 2025
Home Blog Page 35

Booliska oo dacweeyay darawalka baabuurka ay ku dhimatay gabadha soomaalida ah.

0

Shil baabuur oo habeenkii ay sabtidu soo galeysay ka dhacay magaalada Oslo, ayaa waxaa ku dhintay gabar soomaali ah, halka ay ku dhaawacmeen afar qof kale oo iyaguna la xaqiijiyay in ay yihiin dhalinyaro soomaali ah.

Shilka ayaa waxaa sida ay boolisku sheegeen sababay in baabuurka ay saarnaayeen gabadha geeriyootay iyo afarta qof ee dhaawaca ah uu qabsaday wado qalad ah, uuna ka hor imaaday baabuur xamuul ah oo heysta wadada saxda. Waxaana halkaas ka dhashay shilka oo ahaa mid weyn, sida ay boolisku sheegeen.

Sida uu markii hore qoray wargeyska VG, markii danbena ay boolisku u xaqiijiyeen NRK, booliska ayaa dacwad ka gudbiyay darawalkii waday baabuurka ay saarneyd gabadha geeriyootay. Waxeyna boolisku sheegeen inay baarayaan sababta ka danbeysay shilka, iyo ku luglahaanshaha darawalka baabuurka.

Booliska ayaa sheegay inay kiis dacwad ah ka gudbiyeen darawalka oo da’ diisa lagu sheegay dhamaadka labaatameeyo jir. Waxeyna dacwadu ku saabsantahay in darawalku uu si aan ku talogal aheyn uga danbeeyay geerida hal qof.

Xigasho/kilde: Fører siktet etter dødsulykken i Operatunnelen: Passasjerene mellom 17 og 20 å.r

Aabe Mohamed:14 sano oon Norway sharci daro ugu noolaa, ayaan go’ aansaday inaan dalkeygii ku noqdo.

0

F.G: Muuqaalkan wargalinta ah, wuxuu si gaar ah ugu socdaa guruubka uu khuseeyo ee ka faa’ iideysan kara. Waana wargalin la xiriirta barnaamijka assistert retur ee hey’addaha qoxootiga Norway: https://www.udi.no/retur/hva-er-assistert-retur/

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa kor u kacayay tirada dadka soomaaliyeed ee doorta inay si iskood ah ugu noqdaan dalkoodii hooyo ee Soomaaliya, kadib marka ay diidmo kama dambeys ah ka helaan codsiyada magangalyada Norway, ayna ku adkaato nolosha sharci la’ aanta ee Norway ama Yurub.

Aabe Mohamed Hassan waxa uu wareysiga ku sheegay in 14 sano uu ku noolaa dalkan Norway, qaab sharci la aan ah, kadib markii uu diidmo ka helay codsiga magangalyada. Wuxuuna ugu danbeys go’ aansaday inuu si iskiis ah ugu noqdo dalkiisii hooyo, uuna ka faa’ iideysto barnaamijka assistert retur ee loogu talagalay dadka diidmadda kama dambeysta ah ka helay codsiyada magangalyada, laguna amray in uu dalkiisii ku noqdo. Muuqaalkan waxa uu Mohamed uga sheekeynayaa wixii ku sababay arrintaas, iyo qaabkii u mareyba.

Oslo: Gabar soomaali ah oo ku geeriyootay shil gaari: 4 dhaawac ah.

0

Sida ay booliska Oslo xaqiijiyeen, waxaa shil gaari oo xalay galinkii danbe ka dhacay magaaladda Oslo ku geeriyooday hal qof, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu daaweynayo isbitaalka Ullevål ee magaaladda Oslo.

Shilkan ayaa ka dhacay tuuneelka Operatunnelen ee senterka magaaladda Oslo. Wuxuuna dhexmaray baabuurka ay saarnaayeen gabadha geeriyooday iyo afarta qof ee dhaawaca ah, iyo gaari nooca tareele ah ama nooca xamuulka qaada ah.

Booliska ayaa sheegay in baabuurka ay saarnaayeen shanta qof ee shilka uu saameeyay, uu qabsaday dhinaca/haadka qaldan oo wadadda ah, uuna ka hor yimid baabuurka xamuulka ah oo heystay dhinaca/haadka saxan ee jidka. Arrintaas ay sababtay in labbadda baabuur ay isku dhacaan, shilkuna uu dhaco.

Gabadha dhalinyaradda ah ee geeriyootay ayaa ku dhawaad lataaban daqiiqo(20) ku dhex jirtay baabuurka oo ku dhagay(qabsaday), sida ay boolisku sheegeen. Halka afarta qof ee dhaawaca noqotay ay awoodeen inay iskood uga soo baxaan baabuurka, ayna banaanka usoo baxaan.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay gabadha geeriyootay iyo afarta qof ee ee dhaawaca ah, ayaa ah dhalinyaro soomaaliyeed oo degan deegaan ka baxsan Oslo. Waxaana dhaawaca afarta qof ee shilkan ku dhaawacmay lagu daawenayaa isbitaalka Oslo.

Booliska ayaan wax faah-faahin ka bixin (inta la ogyahay) dhaawaca soo gaaray afarta kale ee dhalinyaradda ah ee shilka ku dhaawacmay. Waxeyna sheegeen inay baaritaan ku hayaan shilkan. Iyaga oo dhanka kale sheegay inay heleen muuqaalo muujinayo qaabka uu shilka u dhacay, ayna dib baaritaan iyo warbixinba uga sameyn doonaan.

Xigasho/kilde: Kvinne mistet livet i kollisjon i Operatunnelen i Oslo

Digniin Telenor: Arintan hadaad samayso waxaad ogolaatay in telefoonkaaga waxa ka dhex socda lala socdo.

