fredag, april 19, 2024

Norway: Dadka deegaannadan kunooli wa inay sameyaan diyaar garaw maskaxeed iyo mid cunto iyo agab ahba.

Xili laga cabsi qabo inay daadad xoogani kusoo fatahaan qaar kamida gobolada dalka Norway ayaa maamulka gobolka Innlandet ugu baaqayaa dad waynaha deegaanadaas inay diyaar garaw sameeyaan.

Maamulka gobolka ayaa bulshada ugu baaqaya inay u diyaar garoobaan sidii ay u xamili lahaayeen mudo dheer oo korontadu ka maqnaato, sidoo kalana ay u heli lahaayeen qaab ay dunida kula xodhiidhi karaan hadii ay dhacdo in isgaadhsiintu ka maqnaato mudo dheer.

Waxaa kaloo loogu baaqayaa bulshada inay kaydsadaan cunto, daawo, agab  iyo sidoo kale inay hab maskax ahaan ah  ugu diyaar garoobaan inay  galaan xaalad adag oo koronto, cunto iyo  isgaadhsiin la´aan ah.

Sida la xasuusto sanadkii hore bishii 11-aad ayaa waxaa ka dhacay gobolada koonfurta Norway  daadad xoogan arintaas oo sababtay inay dhacaan biraha xadhkaha korontada iyo isgaadhsiinta qaada iyo sidoo kale inay go’aan buundooyin isku socodkiina hakad xoogan galay.

Sidoo kalena qaybo kamida gobolka Innlandet ayaa korontadu kamaqnayd malmo dhawr ah, arintaas oo sbabatay in xarumaha korontada iyo teleefoonadu koronto la’aan noqdaan kaydadkii beytariyaduna dhamaadeen.

Wargayska Vg oo waraystay kal hore  Rune Stenslette (58), ayaa sheegay in si uu u helo khad telefoon ama anteeno uu 5km gaadhi ku aadi jiray. 

Rune ayaana  sheegay sida ay u adkayd in uusan   waci karin  gurmadka deg dega ah, gaadhi wadan karin, cuntona soo iibsan karin taasoo muujinaysa adkaanshaha xaaladaha noocasi markay dhacaan iyadaan  loo  diyaaar garoobin.

Maamulka gobolka innlandet ayaa sheegay inay dhankooda samynayaan diyaar garaw ka maamul ahaan, iyaga oo wax kabartay dhacdooyinkii hore loosoo maray. 

Laakiin ay dadka farayaan inay dhankooda udiyaar garooban inay is dabari karaan marka xaaladuhu  adkaadan gurmad deg-deg ahna aan lasoo gaadhsiin karin.

Dhanka kale  madaxa xafiiska  badbaadada iyo gurmadka bulshada  ee gobolka Innlandet Asbjørn Lund ayaa ku booriyey dad waynaha inay lasocdaan ogaadana  talooyinka iyo liiska hay’ada  badbaadada iyo gurmadka bulshada   (DSB) ugu talo gashay in qofku kaydsado si uu ugu diyaar garoobo musiibo dhacda.  

Hay’ada gurmadka  iyo diyaar garawga musiibooyinka bulshada ee (DSB) ayaa sidoo kale hore bulshada ugu wacyi gelisay inay diyaar garaw shakhsi, qoys iyo mid maskaxeedba sameeyaan xiligii dagaalku ka qarxay dalka Yukreyn xaalada dalalka Yurubna noqotay mid hubanti la’aan ah.

Talooyinka iyo liiska  waxyaalaha qofka  looga baahan yahay inuu haysto gurigana u yaalaan si uu ubad baadi karo ama u xamili karo hadii uu go’odoon galo mudo ayaa waxaa laga heli karaa webka hay’ada gurmadka iyo diyaar garawga bulshada www.dsb.no iyo xarumaha maamulka deegaanka aad kunoshahay.

xigasho/Kilde: Statsforvalteren ber folk forberede seg på strømbrudd: − Viktig å ha en plan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x