Shirkada isgaadhisiinta ee Telenor ayaa ka digaysa tuugo khatar badan oo dadka soo wacaya una sheegaya inay lasoo degaan abab (apps), taas oo u sahlaysa tuugada inay tilifoonkaaga dhex galaan arki karaana wax kasta oo telefoonkaaga ka dhex socda hadii aad ogolaato inaad soo dejisato booragaraamada iyo appka ay kuu sheegaan inaad lasoo degto.

Shirkada ayaa sheegtay in laga soo bilaabo xagaagiii sanadkan ay kor u kaceen tuugada khatarta badan ee dadka kasoo wacaya nummero laga leeyahay dalka Norway.

Hadaba ma la kulantay in number Norway laga leeyahay ama dalka aad degantahay lagaa soo waco kana socda Amizon kadibna ma laguu sheegay arin laxidhidha khalad dhacay ama khalad kajira dhinaca xogtaada gaarka ah, ama in qof aan lagaranayni koontadaada kaga dalbaday alaab sida moobayl iphone ah oo kale shirkada Amizon ayna doonayaan inay arintaas ka hortagaan adiguna aad ka caawiso madaba koontadaadu ay tahay ta wax lagu dalbaday waa sida ay kuu sheegayaane.

Hadaba sida war bixinta lagu sheegay arintaasi maaha mid keli kugu ah hadii aad la kulantay ee waa mid baahsan dad badana lagu sameeyey ama lagu dhibaateeyey waxayna shirkada Telenor kadigaysaa arintaa khatarteeda iyo in tuugtaas ay gacanta u galaan xogahaaga gaarka ahi.

Hadaba numberka kusoo wacaya marka aad qabato ayaa waxaa sida caadiga ka ah numberada ganacsiga qaarkood waxa uu kuu tilmaamayaa inaa riixdo ama taabato number 1 taas oo say kuu sheegayaan kugu xidhaysa xarunta caawinta macaamisha shirkada iyo qof shaqaale shirkada ka ah oo ku cawaawinaya.

Hadaba talaabada labaad oo ah tan ugu khatarta badan marka aad telephonka qabato taabatana say kuu sheegeen number 1 waxaa kula kulmaya qofkii tuuga ah oo xirfad sare leh kaas oo kaa codsanaya si ay uga hortagaan khaladka dhacay inaad telefoonkaaga kusoo dejisato Appka AnyDesk.

Hadaba hadaad tuugta ka ogolaato arintaa appkaasna mobilkaaga kusoo dejiso waxa aad u ogolaatay tuugada in ay awood u yeeshaan inay dhex galaan telefoonkaga gacanta waxkasta oo ka dhex socdana way lasoconayaan oo daawanayaan, sida cida aad wacayso, numberkaaga sirta ah, baasawoorkaaga, koontada bangigaaga, sawirada iyo galleriga waxa kuuugu jira oo dhan.

Halkaas waxa kadabeeyana waxa ay kuu adeegsan karaan wax kasta oo ay lacag kaaga heli karaan iyaga oo kugu rakaataynaya xogaha ay kaa hayaan iyaga oo kula wadaagaya xogahaaga gaarka ah waxay kaloo awood u yeelanayaan inay bangigaaga dhex galaan lacagna ka shubtaan ama ay wax ku iibsadaan bangiyadaada.

Waxaana dadka looga digayaa inaysan waligood lasoo degin booragaraamo qof soo wacay oo aysan garanayn u sheegay ama ka codsaday in telefoonka gacanta uu kula soo dego, si ay u xaliyaan arin ay u sheegayaan inuu jiro oo laxidhiidha xogahaaga iyo akoonadaada gaarka ah, waxa ayna la micno tahay arintaasi adoo siiyey qof aadan garanayn furahaagii guriga ama baasawoorkaagii bangiga ama ka telefoonkaaga.

Appabka ayaana qaarkood yihiin kuwo caadi ah oo qofku lasoo degi karo isaga oo xor ah oo aan cidi soo wicin, laakiin ciladu tahay marka qof aadan garanayn kusoo waco kuguna hago inaad lasoo degto taas oo uu kuu tilmaamayo wadooyinka aad marayso ugu dambayna u sahlaysa inuu dhexgalo telefoonkaaga gacanta iyo waxa kadhexsocda.

Hadaba shirkada Telenor iyo bangiyada dalka Norway ayaa arintaas aad uga digaya dadkana usheegaya inaysan ku kadsoomin ee ay taxadar dheeraada muujiyaan.

sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ayaa booliska magalada Oslo iyo degmooyin kale ka digeen inay jiraan tuugo soo wacaya dadka iyaga oo isticmaalaya Number laga leeyahay xarumaha booliska Oslo dadkana waydiinaya numberada xogahooda gaarka ah sida personal numberka ama numberka diiwaanka ee qofka iyo koontada qofka arintaas oo boolisku sheegay inaysan ahayn wax boolisku sameeyo marnaba ee ay tahay tuugo dadka khayaamaysa lagana digtoonaado.

Xigasho/kilde:Svindelforsøkene øker: − De kan se alt på mobilen din

Nin hubysan oo boolisku toogtay xalay magaalada Rælingen.

Nin jira da´adda labaataneeyada (20), oo hubaysan ayaa boolisku xalay ku toogtay magaalada Rælingen oo kutaal duleedka Oslo kana tirsan gobolka Østland sida boolisku xaqiijiyey.

Ninkan oo lagu eedeeyey falal daran iyo qaadasho hub sharci daro ah goobaha dadwaynaha ayaa boolisku toogtay kadib markii uu xabado ku riday booliska hubna la dhexmaray banaanka dadku maro diidayna inay boolisku joojiyaan.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Håkon Berg oo ka tirsan booliska hawlgalkana hogaaminayey, waxaa toogashadu dhacday  04:45 habeenimadii sabtida kadib markii boolisku helay xogta kusaabsan ninka hubaysan.

Dad deris la ah goobta falku kadhacay ayaa sheegay inay kutooseen xili dambe oo habeenkii ah qaylo iyagoo u maleeyey markii hore muran deriskooda dhex maraya, balse markii ay kaceen ay maqleen xabado dhacaya iyo qaylada banaanka, arintaas oo ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Booliska ayaa sheegay inaysan ka hor dhacayn faahfaahinta arinta kusaabsan falkan inta xog dhamaystiran laga helayo, waxaana cusbitaalka lagu dabiibayaa ninkii hubaysnaa ee boolisku toogtay kadib markii uu xabado ku riday qorigana dhankooda usoo fiiqay.

Dhanka kale Berg ayaa sheegay hoostana ka xariiqay inay xaalada gacanta si buuxda ugu hayaan bulshada Rælingen ku noolna amnigoodu sugan yahay.

Xigasho/Kilde: Mann i 20-årene skutt av politiet i Rælingen: − Forferdelig dramatisk

Twitter: Shaqaalihii shirkada Twitter badankoodii oo lakala diray iyadoon digniin lasiin.

Kadib markii dhawaan uu iibsaday maalqabeenka Elon Musk shirkada Twitter ayaa maalmihii khamiista iyo jimcada waxaa banaanka la dhigay badi shaqaalihii shirkda Twitter iyaga oo loo diiday inay albaabada kasoo galaan xafiisyada shirkada iyo inay gudaha ugalaan iimayladii shirkda iyo systemkii ay ku shaqayn jireenba.

Arintan ayaa sida lasoo warinayo saamaysay inta badan shaqaalaha shirkada Twitter oo gaadhaya 7.500 waxaana laga yaabaa in intooda badan shaqada laga cayriyo oo aysan dib ugu soo noqon shaqda shirkda.

Qaar badan oo shaqaalaha kamida ayaana helay fariimo ah inay shaqada waayeeen, halka qaarna loo diray fariimo iyo waydiin ah inay shaqada siiwadanayaan iyo inkale kadib markii uu shirkada lawareegay Elon Musk oo ah aasaasaha iyo mulkiiha shirkada soo saarta baabuurta korontada ee Tesla ahna ninka dunida ugu lacagta badan xiligan.

Waxaa lasoo warinayaa in shaqaalihii ka shaqaynayey shirkada Twitter uu soo wajahay jahawareer balaadhan, cabsi shaqo la´aan, xanaaq ay ka qaadeen sida kedisada ah ee loola dhaqmay iyadoo aan lasiin wax digniin ah oo ah in shaqada laga eryey mudo 60 casho kahor ah.

Waxaana la arkayey saaka jimcadii shaqaalaha oo iridaha xafiisyada shirkada Twitter ka noqonaya kadib markii ay u shaqayn waayeen kaadhadhkii ay ku geli lahaayeen gudaha waxaana la arkayey gudaha xafiisyada shirkada oo waaqla ah oo aan cidi joogin.

Mulkiilaha shirkada ayaa dhawaan lawareegay maamulka shirkda isaga oo eryey oo meesha kasaaray maamulihii hore ee shirkada Parag Agrawal waxa uuna ku fadhiistay kursiga laga maamulo shirkada.

Waxa kale oo kamida dadka madaxda ka ahaa ee uu eryey Musk maamulihii maaliyada shirkada Ned Segal, madaxii siyaasada ee shirkada Vijaya Gadde waxaana laga yaabaa in ilaa 3700 oo shaqaale ah shaqada laga eryo oo lakala diro sida war baahintu warinayso.

Waxaa kaloo shirkadu fariimo udirtay shirkado badan oo soo saara baabuurta lana lahaa heshiis xayaysiin ah shirkada Twitterka iyaga oo loo sheegay inay joojiyaan lacagihiii ay xayaysiiska ku bixin jireen ilaa amar dambe si ku meel gaadh ah.

Shirkadaha baabuurta soo saara ee arintani saamaysay ayaa waxaa kamida Audi, Skoda, Porsche, Volkswagen, shirkadadahan qaar ayaana tartan xaga ganacsiga baabuurta ah uu kala dhaxeeyey Musk oo ah mulkiilaha Tesla.

Sidoo kale shirkado soo saara daawada oo ay kamid yihiin Pfizer iyo General Millsa ayaa iyana fariin loo diray loogu sheegay inay hakiyaan lacagihii ay xayaysiisyada ku bixinayeen ee marayey Twitterka.

Qaar kamida shaqaalaha shaqada laga joojiyey ayaana dacwad wada jira ka gudbiyey shirkada Twitter iyaga oo ku an dacoonaya in sifo aan sharci ahayn loo maray shaqajoojinta si baahsan oo kooxo ahna shaqaalaha shaqada looga joojiyey iyada oo aan digniinta shaqa joojinta ee 60 ka maalmood ah lasiin.

Dhanka kale war baahinta qaar ayaa qoraya in Musk uu sheegay inuu samaynayo madal amaana oo ilaalilsa xoriyatul qawlka uuna dib ugu furayo bartiisii Twiitterka madaxwaynihii hore ee maraykanka Donald Trump oo la xanimay bartii uu Twitterka ku laha kadib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay sharciga udegsan shirkadaas iyo dalka maraykankaba mudo hore.

Waxaana hada shirkada soo wajahay hoos udhac dhaqaale oo baahsan.

Xigasho/kilde:Musk har startet slankingen av Twitter

Denmark: Haweenay uur leh baa tooray lagu dilay balse waxaa la badbaadiyey ilmihii.

Dalka Denmark waxaa lagu dilay haweenay uur leh kadib markii nin dhalinyaro ah oo aan wali laamaha amnigu gacanta kudhigin uu tooray ladhacay oo ku dilay.

Dhanka kale waxaa la bad baadiyey ilmihii uurka ku jiray sida booliska dalkaas iyo laamaha caafimaadku sheegeen.

Haweenaydayn oo da´ahaan ahayd 37 jir kana soo jeeda dalka Afghanistan kuna noolayd Denmark ayaa xili ay shaqada kasoo baxday waxaa jidka ugalay oo tooray ladhacay nin dhalinyaro ah kaas oo gaadhsiiyey dhaawac culus oo markii dambe ay cusbitaalka ugu dhimatay markii la geeyey.

Sida uu maanta jimcadii warbaahinta u xaqiijiyey Kim Løvkvist oo katirsan booliska dalkaasi , waxa la bad baadiyey ilmihii uurka kujiray oo ah wiil waxaana lagu dabiibayaa oo xaaladiisa laguala tacaalayaa cusbitaalka dawlada ee caasimada dalkaasi Copenhagen.

Sida booliska dalkaasi sheegeen waxaa wali baxsi kujira oo aan gacanta lagu soo dhigin qofkii falkaas geystay oo boolisku sheegay inuu qorshihiisu ahaa inuu beegsado haweeynaydaas uurka lahayd sida loo malaynayo.

Qof ay saaxiibo ahaayeen haweeyanyda geeriyootay oo dhacdada goob joog u ahaa iskuna dayey inuu joojiyo ninka wax dilayey balse aysan usuuro gelin ayaa sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah da´da teenageka ee 13 ilaa 19 inta udhexaysa ah.

Booliska ayaana sheegay inay rabaan inay laxidhiidhaan laba wiil oo dhalinyaro ah oo goobta marayey isla xiliga falku dhacayey, waxayna ka codsadeen dhamaan dadkii goobta kusugnaa inay booliska lasoo xariiraan.

Xigasho/Kilde: Gravid kvinne drept i Danmark: − Barnet har det etter omstendighetene bra

.

Leysin nooca ah ma heysataa: Waa inaad cusbooneysiisaa kahor sanadka cusub.

0

Dhamaan dadka heysta leysinka baabuurta ee baceysan( Bac lagu kooleeyay), ee la bixiyay wixii ka horeeyay sanadkii 1998-da ayaa lagu wargaliyay in inta ka horeysa sanadkan cusub ay leysinka cusbooneysiistaan, ayna qaataan noocyadda leysinka cusubb.

Laga bilaabo kowda(1) bisha January(1) ee sanadka 2023, leysinadda noocaas ah ee la bixiyay wixii ka horeeyay 1998 ayaan ka shaqeyn doonin gudaha Norway. Dadka ay arrintan khuseyso ayaa helay

Ilaa 50.000 qof oo Norway ku nool ayaa wali wata leysinka noocaas ah( Sawirka hore), waxeyna hey’ adda gaadiidka iyo wadooyinka ee Vegvessen ay dadkaas ka codsoneysaa inay leysinka cusbooneysiistaan inta uusan dhamanaan sanadkan.

Qofka aan leysinka noocaas ah wata ee aan cusbooneysiin mudadda loo qabtay ee ka dhiman sanadkan, ayaa lumin doono ogolaanshaha baabuur wadista, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hey\ adda wado marista. Wuxuuna qofka dib usoo ceshan karaa leysinka baabuur wadista, marka uu qaata noocyadda leysinka cusub.

Sidaas darteed hey’ adda ayaa dhamaan dadka leysinkaas heysta wali ku wargalineyso inay leysin cusub soo dalbadaan bisha November, ugu danbeyna Desember 2022. Xafiisyo badan oo kamid kuwa hey’ adda gaadiidka iyo wadooyinka ayaa furnaan doono galbihii iyo waliba maalmaha dhamaadka isbuuca( Sabti iyo axad).

Xigasho/kilde: 50 000 må fornye førerkortet før nyttår.

Qoxootiga Norway oo maalintii qaata 68 kr: Xisbiga SV oo raba inuu wax badala

0

Dad badan oo qoxooti ku ah gudaha Norway, ayaa marka ay ku jiraan xeryahay qoxootiga ee kaamamka, waxey bishii qaataan taageero dhaqaale oo gaareyso 2.044 kr, taas oo u dhiginta 68 kr calaa maalintiiba. Lacagtaas ayay hey\ addaha qoxootigu ugu talo-galeen in qofka qoxootiga ah uu ku gato cunto iyo wixii kale ee baahiyihiisa ahba.

Taageeradda dhaqaale ee la siiyo qoxootiga ku jiro xeryahay kaamamka ah ayaa codsan karo taageero dhaqaale oo kala duwan. Waxeyna lacagta uu qofka ku jiro kaamka qaato ku xirantahay kaamka uu ku jiro, meesha uu ku yaalo, in kaamka uu maqaaxi cunto leeyahay iyo inkale, in qofku uu ilmo wato, meesha uu codsiguusu marayo iwm.

Xisbiga SV oo kamid ah xisbiyada garabka bidix ee siyaasadda Norway ayaa sheegay in lacagtaas la siiyo qoxootiga ku jiro kaamamka ay tahay mid aad u yar. Waxeyna soo rabaan inay dowlada kula gorgortamaan kor u qaadista lacagta la siiyo dowlada.

Dowlada ayaa u baahan taageeradda xisbiga SV, si ay u meelmariso miisaaniyada sanadka 2023. Grete Wold oo katirsan xisbiga SV ayaa sheegtay in maadaama uu sicir barar aad ah ku yimid qiimaha cuntada iyo nolosha Norway, ay muhiim tahay in sidoo kale kor loo qaado taageeradda dhaqaale ee la siiyo qeybaha bulshada ee dhaqaale ahaan tabarta daran. Waxeyna sheegtay in xisbigeedu uu rabo in lacagta la siiyo qoxootiga ku jiro xeryaha qoxootiga ugu yaraan la-labo jibaaro.

Isbuuca danbe waxaa si rasmi ah u bilaaban doono wada-hadalka xisbiyada ee ku saabsan meelmarinta miisaaniyadda sanadka 2023.

Xigasho/kilde:Asylsøkere i mottak får 68 kroner dagen – nå vil SV doble støtten.

Ruushka oo u hanjabay Norway: Talaabo walba, cawaaqib ayay leedahay.

0

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Garh Støre iyo wasiirka difaaca Norway Bjørn Arild Gram ayaa maalintii isniinta aheyd ee isbuucan sheegay in Norway ay kor u qaadeyso feejignaanta iyo heeganka dhinaca amniga, iyada oo loo sababeynayo duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dagaalka socda.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegay in Yurub ay kujirto mid kamid ah xiliyadii colaadeed ee ugu adkaa tan iyo dagaalkii koowaad ee aduunka. Sidaas darteed ay muhiim tahay in Norway ay kor u qaado feejignaanta amni. ayna wada-shaqeyn iyo xiriir iskaashi amni oo dhow la yeelato saaxibadeed, si qaab wadajir ahaaneed looga hortago hadiiba ay xaalad amni abuurato.

Ruushka: Anagu dhibta ma wadno ee waa idinka.

Maria Zakharova oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, ayaa iyada oo ka hadleyso talaabadda ay qaadey dowlada Norway, hanjabaad toos ah iyo mid dadbanba hawada usoo mariyay dowlada Norway. Waxeyna sheegtay in heeganka amni ee dowlada Norway ay sheegtay uu yahay mid ka dhashay talaabooyinka ay qaadeen reer galbeedku, balse aysan aheyn wax Ruushku uu lug ku leeyahay.

Mariya ayaa sheegtay: Waxey dhaheen arrintan waxaa xaaladdan halista ah abuuray ficilada Ruushka. Maya, sidaas ma ahan. Anaga kama dambeyno ee idinka reer Galbeedka ayaa waxa dhacaya oo dhan sabab u ah. Idinka ayaa qaaradda ka sameeyay xasilooni darida, waxaadna wadeen sanado badan.

Afhayeenka u hadlay dowlada Ruushka ayaa sidoo kale dowlada Norway ku eedeysay inay qeyb ka tahay Gaashaan buurta kasoo horjeedo Ruushka. Waxeyna sheegtay in Norway ay dhulkeeda ku casuuntay awoodo ajnabi ah oo danaha Ruushka kasoo horjeedo

Waxaan dareemeynaa in xaaladda xuduudkeena ka socoto ay abuuri karo xasilooni daro iyo xaaladda oo deg-deg u kici karto. Waxeyna ugu danbeyn xumeyn doontaa xiriirka ka dhaxeeyo Norway iyo Ruushla.

Iyada oo hanjabaad jeedineyso ayay afhayeenka Ruushku sheegtay:

Anaga naguma xirna taas. Ruushku wuxuu waligaa ahaa mid u furan adkeynta wadahadal ku dhisan daacadnimo iyo is qadarin. Laakiin talaabo walba oo aan habooneyn oo anaga naga dhan ah, waxaan kala hortagi doonaa jawaabta u qalanta.

Xigasho/kilde: Russland truer Norge: – En villet og destruktiv utvikling.

Daawo: Qofka diidmo kama dambeys ah ka helay codsiga magangalyada, sharci bini-aadantinimo ma heli karaa?

0

F.G:Muuqaalkan wargalinta ah, wuxuu si gaar ah ugu socdaa guruubka uu khuseeyo ee ka faa’ iideysan kara. Waana wargalin la xiriirta barnaamijka assistert retur ee hey’addaha qoxootiga Norway: https://www.udi.no/retur/hva-er-assistert-retur/


Marka qof qoxooti ah oo magangalada ka codsaday hey\ addaha qoxootiga Norway, waxaa mararka qaarkood qofkaas usoo baxdo fursad kale oo ah inuu helo sharci bini-aadantinimo, isaga oo diidmo ka helay kii uu codsaday ee magangalyada qoxootiga.

Hadaba maadaama dadka magangalyada diidmadda ka helay codsiga magangalyada, ay u badanyihiin dad aan aqoon wanaagsan u laheyn luuqadda iyo shuruucda Norway, waxaa mararka qaarkood dhacda in dadkaas ay rumeystaan warar aan rasmi aheyn oo ku saabsan qaab kale oo Norway sharci looga heli karo. Taas oo qofka ku abuurta rajo aan sugneyn, ugu danbeyna keeni karto niyad jab shaqsiyeed.

Muuqaalkan hoose waxa uu ka jawaabayaa mid kamid ah su aalaha ugu badan ee dadku iska weydiinayaan arrintaas. Kuna saabsan qaabkee iyo jaanis intee leg ayuu qofku heystaa, si uu magangalyo ku dhisan bini-aadantinimo ugu helo hey\ addaha qoxootiga Norway.

Erna Solberg: Ciqaabta Dhalinyarada danbiyada gasha, waa in la fududeeyo.

0

Habeenkii xaley ahaa waxaa magaaladda Oslo ka dhacay rabshado dhexmaray booliska iyo dhalinyaro badan, taas oo ka dhacday xaafadda Furuset ee magaaladda Oslo. Dhalinyaraddan ayaa booliska kala hortagay dhagax-tuur iyo ooris, sida ay boolisku sheegeen.

Reysulwasaarihii sanad kahor xilka ka tagtay ee Erna Solberg ayaa sheegtay in arrin aan laga aamusi karin ay tahay in dhalinyaro badan oo xadka da´eed ee ciqaabta xabsiga aan gaarin, ay galaan danbiyo badan. Waxeyna sheegtay in loo baahanyahay in wax laga badalo xeerarka ciqaabta Norway, si loo helo nidaam ciqaab ay ku muteysan karaan dhalinyaradda.

Solberg oo sideed sano oo isku xigto reysulwasaare ka aheyd Norway ayaa sheegtay in xeerka ciqaabta dhalinyaradda ee hada shaqeeyo uu yahay mid duugoobay oo aad saameyn laheyn. Dhalinyaraduna ayba ku qoslaan xeerkan, maadaama uusan wax ficil ah oo la daaban karo aan laga qaadin dhalinyaradda danbiyada isku xig-xiga geysata.

Xisbiga Høyre oo ay hogaamiso Solberg ayaa sheegay ina soo jeedinayaan in wax la badalo xeerka ciqaabta dhalinyarada aan qaangaarka aheyn.

Xigasho/kilde: Vil gjøre det enklere å straffe unge som bryter loven.

Bergen: Taksiile mindi la galiyay

0

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladda Bergen, taksiile ka shaqeeyo magaaladda ayaa waxaa daqiiqado kahor garabka laga galiyay mindi. Taksiilaha oo dhaawac ah ayay boolisku sheegeen in loo qaaday isbitaalka Haukeland.

Dhaawaca taksiilaha ayay boolisku sheegeen in uusan aheyn mid halis ah. Waxaana dhacdaddan loo qabtay nin ay boolisku ku sheegeen inuu yahay sodomeeyo jir.

Boolisku wali ma sheegin sababta ka danbeyso dhacdadan, iyo xiriirka ka dhaxeeyo taksiilaha la dhaawacay iyo ninka falka geystay. Waxeyna boolisku wali baaritaano ka wadaan goobtii uu falka ka dhacay.

Mulkiilaha gorillaha Bua Noi 30 Milyan ayaan rabaa si aan usii daayo 33 sano kadib.

Hay’addaha xaquuuqda xayawaanaadka udooda ayaa codsanaya in gorillaha  loo aqoonsan yahay kan dunida ugu murugada badan ee Bau Noi oo mudo 33 sano ah meel ku xidhan lasii daayo ama meesha laga bedelo.

Bua Noi ayaa nolosheeda in kabadan 30 sano kuqaadatay kelinimo iyo inay kunooshahay shabaq ama qafis beerta xayawanada ee lagu magacaabo Para ee magaalada Bankog ee dalka Thialland. 

Edwin Wiek oo ah madaxa ururka WFFT loona aas-aasay udoodista xaquuqda xayawaanaadka ayaa sheegay in Bua ay halkaas ugu dhimanayso caajisnimo iyo murugo.

Gorriladan ayaa markii hore waxa laga soo waariday ama laga keenay qaarada Africa, waxaana lagu yaqaanaa  gorrilayaasha dhulkaas kunool kuwo unool qaab bulsho,  koox koox iyo habab qoys qoys ah sida ay sheegeen dadka xaquuqda Bua udoodaya.  

Laakiin sida dadkan xaquuqda Bua udoodaya ayaa sheegaya in cimrigeeda inta badan oo gaadhaya mudo 30 sano ah ay ku nooshahay nolol kelinimo iyo murugo ah.

Waxaana hada Bua loo aqoonsanyahay gorillaha dunida ugu murugadda badan inay  tahay iyada oo internetka lagu faafiyey sawiro muujinaya murugada kamuuqata Bua.

Sidoo kale wargeyska The Sun ayaa qoray in habka nolosha Bua tahay mid qalbi jab ah oo aad u murugo badan. 

Dad badan oo  xaquuqda xayawaanaadka  udooda iyo dad caan ah ayaana marar badan ka hadlay nolosha goriilaha Bua Noi, waxaana kamida heesaayada caanka ah ee Cher iyada oo kahadashay 2020.  

Cadaadis badan kadib  wasiirka  deegaanka ee dalka Thailan ayaa sheegtay inay Bua u warejinayso meelkale oo ay ka heli karto xayawano kale sida gorollayaal iyo cimilo ku haboon.  

Laakiin waxaa arintaa is hor taagay mulkiilaha Bua  oo dalbaday in lagaga iibsado qiimo aad usareeya oo ah 30 Milyan oo lacagta dalka Thailand ee Baht ah, taas oo udhiganta 8 Milyan oo  lacagta Norway ah (Kr) ama 800 boqol oo kun oo dollar lacag noqonaysa. 

Mulkiikaha Bua  ayaa intii  aan lasoo rogin sharciga ka hortaga dabar goynta dugaaga kusoo iibsaday qiime hooseeya Bua halkaasna usoo waariday.

Waxaana qaar kamida dadka xaquuqda  xayawaanaadka udoodaa hada ku doodayaan in Bau ku nooshaahay nolol tacadi ah iyo mid kamida xeryaha xayawaanka lagu xanaaneeyo ee dunida ugu xun.

xigasho/kilde: Kjemper for at gorillaen Bua Noi skal bli fri

NIBR: Mid kamida afartii qof ee Yukreyniis ah ayaa raba inuu laabto xataa hadii dagaalku dhamaado.

Sida lagu wado sanadkan gudihiisa ilaa sanadka dambe waxaa lafilayaa qaxoontiga ka imanaya dalka Yukreyn ee Norway imaanaya inay gaadhaan 70.000, xili dagaalka dalkaas ka socda marmarka kadambaysa khasaarahu sii badanayo noloshuna meelaha qaar sii adkaanayso.

Warbixintan oo isniintii lasoo bandhigay ayaa lagu baahiyey wargeyska Aftenpost, waxaana lagu sheegay in afartii qof ee yukreyniyiin ah ee hada kusugan dalka Norway uu mid kamida rabo inuu kulaabto dalka Yukreyn xataa hadii dagaalku dhamaado.

Waxaana laga yaabaa inta badan 70.000 kun ee lafilayo inay sanadkan iyo kadambe Norway soo gaadhaan ay intooda badani kusii waari doonaan dalka Norway xili dheeer.

Cilmi baadhis uu sameeyey machadka cilmi baadhista magaalooyinka iyo gobolada ee Norsk Institutt for by-og regionsforskning (NIBR) ayaa waxaa su´aalo lagu waydiieyey 700 oo ah soo galootiga yukreyniyiinta ah ee hada kusugan Norway.

Boqolkiiba 26 ayaana sheegay inay rabaan inay dalkooda ku noqdaan isla marka dagaalku dhamaado, sdoo kale tobon kii qofna laba kamida waxa ay go´aansadeen inay Norway ku noolaadan halka kalabadh dadkaasina ay sheegeen inaysan hubin go´aanka ay qaadanayaan.

Xog aruurinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in boqolkiiba 3 ay rabi lahaayeen inay kunoqdaan Yukreyn xataa hadii ay tahay inay ku noolaadaan meelkale oo aan ahayn meeshii ay hore ugu noolaayeen ama guryahoodii oo aan dagaal kajirin, boqolkiiba 66 ayaana doorbidaya inay Norway kusii noolaadaan mar hadaysan gurigoodii kunoqon karin.

Hadii guryahoodii ama magaaladii ay kayimaadeen ay nabad noqoto iyada oo aan dagaalku dhamaana waxaa sheegay inay noqonayaan boqolkiiba 11.

Sida warbixinta lagu sheegay ilaa hada sanadkan 2022 waxaa codsiyadooda nabad galyo doon Norway usoo gudbistay 31.000 oo ah Yukreyniis haysta dhalashada dalka Yukreyn, UDI ayaa sidoo kale sheegtay inay sugayaan sanadka dambe inay yimaadaan ugu yaraan 30.000 oo ah barakacayaal Yukreyniis ah hadii dagaalku sii socdo.

Xigasho/kilde: Kun en av fire ukrainere vil hjem – selv om krigen slutter

Muqdisho. 100 ayaa dhintay dhaawacuna 300 ayuu kor udhaafaya.

Khasaaraha qaraxyadii iyo weeraradii ismiidaaminta  ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo aad usii kordhaya, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka dowladaha Soomaaliya.

Sida madaxwaynaha dalka Soomaaliya warbaahinta u xaqiijiyay, ugu yaraan 100 qof ayay dhimashadu gaareysaa, halka dhaawacyaduna ay  300 kor u dhaafi karaan.

Qaraxyadan oo shalay galab  lala beegsaday wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya,  oo kutaala agagaarka is goyska  Zoob,  horana qarax dad badani ku naf waayeen oo khasaare balaaran gaystay loola beegsaday 14 bishii tobnaad ee  2017, ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka argagixisada Alshabaab.  

Madaxwaynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegtay in qaraxa loo adeegsaday laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

 Sida dowlada Soomaaliya ay sheegtay, sabtidii ayaa dhimashada lagu sheegay 29 qof laakiin  axadii maanta ayay tirada dhimashadu gaarta 100 qof iyo dhaawaca oo, halka dhaawucu uu 300 oo qof gaari karo.

Afhayeenka booliska  ayaa sheegay in qaraxyada ismiidaminta ah  dadka ku naf waayey ay  u badan  yihiin dad shacab ah oo aan  waxba galabsan. Waxuu kaloo afhayeenku sheegay in afar kamida maleeshiyada argagixisadu ay ku lug lahaayeen weerarka.

Dhanka kale shacabka magaalada Muqdisho iyo hay´adaha dawlada oo is garabsanaya ayaa gurmad ugu jira sida ay u caawin lahaayeen dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay weerarada.

Waxaa saaka la arkayey dad aad u badan oo faylal ugu jira cusbitaalada magaalada Muqdisho sidii ay dhiig ugu shubi lahaayeen dadka ku dhaawacmay weerarada ee dhiiga ubaahan. Dhanka kalana waxaa jira dhalinyaro is abaabushay oo cuntooyin, biyo iyo waxii kale ee ay awoodaanba uqaybinaya dadka cusbitaalada jiifa iyo eheladooda lajooga.

Degmada Oslo waxaan yaraynayna isticmaalka korontada.

Maamulka degmada Oslo ayaa ku dhawaaqay inay yaraynayaan isticmaalka korontada magaalada Oslo si loo dhaqaaleeyo adeegsiga korontada ee degmadda. Waxaana maamulka magaalada Oslo ku sababeeyeen arrintan, saamaynta dagaalka kasocda Yukreyn, dhibaatada dhaqaale ee kajirta qaarada Yurub iyo dhibaatada korontada oo iyana saamayn kuyeelatay degmada Oslo xiligan.

Sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka magaalada Oslo Raymond Johansen, waxaa hada sida magaalooyinka kale ee dalka Norway soo gaadhay degmada Oslo xaalad degdega oo laxiriirta korontada qaaliyawday iyo in ay bixiyaan lacag aad u badan oo ah korontadii la isticmaalay. Sida uu Raymond Johansen sheegay lacagta korontadaas lagu bixinayo in looga baahan yahay meelo kale sida iskuulada, goobaha xanaaada caruuraha (barnehager) iyo adeegyada kale ee laxiriirta caawinta adeegyada dadwaynaha ee degmadu bixiso.

Maamulka degmada ayaa sheegay in arinta u wayn ay tahay sidii looga hortegi lahaa in heli waayo koronto ku filan degmada Oslo.

Maamulka magaalada ayaa sidaa daraadeed soo rogay go´aano cusub oo lagu yaraynayo isticmaalka korontada magaalada Oslo , waxuu kaloo sheegay in hada yaraynta isticmaalka korontada aysan saamayn ku yeelan doonin goobaha caafimaadka.

Go´aaada lasoo rogay ayaa waxa kamida.

  • In heerkulka goobaha xafiisyada, goobaha localada, iskuulada, goobaha xanaanada caruurta, goobaha gaadiidka dadwaynaha, musqulada dadwaynaha ee degmadu maamusho aan laga badin doonin 20 degree kuleeliyaasha. Qaarkoodna hoos loo dhigi doono heerkulka kulayliyaasha si koronto loo dhaqaleeyo.

Maamulka degmada ayaa sidoo kale sheegay inaysan hada go´aamadani saamay kuyeElan doonin in xiliyada ay furanyihiin layareeyo, laakiin ay kafakerayaan inay arintaas sameeyaan hada kadib, goobaHA ay kamidka yihiin maktabaddaha, iskuulada, gaadiidka dadwaynaha, xiliyada shaqada xafiiskayada, yaraynta bixinta korontada baabuurta Elbilka ah, daminta iyo yaraynta laydhahka ku xidhan wadooyinka.

Xigasho/kilde: Oslo sparer strøm.

Norway oo cambaareysay weeraradii qaraxyada ee Zoobe.

0

Dowlada Norway ayaa cambaareysay weerarkii is-xigxigay ee qaraxyadda loo adeegsadday, kuwaas oo shaley lagu qaaday wasaaradda guriga wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Inta ilaa hada la xaqiijiyay, waxaa weeraradaas ku dhintay dad kor u dhaafayo 100 qof, halka dhaawucu uu marayo ku dhawaad 273 qof. Waxaa sidoo kale qaraxyaddan ku burburay ganacsi iyo hanti aad u badan oo ilaa hada aan la tirokoobin. Isgoyska Soobe ayaa ah isla goobtii uu shan sano kahor ka dhacay qaraxii weynaa ee Zoobe 1. Kaas oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 800 qof oo soomaali ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda dalkan Norway ee Soomaaliya u qaabilsan, ayaa lagu sheegay in Norway ah cambaareyneyso weerarkaas. Norway ayaa sidoo kale tacsi u direyso dadkii ku waxyeeloobay weeraradaas iyo ehelkoodaba.

Oslo: 31 xagjire oo shaley lagu qabtay Oslo, lana musaafurin doono.

0

Shaley waxaa senterka magaalada Oslo, iyo afaafka aqalka baarlamaanka Norway mudaaharaad ku dhigay ururka xagjirka midigta fog ee islaam iyo ajnabi naceybka ku fogaaday ee Den Nordiske Motstandsbevegelsen. Waxaa isku dhac uu dhex maray booliska oo rabay inay kala diraan dadkan isku soo baxay.

Booliska ayaa qabtay, ganaax lacageed oo 6000 kr gaarayana dulqaasaray 35 qof oo katirsan xagjireyaasha ururka Den Nordiske Motstandsbevegelsen. 31 kamid ah dadkaas ayayna boolisku sheegeen inay ahaayeen dad ajnabi ah oo aan Norway u dhalan, halka 4 qof soo hartay ay ahaayeen Norwiiji.

Sababta ay boolisku dadkan u ganaaxeen ayay ku sheegeen in aysan raacin shuruucda iyo xeerarka ay boolisku u dajiyeen isku soo baxyadda. Maadaama aysan xubnahan booliska soo weydiisan ogolaansho kahor inta aysan banaanbaxa qaban.

Booliska ayaa sheegay inay dalka ka musaafurin doonaan 31-ka xagjire ee ajnabiga ah ee shaley ka qeybqaatay isku soo baxa ururkaas. Waxeyna intooda badan kasoo jeedaa Sweden, halka qaarkoodna ay Denmark kasoo jeedaan.

Xigasho/kilde: 31 deltakere på nazidemonstrasjonen blir bortvist fra landet.

Xusuuso: Caawa saacadda dib ayaa loo celin doonaa hal saac.

0

Sanad walba marka la gaaro axadda ugu danbeyso ee Bisha October, waxaa waqtiga Norway iyo dalalka kale ee Woqooyiga Yurub dib loo celiyaa hal saac. Axadda ugu danbeyso ee bisha October ee sanadkan ayaa ku beegan caawa oo axad soo galeyso. Waxaana caawa saq-dhexe la gali doonaa xiliga qaboobaha, iyada oo saacadda hal saac dib loo celin doono.

Saacaddaha digitalka ee mobilada iyo computeradda ayaa intooda badan si automatic ah isku badala, balse saacaddaha ku xiran guryaha, baabuuradda iyo kuwa gacanta ee aan digitalka aheyn ayaa u baahan in la badalo, oo dib loo celiyo hal saac.

Dad badan ayaa ku wareera in saacadda dib loo celiyo, iyo horey loo dhigo marka la gaaro October ama dhamaadka bisha Maarso. Balse hal qaab oo aad ku xusuusan karto ayaa ah in saacadda marka qaboobaha( October) hal saac dib loo celiyo, halka xiliga kuleylkana( Maarso) hal saac hore loo dhigo.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.